Sign in to follow this  
Kamaavi

Muran iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay Prof. Gaandi iyo Sh.Shariif

Recommended Posts

Kamaavi   

Muran iyo khilaaf xoogan ayaa u dhaxeeya maalmahaan Madaxweynaha dowladda FS Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirkiisa Gaadiidka Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi” , iyadoo labada Mas’uul ay isku maandhaafsan yihiin qaabka loo howlgelinayo ciidamada dowladda KMG ah loogu tababaray dalka Kenya .

 

Wasiirka Gaadiidka ee Xukuumadda FS Maxamed Cabdi Gaandi oo hore u ahaa wasiirka Gaashaandhigga , loona xilsaaray la socodka howlaha ciidamada lagu tababaray gudaha dalka Kenya ayaa daaha ka rogay inuu ka dhex jiro isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif khilaaf ba’an oo salka ku haya qaab adeegsiga iyo howlgelinta ciidamada cusub ee dowladda loo tababaray .

 

Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu wax lala yaabo oo maan-gaabnimo ah ku tilmaamay aragtiyada ku baaqaya in ciidamadaasi loo daabulo dhanka Magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay joogaan 8000 askari ,iyadoo ciidankaasi tirada badan ay weli u babac dhigi la’yihiin awooda kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo tiro ahaan iyo awood ahaan ciidankaasi ka liita , wuxuuna ku baaqay in loo sameeyo ciidamadadowladda ee Muqdisho jooga dhiiri gelin , lana howlgeliyo .

 

Wasiirka wuxuu ku adkeystay in ciidamada dowladda FS loogu tababaray dalka Kenya ay weerari doonaan gobolada Jubbooyinka , si gacanta dowladda loogu soo celiyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose , isagoo sheegay in fikirkaas ay la qabaan xitaa ciidamada oo uu sheegay inay ku heyb tirsadaan dadka jubbooyinka ku nool .

 

Warar laga helay Madaxtooyada dowladda KMG ah ayaa waxa ay sheegeen inuu jiro khilaafkaas xoogan ee ka dhex aloosan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wasiirkiisa Prof.Gaandi .

 

Waxaa soo baxeysa baqdin ah in ciidamadaas ay iska kala tagaan oo ay kala furfurmaan .

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aaminsan in ciidamadaasi loo soo daad guureeyo gudaha Muqdisho si ay ugala qeyb qaataan ciidamada dowladda howlgalka wadajirka ah ee dowladiisa ay damacsan tahay dhowaan inay qaado.

 

Iyadoo isla arrinkaas uu jiro ayaa misana aaney jirin isla shaqeyn ka wada dhaxeysa Wasiirka Gaadiidka Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Xildhibaan Barre Aadan Shirre “Hiiraale” oo hogaaminaya Maleeshiyo beeleedyo Ethiopia ay soo tababartay

 

kuwaasoo haatan ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo xildhibaanka uu damac ka hayo sidii uu gacantiisa ugu soo celin lahaa Magaalada Dekadda ah ee Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ,isagoo halkaasi u magacaabay Nin lagu magacaabo Maxamuud Cali oo dowladda Ethiopia taageero balaaran ka heysta , halka wasiirka Gaadiidka isna uu magacaabay Ilyes Badal Gaboose oo taageera ka heysta shacabka jubbooyinka, dowlada kenya, Maamul Goboleedka Puntland iyo Mareykanka .

 

Dowladda Kenya ayaa waxa ay iyadu dejisay istiraatiijiyad ciidamada dowladda FS loogu tababaray gudaha Kenya ay ku weerari karaan gobolada Jubbooyinka , si ay islaamiyiinta ka tirsan Alshabaab jab milatari u gaarsiiyaan , waxa ayna Xukuumadda Nairobi ay damaacineysaa in ciidamadaasi ay ka dagaal tagaan xuduudka ay la waaagto Soomaaliya , iyadoo u balan qaaday taageero Sahay Milatari ah oo rasaas iyo dawo isugu jirta .

