Sign in to follow this  
Cowke

Caano-geel Travells Thru Somaliland (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

11244.jpg

 

Jidk.JPG

 

hadraawi_1.JPG

 

labi_1.JPG

 

geel.JPG

 

 

Socdaalkaygii Soomaaliya: Waa sidaan soo arkay.

 

Cabdi-Razaaq Yaasiin Faarax (Caano-geel)

 

Waa sil silad xaaqiiqo xambaarsan, laga bilaabo Berbera ilaa Boosaaso, dhabta qaybo ka mid ah dhulkeena hooyo oo layskaba ilaaway, waxaadna moodaa in manta la soo gaaray heer bislaansho oo kala tagga iyo kala go’a Soomaaliya lagu diidanyahay oo qaybo badan dadka reer Waqooyigu ay ku dhiiranayaan inaysan dhib lahayn in midnimmada Soomaaliya laga wada hadli karo.

 

Berbera hagar ayaa laga galay

 

Waxaan ka dhul bilaabay safarkaygii Soomaaliya magaalada Berbera oo noloshayda aanan horay u arag laakiin war badan iguma seeganayn xagga cimilada oo xilligan waxaa lagu jiray xagaagii oo kulayl bay ahayd, kolka ay diyaaraddu soo cagga dhigatay waxaa garab yaacayey gawaari ay leeyihiin shirkadaha diyaaraduhu si ay u dejiyaan rakaabka.

 

Marka aad banaanka u soo baxdid ka sokow holoca wajiga kaa leefaya ayaad haddana waxaad dareemaysaa kala daadsanaan iyo maamul xumi xagga maaraynta howlaha garoonka, mararka qaarkood ayaadan kala fahmi Karin shaqaalaha diyaaradda iyo kooxo kale oo iyana isaga soo qaraab taga ayraboorka oo risaaqadooda ka raadsada, waxaa iyana is dhex yaacsan shaqaalaha diyaaradda oo aad moodaa inaysan shaqadoodu kala calaamadsanayn.

 

Ceeb kama aha garoonka diyaaradaha magaalada Berbera haddii aad aragtid qaybo ka mid ah shaqaalaha oo gacmaha iyo jeebadaha ku sita Qaad (Jaad) oo xilligan kulul qayilaya, cidina kalama hadli karto oo qaadku waa iska caadi, :eek: isla markiiba waxaa kuu muuqanaysa shaqsiyaadka qaadka cunayaa inay anshaxa weydaarsan yihiin laakiin aysan iyagu taas wax dareen ah ka qabin.

 

Berbera waa meesha ugu weyn ee rakaabka diyaaradaha lagu kala qaybiyo, inta howshaasi socot heli maysid meel aad kaga gabato hanfiga iyo kulaylka caanka ay ku tahay magaalada Berbera xiliga xagaaga ee ay kulushahay, waxaana inta badan arintaasi raad reeb weyn ku samaysaa ilmaha (caruurta) qurbaha ku dhashay oo aan wax sawir ah ka haysan dhulkiisa hooyo mudana lagu shukaaminayey in fasax loo gayn doono, waxaana ay horay ka bilaabayaan oohin.

 

Waxay ila noqotay inaan waqti siiyo oo aan soo marmaro magaalada inta aanan ka amba bixin, Berbera oo iyadu mar ahayd meelaha ugu caansan xagga ganacsiga dalka Soomaaliya.

 

Marka aad fiirisid magaalada waxaa kaaga muuqanaya dayac xooggan waxaadna moodaa guud ahaan magaalada mid laga haajiray oo aan cidina maal gashan muda badanna laga maqnaa.

 

Sida ay ii sheegeen dadka gobolku magaaladan ayaa looga haajiray dhanka Hargaysa iyo weliba Burco, Berbera-se ma mudneyn sidan oo waa la dayacay.

 

Safarkaygu waxaa uu ahaa mid deg deg ah, waxay ila noqotay inaan dhulka ku safro oo aan dhex qaado magaalooyinka si aan u aragno qaab nololeedka iyo sida xaalka guud ee dad-weynuhu yahay. Waxaanu dalbanay baabuur naga qaadda garoonka diyaradaha Berbera ilaa Garoowe.

