Sign in to follow this  
Abwaan

11 Ruux oo Gaajo ugu geeriyootay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Abwaan   

Isniin, September 10, 2007(HOL): 11 Ruux oo uu isugu jiray Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah ayaa Gaajo iyo Daryeel la’aan ugu yeeriyooday Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo dadkaasina ay ahaayeen kuwo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira gudaha Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Xaaji Cumar Cali Gaboobe ayaa sheegay in Dadkii Deegaankooda ku geeriyooday ay aaseen, isagoo carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad kale oo ku baaba’san degmada Deyniile, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay Dadkaas u soo gurmadaan.

 

 

 

Guddoomiyaha Degmada Deyniile waxaa uu sheegay in Dadka gudaha Muqdisho ka soo barakacay ee Degmadooda ku sugan ay tiradooda gaareyso Kun Qoys, kuwaasi oo aan heysan adeegyadii Buslhada ee ay u baahnaayeen, wuxuuna ku celceliyay in Dadkaas gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

 

 

 

Xaaji Cumar Cali Gaboobe, Guddoomiyaha Degmada Deyniile waxaa uu intaas ku daray in saaka oo ugu dambeysay ay deegaanada hoos yimaada Degmadaas gaareen Qoysas hor leh oo ka barakacay Madaafiic xalay lagu garaacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay dhimashada 4 ruux oo Hal Qoys ahaa iyo dhaawaca Dad kale oo gaaraya 10 ruux.

 

 

 

Dad badan oo ka barakacay Dhibaatooyinka nabadgelyo la’aaneed ee ka jira Magaalada Muqdisho oo qudhooda caawinaad u baahan ayaa waxay ku sugan yihiin Deegaannada Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole, Shiikh Cali Cabdulle, Galgalato iyo Ceel Macaan oo dhamaantood ah Deegaano ka baxsan Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Dhanka kalena, Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta codsi u direen Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa, kuwaasi oo ay u jeediyeen codsi ah in loo soo gurmado oo kaalmooyin la soo gaarsiiyo, si Deeqaha la soo gaarsiiyo ay ugu kaashadaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this