Sign in to follow this  
Juje

100 Somali Students Granted Scholarship + PICS

Recommended Posts

Juje   

Dowladda KMG Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah maanta u sameysay ku dhowaad 100 Arday ah oo helay waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah

 

ar1.jpg

 

Munaasabad ballaaran isla markaana sagootin ah ayaa maanta ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, iyadoo halkaasina ay goob joog ka ahaayeen 90 Arday Soomaaliyeed ah isla markaana nasiib u yeeshay inay helaan Waxbarasho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah taasoo ay ugu deeqday dowladda Yemen.Munaasabaddan sagootinta ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Hiddaha iyo Taclinta sare ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Wasiirka Waraada Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Safiirka Dalka Yemen ee Somalia, Wasiiro iyo bahda saxaafada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardaydan u jeediyay dardaaran xoogan isagoo kula dardaarmay inay noqdaan dad si wanaagsan wax u barta, isagoo tilmaamay inay yihiin dadkii berri hogaamin lahaa dalkeena, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare isagoo ku tilmaamay Caadil si nadiif ah u soo xulay Ardaydan. Wasiirka oo goobta ka hadlay ayaa isaguna xusay inaan loo eegin Ardadan Qabiil, Qolo iyo Qoys midna isla markaana lagu soo xulay aqoontooda iyo kartidooda, isagoo tilmaamay in dhamaan Ardaydani ay Imtixaan u galeen sidii ay u heli lahaayeen Waxbarashadan Jaamacadeed ee ay ku deeqday dowladda Yemen, balse aan lagu soo xulin si musuqmaasuq ah

“Minxo iibsi dambe waa dhamaaday, Shahaado Suuqa laga iibsado dambe waa dhamaatay, Laaluush bixin dambe waa dhamaatay, Deeq waxbarasho oo la musuq maasuqo waa dhamaatay waxaan u siineynaa si nadiif ah oo alle ka cabsi leh deeqaha Ardaydeena Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Caddow wuxuuna dhanka kale caddeeyey inay jiraan balanqaadyo deeqo kale oo waxbarasho oo soo socda isagoo ka xusay balanqaad uu sameeyey Dalka Suudaan.

Mid ka mid ah waalidiinta Ardaydan ayaa ku tilmaamay arrin farxad weyn ugu fadhisa in wiilkiisa oo uusan u awoodin waxbarasho Jaamacadeed isla markaana xittaa Ticket-ka diyaaradda ay culeys weyn ku tahay inuu u helo waxbarasho Jaamacadeed, isagoo xusay inuu mar hore dhameeyey dugsiga sare balse uu muddo guriga isaga fadhiyay Jaamacad la’aan maadaama uu awoodi waayay inuu qarash ku bixiyo. Sidoo kale, C/raxmaan Maxamed C/qaadir oo ah mid ka mid ah Ardaydii maanta nasiibka u helay deeqdan waxbarasho ee Jaamacadeed ayaa uga mahadceliyay dowladda sida nadiifka ah ee ay ugu soo gudbisay ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaana wuxuu u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare isagoo sheegay in wasiirku uu yahay Wasiirkii ugu horeeyey ee si daacad ah u soo gaarsiiya deeqaha waxbarasho isagoo tilmaamay inay har iyo habeenba ku dedaali doonaan inay waxbartaan, si ay mustaqbalka u noqdaan hogaanka ummadda isla markaana sida daacada ah ee loo siiyay deeqdan ay ugu shaqeyn doonaan mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyntiina, R/wasaaraha oo aad ula dhacay ruwaayad yar oo ka tarjumeysay sida musuq maasuqa ah ee deeqihii waxbarasho loo adeegsan jiray iyo sida haatan wasiirkan cusub ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliintu uu daacada ugu qeybiyay ayaa ku booriyay Majaajiliistayaashii inay badiyaan ruwaayadaha noocan oo kale ah oo bulshada faa’iidada weyn u leh si degana wax u fahansiinaya siyaasiyiinta Soomaalida isagoo uga mahadceliyay soo bandhigidooda.

 

ar2.jpgar3.jpg

ar4.jpg

ar6.jpg

ar5.jpg

ar7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Juuje, mahadsanid!, i'm listening to his Qudbo naaw!, Caddow waa nin daacada, Diin & wixii uu west-iga kala yimid (oo wanaagsanaa) ayuu isku darsaday!,AhmdA/laahi-na waa Maamulihii hore ee Muassasada Imaam Al-Shaafici.

