Sign in to follow this  
Member-sol-

Dr. Cumar Iimaan oo khudbad qiiro leh ka jeeday W. Baastada

Recommended Posts

Khudbada Gudoomiyaha ayaa nuxurkeeda waxa uu uga hadlay arimo ay ka mid yihiin:-

 

1- Xaalada Amaan ee Gobolada Dalka

2- Xasuuqii ay Dhawaan ka geysteen Ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho

3- Dowlada lagu soo dhisay Djibouti

4- Dadka ku Baaqey in uu Dagaalkii uu Dhamaaday

5- Iyo Qorshahooda ay ku dhaqaaqayaan maalmaha soo socda.

 

Mahadcelin ka dib Dr. Cumar ayaa u jeediyay Qaar ka mid Ciidamada Xoogaga ku midoobay Xisbiga Islaamiga oo la iskugu keenay warshada Baastada khudbadiina sidan ayay ahayd:-

 

“Walaalaha Mujaahidiin dhamaantiin waxaan idin leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, Salaan ka dib, waxaa farxad weyn ah inaan idin soo hor istaago idinka oo qeyb ka mid ah qeybaha ka jihaada Magaalada Xamar Fursadna ay ii tahay oo aan jeclahay Risaaladaas inaad gaarsiin doontaan raga Walaalihiin ah ee kuwada jira Jabahaadka Meel kasta oo ay joogaan laga soo bilaabo Raaskanbooni illaa aan imaado halka kan ee sidaa u firdhisan Diyaarna u ah Dalkooda iyo Diintooda in ay difaacdaan, walaalayaal waxaan aad iyo aad Mahad u celinayaa Ilaahay SW ee maanta nagu kulmiyay meel ka mid ah goobo aan ognahay Cadowgii Gumeystaha ahaa ee Wadankaan ku soo duuley ee doonayay inuu Dadkiisa iyo Diintiisaba uu la wareego ee uu ilaahay idinkaga dhigay idinka iyo qeybaha kale sabab inuu Cadowgaas Meesha ka baxo, Guulna ay noo tahay maanta Cadowgii inuusan jirin maadaama ay naf nagu jirto inaan u ogolaanin Cid kasta waxay rabto inay nagu fuliso, Marka waxaan leeyahay Maanta Wadanka Soomaaliya sida aad ogtihiin Badidiisu waa xor, qofka Shacabiga ah siduu rabo ayuu u dhex mari karaa, Ciduu rabuuna la kulmi karaa, Shalayna waanu ogayn Tuulooyinka iyo Magaalooyinka Bilooyin kama soo wareegin marka uu cadowga Taako Taako ugu jiray, Marka guushaas ilaahay baa ku Mahad leh, inuu Guushaas na siiyay, Guushaasna ay ku timiday Sababta Dadkaasi Mujaahidiinta ah, ilaahayna uu ku xoreeyay Dalkeenii hadana ay naga go’antahay Dhamaanteen in inta ka dhiman aan is-raacsino Insha Allaahu Tacaalaa, marka waxaan rabaa inaan is-weydiino Maanta Dhibaatada xagay ku hartay?, waanu wada ognahay laga soo bilaabo Dhulka soomaaliyeed Cirifkiisa illaa inta aniga Baabuur baan ku soo maray, Dhibka oo dhan wuxuu isugu soo haray Meesha Gumeysiga iyo Gumeysi raaca uu joogo ayuu iskugu soo haray oo aad ogtihiin Dhibka ka dhacaya Habeen iyo Maalinba oo ay ugu danbeysay Dadkii Dhowr iyo Afartanka ahaa ee sida aadka u qaab daran loo laayay, oo aan aaminsanahay inaysan Dadkaasu u imaanin Maslaxad Soomaaliyeed iyo Dan Soomaaliyeed laakiin waxay qeyb ka yihiin Gumeysiga iyo Danaha uu Soomaaliya ka lahaa inuu Fuliyo, marka waxaan rabaa inaan weydiiyo Dadka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Joogaan, Dad badan oo wax ma kasta ah waxay ku qeylinayaan Dagaalkii Waa Dhamaaday ee waxaanu leenahay Xabada ha la joojiyo, ee waxaa