Sign in to follow this  
General Duke

Puntland election 2009 final thread

Recommended Posts

Garowe: Caasha Geelle oo shir uqabatay Musharaxiinta utaagan Hogaanka Puntland.

18. december 2008

 

Garowe(AllPuntland)- Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Qoyska ee dawladda Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa maanta shir uqabatay Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee dawladda Puntland, waxa ayna kala hadashay sidii doorasho xor ah uga dhici lahayd gudaha dalka Puntland.

 

Musharaxiinta ayaa loo bandhigay Su'aalo kooban oo wax ka qabanaya xaaladaha waqtigan, lugu jiro markaasna wax ka qabaneysa xaalada Puntland, wuxuuna si toos ah Caasho usheegtay in looga baahan yahay Musharaxiinta in la ilaaliyo Midnimada deegaanada Puntland.

 

Xasan Abshir Faarax oo ah ka mid ah Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee deegaanada Puntland, wuxuuna sheegay in ay Musharaxahaan ay doonayaan in ay doorashada Puntland ku dhacdo si cadaalad ku jirto, markaasna loo baahan yahay in ay dadweynuhu qeyb ka qaataan.

 

Xasan Abshir ayaa tibaaxay in ay Musharaxiin ahaan soo dhaweynayeen hadaladii iyo go'aamadii Isimada ka soo baxay ee ku aadanaa doorashada deegaanada Puntland, wuxuuna intaasi daray in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo nabadgalyada deegaanada Puntland.

 

Mr. Xasan Abshir Faarax wuxuu ku eedeeyey Bulshada Caalamiga ah in ay ka gaabiyeen in ay gacan siiyaan doorashada deegaanada Puntland, wuxuuna ugu baaqay dawladda, Aqoonyahanada iyo Musharaxiinta Puntland in ay cod dheer uga hadlaan xaaladahan, maadaama Somaliland la siiyo Lacag iyo waqti dheeri ah ayna Puntland ubaahan tahay taasoo kale.

 

Aaden Maxamed Ciise ayaa isna sidoo kale sheegay in ay Musharaxiin ahaan doonayaan dawlad ka dhalata Puntland, loona baahan yahay in si sharci ay ku hirgasho doorashadaasi,

 

Gaadaale ayaa sheegay in ay Isimadu ku taliyeen 3/4 loo kala qaato Gudiga Ansixinta iyo xalinta khilaafaadka baarlamaanka Puntland, balse ay wali dawladda Puntland diidan tahay sadexdii Xubnood ee Musharaxiintu soo xuleen.

 

Musharaxiin kala duwan ayaa maanta ka hadashey shirkan, waxaana ka mid ahaa Kobra Keyse Jaamac, Nuuridiin Aaden Diiriye, Cali Baashi Xaaji Maxamuud, Maxamed Cabdi-Nuur Xirsi, C/rixmaan Maxamed Faroole, Cali Cabdi Awaare, Saleemaan Ciise Axmed, Xasan Abshir Faarax, Aaden Maxamed Ciise iyo Axmed Macalin Jaamac.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaan Siciid Iyo Jeneral Ilko Jiir oo wefti hoggaaminaya ayaa u kicitamay Garoowe.+Sawiro.

 

Badhan : Saaka subaxnimadii ayaa wefti ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid iyo Jeneral C/laahi Axmed Jaamac ( Ilko jiir ) ay u kicitimeen dhanka magaalada Garoowe ee caasimadda PL.

 

Weftida oo wata kolanyo baabuur ah ayaa ka koobnaa odayaal dhallinyaro iyo ciidammo, waxayna sii marayaan magaalada Boosaaso , oo iyadana si weyn loogu diyaar yahay. Halkaasna waxa kasii raaci doona xubno kale oo ganacsato iyo Cuqaal ah .

Dadweyne fara badan ayaa hor tubnaa hotel-ka Badda Cas ee weftigu ka anbabaxayeen , kuwaas oo sagootinayey weftiga. Jeneraal Ilko Jiir oo ka mid ah musharraxiinta ugu horreeya ee u taagan doorashada jagada madaxnimada ee PL. wuxu si rasmi ah u bilaabay ololihiisa doorashada , waxana uu bulshada u sharraxayaa aragtidiisa isbedelka ee uu rabo inuu ku hoggaamin doono Puntland haddii la doorto.

 

Daawo sawirada;

Share this post


Link to post
Share on other sites

Murashaxiinta u tartatamaysa Xilka Madaxwayne nimo ee Maamulgoboleedka Puntland oo ku kulansan Garoowe

 

Garoowe:-Murashaxiinta Xilka madaxnimada u kala tartamaysa ayaa waxaa ay ku kulansanyihiin Magaalada Garoowe ee Caasimad Goboleedka Puntland gaar ahaan Hoolka Shirarka ee Laybareeriga waxaana saaka halkaasi isugu yimid ku dhowaad 7Murashax oo iyagu kulan aan saxaafada loo shaacin ku qaatay halkaasi.

 

 

Intabadan Murashaxiinta Puntland ayaa waxa ay isu kaashanayaan Groups ama koox koox taasi oo muujinaysa ama ay keenatay Doorashada Puntland oo xiligeedii soo dhowaaday lugu dhawaaqi lahaa Madaxwaynaha Cusub ee hogaamin doona shacabka Reer Puntland 4Sano ee Fooda nugu soo haya.

 

 

Murashaxiinta Puntland ayaa waxa ay u kala qaybsanyihiin kuwo ka yimid Dalka Debedeiisa iyo weliba kuwo joogeyba iyadoo ay ka mid yihiin Saraakiisha Dowladihii hore ee Mileteriga la soo shaqaysay sida C/laahi Axmed Jaamac ilkajiir oo kale ,Halka ay qaar ka mid ah Murashaxiinta Xilal kala duwan ka soo qabteen Xukuumada Puntland oo uu ka mid yahay C/raxmaan Faroole iyo Weliba kuwo kale oo xiliyadii u dameyey Xilal ka hayey DFKGS.

 

 

Sidoo kale kulankan ay Murashaxiintu isugu yimadeen ayaa waxaa ka horeeyey oo ay ku kulmen isla maanta Magaalada Garoowe Murashaxiintu Gidiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashinyka Puntland oo ay si qoto dheer uga hadleen murahaxiinta iyo gudigu sidii looga wada soo jeensan lahaa halmeel oo keliya Xoojinta iyo taabagalka Amaanka Goobta Doorashadu ka dhcayso 1/8/2009ka.

 

 

Dhinaca kale Magaalada Garoowe ee Caasimad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka socda qaban qaabo lugu dhisayo Golaha Baarlamanka Puntland oo la filayo in la magcaabo Gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen Dabayaqadan bishan aan ku jirno welina lama soo bandhigin cidii loo dooran lahaa Xubnahaaso balse qaar ka mida xildhibaanada PL ayaa sheegay inay Diyaarsanyihiin Gudoomiyihii Baarlamanka iyo ku xigeenkiisuba lakiin aan weli la shaacinin luguna soo dhisi doono hal maalin oo kelay.

 

 

Maxamed Axmed Ciise

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this