Sign in to follow this  
Gabbal

The long awaited Conference officially opens: Over a thousand participants.

Recommended Posts

Gabbal   

Wajigii Labaad ee Barnaamijka Dib Udhiska G/Gedo Oo Maanta Xariga Laga Gooyay Iyo Gegida Diyaaradaha Ee G/Haarrey Oo La Furay

Sep 22,2007

by Garbahaarey-GEDO-NN

Wajigii labaad ee maamul u dhisida gobalka Gedo ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta gobalka Gedo ee G/haarrey ,kadib markii la soo gabagabeeyay tababarro iyo kulamo la xariiray dib u heshiisiinta iyo xalka gaarida shaqaaqooyinka bulshada gobalka isla markaana xal buuxo laga gaaray khilaafyo hakad galiyay dardartii barnaamijkan.

 

Shirweynaha maanta ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah xildhibaanada DFKMG ah ee ka soo jeedo G/Gedo, masuuliin sar sare oo ka socotay wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan hay’adaha UNDP iyo UNOPS oo mashruuca maalgalinayo, maamulka gobalka Gedo, gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka, saraakiisha amniga ee gobalka, hay’adaha gargaarka, ururada bulshada, hogaamiyo dhaqameedyo, Culumaa’udiin, wakiilo ka socday jaaliyadaha dibada, saxafiyiin, kooxaha fanka iyo suugaanta iyo shacab ka badan kun qof oo si weyn u buux dhaafiyay hoolka shirka.

 

Waxaa si weyn loo adkeeyay xaalada amniga, waxana la xadiday dhaqdhaqaaqyada dadweynaha ayada oo si gaar ah isha loogu hayay wadooyinka soo galayo hoolka shirka, waxana la arkayay hal ku dhigyo nabadeed oo lagu xardhay gidaarada hoolka shirka ayada oo uu dareenka ka qaybgalayaashu ahaa mid aad u sarreeyo.

 

Masuuliinta DFKMG ah ee Soomaaliya, maamulada gobalka iyo degmooyinkiisa, hay’adaha gargaarka iyo dhamaanba qaybaha muhiimka ah ee madasha joogay ayaa soo jeediyay qudbado muhiim ah oo qaatay muddo 6 saacadood ah, waxana qudbooyinkaas intooda badan xooga lagu saaray arrimaha loo yagleelay shirka maanta furmay iyo wajiyadiisii hore, gaar ahaan waxaa si xoogan looga hadlay arrimaha amaanka, nabada, isdhexgalka bulshada iyo ka miro dhalinta ujeedooyinka mashruuca dib u dhiska ee G/Gedo.

 

Masuuliinta Dawlada Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadnaqay maamulada kala duwan ee gobalka sida dardarta leh ee ay u martigaliyeen barnaamijkan, waxana si gaar ah loo amaanay dawrka ay arrintan ka ciyaartay xarunta gobalka ee shirkan

martigalisay. Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu sheegay in laga billaabo maalinimada barri ah ay ergooyinka intooda badan ku laaban doonaan deegaamadii ay ka yimaadeen, waxana la reebi doonaa 105 xubnood oo ka socda todobada degmo ee gobalka, kuwaas oo la siin doono tababar 5 cisho ah oo ku aadan habka maamul wanaaga. Waxayna xubnahani ku laaban doonaan degmooyinkii ay ka kala yimaadeen ayaga oo degmo walba laga soo xuli doono 100 ergay oo dooran doona maamulka degmadaasi, waxana dabadeed loo gudbi doonaa dhisitaanka gole gobaleed oo 30 xubnood ka kooban ku waas oo dooran doono gudoomiyaha gobalka.

 

Inta lagu jiro wadiiqooyinkan maamul dhisida waxa si toos ah ugu lug yeelanayo hay’adaha barnaamijka taageerayo iyo wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya ayada oo ay maamulka gobalka iyo kuwo degmooyinkaba ay sii daadihin doonaan masuuliinta haatan hayso, waxana iminkaba ololohooda siyaasadeed bilaabay musharrixiin dhowr ah oo u tartamayo jegooyinka kala duwan ee gobalka iyo degmooyinkiisa, ayada oo nimanka haatan hayo masuuliyadaha gobalka ay madasha kaga dhawaaqeen in ay u tanasuli doonaan cid kaste oo loo doorto maamulada gobalka, waxayna intooda badan muujiyeen in ay ka qayb gali doonaan tartanka siyaasadeed ee loo galayo kuraasta kala duwan ee gobalka.

