Sign in to follow this  
me

Cade Muuse the traitor of Puntland

Recommended Posts

me   

Cadde Muuse oo Maanta qirtay in uu heshiis la galay Somaliland iyo Baarlamanka Puntland oo lagu kala tegay

 

 

 

 

 

 

 

Kalfadhigii 19 ee Baarlamaanka Puntland ayaa ahaa kii ugu xaasaasi sanaa ka dib markii ay halkaas yimaadeen M/wayne Cade iyo kuxigeenka Xasan Daahir.

 

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta su'aalo adadag weydiiyey M/waynaha Puntland su'aalahaas oo ay ka mid ahaayeen maadaama ay dhamaatay Mudadii Bisha ahayd ee loo qabtay Xukuumadda in ay ku soo celiyaan Gacanta Puntland waxa a qabteen.

 

 

Dood dheer ka dib ayaa waxaa si kulul loo weeraray M/waynaha iyadoo xildhibaanada qaar ay ka muuqatay cadho xoog leh oo ku aadan tayo xumida xukuumadda Cadde.

 

 

Ka M/wayne Cadde oo halkaas ka hadlay waxaa uu sheegay in uu jiray Heshiis dhexmaray iyaga iyo Maamulka S/land xiligii uu hogaamin jiray Jabhadii JPP, waxaanu intaas ku daray in ay jireen waxyaalo ay ku heshiiyeen laakiin aanu maanta halkan ka sheegayn.

 

 

Intaas ka dibayaa Golihii waxaa ka dhasahay buuq iyo qaylo cirka isku shareetay iyadoo xildhibaanadu M/waynaha ku tilmaameen khaayin wadan.

 

 

M/wayne Cadde ayaa isna halkaas ka cadhooday iyadoo uu ku dhawaaqay in uu xidhan yahay kal fadhigii Baarlamanku nin waliba uu aado gurigiisa.

 

 

Kadib xildhibaanadii ayaa iyana ku adkaysay in aanu kala diri karin maadaama uu u yaal mooshin ay rabaan in ay u codeeyaan, Aflagado in hajaab ka dib waxaa hadalkii gaadhay car iyo car.

 

 

Cadde Muuse ayaa halkaas ka baxay iyadoo ay Xildhibaanadii sii wataan fadhigoodii waxanay cod aqlabiyad ah isku raaceen in aan la xidhi karin kalfadhiga ilaa la xoreeyo Laascanood.

 

 

C/qaadir Cali Xoosh

 

 

xoosh2003@hotmail.com

 

www.boocame.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Cadde oo qirey in uu heshiis la galey Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Daahir Riyaale

Warkii 17-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.

Xildhibaanada Barlamanka dawlad goboleedka Puntland oo maanta yeeshay kulan ay ku dhagaysanayeen xukuumada Cadde,su'aalona weydiinayey ayaa ku dhamaaday in lagu kala dareero,iyadoo la isu dhaaranayo,oo afkahadal iyo buuq la isku sii salaamayo.

 

 

 

 

 

Kulakaas ayaa madaxweyne Cadde Muse waxaa lagu weydiinayey su'aalo ku saabsan sababta xukumada Puntland ay gacanteeda ugu soo celin weydey magaalada Lascaanood, iyada oo mudadii 30 casho aheyd ee loo qabtey dhamaatey dhowr wiig ka hor,welina ay Somaliland gacanta ku hayso magaaladaas.

 

Madaxweynaha PL oo kulankii maanta Xildhibanada dib uga codsadey in waqti dheraadla siiyaan ayaa dalabkiisa kor u qaadey buuqii ka taagnaa Barlamanka kaas oo sababtey in saxaafada dibada looga saaro fadhiga kadib markii ay codsadeen madaxda sare ee dowlada,si aan loo ogaan waxa meesha ka socda,iyo jawaabaha uu bixin doono Cadde,oo aan ahayn kuwo cad.

 

Xildhibaanda Barlamanka ayaa iyagu diidey in saxaafada dibada looga saaro kulankaas iyada oo buuq badan kadib loo ogolaadey in suxufiyiinta dib looga soo celiyo goobta doodaan ka socotey balse laga codsadey in ay joojiyaan duubista su'alaha Madaxweynaha DGPL laga weydiinayo arrimaha gobolka Sool.

 

Xubin ka tirsan Xildhibaanada laga soo doortey gobolka Sool ayaa Madaxweynaha PL weydiiyey su'aal la xiriirta waxaa ka jira warar sheegaya in dib u soo celin la'aanta Laascaano qeyb ka tahay heshiis uu la soo galey Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale xiligii uu hogaaminayey jabhadii [GDP] mucaaradka ku aheyd Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdulahi Yusuf,ee dagaalada ba'ani ka dhaceen deegaankaas.

