Sign in to follow this  
General Duke

Puntland, the Diaspora celebrate 12th anniversary: PICS + SONGS

Recommended Posts

P104073999.jpg

Garoowe:D/Puntland oo Soo bandhigtay Waxqabadkeeda Sanadkii tagay.

 

 

DSCN2024.jpg

1. august 2010

 

APL

Garoowe:(Allpuntland)-Xukuumada Imika Sanad & Sideed bilood jirsatay ee Madaxweyne Cabdiramaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta soo bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadkii lasoo dhaafay,waxaana ay Xukuumadu sheegtay inay Waxbadan ka qabatay Xaaladaha hor’umarineed ee Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kowda Ogosto oo xuskeedu ka bilowdey Garowe ilaa aduunka dacaladiisa

 

Posted by admin on August 1st, 2010

Maanta waxaa Garowe lagu qabtey xuskii maalintii dhidibada loo taagey Puntland,Waxaana ka soo qayb galey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dowlada oo ay kamid yihiin Ciidamada Puntland.

 

Inkastoo xuskaan uusan madaxweynuhu goobjoog uusan aheyn hadana waxaa Caawa xarunta madaxtooyada lagu qabanayaa xaflad weyn oo madaxweynuhu khudbad dheer ka jeedin doono, waxyaabaha uu ka hadlayo waxaa u badan arimaha dhaqaalaha, amaanka iyo Burcad badeedka.

 

Dhinaca kale wadamo badan oo ay ku nool yihiin qurba joogta reer Puntland ayaa laga bilaabo maanta ilaa axada dambe waxaa ka dhici doona xaflado lagu xusayo 1 Austo, waxaa xafladaha ugu waaweyn lagu qabanayaa Mareykanka, UK, Maleesiya, Hindiya, Sweden iyo Australia badankoodana waxaa khudbad khadka teleefoonka ah ka soo jeedinaya madaxweyne Faroole oo jaaliyada dibada siinaya warbixin kooban.

 

Puntlandi.com

 

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacabka Puntland oo xusey 1da August 1998

1 Aug 1, 2010 - 7:52:01 AM

 

Munaasabad balaaran oo lagu maamusayey sannadguuradii 12aad ee ka soo wareegatay asaaskii maamulka Punrland ayaa maanta 1.08.2010 ka dhacay dhamaan sideeda gobol ee Puntland.

 

Caasimada Puntland Garoowe waxaa ka dhacday xaflad si weyn loo soo abaabulay, oo ka dhacday barxadda weyn ee hore u ahaan jirtay dalxiiska balse haatan ay ku shaqeeyaan inta badan Wasaaradaha dawladdu.

 

 

Mas'uliyiin kala duwan oo ka socaday saddex gole uuna horboodayo Gudoomiyaha Baaralamaanka Dawladda Puntland Md: Cabadu Rashiid Maxed Xirsi, Culimada, isimo, Ardayda qaybahooda Kala duwan, abwaano, fanaaniinta, saxaafadda, qaybha ciidamada iyo ciidanka baambooyda.

 

Madasha xusku uu ka dhacay oo ay joogeen kumanaan qof ayaa amaankeeda xoog loo adkeeyey, waxaana dhamaan dadka xuska ka qaybqaatay mas'uul iyo shacaba ay ruxayeen calanka Soomaaliya iyo calanka Dawladda Puntland, Waxa kele oo madasha lagu arkayey halkudhagyo muujinaya sida dadka reer Puntland ay ugu najaxeen dhisitaankii maamulkan laba iyo toban jirsaday.

 

 

Abawaanada Puntland iyo faniinta xiddigaha Puntland ayaa markii ugu horaysayba waxaa kasoo burqaday heeso iyo gabayo macno badan xambaarasan kuna wada qotomay dhanka amaanka, wadaniyadda, iyo baadi goobka midnimada Somaaliya.

 

Marwo Caasha Geele Diiriye Wasiirada Haweenka iyo Arimaha qoyska Puntland oo ka mid ahayd gudiga qabanqaabada xuskan ayaa ka hadashay ujeedada munaasbadan qiimaha badan, iyadoo sheegtay in dhisidii Puntland ay tahay wax aan la ilaawi karin markastana la xusayo ama la is xasuusinayo hawlihii adkaa ee loo soo maray hirgelinta maamulkan weli raadinaya midnimada Soomaaliya.