 

Dhanka kale, sii hayaha maamulka GEDO oo asna ka hadlay shirkii maanta ayaa maanta madasha shirka kaga dhawaaqay in si rasmi ah loo furay gegida diyaaradaha ee degmada G/haarrey oo dhawaanahan xirnayd. Masuulku waxuu intaasi raaciyey in ay arrinkaasi meelmariyeen ayaga oo kaashaday hay’ada UN-ka u qaabilsan arrimaha amaanka ee UNDSS. Waxaana uu sidoo kale sheegay in labada bari ee nagu soo aadan uu garoonka dayuuradaha ee G/haarrey ka soo dagi doono wafti heer sare ah oo ka socdo hay’adaha UN-ka, kaas oo u kuurgalayo geedisocodka barnaamijka dib u dhiska iyo maamul u samaynta G/Gedo.

 

Axmed Maxamed Caafi,

Wali SH. Cabdi Gurxan

Gedo-NN-Garbahaarey,GEDO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo Oo Xilalkoodii Ka Tanaasulay, Isla Markaasna Ah Musharraxiin (Daawo Sawiradda Shirka)

Sep 23,2007

byGarbahaarrey-GNN

 

Shirka beelaha gobolka Gedo uga socda magaalada Garbahaarrey ayaa waxaa wejigiisii labaad ay madaxda degmooyinka gobolka Gedo intooda badan sheegeen inay ka tanaasulayaan xilka guddoomiyenimo ee heer degmo, isla markaasna ay isu soo sharraxayaan xilkaas, haddii cidda kula tartamaysa ay guuleysatana waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin.

 

Idaacadda Maandeeq ee magaalada Beledxaawo oo ka soo qabatay codadkaas ayaa waxaa degmooyinkii tanaasulay ka mid ahaa Garbahaarrey, Beledxaawo, Dolow, Buurdhuubo, Baardheere iyo Ceelwaaq, iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka degmada Luuq.

 

State officials resign for elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Soomaali mataana u dambeysay...in Qabiil, qabiil loo kalo shiro...oo kani kan kale shafka u tumo...what hope do we have??

 

but I won't mind the concept walaahi Horn if the Qabiil itself is a unifying and an orderly entity but we all know that is not so. Qabiil is a hallow concept in our Somali culture.

 

Where would one draw the line...at the tolka guud green line, at jiifada hoose's dividing line, ina adderta isku dhoow's power line, or at the bahda weene family the red and the deadly line of all the line drawings??? Sadly, it never stops nowhere...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Where you are wrong Tahliil is that, while the composite of the conference can have a majority as does the region it concerns, the conference is not a one-clan conference nor does anything about the conference concern tribe.

 

The two parliamentarians lightly injured on their way to this conference were Xil. Xassan Deer and Xil. Ishaak Caymooy. Xassan Deer is a member of the majority clan of the region, but Ishaak Caymooy is not and they were traveling together to the conference as equals.

 

This is a new era for southern Somalia, because this conference is a pioneer in what it wants to achieve. The objective of this conference is to plan and implement a democratic vote for regional as well as local positions, from the highest office of the region, the Governor, to District Commissioners and even mayors. A democratic vote that has nothing to do with tribal composite, "4.5" type of formulas or anything of that nature. Infact, everyone from the governor to the district commissioners have resigned from their posts and are standing for election based on the Gedo-version of the "Electoral Collage" assembled there.

 

Ever since the last major Garbaharey Conference of 2004 which effectively ended all inter and intra tribal conflicts, the religious, traditional, and intellectual elite of the region have been preparing the region for this moment.

 

It is a new day for southern Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Very positive move indeed. I believe the intend to establsih such adminstration locally and regionally should be the core base of a national government, and unless such steps are taken in every corner of Somalia I dont think we will ever have an able and government of national consent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looks reality is catching up with the false propganda! heavy war in xamar is taking place after the govt split.

