Sign in to follow this  
General Duke

Puntland election 2009 final thread

Recommended Posts

Oodweyne & Africa Own lads if you want to have a debate about Puntland & Somaliland I suggest you open a new thread. This one is about the election of Puntland and all questions, opinions and facts regarding the election is welcome anything else create a new thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Md. Yuusuf oo Ka Hadlay Doorashooyinka Puntland

By Nuux Muuse Birjeeb

Garoowe

30-November-2008

 

VOA

 

zYusuf2a.jpg

 

Madaxwaynaha Dawlad federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maamulka Puntland uu sharci ahaan xaq u leeyahay in uu magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka beelaha ee ka dhasha soo xulidda xubnaha barlamaanka .

 

Madaxwayne Yuusuf ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Garoowe, shirkaas oo uu kaga hadlay nuxurka wixii ay isla soo qaadeen musharixiinta tartanka madaxwaynanimo ee DGPL.

 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in musharixiintu ay ka cabaneeyeen oo kale arimaha maamulka dhaqaalaha iyo in uu madaxwayne Gen. Cadde is casilo maadaama uu yahay musharax.

 

Cabdullaahi Yuusuf waxa uu sheegay in ay guddiga khilaafaadka dusha sare kala socon doonaan shan ka mida Isimada Puntland, isaga oo sheegay in uu ruuxiisu Puntlnad ku soo noqon doono marka ay soo dhawaato doorashada.

 

Warbixin dheeraad ah oo uu Nuux Muuse Birjeeb nooga soo diray Garowe halkan ka dhagayso.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

12_7.JPG

Murashax Cabdilaahi ayaa Qada sharaf Maanta ugu

 

Murashax Cabdilaahi Axmed Jaamac ilka Jiir oo ah Murashaxiinta sida wayn ugu Jirta Loolanka Hogaanka Madaxnimada Maamul Goboleedka Puntland ayaa Maanta Qada sharaf ugu Fidiyey isimada Maamul Goboleedka Puntland Hoteel NEW WAAMO Ee Magaalada Garoowe ee Casimad goboleedka Puntland ,

 

 

Waxaana isimadaasi ay ahayeen isimo si wayn looga yaqaan Degaanada Puntland isla markaasina ah isimada talada dalka Haya dhanka sandalada,Murashax Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir ayaa Qada sharaftaasi ka soo jeediyey Boogaadin iyo hanbalyo uu hawada u marinay Guud ahaan Shacabwaynaha Walaalaha ah ee Somaliyeed Gaar ahaan Shacabka Reer Puntland ee uu Doonayo inuu ka Noqdo Maamulka Xukumi doona Xilka Madaxnimada Hadii uu ku Guulaysto sanada 2009ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sagaal madaxweyne musharax oo aan xisbi lahay oo aan wax fikir aah lahayn oo wadda beel gaar ah mattala kaan ilka dooli bal lix bilood ayu bariga sanaag joogay muxu soo kordhiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

genereel who do you think will be a good leader for puntland you think ilka dooli can bring change or so or wiilka yar eeh dr selebaan.

runti hada la sheego cadde muse changed puntiland he build bossaso airport bossaso port is booming what does ilka dooli got to offer puntland. his makhir Couzins salaad cali is in hargesa.bal ninkaasi muxu soo kordhinaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Xaji, lets have a reasonable discourse without insults.

I have a number of candidates who I like and top of the list is Gen Abdullahi Ahmed Jama or Ilka-Jiir. I think he brings a great deal to the table. He is a renowned military tactician and was the head of the training department of the Somali armed forces at a young age. He is relatively new to the national stage and would bring new ideas. I think his recent moves in SANAAG and the support he garnered can testify that he has the skills if given the chance to bring security, discipline and competence to the admin.

 

I also am a fan of Prof Muhuidin Ali Yusuf, he is a no nonsense fellow with a deep commitment to education and developmental issues. He is a man above the fray and would be a great leader for the state today and even the future.

 

The other individual who inspires confidence is Farjac the sheer number of in-depth articles he has penned since joining the race and the quality of his rhetoric and proposals also makes this man one of the few I would want to see take over the helm.

 

Our current President is a good man, but alas has surrounded himself with fools like Gagaab and Afqurac. With all due respect as an avid fan of all thinks Puntland I can not over look the fact that many things have gone wrong since these men took over.

 

The young Dr Saleebaan I have very little info on him, why do you think he would be good?