laga yaabaa dad inay leeyihiin Dowlad baa dhalatay, waxaan leeyahay waxaan isweydiinaynaa Dagaalkii aan shalay galnay ee Dhulkeenu ku bur-buray, Dadkii qiimaha Badnaa ay ku Shahiideen ee aad wada ogtihiin, ummaddii kale ee la Barakiciyay, Dagaalkaas isaga ah ee aan galnay maxaan u galnay? Jawaabtu waxay Tahay aniga ayaa idiin soo gaabinaya labo mid unbaa loo galay, Marka ugu horeysa Aduunyada nin ogolaan kara ma jirto in Xoriyadiisii iyo Maamulkiisii cid ajnabi ah oo Gaalo ah in ay xukunto cid ogolaan karta oo aqbali karta ma laha, taa waxay ahayd in wadanka Xornimadiisii maadaama uu gumeysi ku dhacay dib loo soo celiyo Hadaf bay ahayd oo Wadankaas gaalada iyo Gaala raacaba in laga xoreeyo ilaahay dartiisana looga dagaalamo taasi waxay ahayd Qadiyo, Qadiyada labaadna waxay ahayd Dalkaan Muslimka ah Shacbigiisa uu Muslim yahay in lagu diyaariyo Shareecadda ilaahay in lagu xukumo, marka waan idin waydiinayaaye bal aan Dagaalkii joojino Dadka Dhahaayo oo wax ma kastada ah Ma Dagaalkii baa dhamaaday Asbaabtiisii mise maya aan isweydiino?, waxaan ogahay maanta tan aan joogno Itoobiya oo Cadowga Soomaaliyeed ah inay Meelo badan oo Wadankeena ka mid ah kaga jirto aanu ognahay, Kalabeyrka, meelo badan oo Daafaha ah ay ka joogto horeyna ay u sheegtay maalinka aan doonayno ayaan soo galaynaa, marka waxaanu leenahay Cadowgii shalay Dagaalka lagu bilaabay sidiisii buu wadanka u joogaa, hadaan anagu aaminsanahay Wadanka Soomaaliyeed inuu yahay Caasimada kaligeedna waa mid kale iyadana waa mid, Midka labaad Cadowga itoobiyaanka ah Cadowgii kale ee u soo gurmaday Wadankii dhinac buu ka joogaa, Caasimadii buu daganyahay, aanu ognahay inuu yahay Dadkii lagu dhaafay Dardaarankii Itoobiya iyo Danihii ay Wadankan ka lahayd inay sii fuliyaan, Ma waxa aan leenahay Xabadii ha la joojiyo, Maxaan ku joojinay Wadankii miyaan Xoreynay Cadowgii miyaan ka saarnay, Ma Shareecadii Islaamkaan ku soo rognay waa isweydiin? Mida Shareecada ku xukumitaankeeda ah oo nin kasta uu sheeganayo inuu Dadka ugu Beer jilicsado waxaanu leenahay Wadankaan waxaa joogtay Dowlad **** ****** ah sababna u ahaa waxa Bur-bur dhacay iyo Dhibaatada Wadankaan ka Dhacay, aad ogeydeen Culimada Islaamka Mida Gudaha joogta iyo Mida Dibada Joogtaba ay ka Jawaabeen Dowladaas inay Murtado tahay oo ay Islaamka ka baxday aad ogtihiin xaataa Culimaddii ugu danbeysay inay Bayaan Cad ka soo saareen, marka waxaanu leenahay waxa hadda lagu magacaabayo Dowlad Cusub baa la soo dhisay la leeyahay Ma waxaan Weydiinaynaa labo Mabda’ unbaa jirtaye Ma dowladii hore baa meesha ka baxday oo Mid Cusub miyaad timiday Mise tii hore baa la dhoodhoobay oo Magacii baa laga badalay, Jawaabta Xaqiiqada ah waxay tahay wixii hore baa meeshoodii joogo danbiga meesha ka dhacayna waxaa weeyaan waa umaddii iyo waxa loo geystay marnaba ma ayna dhicin kuwii horana Danbigooda kama ayna toobad keenin, labo Mabda’ unbaa jira nin Gaaloobay sidii horey loo sheegay iyo Nin sheeganaya inuu Muslim yahay haday wax isku darsadaan labadaas