Sign in to follow this  
Dhashiike

The Rubberstamping of the Occupation

Recommended Posts

Abtigiis   

^^Ma hadana Sucuudigaynu sii sugaynaa? Ngonge might reply. I am the war-mongerer implied here. But I won't say anything for now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

:Kashafa & Abtigi TOlk: - If you Two so brave and love fighting why dont you Two go to Xamar and join the civilians that are being bombed by both side ...... Why dont you Two go TO Sink Dheer become refuge in your own country ...

 

go See how the people are living - insted of crying for more destruction and starvation .

 

Dahir Aweys and General indhacade have no solution for the civilians in xamar until they see something that benefits them.

 

 

The people of xamar have Aired their views on the peace agreement on BBC go and listn to it .... they will welcome anything that will give them chance to live in peace .

 

 

Its sheik Shariff leaders ship that gave the ICU the power to control entire south somalia -

 

I feel shiek Shariif and Nur Cade pain - NO one can see his people and his city bombed everyday , the city is ruined no school no stability . The war in xamar must come into end, Inshallah it will thanks to Allah first .

 

 

Alshabab will lisnt to sharif his not toothless he too has his own army and shacaabka xaamar support him 100% .... wheres macalin xashi and rest - they will fullfill and implement this peace agreement no matter what ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah Faahin:- Fatwo ka soo Baxday Sheekh Dr. Cumar Iimaan

Beerdhiga 10.06.2008 18:06

 

Shabakadda Beerdhiga waxa ay idiin soo gudbinaysaa Fatwo Cod ah oo ay qaar ka mid ah Culimada Mujaahidiinta Soomaaliyeed xalay ka duubeen Sheekh Dr. Cumar Iimaan taas oo ka hadlaysa 3 arimood oo kala ah:-

 

1) Ciidamada UN-ka ee la sheegayo in dalka soomaaliya la keenayo iyo waliba Waxyaabaha la gudboon Mujaahidiinta soomaaliyeed

2) Waxa ay Shareecadda Islaamka ka qabto in DFKMG ah ee la shaqeysa Awooda lala qeybsado oo lagu biro.

3) Iyo Mas’uuliyadda xubnaha ka qeyb galay shirka Jabuti.

 

Fatwadan oo ay shabakadda Beerdhiga u badashay qoraal ayaa waxa ay ahayd sida tan:-

 

Sheekhoow sida aad ogtahay waxaa ka socda Jabuti maalmahan la soo dhaafay shir, shirkaasna Soomaalida guud ahaan dalka ha joogto ama dibada ha joogto wuxuu galiyay runtii khal-khal fara badan, waxyaabaha ka soo yeeraya oo aysan runtii ku faraxsanayn darteed, arinkaas wuxuu u baahday in diin ahaan loo cadeeyo, marka mas’aladaasi waxay nala noqotay caawa insha allaahu Tacaalaa in aan wax kaa weydiino,

 

waxaan rabnaa marka su’aalo la xiriira Barnaamijkaas inaan ku weydiino, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah waxay u baahantahay haddii arinkeeda uu culays soo galo inay ku xalisato insha allaahu tacaalaa diinteeda iyo waxa illaahay u baneeyay si qof waliba u nabad galo oo uu u ogaado waxa diintu u ubanaysay iyo waxa ay ka reebtay, marka su’aalahaas su’aasha u horeysa waxa weeye waxaan ognahay hadal haynta jabuti ka soo yeeraysa inay ka mid tahay ciidamo UN ah ayaa la keenayaa marka su’aashu waxa ay tahay ciidamo UN ah oo hubaysan in dalka loo ogolaado oo loo saxiixo inay yimaadaan maxay shareecadu ka qabtaa?, haddii ay yimaadaanse maxaa ku waajib ah Mujaahidiinta cadowga kula jira dagaalka?.

 

Sheekh Dr. Cumar Iimaan:- ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã¡ ÇáÍãÏ Çááå ÑÈ ÇáÚÇáãíä æÕáì Çááå æÓáã Úáì äÈíäÇ ãããÏ æÚáì Âáå æÕÍÈå ÃÌãÚíä inta meesha fadhisa ee hadalkayga dhagaysanaysa dhamaantiin waxaan leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, waadna ku mahadsantihiin su’aashaas muhiimka ah ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ahna si gaar ah u taabanayso in qof kasta uu ka ogaado xukunka uu sharciga islaamku ka qabo sidaa daraadeed waxaa weeyaan in badan waa la iweydiiyay horeyna waan ugu jawaabay, meelo badana waa lagu duubay hadana waxaan leeyahay iyada oo la sii adkaynayo arintaasi inaan ka jawaabo ayaan rabaan insha allaahu tacaalaa, mas’alada madkhalka laga gali karo waxay tahay:- in ciidamo UN ah oo gaalo ah iyo waxa dabo dhilifka u ah ee dabo socdo in wadanka la keeno Mujaahidiinta hubka loogaga dhigo, macnaheedu waxaa weeye (al-isticaanatu bil Kufaari calaa muxaarabatil muslimiina-al-mujaahidiin) in gaaladii la kaalmeysto loo kaalmeysto dad muslimiin ah hubkana loogaga dhigo ka dibna dowladaan camiilada ah ee dabo dhilifka ah la hoos geeyo midkii kalana maraykan loo dhiibo, sidaas illaahay diintiisa iyo dalka qiimihiisa iyo wadankii oo dhan lagula wareego ula jeedadu intaas weeyaan.