 

Ha yeeshee dowladda Ethiopia ayaa walaac ka muujisay ciidamadaan iyadow dalbatay in ciidankaasi laga soo talaabiyo Xuduudka ay la wadaagto Kenya si ay ugu biiriso xoogaga kale ee ku sugan Degaanka Doolow , waxa ayna cabsi ka muujisay in hadii ciidankaasi ay iskood uga dagaal galaan Gobolada Jubbooyinka ay taageeri karaan Jabhada wadaniga ee ka dagaalanta dhulka O'gadeniya ONLF oo Mucaaradka ku ah nidaamkeeda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Professor Gandhi must follow the instructions of his President. He is part of the cabinet and he should present his ideas to it and see if it is accepted. If it is not, tough luck.

 

He should not be taking the government back to the days of warlordism by pushing a clan agenda. I am fully aware of what is going on. I know the sensitivity that Ethiopia is trying to influence things against a particular clan. But, the solution is not to rebel against the government. It is to present your fears and try to get a workable compromise.

 

This clan mentality of saying our boys will not die in Muqdisho is not a good move. They should start the fight whereever the government thinks is the priority area. It might as well make sense to start from Muqdisho, and then proceed to Kismayo as a national army.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Madaxweyne Shariif oo barri tagaya magaalada Nairobi.

 

Warar ka imaanaya xarunta madaxtooyada Villa-Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu bari oo Jimce ah u baqooli doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Ilaa iyo hadda lama faah-faahin ujeedka uu madaxweyne Shariif ku tagi doono Nairobi, laakiin waxay warar hoose tilmaamayaan inuu shir lagali doono saraakiil ku sugan Nairobi & odayaal dhaqameed iyaguna halkaas jooga.

 

Waxaa in badan laga ilaaliyay saxaafadu inay hesho safarka madaxweyne Shariif ee uu halkan ku imaan doono iyo ujeedkiisa, waxaa kaloo la diiday in faah-faahin cad laga bixiyo sababta keentay safarkan qarsoodiga ah.

 

Waxaa Nairobi ku sugan R/wasaare Cumar waxaa laftiisa la qorshaynayaa inuu aadi doono dalka DJibouti oo uu la kulmi doono madaxda wadankaas markuu madaxweyne Shariif yimaado Nairobi, sidoo kale laftiisa lama faah-faahin safarkiisaas wuxuu ku saabsan yahay.

 

Safaradii ugu dambeeyey ee ay madaxda dowladu samaynayeen waxaa laga ilaaliyay in saxaafada la ogaysiiyo ujeedkooda, sidoo kale dowladu waxay isku dayaysaa inaysan saxaafadda usoo bandhigin howlaha ay doonayso inay qabato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

This clan mentality of saying our boys will not die in Muqdisho is not a good move.

Heh. This clan mentality is all you have, poor fool. It's all you got. It's the one thing keeping this goverment together. Who do you think is manning the frontlines of North Mogadisho for the Tigray Founded Government ? It's exclusively made up of the moooriyaan milita of Muuse Suudi, Bashiir Raage, and the other warlords of North Mogadisho. And so on and so forth: Doolow = Hiraale milita. Bay/Bakool = RRA milita. Hiiraan = haraadiga Baqtigii Cumar Xaashi.

 

So why should the ONLF boys plucked from the refugee camps of Dadaab and Ifo fight and die in Mogadisho for Sharif's clan ? Ansar me dat kuweeshan, abti.

 

Wait a sec, wait a sec. I get it now. You're actually trying to give a sembalance of 'dawladnimo' to this comical charade. Ok. If you truly believe that, you're beyond salvation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

A&T do not be quick to dismiss the Professor, he is not dragging on any Goverment if they can be reffered to as a Goverment that is.The professor like all honest politicians in this wretched peice of waste-land was crucified and sacrificed at the behest of Meles for his patriotic work in organising a corrupt Goverment.It is hypocritical for Sharif to submit the troops to Mogadishu whilst militias of the same type are allowed to continue there plan to see the offensive through in there area of operations.Gandi does not have the capacity or decision making authority to send these troops to MOG, behind this are elders,Jubba public and the Goverment of Kenya who have put much time and effort into bringing this project together.The Plan to dissolve these troops or send them to Xamar is been pushed by Ethiopia who see the O influence in the Jubba regions as a threat as it can harbour the ONLF of whom it see's as great threat to its fake "Ethiopia"...So the pressure on Gandi is nothing more than an act of agression, his stance is an act of patriotism.There is no need for a compromise, the Sharif Goverment are taking people as fools.

