Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalia: Parliament Votes for Farmaajo

Recommended Posts

Ka dib kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibbaadana Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansaxiyey Ra’iiusl Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif.

 

Kulanka Baarlamaanka ee codka kalsoonida ah lagu siiyey Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa mid gacan taag ah ayaa waxaa ka qeyb galay 391 mudane ,waxaana codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha 297 mudane , waxaa diiday 92 mudane halka ay ka aamuseen 2 mudane oo kaliyah taasi oo ka dhigeeysa in uu ansax yahay Ra’iisul Wasaare Farmaajo.

 

Inkastoo ra’iiul Wasaare maxamed C/laahi Farmaajo ay ansaxiyeen Baarlamaanka KMG ahe ee Soomaaliya ayaa walli waxa ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku jira Howlka shirka ee uu kulanka ka socdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa ka qeyb galay 391 mudane ,waxaana codka kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaaraha 297 mudane , waxaa diiday 92 mudane halka ay ka aamuseen 2 mudane oo kaliyah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xidlhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ee uu kulanka uga socda xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdihso ayaa ansixiyey Ra'iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Kulanka Baarlaamka ayaa wali socda hasa ahatee wariyayaasha ku sugan madasha kulanka ayaa soo sheegaya in cod gacan taag ah loo qaaday ra'iiusl Wasaare Farmaajo, waxaana kulanka ka qeyb galay 391 xildhibaaan.

 

Ra'iisul Wasaare ayaa waxaa codka kalsoonida siiyey 297 xildhibaan, waxase diiday 92 muadane halka ay ka aamuseen labo xildhibaan.

 

Xildhibaanda ayaa wali ku jira Guriga Umada ee uu kulanka ka socda, waxaana la filayaa in daqiiqadaha soo socda la soo gabagabeeyo kulanka Baarlamaanka ee ra'iisul wasaaraha lagu ansaxiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

After a long muscle-stretching and troublesome experience, finally he goes through this hurdle, welcome to the new Somalia that you have departed decades ago, Somalia that's different, that's violent and that you have least expected to be in this state.

 

Welcome to Somalia Mr. New PM, be prepared to share your worth of blame and ready yourself for blood stain, from today and as of this time you are responsible for every step and action you take. You have to fix the unfixable Somalis :D

 

 

Warm congratulations to you

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Farmaajo: Xukuumad Tayo leh Ayaan soo Dhisayaa

Ra'iisul-wasaare Max'ed C/laahi Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyay VOA kaddib ansixintiisii ku sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh.

Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay ra'iisul-wasaaraha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ansixintaasi kaddib, ra'iisul-wasaare Farmaajo oo wareysi khaas ah siiyay VOA ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh oo ladagaallanta musuqmaasuqa kana shaqeysa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia, wuxuuna sheegay inaan loo baahnayn in Soomaalidu ay ku ordaan jagooyin balse taa xooggeeda la saaro sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.

Farmaajo, wuxuu sheegay in khilaafkii ka dhashay hannaanka codbixintiisa ay ahayd mid ku saabsan hannaanka dimoqraadiyada, wuxuuna sheegay inuusan dhibaato u arkin, haatana ansixintiisa uu rajaynayo inay soo dhamaystiri doonto khilaafkaasi. Ra'iisul-wasaare Farmaajo, wuxuu sheegay inuu la hadli doono sidii is-afgard uu ula gaari lahaa xildhibaannada maanta diiday inay isaga ansixiyaan.

Farmaajo, wuxuu sheegay inuu wadahadallo la gali doono kooxaha mucaaradka, balse wuxuu shuruud ku xiray inay rabshadaha joojiyaan dowladdana aqoonsadaan.

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Haye whats next how will the new cabinet look like

At least poor Xaaji Xunjuf now realizes that the PM post is for every Somali willing to take on the challenge. In earlier threads he was putting down Farmaajo’s community as unqualified for this post in the current political matrix.

 

Congratulations to Farmaajo, and we wish him well with his responsibilities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ma tiri waaba laga daaley xukuumaddaan. Discussion xoog leh maba ka socdo...Mise xitaa SOL members wasiirrada ayay gaad-gaad ugu jiraan oo in war ka tago ma rabaan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I'm being told the New PM of the criminal TFG enterprise does not hold a doctorate! Oh snap if that is true it would put everything in new prespective. Although come to think of it, Karti iyo raganimo is more important than mere Degree attained sitting in class which would not prepare him for the hell he is about to encounter. Wlc I give him 2 months before he starts to shiver and quack in his boots and develops severe case of depression " incomingggggggg...everybody down".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:eek:

________

Dowladda KMG iyo Xiriirka Dalalka Deriska

"Dowladdu waxay danta ku kalifeysaa inay xiriir wanaagsan la sameysato dowladaha deriska" Prof. Cali Jimcaale Axmed.

 

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee shalay baarlamaanku ansixiyeen ayaa wareysi uu siiyay VOA-da waxa uu ku cel celiyay in waxa ugu horreeya ee uu ahmiyadda Siinayo ay tahay Nabadgelyada, arrintaasoo loo arko inay aad u adag tahay marka loo eego dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

 

Haddaba maxaa looga baahan yahay dowladda cusub inay wakhtigan ku dhaqaaqdo.

 

Waxaan su’aashaasi iyo su’aalo kaleba aan bandhigay Prof Cali Jimcaale Axmed oo maadada Isbarbardhigga Suugaanta ka dhiga Kuliyadda Queens College iyo The Gratuate Center ee Jaamacadda City University ee magaalada New York.