 

Ganjeelka weyn ee laga baxo garoonka diyaaradaha magaalada Berbera waxaa joogay askar waxaana ay inoo diideen inay naga furaan albaabka, waxaana aan maqlay wadihii gaariga aan saarnaa oo si qaylo sara ah askarigii albaabka joogay ku leh”Waa maxay lactaad naga rabto?” askarigii oo isagana indhaha galka ka soo saaray baa ku jawaabay “War gayr baskii (Gate Pass)

 

 

 

iska bixi “ Wadihii“Waa hagaagee na sii boono”Askarigii ” Kuma siinayo ee iska bixi lacagta” Wadihii oo aad moodo inuu fahmay lacagta laga rabo “ Na weydii bir qaad ee maahan gayr baas.”

 

Darawalkii ayaa dhiibay lacag shillinka Soomaaliland ah,waxaana uu askarigii ku jawaabay diin cay iyo miyaanu ku tuugsanayn iyo weliba isagoo lacagtii dhulka ku yaaciyey,waxaana uu sii furayey albaaka isaga oo caytamaya,waxaase mar aan gadaal u sii eegay uu urursanayey lacagtii uu dhulka ku yaacshay. :D

 

Inkastoo kulayl xun lagu jiray haddana dhulka waxaa ka jirta barwaaqo xooggan,waxaadna arkaysaa xoolaha oo daaqaya meelo aan magaalada sidaasi uga fogayn,waxaa jira dhul tuulooyin ah laakiin dad aan tiro badnayn ay ku noolyihiin, marka aad eegto nolosha waxaa si dhib yar aad u arkaysaa in dadku dan yar u badanyahay hase ahaatee waxaa ka muuqta qanacsanaan dhulkooda ay ku faraxsan yihiin.

 

Kantroolada Soomaaliland

 

Marka aad ku soo beeganto baraha kantaroolada waxaa taal bir iyo xarig yar waxana soo istaagaya askari ,wadaha baabuurka oo aan dhiniciisa fadhiyey ayaa salaamaya waxaana uu u dhiibaya lacag aan sidaas u badan oo magaceeda la iigu sheegay (Bir Qaad).Haddii aad u sii fiir satid shaqsiyada dhalinta goobaha kantaroolada jooga waxaa ka muuqada qadarin iyo ixtiraam,waxayna ku weydiinayaa wax dhib ahi ma jiraan,kulina waxay ka siman yihiin cunista qaadka oo u eg wax dhaqanka ay ku darsadeen.

 

SHiikh waa kobocday

 

Degmada SHiik ee gobolka Tog-dheer waxay ku taal buurta SHiikh dusheeda waxaana ay ka saraysaa dhulka intiisa kale waa meel aad u qabow aadna u qurxsan,waxaana quruxdeeda sii bilaya Illahay oo ugu roonaaday roobkii gugii dhoweyd da’ay, iyada oo dhana waa cagaar.

 

Waxaa ka muuqda koboc dhaqaale iyo fiditaan xagga dhismaha magaalada ah, waxaana marka aad magaalada galayso ku soo jiidanaya kuliyada xanaananada xoolaha ee degmada SHiikh oo dhismayaasheeda waaweyn dhinaca galbeed ay ka soo eegayaan.

 

Waqti badan kuma aan hakan degmada SHiikh, waxaana isla markiiba u hoobanay dhinaca dhulka carra sanka ah ee Togdheer.Waxay ahayd casar gaaban, waddaha oo ahaa dadka deegaanka ku dhashay wuxuu ii sharxayey dhulka iyo magacyadiisa waxaana aad ii soo jiitay Banka Aroori oo kolkaas aad u dooganaa xooluhuna ay mayracanayeen,waxaana ishaydu aysan dhamayn Karin waynaanta banka Aroori oo kolkaas cad ceedu ay ku mariintay falaareheeda.”goroyadu ukunteeda AROORI bay dhigtaayoo aboodigu ku layaa”.