 

Tan kale waxaan u malaynayaa in nin kasta oo muslim ah uusan u baahnayn maanta wax badan oo cilmi ah haddii aysan muslimiintii fuqahadda isku khilaafeen “nin gaal ah ma la kaalmeysan karaan gaal kale in lagula dagaalamo” oo dad badan ay diideen oo la yiri gaal hadaan la dagaalamayno gaal kale u kaalmeysan mayno oo nabiga hadalkiisa u daliishadeen “ÅäÇ áÇ äÓÊÚíä ÈãÔÑß inaa laa nastaciinu bi mushrik”nin mushrik ah oo gaal ah anagu kaalmeysan mayno markii nabiga (scw) qazwatu u xud uu u socday ……, sababtana ay leeyihiin nin gaal ah lagama aamin noqon karo calooshaada iyo sirtaada wuu ogaanayaa, hadhow markii dagaalkii uu bilowdana inay xaga ka soo jeestaan dhici karo kuligood khayaanadaas ayaa lagu yaqaanaa maadaama ay saas dhici karto oo ay diideen culimo qaarkood, kuwa baneeyayba xaataa waxay yiraahdeen “haddii gaaladu dad yar ay yihiin kalsoonida lagu qabo, haddii xaataa xaga ka soo jeestaan dhib muslimiinta u gaysan karin oo laga awood badan yahay saas ayaa loo kaalmeysan karaa” laakiin waxaa khilaaf ka jirin in gaal ay dad muslim ah in dagaalkiis loo soo kaalmeysan karin” haddii markii hore aynu ku eedaynaynay dowladaan dabo dhilifka ah in ay itoobiya soo kaalmeysatay si wadanka gumeysi ay gacanta u galiso, waxaa ka sii xumaan badan in Maxaakiimtii islaamiga ahayd iyo saxwadii islaamka ahayd in maanta codsi sameeyo ee gaaladii gaalo kale hadana uu ku badalo wadankii oo dhan oo hadda wada xoroobay kuligiis hadana gumeysi kale gadaal loogu celiyo Taas baa ka sii xumaan badan, marka mas’alada ah nin muslim ah in gaal loo soo kaxeysto wax muslim ah oo isku khilaafsan maba jirtaba.illaahayna waxa uu leeyahay “æáä íÌÚá Çááå ááßÇÝÑíä Úáì ÇáãÄãäíä ÓÈíáÇ” illaahay ma yeelayo mana ogolaanayo nin kaafir ah in gacanta muslim ah galiyo gacantiisana sarre noqdo oo awoodii isaga la wareego illaahay diintiisa ma ogola, sharcigiisana ma ogola, marka waxa weeye arintaasi waa arin aad iskaga muuqato, dad badan baa waxaa laga yaabaa dadka caamada ah inay ku qalbi jilicsadaan in labadaanba waa 2 shar in ciidamo shisheeye la keeno waa shar, Itoobiya wadanka in ay sii joogtana waa shar, laakiin labadooda waxaa shar fudud in ciidamo shisheeye la keenaa shartooda ay yartahay dad baa sidaa dadka ku beer jilicsanaya, arintaas xaqiiqada way ka fogtahay, sharcigana way ka fogtahay

 

Amaa waaqica marka la yiraahdo Itoobiya baa ka shar yar oo ay leeyihiin Itoobiya damac bay ka leedahay wadankaan waxayna doonaysaa in ay gumeysato, ciidamo shisheeyana damac kama laha sidaas daraadeed bay nooga fiicanyihiin sidaasi bay leeyihiin, nuqdadaasi horta waxay khalad ku tahay Itoobiya wadankaan ma gumeysan karto, dadkiinana waad ka warqabtaan maanta sidii ay ku bixi lahayd baa ku adag, arintaan hadda laga shaqeynaayo Jabuti waa sidii loogu salixi lahaa Jidkii ay ku bixi lahayd iyo in guul ay ku baxday loo tusiyo awgeed baa calamka oo dhan hadda u gurmanayaa, maadaama ay Jabtay waxaa kaloo caalamka diidayaa iyada oo qori dabada looga wado in ay wadanka ka baxdo oo waligeed Haziimada ku bilaabatay ay sidaas ku sii socoto, marka in la badbaadiyo baa uun loogu talo galay, marka idinkana waxaad ogtihiin in anaguna aan ognahay caalamkuna ogyahay in Itoobiya ay jabtay, wadankaana aysan haysan Karin, maantana sidii ay ku bixi lahayd ay mushkilad ka haysato, biyihii ay cabi lahayd ay xaataa waysantahay marka in la yiraahdo Itoobiya damac gumeysi baa ku jira ciidamo shisheeyana gumeysi kuma jiraan, caqliga waa diidayaa.

 

