Sign in to follow this  
Jacaylbaro

2 Million Dollars To Expand Hargeisa Airport

Recommended Posts

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan mashuuc ay ku baxayso laba Milyan oo Dollar, oo lagu dhisayo dhisme cusub oo lagu soo kordhinayo Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport.

 

Wasiirku wuxuu sidaasi kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo ay maanta masuuliyiinta Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirku ay kaga xog-waramayeen wax qabad sanadeedkoodii.

 

Md. Cali Waran Cadde, oo tafaasiil ka bixinayay qorsheyaasha ay u dejiyeen casriyaynta madaarka Hargeysa wuxuu yidhi "Waxaan jecelahay maanta inaan wax idiinka sheego hawlaha laga qabtay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, oo la dhisay sanadkii 1958-kii sida idiinka muuqata nashqada sawirkaasi aad arkaysaan waa muuqaalka dhismaha cusub ee aan ugu tallo galay inaan ku dhiso. Qorshaha dhismaha cusubna waxaan nashqadiisa ka keenay dalka Shiinaha niman shirkad ah oo Shiinaha iyo niman reer Somaliland oo shirkad ah ayaa isku tagay waxaanay ugu tallo galeen in madaarkan Hargeysa dib loo habeeyo. Alaabtiisiina waxay imika ka soo socotaa Shiinaha waxaana loogu tallo galay in lagu maal geliyo lacag dhan laba Milyan oo Dollar illaa sadexda bilood illaa afarta bilood ee soo socota, haddii Alle yidhaahdo, oo qaarkood dhismahaasi ay bilaabmeen".

 

Md. Cali Waran Cadde, wuxuu sheegay inay xiligan ay bilaabeen balaadhinta goobta ay diyaaraduhu istaagaan ee madaarka (Parking)-ka, waxaanu sheegay in dhisayaan dhisme qaadi doona illa 600 oo rakaab ah markiiba, oo qeyb ka ah casriyaynta iyo balaadhinta madaarada Somaliland, waxaanu yidhi "Dhismahan Madaarka waxa loo dhamaystiri doonaa dhammaan wixii qalab ah ee dhinaca Nabadgelyada ah, waxa kale oo laga hirgelin doonaa kamarado nabad gelyada wax ka tara iyo Beelka wareega oo ah qalab qaadaya alaabta oo laydh ku shaqaynaya. Markii aan dhawaan Shiinaha tagay waxaan soo qaaday nashqadii ugu quruxda badnayd ee taallay.goobta diyaaraduhu ay istaagaan imika daamurkii lagu dhisayay waa diyaar, dhabada (Run way) dahaadh kale ayaanu saaraynaa. Waxaanu ku dari doonaa hal Km oo kale dhererkii Madaarka."

 

Wasiirka Duulista Hawada oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaasi ku daray, "Waxa wax qiimo weyn noo ah inaanu helay warshadii isku qasaysay Jayga iyo Daamurka, oo halkii jayga dusha lagaga shubi jiray marka daamurka dhabada (Wadada) la dhigo, iyadu daamurkii iyo Jaygii oo wada socda oo isku qasan mar ku shubaysa, warshadaasi oo imika laga soo raray wadanka Shiinaha ayaa noo soo socota, waxaanan rajaynaynaa in mustaqbalka lagaga faa'iidaysto wadooyinka dalka.

 

Waxaanu saaraynaa dhabada diyaaraduhu ka haadaan 13 oo dahaadh cusub ah, waxaanan rajaynayaa inuu wax weyni iska bedelo madaarka."

 

Wasiirku wuxuu u mahad celiyay Shirkado Shiinaha laga leeyahay iyo kuwo ay leeyihiin rag Somaliland u dhashay oo heshiis la galay la xidhiidha casriyaynta madaarada Somaliland.

 

Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Axmed Cumar Axmed, oo isaguna ka hadlay shirkaasi ay kaga xog waramayeen waxqabadkooda ayaa sheegay in madaarka Hargeysa uu gaadhay horumar balaadhan muddo dhawr sanadood ah oo uu xilka wasaaradaasi hayay Cali Maxamed Waran-cadde.

 

Wasiir Ku Xigeenku wuxuu sheegay in Wasiirku uu xil weyn iska saaray balaadhinta dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan oo uu saaray dahaadh qaro leh, oo suurto gal ka dhigay inay soo fadhiistaan Diyaaradaha xajmigoodu weyn yahay.

 

Wasiirka Duulista Hawadu shacbigiisa wuu ka mutaystay ammaanta, waxaanu mudadii uu joogay Madaarka soo gaadhsiiyay heerkii (Standard)-kii caalamiga ahaa ee loo baahnaa, wuxuu madaarkii ka dhigay mid la jaan qaadi kara kuwa wadamada dariska ah oo hadh iyo habeenba diyaaraduhu way soo fadhiistaan kana duulaan,"Ayuu yidhi Md. Axmed Cumar Axmed, waxaanu intaasi ku daray, "Wasiirku markii uu xilka qabtay waxa madaarka Joogay laba baabuur oo yar yar oo dab-damis ah, imikana waxa jooga Gaadiid dab damis oo aad u tiro badan oo ka hawl gala Madaarka, sidoo kale dhinaca nabad gelyada waxa madaarka lagu soo xidhay kamaradihii nabad gelyada, waxa intaas dheer waxa la balaadhiyay oo la sameeyay qolka VIP-da oo cusub."

 

Wasiir Ku Xigeenku wuxuu xusay inay dhawaan dayactir balaadhan ay ku sameeyeen Madaarka Berbara, oo ay ka dhiseen meel loogu tallo galay rakaabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

hey heard the news, its some good stuff. Dam that is some good news. Cant wait to see it start. But there could be an element of party politics behind it. loool, but still regardless of the time it will be done. More traffic mean more business and prestige.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

maxay tari madaar laqurxiyo ayadoo dekaddii aiy fadhiid tahaiy. plus ummada baahidu hayso umabaahna madar loo macmalo. the so foreign idea of democracy has failed in this part of the world. They should either invite sheikh Godane to even things here or should go back to their once effective political norm of xeer dhaqameed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

Sheeko udub why do they come up with this when the election is in 6 weeks from now

Qadow!

 

LoL@sheeko UDUB. Remember the $300m they said they would develop Berbera with??

 

JB, nagadaa wararkan aan aad question-gareeneen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacayl baro daahir riyaale iyo udub 2 milion oo dollar 2003 ba way haysteen may dhiisaan war anigu nafaqadii udub eeh qarrannews waan ka daalay. Iyo ciyaartan Somaliland eeh tom and jerry.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by ThankfulSP:

So 2 million dollars will change it from this.......

Hargeisa_airport.jpg

 

To this??

 

newairport.jpg

Yup, and accoring to JB, this should be done by next summer! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Kool_Kat:

Yup, and accoring to JB, this should be done by next
!
:D

I stop over at Hargeysa's airport last january, I was shocked how many old plastics bags around the side of the buildings there were, lots of garbage. But yeah, Mogadishu and Hargeysa are so lucky Siad Barre regime built them aiports.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ lol@an airforce, Redsea, haye u wana become the future Somaliland fighter jet pilots, it can be done smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this