 

This article further illustrates the rift between Gandi and the Sharif crew.

 

Dad Colaadi Dhextaalo, Balse Heshiis ku ah in la Fashiliyo Qorshaha Prof. Gaandi ee Jubbooyinka

 

Markii Wasiirka Gaadiidka Prof. Gaandi uu dhawaan Nairobi kaga dhawaaqay in ciidamada dawlada ee lagu soo tababaray Kenya ay ka hawl gali doonaan Jubbooyinka, waxaa isla markiiba soo baxay garabyo colaad weyni dhextaalo, balse hadda heshiis ku ah in laga hortago qorshahaas. Dawlada Soomaaliya iyo kooxda Alshabab labada midna raali kama aha in uu hirgalo qorshaha uu wato Prof. Gaandi.

 

Uma baahna in sharaxaad dheer laga bixiyo sababta kooxda Alshabab u diidan tahay qorshahan, laakiin waxaa is weydiin mudan, maxaa keenay in Dawaladu ka soo horjeedsato qorshaha Prof. Gaandi?. Mawqifka Dawladu waa in ciidamadaasi ka hawl galaan Muqdisho, isla markaas aan la geynin gobolada Jubbooyinka.

 

Hadaba si loo kala ogaado in mawqifka Dawladu yahay mid daacad iyo in ay jiraan arimo kale oo dahsoon, bal aqristow ila fiiri afarta qodob ee hoos ku xusan:

 

1. Sanadkii la soo dhaafay ayaa ciidamo fara badan oo ay leedahay dawlada Soomaaliya lagu soo tababaray magaalada Mustaxiil ee Ethiopia. Ciidamaas waxaa gacanta ku hayey Alle ha u naxariistee Col. Cumar Xaashi oo ahaa wasiirka amniga qaranka. Ujeedada ciidamadaasi waxay ahayd in ay la wareegaan gobolada dhexe, hiiraan, iyo shabeelaha dhexe, balse qorshahaasi waa burburay ka dib markii Alshabab ay qarax ku dileen Col. Cumar Xaashi.

 

2. Waxaa kale oo bishii November ee 2009 jiray in Wasiiru Dawlaha Arimaha Gudaha C/Rashiid Xidig oo uu weheliyo Taliyahii hore ee ciidamada booliska General Cabdi Qeybdiid ay booqasho ku tageen Boosaaso iyo Garowe iyaga oo halkaas tababar ugu soo xidhay ciidamo badan oo boolis ah oo ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya.

 

3. Waxaa kale oo jira ciidamo tiro badan oo daacad u ah Xaabsade iyo Aadan Madoobe oo fadhigoodu yahay Ceelbarde, taageerana ka haysta Ethiopia.

 

4. Maxay tahay shaqada ay qabanayaan ciidamada kor u dhaafaya 10,000 ee loo soo tababary dawlada iyo ciidamada AMISOM oo dhan 5,000 oo dhamaantood ku wada sugan magaalada Muqdisho.

 

Waxaa kale oo wali dhagaha dad badan oo Soomaali ah ka sii guuxaya sababta iyo cidda ka danbeysay in la fashiliyo qorshihii kale ee uu watay Prof. Gaandi markii uu ahaa Wasiirka Gaanshaandhiga, qorshahaas oo ahaa in dib loo hawl galiyo ugu yaraan 36,000 oo ah ciidamadii hore ee Soomaaliya si ay dalka dib ugu qabtaaan.

 

Su�aasha hadda taagan waxa ay tahay:

 

Maxaa ciidamadii lagu soo tababary Mustaxiil, iyo booliska ku sugan Puntland iyo waliba kuwa Ceelbarde jooga loo keeni waayey Muqdisho? Maxayse tahay sababta ay dawladu u rabto in ciidamada deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbooyinka la keeno Muqdisho is ay uga dagaalamaan, isla markaasna u diidan tahay in la geeyo Jubbooyinka?

