Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sanadguuradii 26aad ee aasaaskii ururkii SNM

Recommended Posts

Maalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh gooni ah oo lagu xasuusto. Haddaba maalintani waxay kaga duwan tahay maalmaha kale waa maalintii rumeysay himiladii xaq u dirirka, waa maalinta dhabaysan in la diidi karo yeeshii taliskii Siyaad Barre, waxay taabatay ruux kasta oo reer Somaliland ah, waxay wax ka badashay fikirkii iyo siyaasadii mandaqada Geeska Afrika. Waxayna horseeday qaab iyo hanaan cusub oo dimuqraadiyada oo ka hana qaada gobolka isla markaana tusaale u noqda dadyowga dunida.

 

 

Haddaba Maalinta Jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa ee bisha April tahay 6-du waxay ku beegna tahay sannadguuradii 26-naad ee ka soo wareegtay markii magaalada London lagaga dhawaaqay jabhadii xorreynta ee SNM. Dhaqdhaqaaqa SNM oo ahaa mid maalinba heer joogay waxa ay xarakadiisu ka soo unkatay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo ay sannadihii toddobaatanadii u haajireen aqoonyahano, siyaasiyiin, arday iyo dad badan oo xoogsato ah , kuwaas oo in badan oo ka mid ahi shaqooyin ka raadsadeen, ka dib markii ay dadka reer Somaliland ku hungoobeen midowgii Soomaaliya 1960. Arrintana waxay sababtay in halkaasi xarun u noqoto dhaqaaq hor leh oo lagaga wada tashanayay qaabkii iyo hanaankii dalka looga xorreyn lahaa taliskii dhiig yacabka ahaa ee Muqdisho. Dadka reer Somaliland-na waxay wakhtigaa ay wadaagayeen dareen guud oo ay ka sinaayeen, kaasi oo ay kaga soo horjedeen nidaamkii cagajugleynta iyo cabadhusika ku dhisnaa ee ay ku hayeen dolwdihii talada Jamhuuriyadii Soomaalida isaga danbeeyay.

 

 

Dhalashada iyo dhawaaqida SNM ay kaga dhawaaqeen mujaahidiintii tirade yarayd waxay ahayd mid shacbigu in badan ku dhololeen kana dhursagayeen dhalashadeeda, tan iyo intii uu dhicisoobay inqilaabkii Allah ha u naxariistee Xasan Keyd Horseedka ka ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1981-kii markii dalkan Ingiriiska ay soo gaadheen niman aqoonyahano ah oo reer Somaliland, kuwaas oo intooda badani ay ka soo kicitimeen dalka Sacuudiga. Sababaha ugu waaweyn ee kalifay ragaasna waxay la odhan karaa waxay ahayd dhibaatadii ay dalka ku haysay xukuumadii Siyaad Barre iyo iyagoo ay u cuntami wayday xaalada dalkooda hooyo ka jirtay. Waxa haddaba 6-dii April,1981kii, isugu yimid magaalada London ilaa 200 oo ruux oo reer Somaliland ah oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka kala yimid daafaha dunidu. Kullankaasina waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Conaut Rooms Hotel oo ku yaallay faras magaalada magalada London. Halkaasi oo dhidibada loogu taagay jabhadii xorreynta ee SNM ee dalka ka xoreyso taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre.

 

Haddaba dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay sida ay u adag tahay in dagaal hubaysayn lagala hor yimaado dowladii diktaatooriyada ahayd oo lagu tirin jiray waddamada ugu xoogga badan qaarada Afrika. Halka dad badan oo guddaha iyo dibedda dalka ku sugnaaba si aada oo kalsooni badani ka muuqato u soo dhaweeyeen.

 

Aasaaska SNM wuxuu ahaa mid si aada loogu farxay oo noqday naruuro iyo rajo iftiimaysa oo ay ku soo hirtaan dadka xaq u dirirka ahi. Doc kale haddii aynu ka eegnana ku dhawaqidii SNM waxay ku soo begantay xilli uu marayay meel daran cadaadiskii iyo cabudhintii talisku ku hayay shacbiweynaha reer Somaliland oo dadku si cad uga hor yimaadeen nidaamkiisii. Sidoo kale waxa iyana dalka ka jiray dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah oo waxa xayiraad culus la saaray ganacsiga oo dad reer Somaliland ay xirfad dheeraada u lahaayeen iyagoo ka faa’iideysanaya xidhiidhki maayacmushtari ee ay la lahaayeen dalalka gacanka carbeed.