 

 

Casha Geele oo hadalka sii wadatay ayaa sidoo kele xustay waxqabadkii xukumadd haatan talada haysa sannad kadib, waxayna sheegatay in xukamaddu ay ku guulaystay midaynta manhajka waxbarasha, dardargelinta cashuuraha beriga, la dagaalanka budhcadbadeeda, kor u qaadidda xidhiidhka caalamig ah, fidinta talaalka caruurta, xakamaynta iyo la socodka hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, wax ka qabashada deegaanka soo afjarista dhuldaaqsimeedka la xidhmaysatay iyo bixinta mushaharaadka howlwadeenada dowlada.

 

Wasiiradda Haweenka Puntland Caasha Geele ayaa ugu damabayn sheegatay in xukuumadda Puntland ay higsanayso horumar balaadhan ilaahayna ay ka baryayan in u fudeedeeyo.

 

 

Munaasibadan xuska dhisidii Puntland ee Garoowe lagu qabtay waxaa soo afmeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Max’ed Xirsi, wuxuuna ku dheeraaday ahamiyadda ay nabadu leedahay wuxuuna shacabka Puntland ku booriyey inay adkaystaan maamulkan ay dhisteen

 

Md. Cabadi Rashiid ayaa waxa kele oo uu hoos u dhigay hadafka kooxo diimedyada dagaalada ka wada Soomaaliya, wuxuu guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska celiyaan dadka ku soo duulay diintooda iyo jiritaankooda.

 

Shacabka goobta xuskan ka qayb qaatay ayaa Gudoomiyaha Barlaamnka Puntland dhawaq dheer uu ugu sheegay inay Puntland ku soo duuleen dad qaswadayaal oo doonaya inay meesha ka saraan kala damabaynta iyo xoriyadda ay haystaan guud ahaan dadka reer Puntland iyo Soomaalida kele.

 

Xuska sannad gurada 12aad ee Puntland markii la asasay ayaa ka dhacay dhamaan gobolada Puntland, magaalada Boosaaso ayaa xaflad balaadhan oo ka dhacaday waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdi Smad Cali Shire, caawana xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa ka dhacaysa xaflad uu ka hadli doono Madaxweynaha Puntland Dr. CabadiRaxmaan Shiikh Maxe’d Farole.

 

Cabdiqani Irbad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabadii Madaxtooyada Bosaso ee xuska sanadguurada 12aad ee dhismihii Puntland [sawiro]

 

Munaasabadii Madaxtooyada Bosaso ee xuska sanadguurada 12aad ee dhismihii Puntland [sawiro]

August 1, 20102 comments| leave your own!Xuska sanadguurada 12-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Dawlada Puntland ayaa lagu qabtay Madaxtooyada magaalada Boosaaso, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawlada Puntland.

 

Munasabadaan oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Puntland oo ay ka mid ahaayeen :

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire

 

Wasiirka Amniga Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr.

 

Wasiirka Arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire.

 

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf, Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje, Taliska Booliiska , Aqoonyahno, Isimo, Dhalinyaro, Haweenka 16-ka xaafadooda iyo mas’uuliyiin kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1-da Ogosto waa maalinta dawlada Puntland, waxaana maanta lagu qabtay gobollada Puntland munaasabado lagu qadarinayo sannadguurada 12-aad ee aasaaska dawlada Puntland.

 

Garoowe, 01 Aug - Waxaa maanta si weyn looga maamuusay deegaannada Puntland maalinta 1-ada Agoosto oo ah maalintii la unkay maamulka Puntland sanadkii 1998, iyadoo loo dabaaldegay sannadguuradii 12-aad ee aasaaska Puntland. Xuska maalinta 1-da Agoosta, ayaa lagu qabtay inta badan magaalooyin Puntland iyadoo si weyn loo maamuusay, lana muujiyey qiimaha maalintaani ay ugu fadhido dadka reer Puntland.

 

Meelaha xafladaha waaweyn lagu qabtay waxaa ka mid ah magaalooyin Garoowe, Boosaaso Galkacyo, Buuhoodle, Baran, Dhahar iyo Qardho; xafladahaasi oo dhammaantood ay ka qaybgaleen madax ka tirsan dawladda iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo muujinayey dareen farxadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this