Sign in to follow this  
General Duke

Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano

Recommended Posts

WAR DEG DEG AH: Lascaanod - Ciidanka Maamulka Somaliland oo Weerar Gaadma ah oo ay ku Soo Qaaday Adhicadeeye

 

- Friday, October 29, 2004 at 16:07

 

Lascaanod, 29.10.04 (AllPuntland) - Ciidamada daacadda u ah Maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland ee aagga hore ee Adhicadeeye ayaa saaka aroortii weerar gaadmo ah ku soo qaaday fariisimada Ciidamada Daraawiishta ee DG Puntland.

 

Sida ay tibaaxayaan warar aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Daraawiishta DG Puntland, illaa iyo hadda waxaa halkaa kaga dhintay ciidanka Somaliland 5 askari halka dhawr iyo labaatanna gacantga lagaga dhigay. Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo aan la xiriiray maxaabiista ayaa isla maanta loo soo dhaadhiciyey Lascaanod, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin.

 

Khasaare isugu jira dhaawac iyo qalab dagaal oo laga furtay ayaa wararku sheegayaan in ay u weheliso Ciidanka Somaliland kala jab ba'an oo ku dhacay Taliskooda sare.

 

Ciidanka Daraawiishta ayaa lagu soo waramayaa in ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, iyaga oo hadda ay hore uga ruqaansadeen saldhigyadii ay jore u fadhiyeen.

 

Dhinaca Daraawiishta waxaa la sheegay in ay dagaalka saaka ku naf waayeen laba darwiish, halka dhawr kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Gurmad xoog leh ayaa la sheegay in uu ka socdo labada dhinacba.

 

Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in Ciidanka Somaliland ay weerarka u soo qaadeen.

 

Magaalada Lascaanod ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa lagu arkayey gurmadka Ciidanka Daraawiishta oo aad u hubaysan, kuna sii jeeda Jiidda Hore ee Dagaalka.

 

Wixii warar ah ee soo cusboonaada saacadaha soo socda ayaan idiin soo tebin doonaa!

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Weerarkii ay Saaka ku soo Qaadeen Adhicadeeye Ciidanka Somaliland

- Friday, October 29, 2004 at 16:19

 

Galkacyo, 29.10.04 (AllPuntland) - Dagaallo kharaar ayaa maanta mar kale ka dhex bilowday Ciidamada Daraawiishta DG Puntland iyo ciidamda Maamulka Gooni-Goosadka ah ee Somaliland.

 

Dagaaladan oo si rasmiya u bilowday 9:00 subaxnimo, socdayna ilaa duhurnimadii maanta waxaa ku geeriyooday 10 qof oo ka tirsan dhinacyada dagaalmayay sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo kusugan magaalada Laascaanood.

 

Dagaalada ayaa kabilowday deegaanka Adhicadeeye oo 35km Waqooyi kaxiga Laascaanood halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidanka Daraawiishta Puntland. Inkasta oo dhinaca Maamulka Somaliland ay sheegteen in dagaalka lagu soo qaaday ayaa hadana ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo sheegeen in ciidamada Maamulka Riyaale ay weerar ku soo qaadeen fariisimadii Ciidanka Daraawiishta.

 

Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka Daraawiishta Puntland ay gacanta kudhigeen 28 maxbuus oo la qabtay iyaga oo xabadda ridaya.

 

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan askar aan tiradooda rasmiga ah la sheegin oo ka dhaawacmay Maamulka Somaliland ayaa haatan lagu dawaynayaa Cusbitaalka Magaalada Laascaanood.

 

Dagaaladan soo cusboonaaday ee illaa iminka loo aanaynayo in ay soo qaadeen ciidamada ka amarqaata Maamulka Somaliland ayaa dadka ku nool Puntland iyo Somaliland-ba ay u arkaan mid wax u dhimi kara hannaankii nabadda Soomaaliyeed, iyada oo maalma ka hor Soomaaliya ay u soo hoyatay Dawlad loo dhanyahay.

 

CCC Farayaamo

Allpuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Culus oo iminka u dhaxeeya Ciidamada Puntland

oo ka socda Deeganka Laascaanood.

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus oo ilaa iyo hadda aan wax war ah ka soo bixin ka socda deegaanka Laascaanood, iyadoo dagaalkan u dhaxeeyo Ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaliland oo in muddo ah Ciidamada Labada dhinac isku horfadhiyeen.