Mida labaadna waxaa weeyaan wadankaan waa la soo gumeystay Itoobiya ma ahayn dadkii gumeystay, ingiriis oo waqooyi gumeystay, talyaaniga oo konfurta gumeystay, Boortaqiiska oo xeebaha soomaaliya gumeystay, faransiis oo Jabuti gumeystay, kuligood dad cadaan ah bay ahaayeen, dadkii shalay ku gumeystay damacii ay shalay kugu gumeysteen sidii buu ugu jiraa, marka inay wadanka yimaadaan maanta oo ay awoodii la wareegaan, Puntland gooni u gooyaan, Somaliland ay gooyaan oo cadowgooda u kala qeybiyaan sidii ingiriiska horey gobolka 5-aad Itoobiya u siiyay mida kale ee soomaalida NFD uu u siiyay Kenya, maanta labadaas gobol iyo wixii la mid ah la qeybiyay Rubuc ka mid ah ma kuu imaan karaa, marka in la yiraahdo damac gumeysi kuma jiro ee danuuba noogu yimid waa arin aad iyo aad waaqici uga fog, Itoobiya oo aan maanta ka adkaanay oo aad wada ogtihiin meesha ay maanta joogto xaafado yar-yar oo aanay ka bixi Karin habeen iyo maalin lagu garaacayo iyo magaalooyinka sida:- Baydhabo iyo Baladweyne oo cararkii uu diyaar u yahay oo kaliya inay ka soo carartay baa la wada ogyahay, marka iyada sidaas ku jooto oo wadankii oo dhan laga xoreeyay, dhiig badan oo mujaahidiin ah uu ku baxay, ciidamo UN ah oo Boqolaal kun ah markii maanta la keeno wixii naf iyo maal lagu bixiyay hal sano marka Raas kanbooni illaa iyo gaalkacyo ciidamo lagu daadiyo, diyaarado sidii Shinbiraha kugu kor wareegaya lagu kordhigo arintaas iyada ah Itoobiyay ka fududahay dadka dhahaya waa dad aan illaahay ka cabsanayn (SW), sababtana waxaa weeyaan wadankii oo gumeysi dib loogu celiyo, dadkii mujaahidiinta oo hubkii laga dhigo, iyada oo dowladaas Camiilada ah loo dhiibo wixii gadmayana Maraykanka laga gado haday arintaasi ka fududahay Itoobiya maanta oon ognahay xamar oo dhan lagu tamashlaynayo oo jidkii Maka Al-Mukarama kaliya uu u furanyahay oo air porkii ku aadi waayeen oo Tobanaan howl-gal maalin kasta ay la kulmayaan ninkii doonaya in awoodii dowlad ku sheegta inuu baahiyo oo meeshaas geeyo oo runtii ku magacaabo maslaxad ummadd baan xaqiijinayaa waa arin runtii aad iyo aad looga murugoodo, waxaana u baahanahay inaan gumeysiga macnihiisa aan fahano, xurmadii iyo awoodii oo lagaala wareego waa, haddii Itoobiya maanta shacabigii meelo badan ka badax banaan yihiin, marka ciidamo shisheeye la keeno ma adigaa xukumaysid mise iyagaa ku xukumaya?, markii dalka milatari xoog leh ku soo dago wixii adiga lagaa rabo ayaa lagugu sameysanayaa, gabadhaada waa la kufsanayaa adiga waa lagu dilayaa, istaag baa lagu leeyahay jidadka baa laguu istaagayaa marka, kaas gumeysi ma aha miyaa? Mise xoriyad waaye?, marka Gumeysiga macnihiisa ayaa waxa uu u baahanyahay in la isfahamsiiyo, marka aniga arintaasi aad baan ula jaabsanahay.

 

Mida kale ee aan rabo inaan u sheego waxaa weeyaan:- xaga imkaaniyada iyo awooda waa kala badanyihiin, Itoobiya oo jabtay iyo ciidamo car-cartooda qaba oo markii 5 sano iyo 6 sano ku haystaan hadana intii ay ka baxaan Itoobiya ay kugu soo noqoto, lama dhihi karo marka tanaa “ ÃÎÝ ÖÑÑíä Akhafu Dararayn” ah lama dhihi karo.

 

Mida kale Ciidamadan shisheeye sharciyo diimo uu yahay ayay wataan, waxaa weeye waxay kaa rabaan bay kaa sameysanayaan, hadaad hadalkooda diidid ama qori aad ku tuurtid bani aadam ayaa tahay waa lagula dagaalamayaa nin canbaareysan ayaad tahay oo sharciyada dowliga buriyay, halka Itoobiya caalamka waxa uu nooga garaabayaa inay tahay dowlad gumeysi u timiday, oo nagu soo xad gudubtay wax kasta oo aan ku sameyno cid ka dabo hadlaysa inaysan lahayn ogow.

 

Mida kale waxaa weeyaan ciidamadaan hadda maanta imaanaya waxay aaminsanyihiin in dowlad sharciyeed dalka ka jirto, oo C/laahi yuusuf madax u yahay ula jeedada laga leeyahayna in awooda wadanka lagu baahiyo inay tahay, marka in xukuumadii maanta labada xaafadood daganayd lagula dhaqmi waayo, markii wadanka oo dhan loo gacan galiyo, dhibka ka imaan kara haddii aan iraahdo Itoobiya waxa ay nagu haysuu ka fudud yahay, waxa weeyaan waa dhib aan waaqica ku dhaweyn,mandiqa iyo maslaxada sharciga islaamkana aad uga fog weeyaan.

 

Midda Saddexaad waxaa la rabaa “ÝÇÚÊÈÑæ íÇ ÃáæÇáÃÈÕÇÑ” ciidamo shisheeye caalamka waxa ay ka qabtaan fiiriya, Ciraaq maxay ku sameeyaan?, Af-Qaanistaan maxay ku sameeyaan?, Lubnaan maxay ku sameeyaan?, meel kasta oo ay tagaan wax may hagaajiyaan mise waxbay fasahaadiyaan? Marka waxaa la rabaa anaga maxay nagu sameeyeen 1993, waxa ay sameeyeen waa la ogyahay, waxay ummadda baabi’iyeen mooyaane wax ay u qabteen ma jirto, marka maanta inaan niraahno Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhib yar ciidamo shisheeye inaan sidaas ku hadalno, runtii waa arin aad iyo aad xaqiiqada uga fog, ilaahayna in looga cabsado ay tahay, marka waxaan leenahay arintaas iyada ah in maanta aan niraahno anaga Itoobiya ha naga baxdo ka dib ciidamo shisheeye ha noo yimaadiin iyaga ha na xukumeen, macnaha waxaa weeye haddii aan nahay shacab soomaaliyeed oo muslim ah anaga arimahaanaga gaarka ah ma xalisan karno, shacbigii oo meel looga dhacay weeyaan, anagana waxaan leenahay war dadka mushkilada keenay waa Itoobiya, haday naga baxdo anaga ayaa arimaheena xalisanayno, shalayba markii Maxaakiimta bilowdeen sidaad arkayseen waxaa weeye wadankeenii nabad iyo barwaaqo ayuu ku soo noqday iyada oo cidna nagu saacidin, wax dowlad ah oo noo yimid oo gacan nagu siiyayna aysan jirin, ummaddana waxaa weeye nabad iyo amni bay ku naalootay, marka maanta inaan ni raahno anaga waxba ma qabsan karee ha naloo yimaado, inaan shacbi hamaji ah waxna aan kala ogayn in iyaga la maamulo mooyaane aan soconayn baan tusinaynaa caalamkii, illaahayna aan markhaati uga dhigaynaa.

