Sign in to follow this  
raadamiir

Men From Mogdishu Murdered Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha fedaraalka C/lla Deerow!!

Recommended Posts

Breaking News'' Dilkii Loo Gaystay Alaha u Naxariistee Wasiirkii Dastuurka ayaa Loo Qab Qabtay 5 Maxbuus oo Lagu Tuhunsanyahay inay Iyagu ka Danbeeyeen Dilka, Waxaana Qaar ka mid ahi ayba Qirteen inay Dilka Gaysteen Muqdishana Laga soo Diray, tira ahaana ay Yihiin Ilaa iyo 40 nin.

 

Dilkii Loo Gaystay Alaha u Naxariistee Wasiirkii Dastuurka ayaa Loo Qab Qabtay 5 Maxbuus oo Lagu Tuhunsanyahay inay Iyagu ka Danbeeyeen Dilka, Waxaana Qaar ka mid ahi ayba Qirteen inay Dilka Gaysteen Muqdishana Laga soo Diray, tira ahaana ay Yihiin Ilaa iyo 40 nin.

 

Xiriiro aanu la samaynay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la inoo xaqiijiyay in Ciidanka Booliska ee Dawlada Federaalka ah ee soomaaliyeed ay hawlgaladoodii maanta ku Guulaysteen markii ay soo qab qabteen ragaan qirtay faldanbiyeedka hubaysan ee ay ku dhaqaaqeen.

 

Dhinaca kale Magaalada baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay Mudaharaad looga soo horjeedo dilii maanta loo Gaystay Cabdala Deeroow, waxaana dhyamaan dadwaynihii isu soo baxay ay ku hadaaqayeen ereyo caradooda ay ku muujinayeen.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga jiray Dilal lagu khaarajinayay Aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Dalka, waxaana muuqata in Dilalkii Muqdisho ka socday loo soo wareejiyay Magaalada Baydhabo.

 

Aragagixisanimada ka bilaabatay Magaalada Baydhabo ayaa ah mid la doonayo in lagu wiiqo nabad galyadii ka jirtay, iyada oo ujeedada ka danbaysana lagu sheegay in Muqdisho loo tuso beesha caalamka inay nabad tahay, Baydhabana ay ka jirto amni xumo, si beesha caalamka looga dhaadhiciyo in Muqdisho loo soo guuro.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Inkastoo larumaysan karin warka iidmaale news hadana, kooxaha muqdisho cidiyaha ayay kudagaa lamayaan. Odey abdulaahina jawaab umahayo. cismaan caato, farax, caydiid, qaydiid iyo gacma dheere oo isku beela ayaa midba mar riwaayad udhigayaa, lacagtiina kadhameeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Duufaan:

Inkastoo larumaysan karin warka iidmaale news hadana, kooxaha muqdisho cidiyaha ayay kudagaa lamayaan.

Bal hada noo sheeg sida ay cidiyaha ugu dagaalamayaan. Wadaadadu haday rabaan in ay wax ka qabtaan qabqablayaasha Baidhabo isku uruursaday, waxaa hubaal ah in ay maalin ku qaadateen. Nin miskiin ah oo qabqable ahayn in ay dilaana uma baahna, taasi iyaga ra'yigooda maaha. Laakin aragtidoodu kawayn sidaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Abdullahi Yusuf and other members of the parliament of the so called 'government' are closely link to the killing of Deerow ***** more than the courts could ever be. So no way jose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

By C/shakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@hotmail.com

 

Qaranimo Online - Muqdisho, Somalia

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday dilkii shalay loo geystay Marxuum Cabdalla Deerow ***** ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda koleyga degmada Xudur, waxaana banaanbaxaasi dadkii ka hadlay ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Xudur Max’ed Macalin & odayaal kale oo deegaankaas ka tirsan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilkii lagula kacay Marxuum Deerow waxeyna xuseen in 8 xubnood oo ay ku jireen Sheekh Aadan madoobe & Deerow loo soo diray dad dila, sida ay hadalka u dhigeen, waxeyna intaasi ku dareen in dilalkaasi ay yihiin kuwo qorsheysan oo lagu doonayo in lagu laayo siyaasiyiinta Digil & Mirifle.

 

 

 

Dhinaca kale, hay’ad u dooda xuquuqda aadahana oo fadhigeedu yahay Xudur oo mas’uuliyiinteedu ay ka qeybgaleen banaanbaxaasi ayaa waxey sheegeen in sharciga lagu qaado kuwii ka danbeeyey dilka Deerow, waxeyna dilkaasi ku tilmaameen in uu ahaa mid xadgudub ku ah xuquuqda aadamiga.

 

 

 

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Saraakiisha dhinaca dabagalka ee baaraya kiisaska dadka loo qab qabtay tuhun ku saabsan inay ku lug lahaayeen falkii lagu toogtay Wasiirka Federalka iyo baarlamaanka Cabdalla Deeroow Isxaaq ayaa laga helayaa Warbixina hor dhaca oo aysan wali shaacin.