Share this post


Link to post
Share on other sites

U know what it is duke Why do Somali leaders always come down on i was a soldier i was a general like cade muse lika Cabdilahi yusuf like. Daahir rayaale who was a colonel. Why not some one with academic background that can change Puntiland institutions or can change some of the laws and actually build bridges between the people. The things didn’t went wrong because of cade muse things went wrong because Cabdilahi yusuf needed all the financial help military help for Mogadishu and baydhabo. Its not cade muse fault. Its the current situation in south of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaji, you have a valid point, but Cade as the head of Puntland could have used his imagination to make the void left a little better and easier.

 

My candidate Ilka-Jiir is not only a retired General but is a CPA and has been a teacher as well. Thus he is an educated soldier not bad at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A. Siciid Nuur oo ka tanasuley musharaxnimadiisa

4 Dec 4, 2008 - 8:08:22 AM

 

Axmed Saciid Awnur oo ka mid ahaa Musharaxiinta isu soo taagay xilka Madaxtinimada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay u tartamida xilka Puntland.

 

Awnuur oo la soo xariiray Idaacadda Garoowe ayaa sheegay in sababta ku dhalisay inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa ay tahay kadib markii dad faro badan ee ka soo jeedo Gobolka Nugaal isu soo taageen xilkaan, isla markana waxaa uu sheegay in ay jiraan tashiyo fara badan, loona baahan yahay buu yiri in Gobolka Nugaal uu yeesho hal Musharax, maadaama tartan lagu guda jiro.

 

"Arinta reer iyo qoys bey dib ugu noqotay, anagu sadax baanu hal dhinac ka soo wada jeednay oo Musharaxiin ka aheyn, aniguna koley waan ka tanasulay, labadii kalena howshooda tolka ayaa gacanta ku haya oo go'aan ka gaari doona, waxaana rajeynayaa in dhinacas kale hal qof uu ka soo baxo, kadibna aakhirka gobolka Nugaal uu hal qof yeesho oo ka qeybgalo tartanka, barnaamijkeygana waa mid aan u gogol xaarayo inaan hoos ka soo bilowno"ayuu yiri Axmed Saciid Awnuur oo ka hadlayey sababta ku dhalisay inuu tanaasulo, wuxuuna sheegay in tanaasulkaasi ay ku dhalisay beesha uu ka soo jeedo.

 

Axmed Saciid Awnur ayaa sheegay in uu burburay guddigii kala saari lahaa Musharaxiinta Gobolka Nugal, waxana uu tilmaamay inuu ku yimid kadib markii faraha la soo galeen gacmo dibada ah sida uu hadlka u dhigaye, isagoo intaa raaciyay in dadkii xubnaha ka ahaa qaarkood ay sidoo kale ka shaqeeyeen burburintiisa si aysan dadka deegaankan aysan wax go'aan ah ugu qaadan doorashada soo socoto.

 

Tanasulka Awnuur ayaa yimid xili Musharaxiinta u taagan xilka DGPL ay tiradoda sii kordheysa, taasoo adkeyneysa tartanka xilka Madaxweynenimada ee loo tartamayo Janaayo 8-deeda 2009-ka.

 

Radio Garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSCN6829.JPG

Murashaxa Jagada Madaxtinimada u taagan sanada 2009ka Cabdilaahi Axmed Jaamac ilka jiir iyo Xildhibaan caasho Axmed Cabdle oo soo Gaarey BosasoDaawo sawirada

 

Bosaaso:- Musharax C/laahi Axmed Jaamac Mataan [ilka Jiir] ayaa galabta soo gaadhay magaalada Bosaaso ee xarunta G/ Bari, Gen-ka ayaa safarkiisa waxa ku weheliyay Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalle oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Somaliya, safarkooda ayay kaga soo kicitimeen dhanka Caasimada Ismaamul Goboleedka Puntland ee Garoowe.

 

Musharax C/laahi Axmed Jaamac ayaa mudo ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Ismaamul Goboleedka Puntland halkaasi oo uu ka waday Olalaha doorashadiisa, waxana ay sheegayaan dad ku dhaw dhawi inuu intii Garoowe joogay la kulmay Isimada Puntland iyo waliba Madaxwaynaha Somaliya C/laahi Yuusuf oo markaasi isna Garoowe ku sugnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Musharixiintii reer Nugaaleedka oo ay isu soo hareen xubno kooban iyo wadahadal weli socda

Garoowe (WNT)-Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa maalmahaan ka socday wada halo u dhexeeya beelaha gobolkaasi dega oo ay ka sharaxnaayeen 7 musharax oo u tar tamaya jagada madaxtimada maamulka Puntland oo la saadaalinayo inay dhacdo 8-da bisha fooda inagu soo haysa ee Janaayo.