 

Abuuritaanka dhaqdhaqaaqa SNM wuxuu naxdin iyo niyad jab weyn ku noqotay kaligii taliyihii Siyaad Barre oo kaga jawaabay xadhig, dil, dhac iyo dulmigii uu dadka reer Somaliland ku hayay inuu sii laban laabo, taasi oo shiidaal u noqotay halgankii xorreynta.

 

Isla dabayaaqadii sannadkii 1981-kii ayaa waxa shir kale la isugu yimid magaalada London, kaasi oo lagu doortay guddoomiyihii ugu horeeyay ee Jabhadii SNM.

 

 

Ahmed Mohamed Gulied(Chairman)

 

Ahmed Ismacil Dikhsi General Secretary

 

Dr. Abdisalam Y. Mohamed Secretary for foreign affairs

 

Said Abdillaahi Egal Secretary for internal affairs

 

Ahmed Gulied (Zaili) Party Secretary

 

Hassan Essa Jama Political Secretary

 

Mr. Mohamed Ahmed Zaidi Secretary for finance

 

Mohamed Hashi Eilmi Secretary at large

 

 

Waxa iyana durbadiiba u gudbay dhinaca dalka Itoobiya saraakiil sar sare oo ciidanka ka tirsanaa oo ka mid ahaa aasaasayaashii garabkii milatariga ee SNM, kuwaas oo bud dhig u noqday ciidamadii xorreynta ee ugu horeeyay ee jabhadda SNM yeelato. Waxaana ka mid ahaa saraakiishaa Allah u naxariistee Muj. Aadan Sheekh Maxamuud (Aadan Shiine), Muj. Axmed Dhagax, Muj. Maxamed Cali iyo Muj. Maxamed Kaahin. Waxa iyana jirtay in isla sannadkaa lagu lagu toogtay Bariga G/Togdheer (Dharkeyn geeye) Allah u naxariistee Col. C/llaahi Siciid, taasi oo ka cadheysiisay saraakiil badan oo reer Somaliland ah.

 

 

Ururka xorreynta ee SNM wuxuu isla markiiba ku tallaabsaday horumar mug leh oo dhinaca kasta ah waxaanu fajaciso iyo amakaag ku riday ciidamadii ka amar qaadan jiray xukuumadii Siyaad Barre. Waxa haddaba xusid mudan marka laga tago mahadhooyinkii mujaahidiinta SNM ka geysteyn goobihii dagaalka ee la isku haleelay, hawgaladii guddaha dalka ay ka fulliyeen sida Jabintii jeelka Mandheera, furashadii Muj. C/llaahi Askar, dilkii taliyihii nabadsugida ee gobollka W/galbeed iyo kuwo kale oo badan. Hawgaladaasina waxay ku dhaliyeen ciidamdii Afweyne qalbi jab, argagax iyo in ayna u babac dhigi Karin xabadda xaq u dirirka, taasi oo dhinaca kalena kor u qaaday niyadii dagaalyahanka SNM.

 

Jabhadii SNM iyadoo ka duulaysa heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray ayaa waxay qaateen go’aan adag oo hal adaygnimo iyo kalsooni leh, waxayna weeraro ku eekeeyeen ciidamadii cadowga ee ku sugnaa Somaliland, halkaasna waxa ka bilowday dagaalkii guddo galka dalka 27kii May 1988kii, oo ugu danbayntii horseeday gobanimada iyo xorriyada dadka reer Somaliland maanta haysto.

 

Taariikhda ururka SNM maaha mid maqaalo lagu soo koobi karo balse waxay u baahan tahay in buugaaga iyo filimo badan laga sameeyo inta ay nool yihiin mujaahidiintii ka qayb qaatay halgankii xorreynta dalku.

