Sign in to follow this  
Saalax

Another Wasiir Ku Xigeen from Awdal resigns from TFG

Recommended Posts

Saalax   

Wasiir ku xigeen kale oo maanta iska casilay Xilkii loo magacaabay Xukuumada Farmaajo

posted by: Webmaster

 

Faysal Cumar Guuleed oo dhawaan loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wax barashada hidaha iyo Tacliinta sare ayaa maanta Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in uu iska Casilay Xilkii loo magacaabay.

 

Faysal ayaa sheegay in ay is casilaadiisa in ay kadanbeeysay Markii ay Beeshiisa kula taliyeen in uu iska Casilo Xilka Wasiir ku xigeenimo maadaama uu yahay xil aan u qalmin Beeshiisa islamarkaana aan Waafaqsaneyn Heshiiskii wax wada qeybsiga Beelaha ee Dalka Jabuuti.

 

Md Faysal ayaa ka soo jeeda Beesha Awdal, Wasiir ku xigeenka maanta is casilay aya noqonaya kii Labaad ee iska casila Xilkiisa waxaana Maalmo kahor is casilay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdi Casiis Lafta Gareen.

 

Waa Xukuumadii ugu horeeysay ee ay iska casilaan Labo Wasiir ku xigeen iyada oo aan la ansixin tan iyo markii Magaalada Jabuuti lagusoo dhisay Doowlada kmg ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmad.

 

Axmed Kulan

 

Togaherer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by Jacaylbaro:

I'm in Borama right now ,,,,, they don't even know who is he ,,,
:D

I did now that Borama hade innternett connection.....

hmmm ooooo someone is lying :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Wasiir-ku-xigeenka ( Faysal Cumar Guuleed ) ee Iska casilay dawladda Farmaajo oo ka soo jeeda Awdal…oo ay reer Awdal uga soo hambalyeynayaan dunida daafeheeda.

November 22, 2010

By staff-reporter

Awdalpress – London – Sida laga warqabo waxa dhawaan ra’iisal wasaaraha cusub ee DFKG ah iyo madaxweynaha Somaliya Sh. Sharif ay magacaabeen, wasiirro iyo xilal waaweyn oo aad looga dhalliilay degaanno ay ka mid yihiin Awdal iyo Puntland. Dhalliishaa oo ay iscasilaaddanina daba socoto.

 

Sidaasi daraaddeed, waxa daafaha dunida naga soo gaadhaya hambalyo loo dirayo mudane Faysal Cumar Guuleed oo isagu diiday in uu qaato cad-quudheed , war saxaafadeedkiisana ku caddeeyey in aanu ka mid noqon karin, gole aanay dadkiisu ka muuqannin. Isla markaana aanay sharaftiisa ahayn in lagu magacaabo kuri aan qiimo lahayn, oo ka fog talada dalka.

 

Waxana uu dadkiisa aqoonta lehna ugu baaqay in ay meel walba kaga muddaharaadaan dawladda cusub, gaar ahaan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Borame. Oo la muujiyo sida aanu Farmaajo oo kale u noqon karin mas’uul ummadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this