 

will this be another exodus of yeey and his gang from another somali town!!

 

[ September 24, 2007, 02:20 AM: Message edited by: rudy ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Indeed Juje, halaga gudbo ninkaasi yuu yahay loona gudbo ninkaasi ma muteystey codkeyga!

 

I believe the intend to establsih such adminstration locally and regionally should be the core base of a national government,

I agree. All the previous transitional governments seemed to have failed because they projected a top down mindset. While few men wrangled over the top, the disillusioned bottom seems to have become marginalized and failed to respond favorably. It is time to implement a grass-roots bottom up approach.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ergooyin kii ku sugnaa caasimada gobolka Gedo oo u kala kicitimay Dagmooyinka gobolka kaddib markii loo gaba-gabeeyay tababaro u socday

 

G/Haarey, Somalia - Inka badan 105 Xubnood oo ka kala socotay todobada Degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Gedo ayuu u soo gaba gaboobay Tababar uga socday Mudo afar maalmood ah hoolka Shirarka ee ku yaala duleedka koofureed ee Magaala madaxda gobolka Gedo ee G/haarey.

 

Xiritaankii Munaasabadaan oo ay ka soo qayb galeen Ururada bulshada, Hayadaha gargaarka, Culuma’udiinka, Aqoonyahanada iyo Dhamaan qeybaha bulshada ee kala duwan ayaa ahaa mid si haboon loo soo agaasimay, waxaana halkaas qudbado muhiim ah ka soo jeediyay xubno ka mid ah masuuliinta gobalka iyo degmooyinkiisa.

 

Masuuliinta maanta ka hadashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka Dagmada G/haarey C/saaq Maxamed Aar oo munaasabada maanta xariga ka gooyay. Gudoomiye kuxigeenka oo aad ooga hadlay Dhinaca Amniga ayaa xusay in hada wixii ka horeeyay uu gobolka ku sugnaa xaalado siyaasadeed oo kala xirxiran hadase uu gobalka ka billawday jawi nabadeed iyo xasilooni buuxda, waxuuna gudoomiye ku xigeenku intaa ku daray in qof kaste laga doonayo in uu xil ka saaranyahay taabagalinta hanaanka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta gobolka.

 

Sidoo kale, waxaa munaasabada maanta ka hadashay Mrs. Caasho Xuseen Urur oo ka socatay NGO la magac baxay Somali Supportive Group (SSG) waxayna Caasho xustay in uu ururkoodu ka qeyb qaadan doono hannaanka Maamul u sameynta gobolka Gedo.

 

Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa qudbad dheer Ergooyinka u jeediyay Gudoomiyaha gobolka Gedo Mr Aadan Ibraahin Ow-Xirsi oo ku nuux nuuxsaday in ay dhamaatay Colaadii iyo sidoo kale Qabiilkii, wuxuuna Ergooyinka ka codsaday in la tixgaliyo Dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool gobolkani Gedo asagoo sheegay ayna sidoo kale jirin cid cid ka badan balse ay jirto cid cid ka qeylo badan, wuxuna Ergooyinka ku adkeeyay in ay xubnaha dhisitaanka degmooyinka ku soo xulaan hab ku dhisan cadaalad iyo sinaan ayaga oo tixgalinayo beelaha Soomaali weyn ee gobalka degan.

 

Dhanka kale, waxaa kulama gaar gaar ah yeeshay galin kii danbe ee maanta Ergooyin ka ka kala yimid degmooyinka gobalka iyo gudoomiyaha gobalka Mr. Cirro iyo ku xigeenkiisa Mr. Maxamed Axmed Cali (Sanka), kulamadaas oo oo ay masuuliintu ku sogontinayeen wufuudii u galbanaysay degmooyinka gobalka.

 

Isku soowada duuboo, ma jirin wax qilaaf ah, jawiga shirkuna wuxuu ahaa mid ku dhamaaday is afgarad, waxaana la arkayay dhamaan Ergooyinka oo isu dhoola cadeynayo taaso kuu muujinaysay in horumar weyn laga sameeyay dhinaca isdhexgalka, is afgaradka iyo isla jaanqaadka siyaasadeed ee beelaha wada dago gobalka Gedo.