 

Dhinac kale markaad ka fiiriso, waxaa la is weydiin karaa: gobolada dhex iyo gobolada Jubbooyinka mid kee ayaa u faa�iido badan in ay Dawladu qabsato? Ma dawlada Soomaaliya ayaa danaheeda garaneyn, mise waxaan raali laga ahayn in ciidamada Kenya lagu soo tababaray ay la wareegaan gobolada ay deegaan ahaan ka soo jeedaan?!.

 

Dad badan ayaa aaminsan in Dawlada Soomaaliya ay ka cabsi qabto in haddii ciidamada lagu soo tababaray Kenya ay qabsadaan gobolada Jubbooyinka, in taasi horseedi karto ku dhawaaqida maamul goboleedka �Jubbaland State�, talaabadaas oo wax weyn ka badali doonto siyaasada Soomaaliya ee qabiilka ku dhisan.

 

 

Dr. Maxamed Cabaas

Dhanaan.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kashafa:

quote: This clan mentality of saying our boys will not die in Muqdisho is not a good move.

Heh. This clan mentality is all you have, poor fool. It's all you got. It's the one thing keeping this goverment together. Who do you think is manning the frontlines of North Mogadisho for the Tigray Founded Government ? It's exclusively made up of the moooriyaan milita of Muuse Suudi, Bashiir Raage, and the other warlords of North Mogadisho. And so on and so forth: Doolow = Hiraale milita. Bay/Bakool = RRA milita. Hiiraan = haraadiga Baqtigii Cumar Xaashi.

 

So why should the ONLF boys plucked from the refugee camps of Dadaab and Ifo fight and die in Mogadisho for Sharif's clan ? Ansar me dat kuweeshan, abti.

 

Wait a sec, wait a sec. I get it now. You're actually trying to give a sembalance of 'dawladnimo' to this comical charade. Ok. If you truly believe that, you're beyond salvation.
Kashafa: as one of the few silent readers of SOL, I have always tried my best to support or give a bit of acceptance to your stance and that of Shabaab, however lately your hawkish view is somewhat alienating those who had a soft spot for the boys.

 

Sxb, reason rather than attacking anyone that shows signs of displeasure with the youth or even your political stance, remember cid walbaayi way khaldantaa, Alle (swt) oo qudha mooyee, therefore markuu khalad jiro accept it.

Maaddeey taageeradiisaa bal wax yar ka dhugo.

 

Disclaimer:-

Hadaad qoraalkayga khalad u aragtana xaal qaado in advance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ Hadal wanaagsan, laakin hal mid aan ku cadeeyo: Dad'ka an duulaan culus ku qaado waa kuwa aflagaado iyo caytin meeshan la yimaadaan. Aniga aad iyo aad baan uu soo dhaweynaa objective critisism iyo dood cilmiyasan like my friend Sherban Shabeel. Laakin billahi calayk sidee baa debate ula sameeyaaa dad hadal-kooda dan ku soo arooray: "Al-Shaydaan!, Al-Kebaab!, Baby-eaters!, Child-rapers!"

 

I have long reached the conclusion that they do not have the intellectual marbles needed to defend their position, or oppose mine. Any lazy fool can type out a string of aflagaado, as a form of ciil-bax and neefta-iska-bixi, against his masters and superiors, the victorious Youth. So tactic-kaygu waa: ad hominem ad hominem baa lagu garacaaa. :D

 

Laakin sii fiican baa uu hadashay, and I would welcome your objective criticisms of the Mujahideen.(if any). You can see this thread to see the difference in tone and approach when I engage with AT&T and Sherban Shabeel even tho they hold virtually the same position.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kashafa

like my friend Sherban Shabeel

At last we can call you a "Murtad". Why? Because Sherban Shabeel is an orthadox christian and you called him a "FRIEND", according to your stup1d intepertation of the Qur'an you should be beheaded.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Dakh biladhin iyo bashtuu baratay yaa ka gar hela horta? :D

 

Waryee kaligii muslim, adeer inta mujaahidnimo sheegata iyo ku mujrim ahba adaa igala liita( waayo behind screen oo laga ciyo sidii lax dhukan ayaad miciin mooday). Adeer this thread is not about A&T( or shaben perse) marka qufaca dhuuska yo calyada kaa da'aysa meel looga baahanyahay la'aad na'meen. Iga bax threadkayga sharban maskaxda kaa kufsaye na'meen.