 

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Ismaaciil Cumar Aadan ayaa dagaalkan ku eedeyay in ay soo qaadan Maamulka Puntland, wuxuuna Caddeeyay in Mas’uuliyada dagaalkan uu qaadi doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Wasiirka ma caddeynin tirada dagaalka maanta ku dhintay oo weli dagaalkaas socda, Wuxuuna sheegay Ismaaciil in dagaalka la isku adeegsaday hubka kala duwan iyo midka fudud.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa isaga waxaa uu keliya uu sheegay in dagaalka uu socda, wuxuuna diiday in wax war ah ka bixiyo xaalada dagaalka, waana Labada Nin waxaa ay is isku mid ah u sheegan jiritanka dagaalka, balse waxaa ay ka gaabsadan sababta dagaalkan keenay.

 

Wariyaal jooga Garoowe ayaa waxaa ay sheegan in dagaalka oo culus iyo xaalada oo is bedeshay laga dareemayo Magaalooyinka Maamulka Puntland,waxaana haatan shir u socda Saraakiisha Puntland.

 

Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ciidamo dheeraad ah saaka u direen jiida hore dagaalka oo ka socda Waqooyiga Laascaanood, sida uu sheegay Wasiirka Gaashandhiga Somaliland dagaalka waxaa uu bilaabaday saaka 3 dii Subaxnimo.

 

Dhawaan ayaa markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Somaliland waxay ciidamo badan u soo dirtay jiida Magaalada Laascaanood, waxayna inta badan Mas’uuliyinta Maamulkaas sheegayan in ay ka cabsi qabaan dagaal dhex mara Labada dhinac.

 

Wararka dagaalka wixii ka soo baxo wararkeena dambe ayaa ku maqli doontaan, in kastoo Isgaasiinta ay adag tahay hadana waxaa mar walba isku deynaynaa sidii aan ku heli lahayn wararka dagaalka.

 

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the a simple and very clear message by the warmongers in somaliland.They have seen the new president clearly making his stand saying without any doubt that there is no way Somaliland will be attacked by the rest of somalia.so in order for their sick minds to be recognised as a state they instead attacked Puntland and the rest of somalia for that matter.They obviously enjoy war as i do not see any reason to attack when they are not wanted by the people of that region.When will they realsie that you cant force people to believe in your ideology?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its funny how Siyad's national army were suppose to be wrong to be in Hargaysa-Burco-Traingle.

However its not wrong for the same clan the victims of yesterday to try an attack other peoples land.

 

What would people say if reer SOOL attacked BURCO?

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

Smithy

 

 

The war just started today. You are trying to convince me that the meagre militia of Puntland has managed to surround the MIGHT Somaliland army in just few hours, rounded them up, photo'd them with details of their qabil. LOL LOL LOL.

 

War is waging, and the militia is busy cranking up the old propaganda machine--great tactics :confused:

 

 

Its Ramadan and I think both sides should show some restraint during this holy month.

 

Smithy you still get my vote for the joker of the decades. smile.gif

 

Dusty.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is very bad news. The only good news I can sense is that Sland will lose it's incentives in this way.

Wasn't it the gurti leader Saleban Gal, who said the Sland government shouldn't rush and squeel like a loose chicken, but closely observe every move Abdullahi Yusuf will make.

To bad for our Sland brothers. They ruined it after succesful consultation with the British minister for Africa who urged not to do anything that could derail the Somali roadmap to peace to both Sland and Abdullahi Yusuf.

Only the latter stood by his word.

 

I also congratulate the Pland defense forces known as Darawish for succesfully capturing scores of Sland army soldiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The war just started today.

India so there is a plan for war? Please inform us simpletons cause we didnt know.

 

Second I am reporting what is there so far no comment from Somaliland, when that comes I shall not hesitate to forward it.

 

You are right Dusty, its Ramadan there should have been no conflict in the holly month. I actually beleve there should be no room for conflict, every clan has its own wells.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not a war, this is just a small show off to pressure the international community to remove Abdilaahi Yusuf's army from Somaliland territories. We will of course see how it ends.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not a war, this is just a small show off to pressure the international community to remove Abdilaahi Yusuf's army from Somaliland territories. We will of course see how it ends

Suldanka, do you admit that Somaliland was the agressor?

 

And has it all come down to the international community :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this