 

Addow wuxuu yiri: "dal Muslim waxaa garan kara faa'iidadiisa qofkii ku noolaada dal aan Muslim ahayn, Musqusha hadaad gasho waxaad ku astanjooto ma leh, maqaayadda aad gasho xalal ma ka heli doontaa..waxaad u socotaan dal Muslim ah, wax idinkama halaabaayaan Insha Allah.."

 

Jazahullaahu Khayran.

 

PS. Kaalay amaan shaqo ka raadsadaa haba iga raacdee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

haa.. wadaaddo wax bartay si fiican bay isku qarxin,iyo meelo isqarxin looga baahanyahay...

 

lakin taas 2003 gii ay dhammaatay,hadda xitaa isdagaal playstation boos kama banaana...

 

yaa isdagaal cusub noosoo alifaaya hee..

 

somali pirates __salute

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Originally posted by Juje:

balse aan lagu soo xulin si musuqmaasuq ah

“Minxo iibsi dambe waa dhamaaday, Shahaado Suuqa laga iibsado dambe waa dhamaatay, Laaluush bixin dambe waa dhamaatay, Deeq waxbarasho oo la musuq maasuqo waa dhamaatay waxaan u siineynaa si nadiif ah oo alle ka cabsi leh deeqaha Ardaydeena Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Caddow

Adeer, Prof. Caddow waa la weydiin doonaa meeshuu mariaya deeqdii waxbarasho ee Dowladdaha Masar iyo Suudaan.

 

Dhowr sano ka hor, Buubaa oo sidaan oo kale booto meelaha la buulo-xoofteayay, tuu dhigayna waan aragnay, maantana Prof.Caddow ay mareysaa. M. Cali America, Dalxa iyo jameeco kalenaa waa jirtaahee ogoow.

 

 

^Nasiib Wacan to the Ardayda. ha dadaaleen, ninkii dadaalaaa darajo gaara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Cawaale:

Adeer, Prof. Caddow waa la weydiin doonaa meeshuu mariaya deeqdii waxbarasho ee Dowladdaha Masar iyo Suudaan.

Dhowr sano ka hor, Buubaa oo sidaan oo kale booto meelaha la buulo-xoofteayay, tuu dhigayna waan aragnay, maantana Prof.Caddow ay mareysaa. M. Cali America, Dalxa iyo jameeco kalenaa waa jirtaahee ogoow.

Adeer naac naac loma bahna, wax cadeyma hadad heysiid so bandhiig hadi kale shut your bloody gob.

If you fail to see and appreciate this monumental achievement and opportunity then you are nothing more than a winger who has no case to stand on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maasha Allah, May allah reward the minister for this and make those student, ones that can back with knowledge that benefits them selves and our Country!.

 

Prof. Cadow Is one Honest Man making use of what ever little he has got to work with. Unfortunately we lack people of his calibre.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by Cawaale:

Adeer, Prof. Caddow waa la weydiin doonaa meeshuu mariaya deeqdii waxbarasho ee Dowladdaha Masar iyo Suudaan.

Dhowr sano ka hor, Buubaa oo sidaan oo kale booto meelaha la buulo-xoofteayay, tuu dhigayna waan aragnay, maantana Prof.Caddow ay mareysaa. M. Cali America, Dalxa iyo jameeco kalenaa waa jirtaahee ogoow.

Adeer naac naac loma bahna, wax cadeyma hadad heysiid so bandhiig hadi kale shut your bloody gob.

If you fail to see and appreciate this monumental achievement and opportunity then you are nothing more than a winger who has no case to stand on.
^very soon, very soon. waxba haka walwalin. dukumintiyaal aad arkeysaa iyo wareysiyo sxb. haduu ilaahay nafta noo daayo.

 

inta ka horeyso, make sure ragaada in ad kala doorato. ow BTW waraaqaha waxaa la socdo raggii yurb ku gooyay oo dowladda ka tirsanaa!!!

 

Marlabaad, Ardayda nasiib wacan aan leeyahay, Odayaashase Arin aa sugeeso. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mansa Munsa:

Great news... Jacayl Baro-ow bal horta khayr rajee intaanad shar ka fekerin

Taas waa khasab sxb oo khayr fiican baan u rajaynayaa ,,,, laakiin niman meeshaa ka muuqda oo qabanqaabada wada baan ka yara walaacsanahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this