Sign in to follow this  
Suldaanka

A Teenage Maxbuus u dhashay Somaliland oo Beesha Mogadishu iska sii daayeen

Recommended Posts

The teenager is currently staying at Waagacusub Reporter Dahir Alasaw's residence. Dahir took part in the youngister's release.

 

cabdi_casiis11.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Wiilkaas waaba u indho-fiiqan yahay sidii reer waqooyiga. dirac weeye walaahi haduuba inta dagaalamay hadana rag wax la qeybsaday.

 

Kheyr alaha siiyo kuwii sii daayay, oo u gartay inuu yahay saqiir lasoo marin habowshay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mid ka mida Maxaabiistii shalay la qabtay una dhashay Somaliland oo la sii daayay isagoo dhaawaca ,daawo sawir aan ka soo qaadnay.

 

 

Muqdisho ,Jimca, March. 23, 2007 Waagacusub.com

 

 

 

Cabdi Casiis Cabdilahi oo ah wiil 16 jir ah ,una dhashay Somaliland ayaa lagu guuleeystay in laga sii daayo Maxaabiis fara badan oo ay xoogaga ****** ku qabteen dagaalkii Gaashandhigga ee lala galay Isbahaysatadda dalalka IGAD gaar ahaan Askar reer Puntland ah.

 

“Waar Anigu nin Isaaqa oo garxajis ah baan ahay,seedigeey baa I hoday oo igu yidhi ii kaalay oo ila joog madax baan ahee,dabadeedna qori buu I siiyay oo wuxu I geliyay dhiboow waxba aan ka aqoon ,waan garan waayay laakiin isaga ayaan ilaalo u noqday dabadeedna waxaan ku dhaawacmay dagaalkii Gaashandhigga ,oo aniga oo dhaawac ah baa la I qabtay, ilaa xalay ,manta waan dhiig baxayay,Waar I damiintoo iga saara xabiskaan”ayuu yiri wiilkaas yar oo aad u ildarnaa markii ay Wariyaasha Waagacusub booqanayeen Maxaabiis fara badan oo qol ku dhex xirnaa.

 

 

 

Qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Somaliland oo lala xiriiray ayaa amray in la toogto oo aan loo naxariisan laakiin markii dambe waxaa lagu guuleystay in la is dhaafiyo,oo aanan Muqdisho lagu dilin .

 

“ Waar *********** badan baa ku jira Maxaabiista laakiin dee dowladda Cabdilahi Yusuf wax Askara oo Isaaqa anigga iyo mid kale oo Afweyne la yidhaa baa kaga jirnay ,waana ku gubanay oo malaha dadkeena ayaanu qiyaanay oo mabda’ooda hareer marnay “ ayuu yiri wiilkaa da’da yar ee Cabdi Casiis oo lagu wado in berri loo dhoofiyo dhinaca Kenya oo uu sheegay in abtigii degan yahay.

 

Wiilkaa yar ee Reer Somaliland waxaa la geeyay dhaqtar,waxaana laga daweeyay gacan uu dhaawac ka yahay,kadibna waxaa caawa lagu soo wareejiyay Magaaladda ,isagoo isla markiiba ay farxadiisii dib ugu soo laabatay.,wuxuna dhinaca kale Nadar ku maray inusan dib dambe qori u qaadi doonin ee u Waxbarasho raadsanayo.

 

Cabdi Casiis Cabdilahi oo caawa ku hoyanaya Hooy uu leeyahay Wariye reer Muqdisho ah ,waxaa lagu tilmaami karaa nin da’yar laakiin kaftan iyo sheeko badan oo run sheega,wuxuuna noqday Maxbuuskii ugu horeeyay ee laga soo dhex saaro 17 Maxaabiisa oo ku jira gacanta dagaalyahanadda ******.

 

 

Ahmed Jelle Hassan

WaagacusubOnline@yahoo.com

+2521-320000 Telcom Somalia

 

Mogadishu - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

That's my brothaman akhi right there. Rag rag dhaafay dheh.

 

For those of you still mired in the swamp of regional pride, let these youngster be an example of Princples-in-Action. Came from thousands of miles away to answer the call of Jihaad.

 

Falaa naamat acyunul jubanaa

 

Wait a sec, was he fighting on the side of the Courts or on the side of government ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aaway kuwii ku marmarsiyoon jirey maxkamaduhu da'yar soo marin habaabiyeen, bal yariiskaan fiiri illaa Burco la soo siray.

 

Ilaah baa Mahad leh miskiinkaan naftiisa badbaadiyey isagana soo hanuuniyey. I hope in Soomaali badan oo sidaan loo sirana oo qabiil iyo lacag lagu siray ay soo hanuunaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

by the way i would like to know. Isnt that a child soldier. I think if am not wrong a 16 year old is not allowed to be used in a combat operation . How comes a recognized government is breaking an international rule? where are those who used to complain here that the ICU is using children and sending inexperienced boys to the battlefield?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Nice try. It's written in the constitution that a Somali National Soldier has to be of a certain age. Eighteen to be precise. As for the ICU, we all know how they boasted about the toddler Brigade.

 

I just read in Abwaan's post Maxaabiistii shalay la qabtay una dhashay Somaliland WTF? What are the english orphans doing in Muqdisho?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

oooow Dahir Alasow of Waagacusub.com is finally in the UK after many failed tahriibs and sponsers, he posted his telephone number in waagacusub.com frontpage as a breaking news that he finally came to the UK, thanks to the Hargeisaawi brothers who helped him alot, the guy was dying to come to the west.

 

he will now start a campaign against Yusuf Garaad of the BBC Soomaali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^What does that have to do with anything. By the way, you are in the West correct? maxaad dadka kale ugu diidaysaa?

 

Kan yar waxan umalaynayaa in Ismail Hurre wax uyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

oooow Dahir Alasow of Waagacusub.com is finally in the UK after many failed tahriibs and sponsers, he posted his telephone number in waagacusub.com frontpage as a breaking news that he finally came to the UK, thanks to the Hargeisaawi brothers who helped him alot, the guy was dying to come to the west.

London waa in la isaga guuraa marka, horaa waxaa u joogay ilaa kun BEENAALE oo soomaali ah, Alasow from waagacusub hadduu ku soo biiray dadka London HIJRAA u sugnaatay

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by nuune:

he will now start a campaign against
Yusuf Garaad of the BBC Soomaali.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Beesha Mogadishu iyo Somalilaid waa walaalo. Dhibaatanma kama dhex dhicin waligood. They fought against Baree together and they will always be united some how and will remain closed political allies.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Qabiil politics 101 :D

 

Anagaa isku reer ah, aan hebel wada dhacno, dilno etc etc

 

Anagaa isku deegaan ah, wadanka aan wada xukuno

 

Anagaa ka soo wada horjeedna dadkaas aan is caawino

 

War meesha ka fadhiista, caruurtu xitaa sidaas uma fakarto. Maskaxdaadu ma intaas un ayee kartaa? Wax kale meesha keen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this