 

Burco waa fiday waxaana fara kulul ku haya Geedi Yuhuudi :eek:

 

Magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer oo ay iigu horaysay sanaddii 1984 ayaa u muuqata mid aad u fiday waxaana isla markiiba ku soo jiidayana suuqyo waaweyn oo fikirkooda laga keenay dalalka carabta iyo galbeedka oo aad ka heli kartid wax kasta oo aad u baahan tahay,waa horumar la taaban karo hadddana waxaa dhinac yaal saluugmo uu dareemi karo shaqsiga jecel dalka kana ka yimid meelo horu marsan qalbigana ay kaga jirto masayr ah inuu arko dalkiisa hooyo oo meel kasta ka horu marsan.

 

Dhibta ugu weyn waxay ahayd dhinaca qashinka iyo bacaha oo ay u egtahay inaan wax xil ahba layska saarin, waxaana jira dareen ah in dadweyanah cashuurina aysan ku baaqan qashinkana aan laga gurin.

 

Soo dhex marida magaalada Burco ka sokow waxaanu go’aansanay inaanu seexano Hotel City Plaza ee magaalada Burco, waxaa ii bilaabatay baqdin markii aan arkay qoryo lagu waardiyeynayo Hotelka waxaana weydiiyey Wadaha “waa maxay askartani ?”waxaase uu u igu qanciyey in laga yaabo in Hotelka dad madax ahi ay joogaan.

 

Magaalada Burco aan soo galay abbaarihii 5tii galabnimo ayaa mar aan sidaas u fogayn waxaa ka da'ay roob xooggan,waxase guud ahaan magaalada hareeyey oo ****olay dariiqyadana qaar xiray geed aanan horay Soomaaliya ugu aqoon oo magiciisa la iigu sheegay geed Yuhuudi.

 

Hadal haynta ugu badan ee dadku ay ka hadalayaa waa is badalka ka dhacay Soomaaliland, waxana dadku aad ugu han weyn yihiin sida sharafta leh ee doorashadu u dhacaday iyo in is-badal macna leh yimaado.

 

Shakhsigii iigu horeeyey ee aan kula kulmay magaalada Burco Hotelka aan ka degay ee City Plaza wuxuu ahaa Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi).Qof ahaan Hadrawi waxaa uu qabaa in Soomaaliya midnimadeedu muqadis tahay iyadoo la raacayo habka Federalka,waxase uu aad ugu faraxsanaa in si nadiifa ay ku dhamaatya doorashada Soomaaliland.

 

Waxaanu safarka wadaagnay oo iyana ku sii jeeda xarunta Garoowe qoys Soomaaliyeed oo qurbaha ka yimd waxana caruurta oo horay u maqlay magaca Hadraawi ay jeclaysteen inay sawir la qaataan aadna waa uga faraxsanaayeen inay abwaanka arkaan.

 

Waxaan safarkayga ka sii wadatay magaalada Buco,waxaana ka ambabaxay 4-ta subaxnimo anagoo qaboonada hore sii dhaafnay dhul baaxad leh oo ay ka mid ahaayeen magaalada Beer oo mar ahayd meel ganacsiga aad ugu fiican xilligii dagaalada waqooyigu ay dhaceen,haddase dadkii ay dib uga laabteen magaalada Burco oo ay horay uga soo qaxeen

 

 

Ammaanku waa heer sare arkina maysida wax dhib iyo qashqashaad ku ah dadka socotada ah ee isaga gooshaya Soomaaliya oo dhan.

 

Wadaamo Goo (ninkii wadada dheer wanaag ku marow wadaama Go baa wadkaa yaal)

 

Wadaamo Goo oo mar ahayd meel xero dhiig ah, xilligii SNM waxaa hal hays u ahaa,”ninkii wadada dheer wanaag ku marow wadaamo Goo baa wadkaa yaal”,maantase meel ammaan ah oo wax dhib ahi aysan ka jirin.

 

Tuulooyinka iyo magaalooyinka yar yar ee ku safan wadada dheer koboc weyni kama muuqdo waxana ay u muuqataa in magaalooyinka waaweyn ee Burco, Hargaysa ay dadku awooda sareen, oo lagaba haajiray dhulkii intiisa kale,dadkuna kuma badna oo waa teel teel.