 

Jabhad, isku meel ayaan ka taaganahay arintan. Adeero A&T meel public ah kuma jiidjiidi karnee ha iska bisleeyo sheekadan wax rag waaweyn u cuntamana ha noo la yimaado :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Kamavi:

isagoo sheegay in fikirkaas ay la qabaan xitaa ciidamada oo uu sheegay inay ku heyb tirsadaan dadka jubbooyinka ku nool .

Maa dal baa loo dagaalamaayaa mise tol? The Prof. should not argue with his president. Muqdisho is more important than Kismayo as it is the capital, so it deserves to be liberated first.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^It's the later yaa xiinos. But what would you say if he has spoken publicly now...

 

hatu when you sing somaliyo toosoo isku tiirsada kolba kiiina tabar daran taageera weligeen, you are talking to/about the people and it always was about the clan and people generaly. Yaan lagu khaldin. Kismayo is more important than any ghost burning up city( like Baqdad, or Moqadisho). why would I care about it when I am considered as a second citizen in that same city? Do you remember what it rewarded Ina Ali Bare, the halyeey who was named as jugta during the presence of Ethios in Moqadisho( not to mention Ina Jees)? Magaalo muuqdisho ah yaad Kista garab dhigaysaa wager war li'idaaa niyow... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

Professor Gandhi must follow the instructions of his President. He is part of the cabinet and he should present his ideas to it and see if it is accepted. If it is not, tough luck.

 

He should not be taking the government back to the days of warlordism by pushing a clan agenda. I am fully aware of what is going on. I know the sensitivity that Ethiopia is trying to influence things against a particular clan. But, the solution is not to rebel against the government. It is to present your fears and try to get a workable compromise.

 

This clan mentality of saying our boys will not die in Muqdisho is not a good move. They should start the fight whereever the government thinks is the priority area. It might as well make sense to start from Muqdisho, and then proceed to Kismayo as a national army.

Well Said...I think sidii nin wax og baad u hadashay oo daacadnimana huwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

Kamavi dee A&T Ideal situation buu kasoo qaadayaa meesha baan u malayn ku shuba Ciidanka xamar waa hadal cadow soo maleegay oo addis laga soo amray ah waa xaqiiq.

 

The second most important city is Kismayo, this is Shabab's cash crop, it has more importance than Mog in this situation had this taken ontop of a chess board you would be smart enough to knock Kismayo....why are these militia's who are on mission to dislodge Shabab from such a strategic centre diverted to Xamar where 20,000 Gov/Amisom troops are based...where unimportant militias across the country are allowed to conitinue there plans.

 

What Sharif and Meles really fear is the creation of an autonomous state in the Jubba regions that can exert influence in Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Jabhadow, A&T warbaa inoogu laaban laakiin dhan walba oo laga maro arintan waxay ka go'daa dadka deegaanka, odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolada(jubbooyinka iyo Gedo ee) dalka Soomaaliya. Si wadajir ah ayeyna dadka deegaanku taageero buuxda u siiyeen qorshaha wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee dalka Soomaliya prof Maxamed Cabdi Gaandi.

 

Wasiirku wuxu kulamo la yeeshay waxgaradka gobolada jubbooyinka iyo gobolka Gedo sidoo kale wuxuu soo bandhgay qorshahiisa ku aadan in ay dowladda Soomaaliya ku talo jirto inay mucaaradka kala soo wareegto goboladan.

 

Qorshahan oo ka mid ah talaabooyin ay dowladdu ku doonayso inay maamulkeeda gaadhsiiso oo ay ku ballaadhiso dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada ay mucaaradku joogaan.