 

Mid kale ee aan rabo inaan arintaasi ku soo dhameystiro illaahay markii guul na siiyay, shalay markii Itoobiya soo galaysay sidaan ahayn waad ogaydeen, maanta shacbiga oo dhan waa na soo garab istaageen, illaahayna guul ayuu na siiyay, ummaddii oo dhana ay farxad iyo rayn rayn ay ku soo wada jeesatay itoobiyana inay iska celiso ay go’aan noqotay, dhulkeediina ay ka xoreysatay, halkii illaahay inaan ku mahdino nalaga rabay inaan niraahno gaalooy noo kaalaya oo idinka gar-gaar na siiya illaahay agtiisa noogama qalanto arintaa iyada ah, illaahayoow adiga ayaa guushaas na siiyay inaan ku mahdino ayay ahayd,asaga ayaa maanta anaga oo mustadcafiin ah illaahay awoodaas na siiyay, marka waxaa weeyaan, mandiqa iyo caqliga iyo shareecadda islaamka maqaasideedaba wax maslaxo ah oo ku jira waxa maanta Jabuti laga wado haba yaraatee ma jirto, cid dhag jalaq u siinaysa Ma lahan.

 

Su’aasha Qeybteeda labaad haddii ciidamadaasi sidaas ku yimaadiin anaga oo og oo ah Muqaawamada Gudaha iyo Siyaasiyiinta Dibada kuligeen isku waafaqeen inaanu ogolayn ciidamo shisheeye haday yimaadaana waxay noola mid yihiin kuwa itoobiyaanka ah, hadaf ayayna noqonayaan, sidii ugandiiska loola dagaalamay ayaa loola dagaalamayaa, sababtoo ah waxay ku yimaadeen dulmi iyo dowlad dabo dhilif ah gacan siinteeda ayay ku yimaadeen, marka mujaahidiinta waxaa la gudboon inay illaahay talo saartaan cadowgoodana ay dhinac ka noqdaan aysan u ogolaanin wadankeena in uu noqdo meelo lagu ciyaar ciyaaro oo marba cidii la rabo la keeno, sidaa daraadeed baan leeyahay sax ma aha.

 

Hal noqdo oo aan ku baraarujiyo ayaan doonayaa inaan ku daro dad badan ayaa waxaa lagu beer jilicsanayaa Ciidamada shisheeye ee imaanaya haday dal carab iyo muslimiin ka yimaadaan waa la aqbali karaa, arintaas laftirkeeda waxaan leeyahay waa “Oraah” kuligeedna waxaa waaye khayaano…..(lama garan erayada halkan ku jira) … sababtoo ah Caalamka Dowliga ah waa midka noo diiday anaga inaan nafteena aan is xalino, markii aan dadka waraysanay wufuuda reer galbeedka ah(waxay yiraahdeen)waxaan u rabnaa ciidamo shisheeye shalay idinka oo aan meesha idinka saarnay inaad soo noqotaan idinka oo barax tiran ayaan doonayna, waxaan rabnaa in la idiin barxo dadka la idinku daro ma ogolaan karno inaad kaligiin soo noqotaan, marka dadka anaga saas noo diiday inaan nafteena is xukuno in ciidamo kale oo islaamiyiin ah inta laguu keeno in laguu naxariisto wax dhacaaya ma aha, wax xukun lagu dhisayana ma aha waa mid.

 

Mida labaad ciidamda lagu leeyahay Dalalka Islaamkaa laga keenayaa iyo carabta kuwa iyaga dhibka muslimiinta dalalkoodii jooga lagu gumaado waaye, dal kasta oo muslim ah maanta waxa dhibaato ay Afqaanistaanka ku hayaan Paakistaanka, Paakistaan dhaxdeeda shacabka Pakistaan waxa masaajidada ku duminaya waa ciidamadii Pakistaan waaye, ciidamadaas marka laguu keeno magaca islaamkii ay ahaan jireen muxuu kuu taraysaa waxa loo tarbiyeeyayba waa in lagula dagaalamo Saxwada Islaamka waaye, marka in magacooda islaam ahaan jiray ama ay dowlad islaam ah ka yimaadeen wax weyn oo ay kuu kordhinayso ma lahan.

 

Mida saddexaad waxaa weeyaan haddii ay yimaadaan dowalado gaalo ah iyo kuwa Muslimiinta ah meelahaas ayaa la iska da dajinayaa iyaga kuwanaa howsha qabanaya, markii 1993 anaga nala gumaadayay ciidamo oo sucuudi ah iyo Pakistaan ah iyo qeyrkood iyo marooko way joogeen, bal waxaan ognahay in Pakistaanka loo adeegsan jiray shacabka soomaaliya in lagu gumaado, in ciidanka maraykanka uu ka dhigtay difaac uu bambaanada kaga fakado ayaa uu dhihi jiray naga hor mara oo shacbiga lagu gumaadi jiray, marka dadkaas iyaga ah in lagu dhiso xukun oo la yiraahdo wax bay tarayaan waxaa weeyaan wax aad u qaab daran, illaahayna waxa uu leeyahay “áÇ ÊÊÎÏæ ÈØÇäÉ ãä Ïæäßã áÇ íÃáæäßã ÎÈÇáÇæÏæ ãÇ ÚäÊã ÞÏ ÈÏÊ ÇáÊÛÖÇÁ ãä ÃÝæÇååã æãÇ ÊÎÝí ÕÏæÑåã ÃßÈÑ ÞÏ ÈíäÇ áßã ÇáÂíÇÊ ÅäßäÊã ÊÚÞáæä” aayadaas waxaa weeyaan ha ka yeelanina ayuu illaahay na leeyahay dad wadaag hoosaad ah oo dadka muslimiinta ah aad ka soo dhaweysataan oo gaalada dabo la gashaan ha yeelin, maxaa yeelay gaalada wax fasaad ah oo ay qaban karto ma jiraan oo idinka dabarayso ma lahan, dbibkiinana way jecelyihiin, caradoodana afkooda ayay ka soo muuqataa miyaysan na necbayn Maraykan iyo Ingiriis iyo faransiis miyaysan na necbayn, inta ay afka ka sheeganayaan iyo inta ay waraaqaha ku qorayaan waxaa ka badan inta qalbigooda ku jirta baa uu illaahay leeyahay,hadaad mu’miniin tihiin aayaadkaas waan idiin cadaynay, ee garta dadkaas wax ha ka raadinina, isku tashta, illaahay ku xirnaada intaas ayaad guul ku gaaraysaan micnaheeda saas waaye, marka sidaas daraadeed waxaan leeyahay su’aashaas waarid ma aha in gaalo maanta aan niraahno xal bay wadankeena ka keenaysaa nin muslim ah wax uu ku hadlo ma aha, dadka muqaawamada ahna horey bay mowqifkooda u cadeysteen anagana sidaas baan ku ayidaynaa shareecadda islaamkana sidaasay ka qabtaa.