 

Ina DHakool

 

Tuulada Ina DHakool waxaa ay kaga duwan tahay meelaha kale waxa laga dhisay meel Hotel ah oo ninkii safarkiisa ku daalaa uu ku nasan karo iskana seexan karo waxa iyana ay sameeyeen maqaaxiyo rakaabku ay wax ka cunaan.

 

Caynaba weli ceel biyood ayey u egtahay

 

Caynba oo magaalo aad u cimri weyn ahayd iyana wax horumar ah ma samayn waxana ay weli u egtahay meel ceel biyood ah oo loo arooro oo qur ah, waxaana aad u yar dadka ku nool, guud ahaan Soomaalida dhulka ku nool waxaa ka muuqata farxad iyo deganaan iyo weliba inay ku qanacsan yihiin joogitaanka dhulkooda hooyo, wadaha gaariga ayaa ii sheegay in qanacsanaanta dadka iyo sii bari taarayso xilliga barwaaqada ay ku jiraan.

 

Yagoori iyo Ari Caddeeye

 

Yagoori iyo Ari Caddeeye labaduba waxaa ay xagga horu kac la’aanta kala mid yihiin degmada Caynaba ee gobolka Tog-dheer kamana muuqdaan wax horumar ah oo la taaban karo,waxaadse moodaa xooggaa in dadku ku badan yahay, oo ay xataa Caynba ka dad badan yihiin. Guud ahaan wadada dheer inta aad ku safrayso waxaad arkaysaa siimanka dheer dheer is garsiinta oo meel walba oo buur ah laga taagay iyo qol yar oo laga ag dhisay waa dhinaca horumarka karaarka fiican ku socda.

 

Wadadadheer guud ahaan malaha jajab weyn oo hagar daamo ku ah baabuurka ku safraysa laakiin waxaa jira meel roobabkii xoogganaa wax yeeleeyeen oo u baahan in laga qabto,mase arkaysid meel wax laga qabanayo oo la dhsayo.

 

 

Wadaha gaariga ayaa i tusay buundooyin dumay oo ay dhiseen maamulka Soomaaliland iyo meelo iyana ay wax ka qabteen,waa arrin lagu ammaani karo haddii ay garteen in wax laga qabto dhulka wax-yeeladu soo gaartay.Darawalka baabuurka waday ayaa mararka qaar haddii uu arko dhagxaan wadada la dhiga ama geedo aan ka qaadayn waana uu iska dhaafayey markii aan su’aalay sababtana waa ila yaabay laakiin waxaanu isla garayn inay wixii wax yeelo ah wadada ka fogeeyaan si aan shil u imaan.

 

Haddii aad u fiisato dadka waxaa ay u egyihiin inay horumarka dhulka sugayaan cid maqan,waxaana ay u egtahay in dadka dhulka ku nool ay aysan wadani ahay oo aysan dhulka xuquuq ku lahayn iyagana xaq dhulku ku leeyahay.

 

Laas-Caanood waa fiday laakiin hadda waa istaagtay

 

Magaalada Laas-caanood oo ay iigu danbaysay 18 sano ka hor ayaa la orankaray waa magaalada ugu xawaaraha badan dhulkii aan maray xagga dhismaha,waxana labada dhinac u ay dhaaftay labada buurood ee magaaladu ay ku dhextaal,Wadaha oo ii diiday inaan magiisa shaaciyo ayaa ii sheegay in Laascaanood uu dhsimeheeda hor istaagay dagaalkii maamulka Soomaaliland ay ku qabsadeen.

 

Aragti ahaan Laascaanood waa ila camirayd oo dadku waa ku badnaa ganacsi fiicanna waa ka socday hase ahaatee waxaa la ii sheegay in kala bar dadkii ku noolaa qay ka maqan yihiin marka loo eego ka hor intaan dagaalku ka dhicin, dadkiina aysan weli soo laaban.

 

Labada baro kantrool ayaa ku yaal labada af ee magaalada Laascaanood mana jirin wax dhib ah oo aannu kala kulanay wax su’aalo ahna nalama weydiin,waxaase na loo xaqiijiyey in aad babuurta loo baaro kolka ay u socdaan Soomaaliland.