 

Wasiiirka ayaa shacabka jubbooyinka ka codsaday inay kala shaqeyaan qorshaha ay dowladda Soomaaliya wado, sidoo kale shacabka jubbooyinka dalka Soomaaliya ayaa taageray una ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan.

 

Waxaa soo ifbaxay isbedello siyaasadeed & jawi cusub oo ay galeen dadka ku dhaqan Jubooyinka & Gedo

 

1.Waa markii ugu horeeysay oo la maqlo odayaal isku dhaf ah oo ka kala socda Jobooyinka & Gedo oo danahooda ka shaqeeynaya, inkastoo la dhihi karo waa iskaashi tabar yar oo aan ku taagneen tiirar adag oo lagu kalsoonaan karo, hadana waa wax cusub oo soo jiidanaya dhegaha dadka la socda siyaasadaha Somaalida.

 

2. Waa markii ugu horeeysay oo la maqlo oday ay ka muuqato codkarnimo , dhiiranaan buuxda & weliba biseeyl siyaasadeed oo u doodaya danaha dadka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka, waa gudoomiyaha gudiga Jubooyinka & Gedo mudane Sh. Khaliif Sh Guure Ali oo hadaladiisa ay soo jiiteen dadkii dhageeystay, asagoo ay ka muuqatay qiiro wadaniyadeed & sida uu ugu heelanyahay la shaqeeynta Dowlda Fadaraalka Somaliya- hadaay doowlada dhab ka atahay hadalada had & jeer laga maqlo ee ah "soo cilinta amaanka & kala dambeeynta dalka".

 

3. Waa markii ugu horeeysay oo ciidamo noocaas ah oo loo dhameeystiray dhamman wixii looga baahnaa ciidamo casri ah loo diyaariyo gobolladaas aan soo xusnay.

 

4. Dadka ku dhaqan Jubooyinka oo lagu bartay taageerida aan shuruuda ku xirneey ee ay u hayeen ururada ku dagaalama magaca Diinta, ayaa hadda ah dadka aadka u mucaaradsan ururada noocaas ah, ayagoo u arka in maanta la joogo waqtigii la garab istaagi lahaa doowlad Fadaraalka ee Soomaaliyeed oo dalka ka hanaqaada.

 

 

5. Waa markii ugu horeeysay ee ay dhexmarto wada shaqeeyn & isku kalsooni buuxda odayaasha Jubooyinka & doowlada Kenya, oo ay ugu wacantahay labo arimood oo kala ah, doowlada Kenya oo ka cabsi qabta in dhibaato kaga timaado dhanka xuduuda Soomaaliya, & siyaasada guud ee dalka Kenya oo uu ku dhacay isbeddel baaxad leh tan iyo markii uu xukunka ka degay madax weeynihii hore Mr. Arab mooy, & Odayaasha oo ku guuleeystay in ay ka dhaadhiciyaan dowlada Kenya siyaasadooda ku aadan Soomaaliya, waxaa xusid mudan in odayaasha aay geleen wadahadallo badan intii ay ku sugnayeen dalka Kenya, wadahadaladaas oo ay ka war hayeen beesha caalamka.

 

Prof. Gaandhi wuxuu ka mid yahay wasiiradda fara ku tiriska ah ee dowladda Soomaaliya beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeedna ku ammaaneen xil gudashadisa. Dadaalka faraha badan ee wasiirku sameeyey, taageerada buuxda ee dawlada Kenya u hayso DFS iyo rabitanka dadka deeganka in laga dhigo hal bacaad lagu lisay waa la dhaamaa.

 

Shirka Nairobi ka dhacay wuxuu hordhac u yahay nabad ka hirgasha deegaanka Jubooyinka, Gedo iyo dhamaan Konfurta Somaliya. Hiil iyo hoo waa in la lagarab istaagayaa sidii loo meel marin lahaa qorshaha wasiirka.

 

Sidoo kale waa in la iska qabtaa cid ala cidii isku dayda in ay carqaladeeyso amaba faragalin ku sameysa qorshahan, ee lagu soo celinayo nabadii iyo kala danbeyntii degaanada jubooyinka, gedo iyo Koonfurta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this