 

Su’aasha 2-aad: Kooxda Daba-dhilifka ah ee Camiiladda ah ee C/laahi uu hogaamiyo aan ognahay in ay ayagu wadanka cadawga keeneen ayna meel walba la tagan yihiin in ay ayagu u yeerteen, wax malala Qaybsan karaa, ma laga mid noqon karaa maamulkooda iyo waxa ay ayagu rabaan, in wax lala qaybsaadase maxay shareecadu ka Qabtaa?.

 

Jawaabta Sheekha: Waa su’aal muhim ah meeshana ku jirta dadka waxaa rabaa inaan u sheego hadda waxa loo ololaynaayo in ciidamo shisheeye wadanka la keeno waxaa ka horeeya in marka hore Dawladaas Dabadhilifka ah aad wax la qaybsataan, markaad labadiina wax isku darsataan adinka’oo wada jiro oo iswaafaqsan ciidamo shisheeye la’idiin keeno, horta sidaas weeyaan, marka ciidama shisheeye kaligood iska imaan maayaan ilaa dawladda la aqoonsado, marka waxaad arki doontaa Wareega soosocda in laga hadli doono awooda sida loo qaybsan doono, marka dawladaan waxaa lagu magacaabayo dawlad waa Camiilad wadankeedii cadaw Gacanta u galisay, waxay qabatay baan rabaa in aan horta idiinka sheego si ay noogu soo baxdo horta wax malagu darsan karaa, ninka ku darsadaase muxuu noqon karaa. Waxaan leenahay dawladaasi dabadhilifka ah waxyaalaha ay ummada Soomaaliyeed ku samaysay waxaa hormuud u ah oo ugu horeeya in ay wadankii gumaysi gacanta u galisay, waa koow, midaas danbigeeda keli ah hadii lagu qaado cid kasta oo arrintaas ku lugleh shareecada Islaamka waa camiil ninkaas in la dilo wax aan ahayn uu astaahilo maleh , Nin dal muslim ah oo madax banaan oo dad muslimiin ah ay ku nool yiohiin in loo sacyiyo in gaalo gacanta loo geliyo oo cadaw weligeedba la ahaan jirtay, waxaa weeye qof bani-aadam ah danbi Bacda Shirk Bilaahi uu samayn lahaa oo ka wayn majirto, Koow.

 

Midda 2-aad waxay gaysatay Xasuuq oo hadda adinka aad ka war qabtaanoo ummaddii Soomaaliyeed mid la dilay mid la barakiciyay dugsi la dumiyay ummadii oo dhimashadeeda 20,000 lagu tirinayo, Xamar Malyanka iyo dhawrka laga Qixiyay wixii guri Xamar ku yaalayna dhulka la dhigay ummadii mid la kufsaday iyo mid Jiis ah gala laga soo reebay hadii la yiraahdo dadkaas danbiga ay galeen halagu qaado inta la Dilo ayaa la Salbinayaa maxaa yeelay dunuubta ay galeen waa mudaacaf (laban-laab).

 

Midda 3-aad waxaa weeyaan waa Dawlad ********** ah oo Fashlantay waxay Ummad u qabata iska daaye dhibkeeda uun baa meesha yaala marka waa Fashilatay ee wax la taageero ama wax lagu darsadoba malaha.

 