 

 

Wali Sh. Cabdi Gurxan, G/Harey/Somalia.

 

xxg4.jpg

xxg5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

GABAHAAREY: Dhismaha Maamulka Gobolka Gedo oo qaybtiisii hore la soo gabagabeeyay

Posted to the Web Dec 10, 16:50

 

 

Gabahaarey (PP) – Munaasabad heer-sare ah loo soo agaasimay laguna dooranayay maamulka Gedo kana dhacday hoolka shirarka ee hay'ada WFP ayaa lagu soo dhisay qaybtii hore ee maamulka Gobolka Gedo hoggaamin doona.

 

Xafladdan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay hay'ada CRD ee horey gacan ugu gaysatay maamul u samaynta Gobollada Bay iyo Bakool; munaasada ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadweyne aad u fara badan; waxaana sidoo kale goobjoogayaal ka ahaa mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, odayaasha Dhaqanka deegaanka oo uu ka mid yahay Ugaas Cumar Ugaas Xersi, culumaa'u'ddiin, aqoonyahano, madaxda shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha kala duwan ee ganacsatada iyo Hay'adaha wadaniga.

 

Doorashada xilka guddoomiyenimo ee degmada Garbahaarey oo lagu waday in ay dhacdo maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa hakad gashay kaddib markii sida la sheegay qilaafyo badan ay hareeyeen xildhibaanada golaha deegaanka taasoo uu ugu dannbayntii uu xaliyay ugaaska beesha ****.

 

Maanta ayaa waxaa si lama filaan ah ugu guulaystay qabashada xilka guddoomiyenimo ee Degmada Garbahaarey Mudane Maxamed C/laahi Xaashi oo ka haley 18-cod halka gudoomiyihii hore ee degmada Axmed Cabdulle Magan (Harawo) oo isna heley 14-cod oo kaliya.

 

Doorashadan ayaa Gobolka Gedo iyo guud ahaan Gobolada Alto Jubba waxaa looga arkay inay tahay tii ugu horreysay oo si dimuqraadiyad ah loogu qabto Gobolka xaduudaha la wadaaga dalalka Kenya iyo Itoobiya ee Gobolaka Gedo.

 

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiya ku xigeenka koowaad ee doorashada uu ku guuleystay Aadan Xasan Aadan oo helay 18-cod iyadoo musharraxii kale ee kasoo horjeeday uu helay 14-cod taasoo ka dhigan in Aadan Xasan Aadan (Dhaay) uu kaga adkaadey 4-cod Mudane Aadan Bare Cabdi, waxaana xilka gudoomiye ku xigeenka 2aad ku soo baxay Mudane Maxamed Khaliif Ayaanle (Galey) isagoo ka haley 32-xubnood ee golaha deegaanka degmada Garbahaareey 26-cod golaha deegaanka oo loo dhaariyay Maanta inay xilkood si wanaagsan u gutaan.

 

Gabagabadii doorashada ayaa waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha cusub ee degmada ahna duqa magaalada Garbahaareey Mudane Maxamed C/laahi Xaashi oo sheegay inuu wax weyn ka qaban doono ammaanka degmada isagoo la tashiyo kala yeelan doono golaha deegaanka.

 

Dhinaca kale; waxaa magaalada lagu soo gabagabeeyey barnaamijkii socdaalka nabadda oo ay waday hay'adda N.C.A. iyadoo munaasabadii lagu soo gabgabeeyay socodkaan nabadeed ay ka dhacday isla goobtii ay ka billaabatay, waxaana maalinimadii Sabtida lagu soo gabagabeeyey magaalada garbahaareey tartan ciyaareedka kubadda cagta ee tubta nabadda oo isla hay'ada N.C.A oo kaashanaysay gudiga Sportiga gobolka ay qabanqaabisay, waxaa ku tartamayay illaa 4-degmo oo ay ka mid yihiin Luuq, Beled-xaawo, Baardheere, iyo Garbahaareey; waxaana koobkaasi ku guuleystay degmada Baardheere oo 1-0 kaga badisey degmada Luuq.