 

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaflad Lagu Taageeraayo Raysalwasaare Farmaajo oo Ka Dhacdey Minnesota (Sawiro)

November 1, 2010

 

Minnesota Xaflad si qurux badan loosoo agaasimey ayaa ka dhacday badhtamaha magaalada Minneapolis Minnesota, xalay fiidkii habeenimo, ayna soo abaabuleed masuu’liyiin isku xilqaamtay. Ujeedada xafladan ayaa ahayd taageero, loo samaynayey reysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahi Maxamed. Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay kumanyaal Soomaaliya oo isugu jirey Culumaa’udiin, Hooyooyin, Aqoonyahano, Suxufiyiin, Arday, Musharaxiin siyaasiyiin ah, Abwaano, Fanaaniin, iyo Xildhibaano Soomaaliya.

 

Waxaa lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay Magaalada Minneapolis and Dalka Maraykanka oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Minnesota ay ka soo qaybgaleen Xarunta Caanka ee Minneapolis Convention Center taas oo lagu taageeray R/wasaaraha cusub Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed.

 

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka soo qayb galay in ka badan kumanaan dad aa u tiro badan oo ka kala yimi meelo kala duwan oo ka mid gobalka Minnesota sida St.Cloud, Rochester, Mankato iyo Magaalaha Mataanaha oo isagu jira Saraakiil sar sare oo ka tirsanan jirtay dawladdii hore, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, dhalinyaro, haween.

 

Xafladan ayaa ahayd tii ugu horeysey ee lagu taageero Raysal Wasaaraha Mudane Maxamed ee laga sameeyo wadanka dibadiisa. Xafladan ayaa Soomaliya kaliya aysan ka qayb galain ee waxa kale oo ka soo qayb galay musharaxiin u dhalatay Minnesota oo Soomalida weydiisnayey in ay codkooda siiyaan una badnaa xisbiga Jamhuuriga .

 

Musharax kastana waxa uu taageero siinayey mudane Maxamed. Musahraxiintan ayaa hadlaka ku furanayey taageero ay marka hore u dirayeen R/Wasaaraha cusub, iyagoo ugu hambalyeynayey magacaabida uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya iyo iyagoo ugu hambalyeynayey mudane Maxamed in uu yahay nin Maraykan ah.(Somali-American).

 

DSC_3552.jpg

DSC_0263.jpg

DSC_0319.jpg

DSC_3483.jpg

DSC_3679.jpg

DSC_3601_1.jpg

DSC_3473.jpg

DSC_3465.jpg

Ugudanbeyntii ayaa xaflada lagu soo bandhigay gabayo cusub oo loo sameeyey reysal wasaaraha iyo afar heeso oo cusub oo sameeyey abwaanka dada yar mudane Maxamed Guun oo uu ugu talagalay reysalwasaaraha cusub. Sidoo kale waxa lagu soo bandhigay xaflada ducooyin loogu duceynayo reysal wasaaraha cusub. Dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada ayaa wajigooda waxa ka muuqday farxad iyo rajo dowladnimo.

 

waxayna dadkii goobtaasi isugu yimid ay hoosta ka xariiqeen in ay ku faraxsanyihiin Jaaliyadda halkaasi ku dhaqan in uu dalka ka noqdo R/wasaare ruux ka tirsanaan jiray Jaaliyadooda waxayna soo dhaweeyeen magacaabistaas, iyagoo Xubnaha Baarlamanka Soomaaliyeed inay si niyad ula shaqeeyeen.

 

Horseed Media

____________

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Madaxtooyada iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka hadlay dhaarinta (DAAWO SAWIRRADA)

Dhaarta_Rwasaaraha.jpg

Isniin, 01 November, 2010 (HOL) – Xaflad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay la ansixiyay, waxaana xalfaddaas goobjoog ka ahaa madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Dhaartii_RWasaaraha.jpg

“Waxaan ku dhaaranayaa, magaca Eebbe inaan u guto xilkeyga si daacad ah, oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto, dhowrana axdiga Qaranka iyo shuruucda kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Maxamed C/llaahi oo uu dhaariyay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay goobta, ayaa sheegay inuu ku shaqeynayo sharciyada, isagoo ka dalbaday xildhibaannada iyo wasiirradii kulanka kasoo qaybgalay inay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka loo magacaabay, wuxuuna ka mahadceliyay codadkii lagu ansixiyay.

 

dhaartii_RWasaaraha2.jpg

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo isaguna ka hadlay xafladda, ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sida uu ka codsaday, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo shaqeeyo si dalka looga saari lahaa dhibaatada.

 

Xildhibaan C/waaxid Cumar Cilmi (Goonjeex) oo ahaa sii-hayaha xilkii ra’iisul wasaaraha, oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo tafaasiil ka bixiyay aqoonta uu u leeyahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif, oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in looga baahan yahay ra’iisul wasaaraha inuu soo dhiso dowlad tayo leh, taasoo dalka ka saarta dhibaatada uu ku jiro.

 

Dhaartii_RWasaaraha1.jpg

“Shaki kuma jiro in dalka uu u baahan yahay isbadal, innagoo aan eedda saarayn mas’uuliyiintii hore waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto dalka,. Ra’iisul wasaaraha waa inuu la yimaado aqoon, hufnaan, karti, uuna soo magacaabo dad aqoon leh oo wax ka qaban kara dalka,” ayuu yiri Sheekh Shariif

 

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad aan la dayici karin, isagoo xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto, isagoo xildhibaananda ugu baaqay inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub ayna codka kalsoonida ah siiyaan, iyagoo la xisaabtamaya.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu madaxweyne Sheekh Shariif soo magacaabay bishii hore, ayay xildhibaannada baarlamaanku ku ansixiyeen codad gaaraya 297-mudane, iyadoo ay diideen 92-mudane, waxaana xukuumadda uu soo dhisayo la filayaa in la horgeeyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this