midkood unbaa mabda’oodii ka soo tanaasulay, marka Ma waxaan leenahay Dadka hadda sheeganaya Dowlada inay dhisteen baa mabda’oodii la qaatay oo ilaahay Kitaabkiisa ah mise ayaga ayaa kitaabkii ka tagay oo Dastuurkii bay la qaateen, waxaanu ognahay waxa lagu dhaaranayay in lagu dhaqmo Dalkana lagu maamulo Dastuurka Imbigaati lagu sameeyay inuu yahay, marka haday mas’aladu tahay Haday C/laahi Yuusuf haduu joogana waa gaalo, haddii Fulaan Mina Naas uu yimaadana waa Muslim haday tahay jihaadkeena wax ka jira maba jiraan, anaga dhan waxaan nahay dad Hawadooda u dagaalamaya dano gaar ahna leh baanu noqonaynaa, marka waxaanu leenahay maanta tan waxaan idin weydiinayaa Itoobiyaan oo aan ognahay in hadda wafdigii xamar ka soo dagay 2 Diyaaradood oo Itoobiyaan ah ay la socdaan, Itoobiyaan iyo UN iyo Maraykan iyo Dadkii raacsanaa ee aad ogeydeen Dowlad ay soo dhiseen miyaad Shaki ka qabtaan in Shareeco Islaam iyo Maamul Dadeed inay Maamulayaan miyaad Rajo ka qabtaan, ma Dhici kartaa UN inay Shareeco Islaam nagu saacido oo uu Dowlad noogu dhiso ma dhici kartaa? Jawaabtu waa Maya, aniga aan idiin sheego Dowlada hadda jirta iyo wixii horeba waxa loo soo abaabulayay waxay ahayd in Shacbiga Soomaaliya iyo Dagaalkii uu soo galay Mirihiisii in lagu baabi’iyo, aan kaaga soo bilaabo Maxkamadii Waqooyiga Muqdisha ka jirtay waxaa lagu baabi’iyay Xisbigii Cali Mahdi uu lahaa mar uu iska baaba’ay yaa la soo nooleeyay oo la taageeray oo lagu yiri Cali Mahdi Madaxweyne ayaan ku siinaynaa Maxkamadaas hadaad meesha ka saartid Markii uu ku guuleystay oo Maxkamadii lagu kala diray asna waxba looma qaban, waxaa ku soo xigtay Dowladii C/qaasim Salaad aanu ogayn Xamar markii ay ka soo dagaysay sidii loogu soo dhaweey, waxaa la hor dhigay hadaad Maxaakiimta koonfurta Soomaaliya ka jirta oo illaa marka xukumeysay hadaad meesha ka saartid Diyaar waxaan u nahay inaan ku taageerno kunana Ictiraafno, waxaan ognahay Dowladaas iyada ah wax badan inay ku bixisay sidii loo baabi’yo Maxkamadii iyada ahayd waadna ogaydeen oo waa lagu baabi’iyay, Maalinkaa ay Dowladu Baabi’isay Maxaakiimtii iyadana warkeedii halkaas ayay ku hartay, waxaa ku soo xigtay Maxaakiimtii ugu Danbeysay ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed waxaad ogeydeen Dowladii C/laahi Yuusuf oo iska baabaday Meel ay Saldhigato waysay Markii la arkay inay Maxaakiimtii soo hana qaadeen khatartoodiina ay Dadka Caalamka sida ay leeyihiin ay Dareemeen yaa Caalamka waxa uu isla gartay oo uu Maraykanku Oday u yahay in Dowladaas la nooleeyo Boorkana laga jafo, lana taageero, Maxaakiimtaasna lagu jabiyo, markii ay u suuro gali waysay oo laga awood badiyay dantii waxay keentay Dowladaas inay Ogolaansho Bixiso si wadankaan loo gumeysto tiina waxaad ogeydeen in Midowgii Maxaakiimta meeshii ay ka baxeen waxa loo adeegsadayna waxa ay ahayd Dowladaas **** ******ka ah, markii Itoobiya Ciidamadeedii iyo **** ******ka a an la galnay Dagaalkii aad u kharaaraa ee labada Sano socday ilaahay Wuxuu gacanta sarre naga siiyay