 

Sarkaal ka mida saraakiishaa baareeysa eedeeysanayaasha ku xiran xabsigga Baydhabo ayaa Waagacusub.com u sheegay in Wiilkii ugu horeeyay ee loo qabtay tuhunka Arrinkaas uu ku hadlay ,hadalo kala duwan isagoo sheegtay qabiilo kala duwan waqtiyo isku dhaw.

 

Sarkaalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo wuxuu ku nuuxnuuxsaday in markii la qabtay Wiilkaas uu sheegtay Beesha sacad,halsaac kadibna Beesha Warsangali,daqiiqadda yar kadibna Isxaaq,ugu dambeeyntiina Beesha Cayr .

 

Ila lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in Wiilkaas labaatan jirkaa ee ku xiran Xabsigga Baydhabo telefoon uu watay laga helay midka mida hogaamiyaasha kooxaha dagaalka oo uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee uu wacay.

 

Warbixinta hordhaca ah ee Sirdoonka waxay sheegeeysaa in Dadka kale ee loo xiray falka lagu qaarijiyay Wasiirka uu yimid kadib markii wiilka la hayo oo si xun loo inqaabay uu sheegay inay falka la fuliyeen kooxaha la soo qaqabtay,waxaa kale oo boliiska ay Xudur ku qabteen sedex nin oo iyagana lala xiriiriyay ku lug lahaansha kiiska.

 

Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano badan ayaa dhamaan dadka la soo qabqabtay u arko tilaabooyin kiis iska waala,waxayna rumeeysan yahiin inaan daacad laga ahayn baarista lagu sameeynayo Wiilkii toogashada fuliyay.

 

Waxaa jira shaki badan oo la xiriira in Cabdalla Deeroow loo dilay Arrimo siyaasadeed wajiya badan oo laga maleeyn karo laba dhinac.waxayse Siyaasiyiinta qaarkood qabaan in toogashadda Deeroow ujeedkii laga lahaa laga gaaray ,maadama tacsidiisa baajisay mooshinkii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukumadda Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Inkastoo Siyaasiyiin diiday in magacooda la xuso sidaas qabaan hadana qaar kale ayaa leh ,sheekadu sidaas maaha ee toogashadda Cabdalla Deeroow iyo weeraradii ka horeeyay ee lagu waxyeeleeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda waxaa laga soo abaabulay Muqdisho ,si Baydhabo looga dhigo goob foowdo ah oo amaan iyo kala dambeeyn lahayn.

 

Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha boliiska ee Baydhabo waxay diideen inay sheegaan dadka lagu tuhunsan yahay dilka Deeroow,magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan.

 

Dahir Abdulle ALasow

 

Wararkasoomaaliya@hotmail.com

 

 

 

Xafiiska Wararka ee Waagacusub – Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

connect the dots and you know who killed Mr Deerow. Same people who killed eleven high rank officers and forieng journalist. A pistol was used most of these cases. They just keep killing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

nope not good enough.The foreing journalist was killed by millitia men in Muqdisho which had nothing to do with the courts, therefore if we apply these two cases together, then the conclusion would be that the courts had nothing to do with the killing of Swedish journalist and therefore have also nothing to do with the latest murder of Deero. However, I think this plot to kill Deerow is not far away from Baidhabo and the parliament in which he was a member of.

 

The other killing of military officers were also commited by none other than those sitting in Baidhabo today such as Qanyare, Qaybdiid etc.

 

So know who you are accusing first without reaching any conclusions of this fresh murder case.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Qaydiid was behind the killing of col ismaaciil. the rest mr cayrow who is member of the court. this is a fact. you still can be a fan of the court but stop misimformation and the liad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Assalamu calaykum,

 

Mr. Tornado(Duufaan)

 

I am not a "fan" of the courts as you have said, but I think the biggest reasons that I support these group of men (the Islamic courts) is I think they have a chance to do many things that the Somalis are in dire need of. I think they can be that of which the Somali people have been lacking in their history. They have the chance to bring all Somalis together and for once create peace and harmony between the Somali people of which clanism and amnosity has plaqued in their history. The Somali people are said to be 98% muslims,but yet to have a government who rules based on the Quranic and Sunnah teachings, I think the courts have the potential to accomplish that and more if only given the chance for which they can prove to us all that solution to the broad somali problems is viable.

 

that is all.

 

Assalamu calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Fine!

I do not have any problem with sheik aweys but With Indhacade and some other people, the court will stay local.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Duufaan:

Fine!

I do not have any problem with sheik aweys but With Indhacade and some other people, the court will stay local.

Indhacade is a known warlord and an oppressor and thats why many pple recent the uic for some of its members being fake sheikhs...Since when did a warlord become a sheikh and since when was a warlord given an important post like the one he holds now and not forgetting the other post he declined from previously...The islamic courts unlike the fake government in baidoa have their own agendas.They are nothing like patriots nor are they pple with honour.IF pple worship clan shyt,somalis do and thats the old corrupted generation and not the young ones...Whats the solution?Maybe we should kill all our fathers and grand fathers,they are the evil ones. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this