Sign in to follow this  
General Duke

Puntland start of Faroole's war...

Recommended Posts

farole6.jpg

Faroole: 'P/Land waxaa soo weeraray Argagaxiso caalami'

21 Jul 21, 2010 - 12:09:14 PM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Faroole oo wareysi xasaasi ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa shaaca ka qaadey in goor dhow lagu kala bixi doono Deegaanka Buurta Galgala oo ay muddooyinkan isku uruursaneyeen kooxda uu madaxda u yahay Maxamed Siciid Atam ee taabacsan Ururka Alshabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa carrabka ku dhuftey in Buurta Galgala ay ku hareereysanyihiin ciidamada Puntland islamarkaana goor dhow la soo gabagabeyn doono isagoo dhanka kalena sheegey sababta magaalada Boosaaso shaqaaqada looga abuurayo ay tahay inaan buurta la weerarin oo ciidamada Puntland ay ku mashquulaan xakameynta ammaanka Boosaso.

 

"Raga jooga Buurta Galgala waxay u badanyihiin rag tabobaran oo laga soo diray Koonfurta Somalia ahna rag ka amartqaata Argagaxisada Caalamiga waxayna col la yihiin in nidaam iyo maamul meelna ka jiro," ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u waramay Laanta Afsoomaliga ee VOA, isagoo ku daray in kuwo Reer Puntland ah ay ku jiraan Kooxda Buurta Galgala oo laga samaystay inay amar qaataan.

 

"Kuwa Local-ka waxaa madax u ah ninka la yiraahdo [Max'ed Siciid] Atam oo dhowr sanno ciidamo ku haystay meel Buuro ah laakin kuwa dadka ku laaya Boosaaso waa dad loo soo tabobaray in Argagaxa ay ka samayeen Koonfur lagu balaariyo Dalka oo dhan," ayuu yiri Madaxweyne Farole.

 

Mar la waydiiye sida ay Dowladda Puntland ku cadayn karto arrintaasi, Madaxweyne Farole ayaa yiri: "Kuwo badan baan gacanta ku haynaa xitaa kuwo Dharka Haweenka xirtay oo falal amnixumo waday baanu haynaa. Waa marag-madoonto."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgalada ciidamada Puntland ee Boosaaso

 

Madaxweyne Faroole ayaa dhanka kale waxa uu difaacey tallaabada Ciidamada ammaanka ee Puntland ay maalmahan ku qabqabanayeen dadka ay u arkaan iney wax u dhimayaan ammaanka waxaana uu sheegey in dadka la qabqabtey aysan aheyn kuwa ka dhex shaqeysta Magaalada Boosaaso.

 

"Dadka la qabqabtay maha dad soo barakacay. Waa labo qeybdood: Dad tahriib u socda iyo dad dhib u socda oo col in lagu beero magaalo wayn oo ganacsi wayn leh oo dad badan oo Soomaali ah lagu soo dhaweeyey oo Beel walba degan in lagu dhexbeero -- sidii Xamar oo kale -- oo kacdoon gudaheeda laga sameeyo," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

"Dadka aanu celinay [gobollada koonfur] waa dad Dhalinyaro ah oo Tahriib-doon ah awalna waanu celin jirnay. Kuma jiraan Haween, Caruur, Waayeel iyo masaakiin dadkii la celiyay," ayuu intaasi ku daray Hogaanka Puntland.

 

"Waxay Boosaaso u abaareen waa sababta ay Xamar u abaareen. Waxba kama badalna. Waa meesha ay u badan yihiin dadka soo barakacay oo lagu dhex dhuuman karo. Waa magaalo ganacsi oo dad badan degan yihiin," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Wuxuu sheegey in dadka ciidamada ay qabqabteen kuwii wax dambi ah lagu waayo loo masaafurinayo deegaannadii ay ka yimaadeen isagoo sheegay in maanta Koonfurta Somalia ay inta badan nabadi ka jirto markii laga reebo Magaalada Muqdisho.

 

'Xanuunka ka jiraa Muqdisho waa xanuun na haya'

 

Mar la waydiiyey Madaxweynaha Puntland warar sheegaya in Kooxda Buurta Galgala ay calankii Al Shabaab ka taageen meelo ka mid ah Puntland, wuxuu yiri: "Waxaa weeyey propaganda [dacaayad] Koonfur baana laga soo amraya. Waxaa la rabaa in fundraising [lacag-uruurin] loo sameeyo oo la yiraahdo 'Waa kaa Buur fiiqeyd baan Calan xunna ka taagnay ee Lacag hanaloo soo diro.' Waxay meesha ku hayaan weyni ma jiro."

 

Asagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri: "Waxa welwelka leh waxaa weeye dadka ku dhex dhuumanaya shacabka soo barokacay oo danyarta ahaa oo xaafada magaalada jooga. Kuwaasi ayaa ah kuwa qaraxyada wada oo Koonfur ka keena. Kuwa Buurta [Galgala] waaba lagu hareeraysan yahay oo waa lagu kala baxayaa Maalmaha soo socda."

 

Su'aashi ugu danbaysay ayaa Madaxweynaha waxaa la waydiiye in Dowladda Puntland inay u baahan tahay ayna soo dhaweynayso 20,000-ciidamo Midowga Afrika [AMISOM] oo la sheegay in la geyn doono dhamaan Gobollada Somalia.