Mida 4-aad Wakhtigeedii waa dhamaaday oo in dawlad sidaas oo kale ah oo Gumaysi Wadanka Gacanta U Galisay Xasuuqna Gaysatay, Fashilantay, Wakhtigeedii dhacay in wax lagu darsado macnaheedu waxay ka dhigan tahay Dawlad ilaahay uu ku xukumay dil in aad tiraahdo waa soo Noolaynayaa waa danbi sidiisaba inay arrintaas danbi tahay waxaa kuugu daliil ah markii shacbiga Soomaaliyeed ay waxay ku samaysay arkeen waxay go’aansadeen in lala Jihaado markaad Jihaad ku qaadayo macnaheedu waxaa weeyaan dadkaas in ladilo ayay astaahilaa, Jihaadku wuxuu ka bilawday in muqaawamada lala galo nimankaas in ay danbiilayaal yihiin baa Jihaadka lagu bilaabay, marka dadkii shalay aan halka ka taagnaa maanta in aan wax ku darsado oo aan miis lasoo fariisto macnaheedu waxaa weeye nin ilaahay uu dilay ayaan soo noolaynayaa waaye taas waa koow,, midda 2aad Dawlad cimrigeedii dhacay oo baaba’day baad hadana waxaad rabtaa mushkiladii inaad Ummadii ku soo haysid, dadbaa waxay sheeganayaa heshiiskaan waxaan u galnay in dhibaatadii ummada aan ka qaadno, war dhibaato miyaad kordhisay- in Dawladda C/lahi Yuusuf wakhti kale loogu daro oo ay sii jirto- ma dhibaataad sii kordhisay mise waxbaad fududaysay Ummaddii hadda way ka xorowday wax yarbaa u dhimane hadda ayey dadka dhib ku heysaayee, 5 sano oo kale hadaad ugu darted maxey kula tahey. midda sadexaad waxaa weeyaan wixii Jihad lala galay, wixii dad walaala ah nooga shihiiday kuligeed waxaa waaye hal bacad lagu lisay, maxaa ka soo baxaya dadkii lala jihaadayay oo wadanka in laga bixiyo la rabay waxaad leedahay maanta waa dawlad oo difaacadeedaba loo fadhiyaa. waxaa weeye arrintaas mid aad iyo aad u culus. Miida kale waxaa weeyaan in dadkii lahaa dhiiga bay qabaan, dawlad maaha waa ********** dagaalbaa naga dhaxeeya la fariisan mayno ninkii shalay lahaa afkooda in ay maanta ku yiraahdaan ayagaan hadana hor fariisanaynaa waxbaan la qayb sanaynaa misdaaqiyad in aysan lahayn dadkaas ayay daliil u taahy Ummada dadka waxay u sheegayeen ba ayada oon wax is badalay jirin bay caksigooda ku dhaceen, wax aad loola yaabo ayay noqotay arrintaasi, sidaa darteed in dadkaa wax lagu darsado macnaheedu waxay tahay siday ayagu yihiin baad adiguna noqonaysaa, dadkii xumaa oo lala dagaalamayay Dil unbay mudan yihiin dagaalkiina waa lagu wadayaa ninkii ayaga ku darsoomayna ayaguu la mid yahay ilaahay waxuu leeyahay ( æãä íÊæáåã ãäßã ÝÇäå ãäåã Çä Çááå áÇ íåÏì ÇáÞæã ÇáÙÇáãíä) ninkii dadkaas ka wali yeesha ee gaalada iyo gaalada kuwa la socda soo dhawaysta oo saaxiib iyo sadaaqo la yeesha ayagaasuu ka mid yahay xukunkooduu qaadanayaa sida loola dagaalo ayaa loola dagaalamayaa ilaahayna waxaa uu aayad kale ku leeyahay íÇÁíåÇ ÇáÐíä Ããäæ áÇ ÊÊÎÐæ ÇáßÇÝÑíä Çæáíà ãä Ïæä ÇáãÄãäíä)) dadka Mu’miniinta ahaw gaalada haka yeelanina kuwo wali ah adinka oo ka soo soka marsanaya dadka Mu’miniinta ah oo gaaladii baad soo dhawaysanaysaan iyo kuwii gaala raaca ahaa Mu’miniintana waa iska fogaynaysiin oo waxad leedahay Ninkii xabad ku rida Gaalada bari baan ka nahay waa canbaraynaynaa Irhaabkaan la dagaalamaynaa ayaad leedahay, macnaha gaaladii iyo kuwii gala raaca ahaa ayaad saf la noqotay Mu’miniintana safbaad ka noqotay taasna ilaahay wuxuu ka leeyahay ( æãä íÝÚá ÐÇáß ÝáíÓ ãä Çááå Ýí ÔÆ) ninkii arrintaas sameeya ilahay agtiisa wuxuu ka yahay malaha, marka waxaa weeyaan aniga dadka walaalahay ah waxaan ugu nasiixaynayaa wali arrintoodu ma talax tagine ilaahay naftooda ha’uga Cabsadeen Nafaqaas Mudlimka ah (Godkaas Mugdiga ah) ha ka soo noqdaan, dadkaasna dad ilaahay dilay weeyaan marnaba noolaan maayaan, adinkuna sumcadiina haku baabi’inina, wanaagiina iyo Jihaadkiinana Haburinina, dadka walaalihiin ah oo gudaha iyo dibadda jooga la mawqif noqda waxay qabaana la qaata sidaas ayaan anigu u soo jeedinayaa intaas ayaan Su’aashaas ku soo koobayaa.

 

Su’aasha 3-aad: waxaan ognahay Jibuuti waxa ka socda waxaa wada dad mas’uuliyad runtii sheeganaya oo hawsha maanta socota mas’uuliyad ku lahaa waxa ay meeshaas u joogaana waxaa su’aashii aan horay uga soo hadalnay ay tilmaamaysa iyo waxyabo kale oo qarsoon marka dadkaas ku qanca in wax lala qaybsado kooxdaas daba dhilifka ah oo camiilka ah maxay noqonaysaa Mas’uuliyadoodu

 