 

 

 

Shir dhawaan ay yeelatay beeshu oo lagu doonayey in lagu yareeyo musharixiinta ayaa waxaa iyagu is casilay oo ka tanaasulay doonistoodii jagadaasi Wasiirkii hore ee dakadaha iyo khayraadka Badda Puntland Axmed Siciid Aw-nuur iyo siyaasiga ruug Caddaaga ah Cabdi Xaaji Yuusuf (Shuluco) oo labadu sheegay inay tanaasuleen ka dib markii culay kaga yimid dhanka beesha kaasi oo lagu doonayey in la helo hal musharax oo gobolka ka soo baxa,waxaana ay sheegeen inay ka jawaabeen codsigii dadka.

 

 

 

Waxaa weli socoda wada hadalo lagu doonayo in lagu soo reebo hal musharax,iyadoo ay isu soo hareen gobolka Nugaal 4 musharax oo kala ah Max’ed Cabdi Nuur,Aadan Gaadaale,Xasan Abshir iyo C/raxmaan Faroole,waxaana la saadaalinayaa in dhowaan 3 ka mid ahi ay tanaasuli doonaan,iyagoo ka jawaabaya codsiga dadka reer Puntland ee is badalka u baahan caqabadana ay ku noqotay musharixiinta tirada badan ee kuligood caashaqsan kursiga madaxtinimo.

 

 

 

Guud ahaan jagadaan ayaa waxaa illaa hadda isu soo sharaxay in ka badan 27 musharax oo dhamaantood sheegay inay is badal weyn keeni doonaan haddii la doorto marka loo eego aqoontooda iyo waayo aragnimadooda waxaase shaki weyn laga qabaa inay sahlaan in mar kale Cadde Muuse uu halkaasi ku soo laabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Murashax Prof Farjac Geyiga Puntland waxa uu u baahanyahay isbedel Cusub iyo Dib u soo celinta Gobolka Maqan,,Waxaana xilkayga anigu uga tanaasulayaa Murashaxiinta Sool iyo Sanaag

 

Bosaaso;-Murashax Farjac ayaa ****olka ka qaaday in Maamulka Puntland uu u baahanyahay isbedel siyaasadeed sidaasi daraadeedna madaxwaynaha waqtigiisu gabaabsiga yahay aan loo baahnayn dad la mid ah inay dib uga ariminayaan Puntland sababtoo ah ma jirto iminka Deganaansho iyo Xasilooni farta lugu Fiiqa karo ee ka jirta geyiga Puntland,Waxaa loo baahanyahay dib u soo celinta Magaalada Laascanood iyo Weji cusub oo lugu dhaqo shacabka Reer Puntland ayuu yiri Prof Murashax Farjac oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaysa jagada Madaxtinimada Puntland.

 

 

Murashax Farjac ayaa shaaciyey sidookale inuu diyaar u yahay sidii uu daacadnimo iyo hagaanshacab ugu hormuudi lahaa Xukuumada Puntland ee haatan ay murashaxiinta badani ka yihiin isbedel doonka Puntland,Waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay Murashax Farjac in Magaalada Garoowe ee Xarunta ah iyo Gobolada kale Qaarkood ay ka jiraan Amaandaro baahsan iyadoo ay weliba intaasi sii dheertahay Awooda Magaalada Laascanood oo uu sheegay inay la wereegeen Dad waayey Wax iska Difaaca.

 

 

Intabadan Murashixiinta Reer Puntland ayaa waxa ay soo bandhigayaan Qorshayaal kala duwan iyadoo ay durba Muuqanayso kala qaybsanaanta iyo kooxa kooxaysiga Murashaxiinta Xilalka isbedel doonka ah ku loolamaya,Murashax Farjac ayaa mararbadan ku soo cel celiyey in ugu tanaasulayo xilkiisa Madaxnimo Murashaxiinta Ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag taasi oo uu ku Macneeyey in loo ay tahay Balaarsiga Awoodqaybsiga Puntland oo aan lugukoobin Magaalada Garoowe gaalkacyo iyo Qardho ee loo fidiyey Shacabwaynaha kale ee ka soo jeeda Gobolada Puntland.

 

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Radio Dhahar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this