Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Muqdisho Airport Closed : No Flights

Recommended Posts

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo aysan maanta wax diyaarado ah ka soo degin

 

Talaado, September 16, 2008(HOL): Maanta oo ay bilaha September iyo Ramadaan ku wada beegan yihiin 16 ayaa ka bilaabanaya waqti uu dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab shaaciyay in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo saaka ma jirin wax diyaarad ah oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha, inkastoo qaar ka mid ah Shirkadihii Diyaaradaha ee maanta oo kale garoonka ka soo degi jiray ay cudurdaar u gudbiyeen Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha.

 

Wasiirka Wasaaraddaas Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in Shirkadaha Diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba ay u soo gudbiyeen cudurdaar ku saabsan in aysan maanta soo degeyneynin duulimaadyo ay filayeen.

 

“Haddii ay u baaqdeen Hanjabaaddii Al-Shabaab wixii ku yimaada iyaga ayaa mas’uuliyadda qaadi doona, laakin annaga waxaan sheegeynaa in ammaanka Garoonka Diyaaradaha uu sugan yahay, lana isticmaali karo”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in garoonka uusan markiisii horeba baryo ku furneyn marar badan oo horena madaafiic lagu tuuri jiray.

 

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in maalinta berri ah ay Garoonka imaan doonaan diyaarado Rakaab wada iyo kuwo u socda Dowladda Federaalka, wuxuuna xusay in uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin amarkii ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

 

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa Bayaan uu soo saaray oo lagu soo daabacay bar uu Internet-ka ku leeyahay waxaa uu ku sheegay in garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu u xiran yahay sabab la xiriirta in uu hoy u yahay Ciidamo ku soo duulay Soomaaliya, sidoo kalena ay ka soo degaan Saraakiil sir-doon ah oo ka socda Mareykanka iyo Israa’iil. {Halkan ka aqriso Bayaanka}.

 

Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah wasiirka cirka duulimaadka gaadiidka lol

 

woow, the warning of Alshabaab did actually worked

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...You have to be a warlord to hold such posts and of course have an experience in controlling Isbaarooyinka or road blocks...lol...what a fool miyuusan ku quusan diyaaradihii hadda ka hor dib la soo ridey marka uu rabo inuu shacabka naftooda halis geliyo isagoo aan laftiisu jidadka mari karin isaga iyo ********ta ilaalisaba.

 

Ilaahay Soomaaliya Xal ha u keeno, kuwaan dadka dhiiggooda cabeyna ha dhaafiyo oo masuuliyiinta isku sheegaya...when they can't even count their fingers...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka dayuuradaha Aadan cadde International Airport ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa maanta ka dhaqan galay amar ka soo baxay xarakada Al Shabaab oo ahaa in wixii ka dambeeya 16-ka bishan oo maanta ku beegan garoonkaasi la xiray, aysana isticmaali karin dayuuraha soo degaya iyo kuwa dhoofaya intaba.

 

Waraka naga soo gaaraya garoonka ayaa sheegay in maanta aysan jirin wax dayuurado ah oo halkaasi ka soo degay, haddii ay ahaan laheyd milateri iyo rayid intaba, ka dib marki uu saameyn ku yeeshay goroonka amarkii ay xarakada Al-Shabaab ku mamuuceen guud ahaan duulimaadyada ka dib markii ay sheegeen in garoonkaasi ay adeegsadaan ciidamada iyo mas’uuliyiinta iyaga ka soo horjeeda oo daqliga ka soo xeroodana uu ku takri falo taliyaha ciidamada Itoobiya ee Somalia.

 

mas’uuliyinta shirkadaha dayuuradaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Jubba Airways iyo Daallo ayaa sheegay iney joojiyeen duulimaadyada ay maanta ku iman lahaayeen magaalda Muqdisho ka dib markii sida ay sheegeen ay u baqeen amaanka dayuuarahooda, iyagoo sheegay inaaney dib u bilaabi doonin duulimaankooda inta marka kale ay xoogaga Al shabaab ka fasaxayaan duulimaadyada.

 

Midowga maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa talaabada ay Al shabaab ku xirtay garoonka Muqdisho ku tilmaamay mid aan loo baahneyn xiligan oo aan maslaxad ugu jirin shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyago sheegay iney ka warqabaan in garoonka uu cadowga ka fushado dano isaga u gaar ah hase ahaatee ay taasi ka weyn tahay xiligan danaha shacabka Soomaaliyeed ee dhibateysan ay u qabaan garoonkaas, iyagoo ka ka codsaday dhaqdhaqaaqa Al-shabaab iney go’aanakaasi dib u eegaan.