Jawaabta Shiikha: baaraka-alahu Fiikum Su’aashaas waa muhiim meeshyna ku jirtaa jawaabteeduna aad ayay u sahlan tahay, haddi aan isku waafaqno wixii aan horay uga soo hadalnay in ciidama shisheeye dalkaan hormuud loogu noqdo oo adigu afkaaga aad ku dalabtid in ay macsi tahay hadaan isku waafaqno saan u soo cadaynay in dawladaas Dabadhilifka ah oo Murtadda-da ah ( Gaalawday) hadii in wax lagu darsado ay macsi tahay aan isku waafaqsanahay in ninkii labadaas shay amrayo ama dalbanayo in aan lagu adeecayn waa iska waadix ninkii macsidaas dad ugu yeera lagu adeeci maayo maxaa yeelay Nabigu SCW wuxuu leeyayay ( áÇ ØÇÚÉ áãÎáæÞ Ýí ãÚÕíÉ ÇáÎÇáÞ) Makhluuq la’abuuray lagu adeeci maayo Allaha abuuray Macsidiisa Haduu mas’uulkaagu ku yiraahdo waxaas xun samey laga yeeli maayo Qofku wuxuu madax u yahay oo mas’uul u yahay in uu ummadda Shareecada Islaamaka waxa ay ogoshahey uu ku hogaamiyo hadii macsi uu dadkii ugu yeero waa la diidayaa, marka taa waa mid mida kale nabigu SCW wuxuu yiri (ÇäãÇ ÇáØÇÚÉ Ýí ãÚÑæÝ) waxa la’isku adeecayo waa waxa macruufka ah ee ay shareecadu ogoshahay marka ninkii la yimaada anigu mas’uulbaan ahay Baadil baan kugu hogaaminayaa igu soo raac Sheercada Islaamku way ka dayrisay mana ogola ilaahay wuxuu tilmaamay dadka baadida Madaxda ku raaca Hadhow (Aakhiro) ku calaacali doonaan ( ÑÈäÇ ÇäÇ ÇØÚäÇ ÓÇÏÊäÇ æßÈÑÇÁäÇ ÝÃÖáæäÇ ÇáÓÈíá ÑÈäÇ ÃÊåã ÖÚÝíä ãä ÇáÚÐÇÈ ) ilaahayoow waxaan adeecnay dadkii Saadada iyo madaxda noo ahaa ayaan daba kacnay ayaga ayaa wadadii naga dhumiyeen marka adigana waa lagu cadaabaya ayagana waa la cadaabayaa--- marka waxaa leeyahay arrintaas ayada ah cid lagu adeecayo maleh, Shareecada Islaamkuna ma ogola, kuligeena adoomo ilaahey baanu nahey waxa uu nagu adoonsadey waxay sharecada islaamka ogoshahey in aan annagu raacno arrinta aan rabo in aan ku daro waxaa weeyaan hadii aan niraahno dawladaas ayaan wax ku darsanaynaa ama ciidama shisheeyaan aqbalaynaa Jihaadkii aan ku jirnay Muqaawamadu Wujuubnimadeedu maxay ahayd ilaahay nabigiisu markii lawaydiiyay ilaahey rasuulkiisiiyow ninkii anaga naga mid ah oo u dagaalamaa maal, ama mansib in uu raadiyo ama in la dhaho geesi la yiraahdo, kee jidkii ilaahey ku taagan baa lawaydiiyay markaasuu nabigu SCW wuxuu yiri ((ãä ÞÇÊá áÊßæä ßáãÉ Çááå åí ÇáÚáíÇ Ýåæ Ýí ÓÈíá Çááå ninkii u dagaalamo in ay kalimada ilaahay kor noqoto ninkaas baa mujaahid ah ayuu ilaahay Nabigiisu SCW yiri. Ilaahay ayaan idinku dhaariyaya ninkii yiraahda Jihaadkii oo dhan in uu ku dhamaado ciidamo UN ah marki ay yimaadaan Hubkii aan wareejino in Jihaadkii UN ku dhamaado ma’ilaahay diintiisa Koryeelideeda miyaa? Taas waxan rabaa qof kasta in uu ogaado sifadaas oo kale in jihaadkii aan soo marnay oon adoomankaas cadawga ah aan kula dagaalamaynay in uu ku dhamaado kuway ayagu ka amarqaadanayeen oo sidii Gabre shirku loogu yeeray xamarna uu nagu maamulo, in uu ku dhamaado in dawladaas aan la dagaalamaynay aan ku biirno ma ilaahay in diintiisa la kor yeelo ayay arrintaasu ku jirtaa? mise waxaa weeyaan ninkii maanta diyaar u ah in uu dawladaas ku biiro ee Mujaahid hadana sheeganayo ama hubkayga ciidamo shisheeye ayaan ku wareejinaya ayagaa Qalab ii keenaya ninkii aaminsan ninkaas Jihaad uma jeedo dana kale ayuuna ka lahaa maantana waa maalintii lakala baxayoo (Úáí ãÇ ÃäÊã Úáíå ÍÊí íãíÒ ÇáÎÈíË ãä ÇáØíÈ ( ãÇ ßÇä Çááå áíÐÑÇáãÄãäíä ilaahay wuxuu leeyhay Mu’miniinta Isku jirka uga tagimayo ilaa aan kala bixiyo midka xun iyo kan fiican waxa lagu kala bixinayana Mawaaqiftaan oo kale waaye ilaahay Jihaadka wuxuu kuu faray anaga oo gurigeena joogna guul waa na siin karay lakin wuxuu u jideeyay waxaa weeyaan in ninka Dhabta ah oo iimaanka iyo Caqiidada leh iyo ninka sheeganaya in ay kala baxaan (æáäÈáæäßã ÍÊí äÚáã ÇáãÌÇåÏíä ãäßã æÇáÕÇÈÑíä æäÈáæ ÇÎÈÇÑßã ) ilaahay wuxuu leeyahay waan idin imtixaamaynaa si aan u ogaado ilaahay wuu ogyahay lakin khalqigiisa uu oagaysiiyo ninka mujaahidka ah oo dhabta ah Jihaadkiisana ku sabrayo iyo ninka kale oo dan gooni ah kaleh, marka maanta waa maalintii lakala baxayay haddi ilaahay dartiis Jihaadkaas naga ahaa Nimankaas iyo gaalada waxay wataan oo ay isku wafaqeen wax lidkooda ah in aan samayno weeye oo niraahno waan diidnay anagu teena waa naqaana sidaan wax u xalisanayno cid aan u baahanahay in ay nala xalisona majiraan, dawladasna wax ku darsan mayno danbiga ay gashay dil maahee wax kalena ma istaahisho in aan jidkaas ku istaagno ayaa loo baahanyahay hadii maanta ay dana kale nala gasho kursi ku raadsasho dadkii shuhadada dhiigoodi iyo maslaxo gaar ah iyo qabiilkaygaa meeshaan u badan oon iska raacaa haday maanta naga noqoto waxaad ogaataan maalintaan maalin aan ahayn ayaan ilaahay ishortaagi doonaa ilaahayna waa nala xisaabtamayaa waxaan horay mawaaqif u qaadanay iyo waxaan anagu sababteena intaan jihad gelinay ay shuhado badan ku baxeen in aan maanta meeshaas ku dhamays tirno ilaahay agtiisa wax looga badbaadayo maaha ilaahay waxaan ka baryayaa in uu kuligeen ( Çä íÑíäÇ ÇáÍÞ ÍÞÇ æíÑÒÞäá ÇÊÈÇÚå æÇáÈÇØá ÈÇØáÇ æíÑÒÞäÇ ÇÌÊäÇÈå Çäå æáí ÐÇáß æÇáÞÇÏÑ Úáíå æÕáí æÓáã Úáí äÈíäÇ ãÍãÏ).