 

Guud ahaanba intii SNM jirtay waxay yeelatay 5 guddoomiye oo si xor ah loo soo doortay, oo kala ahaa:

 

Muj. Axmed Jimcaale Guuleed (Allah Yarxam)

 

Muj. Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (Allah Yarxam)

 

Muj C/qaadir Koosaar (Allaah Yarxam)

 

Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo

 

Muj. C/raxmaan Axmed Cali (Alah ha naxariisto).

 

Dimuqraadiyada ururka SNM dhex diisa taallay ayaa ahayd mida gogol dhig u ahayd horumarkii, cududii milatari iyo guulihii mudda yar ururku sida dhakhsaha ah u gaadhay. Taasi oo ahayd mid cajiib ah oo lagu faani karo, waxay ahayd mid aan ka suurtagalin jabhadihii kale ee taariikhda dunida soo maray. Waxayna markii danbena tiirar iyo sal ay ku is taagto u noqotay Jamhuuriyada Somaliland.

 

Ururkii xorreynta ee SNM isagoo tixgalinaya distoorkii u yaallay ayuu markiii uu muddo 2sanno ah tallada dalka hayay dib ugu celiyay gacanta shacbiga reer Somaliland si ay aayahooda uga tashadaan. Jabhadii SNM waxay gadh wadeen ka ahayd nabadayntii beelaha reer Somaliland dhex martay iyo geedis socodkii nabada Somaliland ka hana qaaday. Maantana waxa laga rabaa dowladda talada dalka haysa haddii lagaga guuleysto doorashada madaxtinimada ee inagu soo foolka leh in ay sidaa si la mid ah yeelaan.

 

Maalinta xuska 26 guurada SNM awgeed waxaynu xasuusan doonaa qaar ka mid ah Allah ha u naxariistee Mujaahidiintii horseedka ka ahaa dagaalkii hubeysnaa ee geeriyooday.

 

Muj. C/qaadir Koosaar

 

Muj. Aadam Sh. Maxamuud (Aadan Shiine)

 

Muj. Aadan Saleebaan

 

Muj. Axmed Dhagax

 

Muj. Dayib Gurey

 

Muj. Gacma Dheere

 

Muj. Aadan Dhamac

 

Muj. Mahdi Cali

 

Muj. Dhuxul

 

Muj. Ibraahim Koodbuur

 

Muj. Maxamed Xaashi Lixle

 

Muj. Ina Macalin Haaruun

 

Muj. Maxamed Mooge Liibaan

 

Muj. Cali Xuseen

 

Muj. Maxamed Cali

 

Muj. Maxamed Haybe

 

Muj. Xuseen Xasan

 

Muj. Xasan Yoonis Habane

 

Muj Carab

 

Muj. Shakiib Suldaan

 

Muj. Xasan Saleebaan (Ina Saleebaan weyne)

 

Muj. C/llaahi Cuddo

 

Muj. Maxamed Axmed Maxamuud (Islaweyn)

 

Muj. Haragwaafi

 

Muj. Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre)

 

Muj Haybe Cumar

 

 

Haddaba iyadoo dagaalyahankii SNM ay ka badheedheen halgankii ay la soo galeen taliskii nacabka ahaa oo ay naf iyo maalba u hureen. Waxayna inaga mudan yihiin mujaahidiinku qadarin iyo tixgalin dheeraad ah oo la siiyo maadaama ay yihiin kuwii horseed ka ahaa gobanimada iyo xoryada dadkeena maanta hadhsanayaan. Illaahay waxaanu uga baryaynaa inta shahiiday inuu naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna waxaanu leenahay farxad nagula ciida maalintan taariikhiga ah, Ileyskaa kuwii shidow abaal baan idiin haynaa ummadaa ninkii qadshoow Inkaar baan kugu ognahayn.

 

 

xigasho:Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

In late 1978 and early 1979 mobilizations intended to upgrade the consciousness of the Somali people started within the country. Committees comprising of elders or community leaders, officers, intellectuals, business people, students, youth and civil servants started underground campaigns in an effort to educate the people against the evils of the Siad Barre's regime.