 

Dowladda federaalka Somaaaliya mas’uuliyiin ka tirsan ayaa iyana shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo waxayna sheegeen in arintaasi ay tahay mid ku dhibaato ku ah ku sh shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in garonka Muqdisho danaha Df iyo kuwa shisheeye ay ka fushadaan ay yihin kuwo aad u kooban oo inta badan ay maslaxad ku qabaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay Al Shabaab iney go’aankaasi dib uga laabtaan kana waantoobaan falkaasi, ilaa haddana ma jiro hadal jawaab u ah baaqyada oo ka soo baxay xoogaga Al Shabaab.

 

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadaha Diyaaradaha oo u hogaansamay Digniintii Al-Shabaab ee ku aadanayd inuu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

 

Waxaa saakay ka soo degin maanta garoonka diyaaradaha Diyaarada Aadan cadde International wa diyaarad rakaab ah,iyadoo diyaaradihii ku soo socday Magaalada Muqdisho ayaa u weecday dhinaca Garoonka Diyaaradaha Hargaysa.

 

Shirkadaha diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa Wararku sheegayaan in ay yihiin kuwo u Hogaansamay amar ka soo baxay Dhaq dhaqaaqa Al shabaab oo sheegayay in Maalinta Talaadada wixii ka danbeeya uu Xiran yahay Garoonka Aadan Cade Intrnational.

 

Amarkaasi ka soo baxay Al-Shabaab ayay Dowlada KMG ah dhineceeda ku dhawaaqday maalintii shalay inuu goraanka shaqeynayo, islamarkaana ay Amaankiisa ay damaanad qaadeyso, iyagoona uga digay shirkadaha Diyaaradaha inay u hogaansamaan digniinta Al shabaab, waxaana lagu wergeliyay shirkadii aan ka soo deign garoonka inaysan mar dambe isticmaalayn.

 

Dhinaca kale waxaa wal wal ku yimid dadka Soomaaliyeed ee isticmaali jiray garoonkaasi, ilaa iyo hada lama oga in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay ka dhabayn doonaan inay soo ridayaan diyaaradii isku soo biimaysa inay ka soo degto garoonka Diyaaradaha ee Caalimiga ah.

 

Maanta wax diyaarad ah kama soo degin garoonka diyaaradaha Caalamiga ah, lamina oga sida laga yeelayo xiritaanka ay ku dhawaaqeen Al-Shabaab, iyadoo Dowladda KMG ah ay balan qaaday inay sugayso ammaanka garoonkaasi.

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu has more then one airport I believe, they can always use the other one Insha`Allah.

and honestly who takes a airplane to Mogadishu? I heard that there is only 1 airplane (with normal civilians) that goes one time a month!

Share this post


Link to post
Share on other sites

After al Shabaab threat, 'secret talks' to reopen Mogadishu airport

 

MOGADISHU, Somalia Sep 17 (Garowe Online) - Somalia's Islamist al Shabaab insurgent group issued a public threat earlier this week, warning that the capital Mogadishu's Aden Adde International Airport will not work after September 16.

 

No planes have landed at the airport since Monday, airport employees told Garowe Online.

 

Secret talks at Mogadishu' s Bakara market between Islamic Courts officers, local business leaders, airline company officials and al Shabaab fighters, reliable sources said.

 

The talks are aimed at convincing al Shabaab not to attack commercial airplanes landing at the airport, which is guarded by African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers.

 

"Our planes cannot land at the airport," said an airline industry source who did not want to be named. But he declined to explain whether or not airline companies are worried about a possible al Shabaab attack.

 

Somali government officials have maintained that Aden Adde International Airport is open for business, but AMISOM spokesman Major Barigye Bahoku confirmed to reporters that no commercial airplanes have landed in the past two days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MOGADISHU, Somalia Sep 19 (Garowe Online) - At least 12 people were killed Friday in Somalia's violent capital, Mogadishu, after the Islamist group al Shabaab launched mortars at Aden Adde International Airport, Radio Garowe reported.

 

Another 35 people, mostly civilians, were wounded as insurgents and Somali government troops exchanged shells across Mogadishu's Howlwadaag district, according to medical contacts.

 

A military plane transporting goods to African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers, who safeguard the airport, landed safely but attracted at least eight mortars that targeted the international airport.

 

Capt. Barigye Bahoku, the AMISOM spokesman, confirmed to the media that insurgent mortars targeted the airport but caused no damage.

 

Al Shabaab guerrillas issued a public warning earlier this week threatening to attack Mogadishu's airport if any airplane attempts to land. But al Shabaab's decision has been opposed by Islamic Courts officers, who are reportedly holding private talks to ease tensions. [ Full story]

 

'Revoked'

 

Somali airline companies have not landed at Aden Adde International Airport since Monday, with various sources saying the airlines are avoiding al Shabaab's September 16 threat.