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

^^Ma hadana Sucuudigaynu sii sugaynaa? Ngonge might reply. I am the war-mongerer implied here. But I won't say anything for now.

Not at all. I understand you argument. I just think you're too hasty at times. What's four months really? Wait and see and if it does not happen, thos that are fighting now can fight again then.

 

Xiin,

I understand all that I just can't fathom where your optimism comes from. Are you on a 'estabshiro bil khayer tajedooh' mode? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by NGONGE:

Xiin,

I understand all that I just can't fathom where your optimism comes from. Are you on a 'estabshiro bil khayer tajedooh' mode?
;)
[/QB]

Xiin is an avowed peacenik, a dove, which in itself is something we should all be striving for but when applied at the expense of reality becomes detrimental, a folly as this thread has shown.

 

The day they sat down in Djbouti, I had this to say:

 

Current Somalia Players:

 

-The U.S.A

 

-Ethiopia

 

-Al-Shabaab.

 

The notion that the TFG and the "opposition" can sit down on a issue in which they are not the prime players is really beyond laughable.

Link

 

In another, I specifically addressed Shiekh Sharif's ability to speak for the resistance:

 

Shiekh Sharif, I am afraid, achieved naught but to cause a small melee of discord among the party he sought to represent. He neither had the capacity to deal on behalf of the armed resistance in Somalia, who altogether labeled the group in Eritrea as "cilmaani" nor does he now enjoy the legitimacy to represent the teeth-less Alliance in Eritrea.

Link

 

For someone so seemingly well versed in Somali power play, Xiin's position on this issue has continuously amazed me or his denial of the true situation in southern Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

it was going to happen eventually .. the good sh. has let us down ... politics corrupts even the best.

 

no need to rehash .. this agreement is worth less than toilet paper !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^ Geeljire, sincewhen your son turned Brofossore, wuu jilcay. Bal yar dhuuji. Ngonge, It is not about the four months, saaxiib. You like to discredit me for nothing. I said who is doing the fighting on the ground? it is Al-shabab. Haddaan iyaga la la heshiin waxba socon maayaan!

 

Time will tell the motives of Xinn's extraordinary 'dovishness'and optimism.

 

Capetown

 

Adigu you are masquerading as 'peace lover' while supporting the TFG. Warkaagu waa cad yahay. Sometimes I think Duke logs in a different name.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

But those who lack the power of positive thinking or have no patience or just somehow have no consideration to the humanitarian side of this conflict will always and consistently find excuses to oppose any peaceful settlement of the Somali conflict

I guess you were being 'considerate of the humanitarian side' when you were calling for war to 're-liberate' Laas-Canaood a few months back from the invading barbarian hordes from the North. You are on record justifying that as a 'just war', a war that would have undoubtedly resulted in great disaster. Why the discrepancy, adeer ? Why call for war over something as petty as traditional age-old clan conflict, and call for surrender and submission in the face of the greatest threat Somali-dom has ever seen ? What is this Peace(at least ur version of it) that is not good enough for Laas-Caanood, but is good enough for Ummada Soomaliyeed. Why is it OK to go war with other Somalis, but it is a horrendous notion to defend yourself, your country, your deen from genocidal Xabashi occupation. Peace-Spoilers ! Nabad-Diids ! Anarchists !

 

There is an interesting dichotomy I've noticed: People calling for war when it suits their interests and then doubling back advocating for "Peace ! Stability ! People are tired of war ! The Innocents ! Dowladnimo ! Somali Republic !". Yeah, yeah, yeah, all that jazz woulda sounded great had it been consistent. I won't presume to know the motivations behind such a contradictory stance, but xusnul-thani has it's limits, and you're almost done running up ur tab, bro.

 

Capetown, is-qabooji, abti. Victory is around the corner and the Resistance will continue their time-honoured liberation campaign, not until the Ethiopians leave, no sir, but until all of Dhabodhilifa are either six foot under or in exile. Ethiopians are just a symptom. The disease that has ravaged and wrecked the Somali body is dhuli'fied dhabodhilifnimo, grand treason fueled by qabiil and greed. This malignant cancer that has festered for so long is being excised today by a band of surgeons, oo isku-bahaystay magaca Eebbe(SWT).

 

Marka wax yar uu kaadi Daqtar'yaasha. Good things are coming, inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^What are you suggesting waryee? Man up, and tell us why you think xiin and many others support this deal.

 

It's fair to say that most somalis can wait 4 months to see if this deal materializes. they have waited close to 20 years, and we pray this bears fruits.

 

ps...It does not please me to see good Kashafa transitioning to zero simply because Somali parties signed a peace deal. That's really sad!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ You are talking to Mujahid Kashafa there. Don't reason with him, saaxib. Either fight by his side or DUCK.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Peace agreements are great but this one is on very the low end of the feasibility scale. Wanting peace and criticizing the shortcomings of this "agreement" are not mutually exclusive either. This, as Xiin would call it, is a lowborn agreement. Cheer, if you must, for this agreement but don't stick your head in the sand when it comes to its glaring inadequacies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D I tried to duck, NG, but the man charged right down into my trench...

 

Libaax Alamtara :D soo dhaaf bay maraysaa awoowe...

 

edit: Castro,, can you sum up your objection to this agreement?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ :D

 

Originally posted by Castro:

Peace agreements are great but this one is on very the low end of the feasibility scale. Wanting peace and criticizing the shortcomings of this "agreement" are not mutually exclusive either. This, as Xiin would call it, is a lowborn agreement. Cheer, if you must, for this agreement but don't stick your head in the sand when it comes to its glaring inadequacies.

End Of Thread

 

applause.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Ngonge, you don't want me around here, do you? Those seemed like the applause of death.

 

Xiin, I have two misgivings on this agreement:

 

1) The talks were not all-inclusive. A major player (may be the second biggest player in the current conflict) was not a signatory to the agreement.

 

2) The dubious time lines and the wishful "sufficient" UN troops in 4 months are a near impossibility.

 

This is not a knee-jerk rejection on my side but the devil is always in the details atheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this