Sign in to follow this  
General Duke

Puntland, the Diaspora celebrate 12th anniversary: PICS + SONGS

Recommended Posts

Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu Ka Jeediyey Munaasabadii Lagu Xusey 12guuradii Puntland [Dhegayso]

 

August 2, 20100 comments| leave your own!Waxaa habeenimadii Axadda oo ku beegneyd (01.08.2010) ka dhacdey caasimadda Puntland ee Garoowe xaflad si weyn loo soo agaasimey taas oo lagu xusaayey 12 guuradii ka soo wareegtey asaaskii Puntland, xafladda ayaa ka dhacdey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

 

Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u badan kuwaas oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, sida goloyaasha Dawladda Puntland, Ururada Haweenka, Ardeyda, Ururada Bulshada, Culimada, Saxaafadda iyo Ergooyin ka socdey jaaliyadaha dibadda.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyntii xafladda ka jeediyey khudbad dheer oo gaareysey 32 daqiiqo, waxaana uu ka hadley asaaskii Puntland, sababaha kalifay in Puntland dhalato iyo xaaladihii la soo maray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1-da Ogosto waa maalinta dawlada Puntland, waxaana maanta lagu qabtay gobollada Puntland munaasabado lagu qadarinayo sannadguurada 12-aad ee aasaaska dawlada Puntland.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanad Guurada 12aad ee Puntland oo aduunka dacaladiisa laga xusey kala soco bogaan

Posted by Ahmed Yare on August 1st, 2010

 

Stockholm/London/Garowe/Gaalkacyo(Puntlandi.com)Waxaan bogaan idiin kusoo bandhigeynaa laga bilaabo maanta ilaa maalmaha soosocda xafladaha lagu xusayo sanad guuradii 12aad ee aasaaskii Puntland oo maanta 1 ogosto ah laga xusey meelo badan oo aduunka ah,wadamo badana waxaa laga xusayaa maalmaha soosocda.

 

Kala soco halkaan dhamaan xafladahaas oo aan idiin kusoo bandhigeyno isla bogaan, hadba xafladii sawiradeeda iyo macluumaadkeedu nasoo gaaro ayaan soo galineynaa bogaan

 

Garowe:Hoos ka dhageyso Khudbadihii xafladii Garowe ee maanta 1 August,tii madaxweynaha wali diyaaar ma ahan

 

khudbadii afhayeenka Baarlamaanka dgaheyso

khudbadii wasiirad Caasho Geele

Sweden: Meelo badan oo caalamka ah ayaa lagu xusey kowda Ogost oo ah maalintii dhidibada loo taagey Puntland, Wadanka Sweden caasimadiisa Stockholm ayaa waxaa ka dhacey xaflad si heersare ah loo soo agaasimey oo ay kasoo qayb galeen jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden.

 

Furitaankii xaflada ka dib ayaa Bashiir Cabdulle khudbad gaaban oo ka hadleysa taariikhdii Puntland soo jeediyey,waxaa kaloo goobtaas ka hadley dad kala duwan ,waxaana heeso kala duwan ka qaadey fanaaniin kala duwan .

 

Ahmed yare

 

Puntlandi.com Sweden@puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii ugu horaysay oo la saaray Calanka Puntland

 

Garowe) RBC: Waxaa iminka la saaray calanka Maamulka Puntland waxana saaray ciidanka baan bayda Mamulka Puntland dhamaan dadkii ka soo qaybgalay waxa ay ahayeen kuwa u istaagay saarista Calanka Puntland .

 

CalankaPuntland ayaa iminka la saaray waxaana socda heeso astaan calanka u ah oo ay qadayaan ciidanka baanbaayda Maamulka Puntland kooxa faafiinta Puntland

 

Jawiga goobta xafalada ka socoto ayaa ah mid aad uga duwan sidii hore waxaana isku darasamaya sawaxan dadka qaybahooda kala duwan oo muujinaya dareen lixaad leh

 

Kala soco wixii so kordho

 

Wariye ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this