 

But Somalia's interim government is very unhappy about the airliners' decision. On Friday, Mogadishu airport director Mohamud Sheikh Ahmed declared that the government has "formally revoked" the operating licenses of several airline companies.

 

He specifically named Daallo Airlines, Jubba Airways, Africa Express and Gallad Airlines which made daily commercial flights to Mogadishu as loosing their license to land at Aden Adde International Airport.

 

According to Mr. Ahmed, the government reached the decision after the airline companies "accepted the al Shabaab propaganda" and rejected the government's assurances that the airport is safe and open for business.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MOGADISHU (AFP) — Nine Somali civilians were killed Friday when insurgents fire mortar shells on Mogadishu airport, drawing retaliatory fire from African peacekeepers, witnesses told AFP.

 

The incident broke out minutes after a plane delivering goods for the African Union (AU) force stationed at the airport landed, in defiance of a three-day-old insurgent "ban" on using the facility.

 

Insurgents fired several mortar shells at the airport but many missed their target, local residents said, adding that the AU forces fired shells back.

 

"Two houses close to southern Mogadishu's K5 intersection were destroyed by mortar shells and seven dead civilians were found in the debris," said Ahmed Omar, a resident.

 

Another witness gave the same death toll.

 

"Five civilians were killed in a house near the Libyan embassy and two others died in a neighbouring house," said Bashir Abdullahi, adding that seven other civilians were wounded in this incidents.

 

Several other witnesses said two civilians were also killed when mortar shells smashed into homes in the southern Holwadag area.

 

"The insurgents did what they have been doing. They fired mortars shortly after a plane carrying our supplies landed, but there were no casualties," Baridgye Bahuko, spokesman for the AU mission in Somalia, said.

 

"I don't think that the AU forces randomly fire at civilians in residential areas, though we have the right to defend ourselves from those who attack us," he added.

 

Somalia's Al-Shebab movement earlier this week warned that all flights should cease as of September 16, arguing that the airport was an instrument of Ethiopia's military occupation of Somalia.

 

Commercial activity at the airport has since stopped, despite government assurances that the radical Islamist militia did not have the means to impose a blockade on the airport.

 

The airport is used for both commercial and military flights but is also the main base for the Ugandan contingent of the African Union peacekeepers, who were reinforced by Burundians earlier this year.

 

With the war-torn Somalia's roads dotted with rogue checkpoints and freelance gunmen and its waters infested with pirates, traders have warned the airport's closure would only further stifle an already agonising nation.

 

 

Source: AFP, Sept 19, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraad Duulimaad ku soo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha Daallo, Jubba, Africa iyo Gallad

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraad Duulimaad ku soo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha Daallo, Jubba, Africa iyo Gallad

 

Jimco, September 19, 2008(HOL): Maareeyaha guud ee Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Maxamuud Shiikh Cali (Dable Pilot) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ruqsaddii shaqo kala laabteen shirkado diyaaradeed oo isticmaali jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Dable Pilot waxaa uu sheegay in ay shirkadaha Daallo Airlines, Jubba Airways, Africa Express iyo Gallad Air ay kala laabteen ruqsaddii ay u heysteen in ay isticmaalaan garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna ku sheegay sababta ay xayiraadda duulimaad ugu soo rogeen in ay la xiriirto iyagoo ka dhego adeygay baaq ay u soo jeedisay Dowladda Federaalka oo ahaa in ay Duulimaadyadooda sidii caadiga ahayd u sii wataan.

 

“Shirkadahaas waxay u muuqdaan in ay u hoggaansameen amarkii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ahaa in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, sidaas darteedna waxaan ka joojinay in ay ka soo degaan diyaaradahooda Garoomada Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Maalin ka hor ayay ahayd markii Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed) oo ah Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay si isku mid ah u sheegeen in haddii Shirkadaha Diyaaradaha aysan ka soo degin Garoonka Diyaaradaha lagala noqon doono warqadaha ruqsadda shaqo.

 

Hadalka uu maanta sii daayay Maareeyaha guud ee Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Dable Pilot ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu maalintii afaraad ku xiran yahay amar ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kaasi oo ahaa in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu saameeyay dad badan oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan iyo kuwo ku soo laaban lahaa oo haatan ku xayiran dalalka deriska, iyadoo sidoo kalena ay jiraan dad doonayay in ay arrimo caafimaad ugu amba baxaan dalka dibaddiisa, kuwaasi oo iyana uu saameeyay xirnaashaha garoonka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this