Itoobiyaankii iyada oo Duleysan oo wax Hadaf ah haba yaraatee ay Wadanka ka xaqiijisatay ayna jirin inay ka dhaqaaqday baynu wada ognahay , marka hadana waxay tahay Muxaawaladii kale, waxaa la leeyahay Dad Islaamiyiin ah Dad Islaamiyiinta Awal lagu tirin jiray oo iyaga qeyb ka ahaa in loo adeegsado say Caalamka ugu Muuqato inay iyaga maanta is-Dagaalayaan ula jeedadana ay tahay in la hor istaago Jihaadka kan oo socdo iyo Ahdaaftiisa saan loo gaarin Cid kasta cidii ogolaata ee heshiis hoos loola galo inuu Islaam keenaynin, Bulshada Rabitaankeeda oo Islaamka ahna uu ka hortagayo in la kaalmeeyo oo gacan lagu siiyo, sidii wadankaan Danta laga leeyahay loo fushado, marka anigu waxaan ogahay Dad badan oo wax Ma kasta ah inay Caleemo Qoyan dad badan ugu soo dhaweyn doonaan ay wada qeylin doonaan oo aan ognahay hadeerba in Qalabka Warbaahinta Kaligood loo dhaafay inay ka hadlaan Dowladaas ayaa la soo dhaweynayaa in la yiraahdo ula jeedadana ay tahay wixii aad ka dagaalantay in Dib laguugu celiyo inay tahay inay arintaasi tahay baanu ognahay Shalay Dadkii Itoobiyaanka markay soo galayeen dadbaa u sacbo dhabayay oo u soo dhaweynayay kuwii unbay qeyb ka noqon doonaan, aniga waxaan ogahay Dowladaan hadda jiri doonto oo hadda lagu soo dhawaaqay ee **** ******ka ah iyo Waxa ka danbeeya wax ka soconaya inaysan jirin, waxa ay qaylin doonaan waa 3 ama 4 bilood mana jiri karaan ilaahay idinkiisa Kalimatulaahi Hiyal Culyaa gaalana Meeshaas way ku jabaysaa Bi’idnilaahi Tacaalaa, marka waxaan idinka rabnaa Dadka Mujaahidiinta ah in aan la idin Khaldin Dadkasi Dadka Soo abaabushay Waa la ogyahay, Cidda Taageeraysana waa la ogyahay waa cidii Wanteedka loo ahaa laguna baabi’inayay Umadda iyo Hadafkeeda Maanta in raali laga noqdo Diyaaradihii Itoobiyaankana lagu qaado wax unbaa is-badalay Waxa is-badalay aan is-weydiino Ma Mabda’eena baa itoobiya nagu saacidee oo Shareecadda Islaamka inaan isku xukuno ah? Misa Hoos baa heshiis loola galayoo in Jihaadkii iyo ilaahay Kitaabkiisa hoos loo dhigo Itoobiyana ay Wadankaan ka taliso arintas miyaysan Khaldanayn, waxaa weeyaan waxaanu ognahay waxa meeshan ka socdo waxaa weeyaan marka ninkii Tagaba inuu Itoobiya tago la soo caleemo saaro Hadafkii C/laahi Yuusuf wadayna horey lagaga sii bilaabo intaas kaliya inay meesha ka jirto, taasna waa midii aan ka dagaalanay Cid aan ka yeelaynana ma jirto, marka waxaan aad iyo aad ugu Naseexaynayaa dadka Mujaahidiinta ah si Qaflo ah inaan lagu qabsanin hadafkana aan laga xumeynin ula jeedada aan maantana u jeedno waxay tahay dantii aan Dagaalka u bilownay Wali sooma afjarmin Insha allaahu Tacaalaa waa soo afjarmeysaa ilaahay Dadka uu amaanay inaan noqono من المؤمني& #1606; رجال صدقوا ما عاهد الله عليه فمنهم من قضى نحبه و من هم من ينتظر وما بدلو تبديل dadka la yiri inaan noqono oo hadafkoodana ku taagan inay xaqiijiyaan iyo inay ku shahiidaan labadaasna wax u dhaxeeya inaysan jirin haddii intaasi in ka mid ah sameynin ilaahay wuu nala xisaabtamayaa, si taas loo gaaro waxaa weeyaan