 

Madaxweynaha DGPL oo ka jawaababyey su'aashan ayaa jirtaanka heshiiskan qirey isaga oo sheegey in uu jiro isla markana uusan wax faahfaahin ka bixineyn.

 

Xildhibaanada Barlamanka ayaa hadalka Cadde Muse kadib ku dhawaaqey in uu sameyey khiyaamo qaran taas oo sababtey in Madaxweynahu ku dhawaaqo in kulanku xiran yahay,oo lagu kala tago meesha.

 

Xubnaha Barlamanka ayaa ka biyo diidey dalabka Madaxweynaha iyaga oo sheegey in aanu xidhi karin fadhiga baarlamaanka,awoodaasna aanu lahayn,intaas kadib kulankaan ayaa waxaa is qabsaday sawaxan,cay,hanjabaad,intaas kadib cod loo qaadey in la xidho iyo in kale kulankaas,ayaa Xildhibaanada Barlamanka dhamaantood isku raaceen in ay fadhigooda sii wataan,oo hawlaha u yaala ka wada hadlaan.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo aad u careysan ayaa kulankaas isga baxey iyada halkii ka sii socdeen kulamadii xildhinaada,iyadoo ay madaxweynaha raaceen xildhibaano taageersan oo ka soo jeeda gobolada Bari.

 

Cadde ayaa shalay magacaabay wasiiro u badan kuwii hore oo aan la garan karin waxay bedeli doonaan.

 

Xildhibaanadii baarlamaanka ayaan ilaa hada soosaarin wax go'aamo ah,iyadoo uu hadheeyey buuq iyo maamul xumo golahaas.

 

Afnugaal News Desk.Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Cadde oo qirey in uu heshiis la galey Daahir Riyaale

17 Dec 17, 2007 - 5:55:46 AM

 

 

Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo maanta Dec17, 2007 kulan buuq badan dhaliyey isugu yimid ayaa su'aalo ku weydiiyey Madaxweynaha DGPL Cadde Muse.

 

Kulakaan ayaa Cadde Muse waxaa lagu weydiinayey su'aalo la xiriira sababta xukumada Puntland talaabo wax looga qabanayo xaalada magaalada Lascaano u qaadi weydey iyada oo mudadii 30 casho aheyd ee loo qabtey dhamaatey.

 

Madaxweynaha PL oo kulankii maanta Xildhibanada dib uga codsadey in waqti dheraadla siiyo ayaa dalabkiisa kor u qaadey buuqii ka taagnaa Barlamanka kaas oo sababtey in saxaafada dibada looga saaro fadhiga kadib markii ay codsadeen madaxda sare ee dowlada.

 

Xildhibaanda Barlamanka ayaa diidey in saxaafada dibada looga saaro kulankaas iyada oo buuq badan kadib loo ogolaadey in suxufiyiinta dib looga soo celiyo goobta doodaan ka socotey balse laga codsadey in ay joojiyaan duubista su'alaha Madaxweynaha DGPL laga weydiinayo arrimaha gobolka Sool.

 

Xubin ka tirsan Xildhibaanada laga soo doortey gobolka Sool ayaa Madaxweynaha PL weydiiyey su'aal la xiriirta waxaa ka jira warar sheegaya in dib u soo celin la'aanta Laascaano qeyb ka tahay heshiis uu la soo galey Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale xiligii uu hogaaminayey jabhadii [GDP] mucaradka ku aheyd Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdulahi Yusuf.

 

Madaxweynaha DGPL oo ka jawaababyey su'aashan ayaa jirtaanka heshiiskan qirey isaga oo sheegey in uu jiro isla markana uusan wax faahfaahin ka bixineyn.

 

Xildhibaanada Barlamanka ayaa hadalka Cadde Muse kadib ku dhawaaqey in uu sameyey khiyaamo qaran taas oo sababtey in Madaxweynahu ku dhawaaqo in kulanku xiran yahay.

 

Xubnaha Barlamanka ayaa ka biyo diidey dalabka Madaxweynaha iyaga oo sheegey in uusan xiri karin kulankaan iyada oo buuq badan kadib cod loo qaadey fadhigaan la xiro iyo in kale kaas oo Xildhibaanada Barlamanka dhamaantood isku raaceen sii socda kalfadhigaan.

 

Madaxweynaha Puntland oo aad u careysan ayaa kulankaas isga baxey iyada halkii ka sii socdeen kulamadii xildhinaada.

