Sign in to follow this  
xiinfaniin

Shariif: Cabinet size will be reduced

Recommended Posts

Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo qiray in ay kutalo jiraan yareynta Xukuumada Soomaaliya.

22. december 2009

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay la hadlayay Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhaliil ba’an ku sheegay Wasaaraddaha tirade badan ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay hada ku howlan yihiin sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen arrimahaasi.

 

Shariif wuxuu sheegay in ay deeq bixiyaashu aad uga walaacsan yihiin Wasiirada tirada badan ee ka dhisan dalka aanu daganaanshaha iyo nabadu ka jirin ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Caalamka diideen in ay caawiyaan Wasaaraddahaas tirada, hadana tayada daran wuxuuna ugu baaqay Mudanayaasha baarlamaanka in ay codkooda ku biiriyaan Xukuumad tiro, tayo badana leh.

 

Mudanayaasha qaarkood ayaa cod dheer ku taageeray qaraarka Madaxweynaha dawladda KMG ah, inkastoo aan la garan Karin sida ay xaajadu noqon karto, hadii ay shaqada waayaan wasiiro badan oo maanta ku baratamaya hogaanka dawladda KMG ah ee Soomaaliya,iskuna haysta in ay awood buuxda ku dhex leeyihiin gudaha Siyaasadeed ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Deeq bixiyaasha iyo dalalka siyaasad ahaan taageersan Maamulka KMG ah ayaa diiday in ay bixiyaan dhaqaale badan oo ay balan qaadeen, markii ay tirada ka bateen xubnaha golaha Wasiirada ee Soomaaliya, iyagoo hordhigay madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha in ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha ku wajahan dhismaha golaha Wasiirada.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu horay usheegay in ay go’aan cad ka qaadan doonaan Wasiirada tirada badan, isagoo sheegay in ay ka soo saari doonaan Wasiiro tiro yar oo tayo badan, waxaana ay Beesha Caalamku sheegeen in ay caawin doonaan 18 Wasaaradood oo kaliya.

 

Lama yaqaano sida ay ku aqbali karaan in ay shaqooyinka Wasaaraddaha fara badan ka tagaan wasiiro badan oo mudo soo shaqeynayay, isla markaasna isku haysta in aan laga qaadi Karin shaqooyinka ay hayaan, maadaama ay Siyaasad dhow la leeyihiin Madaxda dawladda KMG ah qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Really? Any examples showing how Sharif is favored in Amin's work, Maadeey? :D

 

Originally posted by S*S:

i wonder whether as somalis we ever learn from experience - ultimate futility is constantly doing the same thing expecting different results.

^^Cabinet reshuffles are not only a Somali thing, good Qardho man. It’s the way of the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i am not man of the world (i am simple good qardho man) but i know not anywhere in the world where country constantly reshuffles up and down the number of cabinets like fluctuating markets - same formula - always start with hundred and keep decreasing until you end up with two prime ministers/parliament speakers/foreign secretary etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I hear you loud and clear. With all the challenges facing Somalia, cabinet reshuffles should not warrant your protest, awoowe.

 

This reduction of cabinet if it ever takes place will be a one good step forward.

 

In the big scheme of things though, Somalia is busted. Pray for it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Ma ogtahay, in Shariif (sheik) yiri: ' waan is dhaarsannay inaan maanta kadib kala harin' ballanriina waa fuliyey so far!, (that was upon leaving Asmara)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this