 

"Anagu dad ka go'ay Somalia ma ihin. Xanuunka ka jiraa Muqdisho iyo Koonfur waa xanuun na haya. Dadkaa aanu u aragno inay shidada waadaan oo aan dib u celinayno waaba ka mid. Wax kasta wixii lagu dajinkaro Dalka gacan inaan ka gaysano una yeerno Caalamka oo dhan inay qeyb ka qaataan xag Dhaqaale iyo xag Ciidan diyaar baan u nahay waana soo dhaweynaynaa," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Asagoo hadalkii sii wata, wuxu yiri: "Puntland uma baahna Ciidamo Shisheeye. Waxaan uga baahan nahay dhinaca Koonfureed oo anaga iyo Gobollada dhexe oo weerarka lagu hayo ayna Ahlu Sunna Wal Jameeca joogaan in la keeno ama la dhexdhigo intaas kaliya baan uga baahanahay. Gudaha Puntland ugama baahnin [ciidamo shisheeye] maha inaan diidayno ee waanan u baahnayn."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: 'Puntland under attack by foreign terrorists': Farole

21 Jul 21, 2010 - 1:27:29 PM

 

The president of Somalia's Puntland State government has said that the stable region is "under attack" by international terror groups and is cracking down on anti-peace elements, Radio Garowe reports.

 

Dr. Abdirahman Mohamed Farole, Puntland's elected president, told the VOA Somali Service during a Wednesday interview that a group loyal to Al Shabaab militants in southern Somalia is responsible for assassinations of Puntland officials.

 

"The group hiding in Galgala hills received training in southern Somalia and they take orders from foreign terrorists who are the enemy of peace and government," President Farole said, while referring to a hilly region west of Bossaso, Puntland's commercial heartland.

 

The Galgala militants are led by a Puntland-born self-styled sheikh named Mohamed Said Atom, who is on the U.S. wanted list of suspects who hinder peace in Somalia.

 

"The local element in Galgala hills is led by the man named Atom, who has been hiding out in the mountains for a few years. But those who kill people in Bossaso are especially trained to spread the terror they commit in the south to every part of Somalia," Puntland's president said.

 

President Farole said government security forces have apprehended a number of terror suspects in recent months, all of whom originate in southern Somalia and received instructions at Al Shabaab terror training camps in southern Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

'We have surrounded Galgala hideout'

 

President Farole was asked a question regarding rumors that the Al Shabaab flag has been raised in parts of Puntland.

 

"That is propaganda and they [Galgala militants] are receiving orders from southern Somalia [ruled by Al Shabaab] and the objective is to fundraise and to say, 'Look we have raised the flag at the corner of a remote mountain. Send us money.' But they have nothing there," the Puntland leader added.

 

He stated that Puntland government troops have "surrounded Galgala hideout" and that the standoff "will be finalized in the coming days."

 

But President Farole admitted that the "bigger concern [for authorities] is the terrorists who hide among the displaced people. Those are the ones responsible for the bombings."

 

Puntland, located at the northeastern tip of Somalia with shores along the Gulf of Aden and the Indian Ocean, has been a stable region since the outbreak of the Somali civil war in 1991.

 

In recent months, Puntland's government has blamed a string of assassinations and bombings on terror cells connected to Al Shabaab and other terror groups fighting to topple the Western-backed TFG in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Security crackdown

 

Puntland government forces have arrested and sent back to their homes in southern Somalia more than 500 people this week.

 

President Farole defended the security crackdown, saying: "The people we arrested and sent back are not displaced persons. They are those young men seeking to be smuggled [to Yemen via Gulf of Aden] whom we have always sent back for their own safety. We did not send back elders, women, children, and the poor."

 

He explained that "most towns in southern Somalia with the exception of Mogadishu are peaceful today and these people should return to their homes unless they have other intentions."

 

Mr. Farole said that the other group of people sent back to southern Somalia is a major security threat to Puntland and the region as a whole: "The second group intends to plant enmity in a big city [bossaso] that is crowded and commercially vibrant and where Somalis from everywhere have been welcomed and is home to every Somali clan. Like they did in Mogadishu, they want to create instability from within the city [of Bossaso]," President Farole concluded.

 

Puntland's leader said the reason terror groups want to target Bossaso is "same reason as Mogadishu. It is a city with business and a big population and is therefore easy to hide [terrorists]."

 

He promised that Puntland security forces "would not harm or hold" anyone who is innocent of the authorities' suspicions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And I really thought the pirate state wanted to remain with in Somalia ,they have the biggest mouth and scream somalinimo when it suits them.

But as usual the pirate boys show their true colours , and the irony is they call us Somalidiid :D

We the independent republic of Somaliland who have zero intentions in koonfurian politics.

We would never evict innocent koonfurian civilians who are only seeking shelter and a peaceful place to live till their country becomes stable again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

These are tragic events but worse would be to allow Godanes clowns to have a foothold in Bossaso. It's wR it's ugly but Puntland should defend itself by any means. I also doubt that there are only 900 southerners in the city of Bossaso, more needs to be done including in Galkacyu and the fake wadaads holed up there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

huh he is sucking that bad huh? I swear I was thinking he was doing allright. So when does his term end(if there is such thing)?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

RedSea talking about terms ending, when Riyaale added a couple years to his. Plus when will he and the alleged new guy actually meet and shake hands, (with photographic evidence to prove the meeting?)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this