 

At this stage in the SNM history Siyad has openly engaged in divisive and sectarian clan politics to discredit and lobby for caesura of that internal mobilization. He has created bandits who were armed by the government and were in the military payroll to destroy total communities to instill harassment and intimidation in those communities. During 1979 to 1980 hundreds of people, mostly women and children were massacred around Gabiley, Wajale, and Allay Baday areas.

 

The opposition from within and from without the country had contacts and a smooth follow of communication for quite a considerable time. On April 6, 1981 the Somali National Movement ( SNM ) was officially proclaimed as an opposition organization in London, UK. In November 1981 the residents of hargeyisa initiated self-help programs intended to upgrade the educational and health facilities of their community.

 

38 young professionals, intellectuals, and businessmen who were the leading organizers of the community project were imprisoned, some of them tortured. In February 1982 they received sentences ranging from two years to life. As a result, the first anti-government riots broke out in Hargiesa and Burao, and Sheikh Secondary Students in Sheikh. This marked the first head-on confrontation between the public and the regime. Barre who had never experienced open public unrest was caught by surprise. Consequently, he started a Hitler-like repression comprising of detentions, tortures, and execution.

 

Almost a year after the formation of SNM in London the internal wing of the SNM took a historic and daring move. A decision was made to establish the movement in Ethiopia. In February 1982 prominent high-ranking military officers and other government officials started deserting the regime. A week after the execution of Colonel Abdillahi Haji Saeed in Howad Near Burao by the regime's man (Gani " one day he will pay the price on the hard way), the first such officers crossed the border. Among them were Colonel Adan Sheikh Mohamed ( shiine ) "PBOH", Colonel Ahmed Dahir ( Dhagax ) " PBOH", and Colonel Mohamed Kahin Ahmed.

 

With the acceptance of the Ethiopia government the SNM Executive Committee, therefore moved from London to the Somali populated areas in Ethiopia in order to keep the movement close to home. They started setting up offices and training camps. within very short period of time groups of military officers, soldiers, intellectuals, businessmen, and students crossed the border and joined the movement.

 

Area nomads and villagers also joined and signed up for their training programs. Surprisingly the SNM started attacks against the regime almost immediately. In those attacks the SNM has inflicted great damages on ******i's troops. They also confiscated combat as well as transport vehicles, arms ammunition and communication equipments.

 

Following those successful attacks the SNM established more then 10 bases in the North, Central and southern border areas within a year. The SNM, therefore, got engaged in highly sophisticated operations of national and international significance. In January 1983 the SNM forces fulfilled a major operation at Mandhera Maximum Security Prison.

 

In the operation the SNM liberated hundreds of political prisoners. They also killed more than 130 soldiers from the Mandhera and Adadley garrisons. In a retaliatory move the regime executed 55 civilians in Adadley, Mandhera, and Go'a area. More then one thousand were detained by the regime's military and NSS.

 

On April 12, 1983, in a spectacular rescue mission, the SNM forces freed Colonel Abdillahi Askar from the highly fortified prison of the 26th sector of the Somali army. He was caught in Hargeisa by the security forces while fulfilling a secret mission with the SNM internal wing. Colonel Abdillahi Askar who was savagely tortured with candles and cigarettes was to be executed the day following the evening he was rescued.

 

When Siad Barre realized the threat that the SNM poses to his dictatorial regime and the popular support it enjoys both in and outside the country, he " Afweyne" started to fight with the SNM and its supporters ferociously. Those who lived under his jurisdiction were those who were hit hard.

 

They have suffered:

Indiscriminate detentions, imprisonment, and massacres. Looting and constant confiscations of private properties. Total blockade of food and fuel supplies. Denial of access to water supplies during the dry seasons. Destruction or poisoning of water reservoirs and watering wells Burning down of entire villages and communities Children killed and women raped.

 

Other communities who live in the areas where the SNM activities are prevalent have experienced a similar but a different kind of warfare. Afweyne Barre disguised some of his regular troops as marauding bandits licensed to plunder and exterminate both human lives and their livestock.

 

The concerned communities with the assistance of the SNM responded to Afweyne's barbarous raids by not only defending themselves but by also making counter attacks against the combined Afweyne forces. In these counter attacks Afweyne's Troops suffered a severe damage.