 

Waa iska caadi qaadashada lacagta BIR QAADKU,laakiin in la diido wax dhib weyn keenaya ma aha mararka qaar, darawaliinta iyo dhalintana waa barteen Bir-qaadka.

 

Ganbadha waa halka ugu danabaysa maamulka Soomaaliland

 

Ganbadha waa halka ugu dnabaysa maamulka Soomaaliland,waxaana ku yaal hal bar Kantarool, kamana jirot wax dhibaato ah, kuna muuqan mayaan wax ciidan ah oo baabuurta gaashaaman wata,waxaa arkaysaa ilaa wax yar 10 askari oo baraha kantaroolka taagan lacagta birqaadkana kaa qaadaya,laakiin waxaa ku ammaani karraa inay u ekaayeen askari aasluubaysan oo si nadaamsan u lebisan waana ka siman yihiin Soomaaliland oo dhan.

 

Inta u dhexaysa Ganbadha iyo Tukaraq waa cidla oo wax ciidan ahi ma joogaan,waxa ku arkaysaa xoolaha daaqayaa oo qur ah,waxana la ii sheegay dhulkaasi inaan labada maamul ee Punt land ityo Soomaaliland midna ka talin laakiin waa ammaan oo cidina sidaas kuu eegi mayso.inta u dhaxaysa Ganbadha iyo Tukaraq magaalo u a Higlo Cumar Wacays waana meel aan sidaas u weynayn oo dhowaan la asaasay.

 

Tuka-raq cabsi baad dareemaysaa

 

Tukaraq kama muuqato koritaan xagga baaxada ah oo wax weyni iskama badalin waxase baqdini ku kugu bilaabanaysaa markii aad soo galayso magaalada oo ka imaanayso dhanka magaalada Laascaanood,waxana ku yaal laba Kantrool oo aan oo isu muuqadaoo ay leeyihiin laba nin oo ilma adeer ah oo ku heshiin waayey hal mid oo ay wada haysteen dabadeedna laba is dhinacyaal samaystay.

 

Isla markiiba waxaa qalbigaga ku soo dhacaya khatartii ********tii magaalada Muqdisho dagaal oogayaasha,waxana ku xanaaqi kara mid ka mid ragga isku xanaaqsan ee kantaroolada haysta.

 

Dhinaca Bari waxaa ku yaal hal Kantrool weyn oo uu maamulo maamulka Puntland waxana ay qaadayaan canshuur baaxad leh oo sharciyeysan waxana u joogta askar u shaqaysa,waxaase aan aad ula yaabay sababta ay wax uga qaban waayeen labada kantarool ee is dhinacyaal oo la sheegay fawdo yihiin.

 

Tukaraq waa halka uu ka bilowdo maamulka Puntland,wixii bari ka xigana ilaa Garoowe ma arkaysid wax jid gooyo ah ama ku hor istaaga,waxaana jira guud ahaan isixtiraam dadka gudihiisa oo salaysan qabiil oo qolana dhaafi karin xeerka yaal si nabad loogu wada noolaado waana mida keenta ammaanka ka jira Puntland iyo Soomaaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Thank you caano-geel a local puntland boy reporting back on the current situation of somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Puntland borders so far is. North Mudug/Bari/Nugal/Tukaraq/Cayn/Bariga Sanaag.

 

We need to streghten border patrols and farole can win back people confidence in puntland if he secured the borders. Our real border should be all the way up to caynabo and erigavo not tukaraq and badhan and buhodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^^ And who is going to make pirateland reach Erigavo & Caynabo borders, Ethiopian borrowed b*lls? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

tukaraq aint that from caynabo. We just need to capture las anod/yaqori/aricadeye and we will be at caynabo. Its like 100km at tops

 

Were not that far from erigavo. Cayn is already secured.

 

So our battle must be first to secure las anod move onto yagori and aricadeye iyo gobolka sool la soo xiro.