 

Fadhiga Barlamanka PL ayaa ku soo beegmey maalin kadib markii Madaxweyne Cade Muse isku shaandheyn aan sidaas u buureyn ku sameeyey golihiisa xukuumada,

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

So :rolleyes:

 

They saved his butt and later mediated between the waring Puntland factions. So why shouldn't he be thankful by 'working' with Somaliland closely I must add. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^Exactly, Cadde is worthless, I still wonder why his clan can't see that he ruined Puntland,it is time Puntlanders should fix their problem!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Somalia: Puntland leader admits to secret deal with Somaliland

17 Dec 17, 2007 - 9:40:09 PM

 

 

 

GAROWE, Somalia Dec 17 (Garowe Online) - The president of Somalia's Puntland State administration admitted to regional legislators Monday that he signed a secret agreement with the leader of the breakaway Somaliland region.

 

Gen. Mohamud "Adde" Muse, the president of Puntland, spoke to legislators at parliament hall in the administrative capital, Garowe.

 

 

Gen. Adde Muse, president of Puntland

Today's parliament session was convened to ask the president questions regarding the situation in disputed Sool region, which was overtaken by Somaliland troops in October.

 

The Puntland parliament originally gave the Muse government 30 days to recapture Las Anod, the capital of Sool.

 

But President Muse asked lawmakers today to give his administration more time to address the Las Anod issue.

 

The president's request was met with loud confusion, with lawmakers exchanging heated views in a "disorganized environment," according to one inside source.

 

Local reporters were immediately pulled out of parliament hall following a request from the Puntland leaders, including Vice President Hassan Dahir Afqura, a native of Sool.

 

But many lawmakers opposed the move to expel the reporters. Local journalists were eventually allowed back into parliament, but ordered not to record the president's answers to the Las Anod situation.

 

An MP from Sool region asked President Muse a question regarding speculative reports that Puntland's inability to engage Las Anod is linked directly to an agreement Muse signed in 2002 with Dahir Riyale, president of the separatist Somaliland government.

 

President Muse said an agreement with Riyale does exist, but declined to elaborate.

 

Angry lawmakers then accused the Puntland leader of treason. Once again, parliament hall burst in disorder and President Muse's attempt to close the session met stiff resistance, sources said.

 

President Muse left parliament hall in fury and lawmakers continued the Las Anod debate.

 

Before ascending to power in Puntland in 2005, Gen. Muse led a rebel movement known by its Somali acronym GBP that fought battles for power with then-warlord of Puntland, Col. Abdullahi Yusuf Ahmed, the current president of Somalia.

 

Yusuf's militias overran Muse and his loyalists, until Muse withdrew to western Sanaag region, where he and his men were welcomed by Somaliland forces.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Welcome to the Politik section, hoping for a war, bloodshed of the Somalis in that part of SOOL, your stance is noted... we should see you more often that not.

 

 

Garoowe: Madaxweyne Cadde Muuse oo su'aalo ay weydiiyeen Baarlamaanku Buuq ay sabababeen.

18. december 2007

 

 

Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen .Cadde Muuse) ayaa shalay hortagey Mudanayaasha baarlamaanka Puntland.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa su'aalo culculus weydiiyay Madaxweynaha Puntland kuwasoo dhamaantood ku aadanaa xaalada ay hada ku jirto dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ,ayna sababeen in buuq iyo Sawaxan uu is qabsado Xarunta baarlamaanka Puntland.

 

Xildhibaanada ayaa weydiiyay Madaxweyne Cadde Muuse wax uqabsoomay tan iyo intii laga qabsaday Magaalada Laascaanood ,isagoo sheegay in ay Xukuumadiisu ku jirto diyaargarow isla markaana ay dhawreyso go'aanka ay gaareen Isimada dowlad gobaleedka Puntland ,gaar ahaana kuwa ka soo jeeda Magaalada Laascaanood.

 

Madaxweynaha ayaa su'aalo badan ka dib wuxuu ku dhawaaqey in fadhiga baarlamaanku xiran yahay ,isla markaana wuxuu ku dheerigaliyey Xildhibaanada ay deegaanadoodii kala aadaan oo ay dad wacyi galin usameeyaan.

 

Intaasi ka dib Xildhibaano badan oo ka mid ah Baarlamaanka ayaa diiday go'aanka Madaxweynaha sheegeyna in ay taageerayaan oo ay wadayaan fadhiga baarlamaanka Puntland ,ayagoo ku dhawaaqayay hadalo ka soo horjeeda Madaxweynaha Puntland.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa lahaa mudooyinkii ugu danbeeyey fadhigii 19aad ayagoo hada waqtigan dhiman uu gabagabo yahay oo ay ka dhiman yihiin Maalmo kooban ,sida ay ku doodayaan qaar ka mid ah Baaralaamka Puntland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Adde have been unwittingly unstable in his actions, confusing in it's order of activities... that much said I dislike all sorts of unsubstantiated allegations, the only thing remained for me to question is why would he avoid the Parliament depates? anything more to it? or seemingly innocent as he always have imitated himself to be.... I wonder why close the room for any depate at the crucial moment in time for the Puntland Admin....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this