 

The following is an estimated damage that was inflicted on the Afweyne Troops:

 

In Mahollin area, south of Gashamo, the regime lost more than 450 soldiers in 1982 and 1984. The area residents captured military documents, communication equipments, small arms and ammunition. In Xaye and Qararo area it lost more than 350 including 3 officers. The area residents seized two jeeps, and armored personnel carrier ( APC ) and three army trucks. IN Aware area Afweyne troops suffered 250 casualties in 1984 they also left behind various military equipments.

 

It is extremely important to mention here that the SNM has prevented a genocide that was in the making. If the regime and its organization bandits were not checked by the forces of the area communities supported by the SNM, It is a historical fact that large portions of the Somali people would have been eliminated from the face of the earth. The capability of the Barre troops was greatly severed in the above-mentioned operations.

 

The SNM on its part continued to wage constant attacks on Afweyne's troops inside the country and forced them to opt for a defensive strategy. A Foreign correspondent describing the situation of the Afweyne armed forces in March 1984 wrote, " The Somali army did not perform to any standard. The inefficiency of the Somali armed forces is legendary among foreign military experts.

 

Last month Somalia shot down one of its own nine functioning aircrafts. Military officials in Somalia have grown disgusted with the performance of the Somali army and its inability to keep anything working".

 

On the other hand SNM has been growing a gaining momentum day after day. At this stage in the struggle of the SNM to liberate the country, Afweyne Barre has desperately pulled some embarrassing tricks in an attempt to weekend the position of the SNM. The following will be the different political games played by Afweyne Barre to strengthen his position against the

MUJAAHIDIIN SNM.

 

 

ANIIS ABDILLAHI ESSA

SOMALILAND ADVOCACY GROUP

ANIIS@YAHOO.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Does anyone know the real name of the Mujaahid nicknamed Dhegaweyene? I heard some amazing anecdotes about him and other snm heroes like ina shiine, mohamed kahin ahmed but have never come to know of his real name. i know he is know involved in the Kulmiye party but cant think of his real name

 

Peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ Let me guess... you own the copyrights for "jihaad". What's this "human language" anyway?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

SNM soo nimakii Somali dhib lo oyeeto kagaystay maaha, Dhagawayne maanu ahayn ninkii Gobolada Waqooyi Bari loo adeegsade inuu gumaado. War Nimankan Somaliland hadhowbay kuula imanayaan waa nala laayay.. War SS-tan Somali baa'bisay maad kahartaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know Dhegoweyne personally ,,,,,,,, he is well and kicking ,,, he does his own business now

 

Mohamed Kaahin is practicing politics ,,,, he is one of the KULMIYE party leaders ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

I met Ahmed Jimcaale Guuleed and Sheilh yusuf in Canada (ILAAHAY HA NAXARIISTO).

 

I knew Axmed dhagax. He used to come to our house in hargeisa when I was little so as Ina Dhamac. Ilaahy ha naxariisto dhamaantood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Ayoub, your knowledge of the mujahideen and your heritage is a high enough price for you so you dont need anything else :D

 

I think we can ignore this other fools here. they'd rather we stood defenceless against Afweyne's and the ******e's massacring of our people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

how many of those 'mujahids' are alive?

they will be useful once cade invites gaagab to Somaliland.

Thats the acid test for who realy was a mujahid or fataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lool@ lefty. That man's nick is really misplaced, misused. waar magaca iska dhig waryaa.

 

Okay SNM waxay ahayeen xaq udirir, they weren't saints offcourse, laakin they did great job in rescuing us from destruction. I am thankful.

 

I remember, in 1988 as a young kid in Hargeysa asleep. It was about early morning, I would say around 3 am when the first bullets started flying. I was really in good deep sleep, then my older sister came to me and told me to wake up and that we had to go out of the house. Not wanting to get up, I told them 'Ilahay ayaa naga qaban doona' it's the best term I have said in my life specially at such a young age, I was only 3 then. And yes indeed Allah stopped them by sending freedom fighters like SNM to the rescue, we were safe by Allah via SNM. However, we were unable to get out of the house until the next day, the streets were being peppered with bullets. I am very thankful that no one in our family except my uncle Farah Gacmey died who joined the fight, the rest survived and made it to Daroor.

 

Thank Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this