 

Then move into erigavo and all its all over but erigavo is different story but i am certain when ilkajir rules that will be his first priority lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Libaahe considerin that ethiopia is very angry about the cabinet silanyo named which is mainly a shabab outfit we might actually be at burco soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Cowke, Las anod maraban puntland tas niyaada gaasho, let alone erigavo pirateland can bring thousands of ilkojirs for all they want laakinse suasha waxa weeyan wax ma ka qaban karan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Libaahe i never see ssc ppl ever attend somaliland events but they always attend puntland held by the pdf.

 

The ppl of ssc are all puntlanders but they just have a problem with corrupt officials who go to hargeisa to take advantage of it. Isin uma dirsan hargeisa shaksikooda ayaa iska aaday.

 

Ur kidding yourself if u think u can win the ppl of sool. U might win a few corrupt officials but not the people. The people stand for somalia just like we do.

 

As for erigavo it was left alone because their no roads that lead there. But we will be sorting that out connecting bosaso to erigavo which is another mashruc on its way. We will see then about erigavo.

 

As for awdal when they get real serious about creating a mamul gobolleed gogol ayaa loo fidinaya in garowe and we will make sure we can do whatever we can to assist that process.

 

As for ethiopia we can point out to them that silanyo has just named a shabab cabinet and is threat to the region over-all and therefore las anod will be served under puntland admin.

 

Sxb things seem to be going our way now in most directions. But i am still suprised those odweyn folks are not doing anything maybe when silanyo is pressured to remove gaboose the terrorist affiliate then they may wake up and see that regional govt for oodweyn is necessary.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

War bosaso is about to be taken over and your thinking about sool? :D ethiopian or no ethiopian waligeed las anod will be under somaliland, the people are somaliland, marka go and focus on how to save pirateland from self-destruction of the atom bomb. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

"Hadaanu wax kale weyn ragaanu guubaabinaynaa, biyahana waan idinka dababa wadaynaa" sidaasi waxaa tiro Faadumo Maxamuud Sandheere oo ka mid ahaa Xaweenka magaalada Boosaso oo kulan la qaatay madexda Dalwda oo uu horkacayo madexweyne ku xigeenka Puntland.

"Waxaan Idinkugu bishaaraynayaa Ciidamadeena Qalabka Sida inay Maanta inoogu filan yihiin Awood ahaan iyo tira ahaanba in ay Amnigeena Sugaan, Guulana ay soo hiyaan" ayuu yiri Madexweynaha ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, C/samad Cali shire isagoo bayaaminaya awooda Dawlada ee Dhinaca Dagaalada iyo Difaaca.

Don't worry about Bossaso sxb dad aan ku kalsoon ahay ba joggo you just worry about awdal-land movement and ssc movement plus ethiopia which is about to attack burco. U have alot to worry about then I do.

Share this post


Link to post
Share on other sites

them negros let camel-milk in so he can sell his crack stash and sillyland wont let Rudy in so he can get one more wife!!

 

wth them boyz thinking!! can u say small brains in sillyland...4 sure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

Libaahe i never see ssc ppl ever attend somaliland events but they always attend puntland held by the pdf.

 

The ppl of ssc are all puntlanders but they just have a problem with corrupt officials who go to hargeisa to take advantage of it. Isin uma dirsan hargeisa shaksikooda ayaa iska aaday.

 

Ur kidding yourself if u think u can win the ppl of sool. U might win a few corrupt officials but not the people. The people stand for somalia just like we do.

 

As for erigavo it was left alone because their no roads that lead there. But we will be sorting that out connecting bosaso to erigavo which is another mashruc on its way. We will see then about erigavo.

 

As for awdal when they get real serious about creating a mamul gobolleed gogol ayaa loo fidinaya in garowe and we will make sure we can do whatever we can to assist that process.

 

As for ethiopia we can point out to them that silanyo has just named a shabab cabinet and is threat to the region over-all and therefore las anod will be served under puntland admin.

 

Sxb things seem to be going our way now in most directions. But i am still suprised those odweyn folks are not doing anything maybe when silanyo is pressured to remove gaboose the terrorist affiliate then they may wake up and see that
regional govt for oodweyn
is necessary.

what is this obsession with Oodweyneh? You have been chewing and talking too much with Mr.Oodweyneh. He told you this, isnt it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this