Guushaas sidii la rabay inaan u gaarno waxaa inaga hor istaagnaa waxaan ognahay in Mujaahidiinta Magacyaal badan kala lahaayeen ay Qeybsanaayeen tiina aan maanta rajeynayno Insha Allaahu, sidaa u maqasheen shirkii hadda inoo soo dhamaaday 80% inaan ku soo afjarnay Jabhadda Islaamiga, Mucaskar Raaskaanbooni, iyo Caanoole, oo Dadkii Xaqa ku taagnaa ah kuligeed in la mideeyay Xisbiga la yiraahdo Al-Xisbi Al-Islaami lagu Mideeyay Hal Maamul ay Doorteen, Maalmahan soo socdana Dadka Mujaahidiinta oo dhan ay Meel ka wada Dagaal gali doonaan, Ciidamadooda iyo Awoodoodana la midayn doono insha allaahu taasna waxay soo dedejin doontaa Guushii aan ugu talo galnay inuu ilaahay nagu siiyo Jihaadkan, taasna waxay ku timaaday cid kasta wixii ay gooni u lahayd oo magac ah iyo maamul ah in laga soo guuray, maanta wixii ka danbeeya Mujaahidiinta Shicaarka kulminaya oo uu Magaca u yahay waxay tahay Al-Xisbul Islaami, Ma qaadateen Arintaa iyada ah “Haa” Al-Xisbul Islaami Ma qaadateen, “Haa” Go’aan ma idinka tahay risaaladii aad bilowdeen oo ahayd wadankaan Gumeysiga iyo Gumeysi raaca inaad ka xoreysaan Diyaar ma u tihiin “Haa” inaad ilaahay Kitaabkiisa kor u qaadaan Diyaar ma u tihiin “Haa” inaad Muslimiintaas Si wanaagsan ula dhaqantaan gaaladana aad saf ka noqotaan idinkana walaalo gacanta is haysta aad noqotaan diyaar ma u tihiin aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, intaas waxay ahayd kalimo yar oo aan u jeedinayay Dadka Mujaahidiinta ah waxaa ka danbeeya Shacabka Qeybihiisa ayaan la kulmi doonaa aniga iyo wafdiga ila socday, waxaan ilaahay ka baryaynaa insha allaahu inuu ilaahay Guul deg deg ah na siiyo anagana isku keeya dubo, Wassalaamu Calaykum Waraxmatulaah.”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

47.JPG

 

A criminal and a Warlord who will soon Insha Allah be held accountable. Declaring war in a city that is already tarnished by it and recovering from the worst occupation is inhumane and criminal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Juje,

 

It is really unfortunate for Mogadishu people to find themselves again stuck between a rock and hard place.

 

The only way to get out of this dire situation is for the people to realize their interest and see the different factions for what they are: power-hungry thugs who should not be supported by society.

 

Hamza9163,

 

Accusations and counter-accusations won't solve the issue at hand.

 

The Islamist warlords will be held accountable, Sh.Shariif and Sh.Aweys better solve their issues. Mogadishu society should get out of this rock and a hard place.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by hamza9163:

The criminals surround sh. sharif, the ones who killed 40 civilians just days ago are today his body guards.

What a pathetic,cheap and unfounded baseless lies response.

It is there and apparent the buffoon Cumar Imaan declared war in Mogadishu today and you see the logic of that , cajiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this