 

Puntlandpost

 

Gobolka Gedo – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maxamed Cabdullahi Xaashi Oo Goordhoweyd Loo Doortay Gudoomiyaha Xarunta Gobolka Gedo Ee G/haarey

Dec 09,2007

by Garbahaarey-GEDO-NN

Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoomay doorashooyinkii dagmada G/haarey, waxaana maanta goobjoogayaalka ahaa qaar ka mid ah madax ka socotay Dowladda fedaraalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Ugaaska Beesha **** Ugaas Cumar Ugaas Xirsi, Culama Udiinka Ahlu Suna Wal jameeca, Duqeyda dhaqanka, iyo marti sharaf kalaba kuwaasoo si weyn u la dhacsanaa sida ay u socoto hannaanka doorashooyinka iyo sida ay u qabsoomayaan.

 

Waxaana jiray loolan aad u adag oo u dhexeeyay musha rixiinta u tartamayay Gudoomiyaha iyo kuxigeenka koobaad oo ay isu soo shara xeen 4 (Afar) musharax, oo labana u sharaxnaa gudoomiyaha G/haarey labana gudoomiye ku xigeenka koobaad. Musharixiinta u sharaxneyd gudoomiyaha ayaa kala ahaa Gudoomiyihii hore Axmed Cabdille Magan iyo Gudoomiyaha haatan talada hayo Maxamed C/llaahi Xaashi, halka gudoomiye ku xigeenka koobaadna ay u sharaxnaayeen Aadan Barre Cabdi (Aadan dhay) iyo Aadan Xasan Aadan oo isaga ku guulaystay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka koobaad, halka uu hal musharax oo kaliya isu soo sharaxay xilka Gudoomiye ku xigeenka labaad oo uu isu soo sxilka gudoomiye ku xigeenka labaad ee dagmada G/haarey.

 

Waxaana maanta ku guulaystay xilalka gudoomiyaha iyo labada ku xigeen Maxamed Cabdullaahi Xaashi, Gudoomiyaha ahna duqa magaalada G/haarey, Aadan Xasan Aadan (Aadan dhey) gudoomiye ku xigeenka koobaad, Cabdi Qaliif Ayaanle (Galey) kudoomiye ku xigeenka labaad. Waxaana gabi ahaanba maanta Afka ciida loo daray dhamaan maamulkii uu madaxda ka ahaa Mr. Axmed Cabdille Magan (Xarawe) ha ahaadaan gudoomiye amaba labadiisii ku xigeenba.

 

Sida loo qabtay doorashooyinkii maanta ayay dad badan amaanayeen taasoo ay ku tilmaameen in ay ahayd mid inta badan caddaalad ku salaysan. Waxaana codka lagu qaadayay Santuuq dhala ah, kaasoo lagu ridayay waraaqda doorashada. Waxaana la dhigay meel fagaara ah oo Baarlamanka deegaanka hortiisa ah, waxaana mid mid u dul istaagayay xildhibaanada cod kooda dhiibanayay.

 

Mana jirin habaynkii xalay ahaa magaalada G/haarey guda heeda inaba ha yaraatee wax jiif ah oo waxaa muuqanayay musharixiinta oo dheelmanayo gudaha magaalad si loo kala jiito Xil dhibaanada Golaha Deegaanka. Waxaana maanta ku guulaystay guurayntii xalay gudoomiye Maxamed C/llaahi Xaashi, gudoomiye ku xigeenkiisa koobaad Aadan Xasan Aadan, iyo gudoomiye ku xigeenkiisa labaad Cabdi Qaliif Ayaanle (Galey).

 

Dhanka kalana waxaa si farxad iyo kalsooni ku dheehan tahay maanta ugu wareejiyay xilkii uu horay u haayay gudoomiye Axmed Cabdille Magan (Xarawe) gudoomiyaha cusub Maxamed C/llaahi Xaashi, isaga oona ku nuuxnuux saday in uu la shaqeyn doono maamulka cusub ee Maxamed C/llaahi Xaashi, mana jirin gebi ahaanba wax khilaaf ah. Waxaana ugu danbeyntii lagu guulaystay in la soo xulo lixda xubnood ee golaha Baarlamanka Gobolka.

 

 

Wali Sh Cabdi Gurxan

Gedo NN G/haarey Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this