CapeTown

Nomads
  • Content Count

    42
  • Joined

  • Last visited

  1. The Good Sheekh is showing he has all the quality to be somali leader .... Compare him to his counterparts Dahir aweys and Indhcade who constantly on the radio attacking him - he never once showed ciiyaal suuqnimo and counter attacked them - Sheekh shariff constantly down playing the division between the AR - stating there is negotiation goin on between the Isbaheysiga Dib u xoreynta - when he can inflame it tell the Indh cade and Dahir aweys to F******* off , break the resistance in Muqadishu ............... Lets speak reality here we are forgeting the roots of Icu movement
  2. RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin. OUTSTANDING Speech by Nuur Cadde ....... This two leaders are doing their best to stop the suffering of the somali people - unlike those who are rooting for more bloodshed to gain power . Their counterpart should take their stand and start thinking about the somali nation and its people.
  3. RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin” Axad, June 22, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxayaan haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada ay istaagaan. “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo carrabka ku dhejiyay in aaney jiri doonin baahi loo qabo Ciidamo shisheeye haddii ay dadka Soomaaliyeed Nabadda ka wada shaqeeyaan. Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay meel-marinta heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in ay dowladda Federaalka ku howlan tahay sidii ay heshiiskaas u meel-marin lahayd. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan heshiiskii Jibouti oo uu ku tilmaamay mid dahabi ah, wuxuuna caddeeyay in heshiiskaas oo Jibouti lagu saxiixay, si kama dambeys ah loogu saxiixi doono Dalka Sacuudiga. Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka hadlay dhibaatada Soomaali badan oo Tahriibayaal ah ku heysata Dalal ay doonayeen in ay ka sii gudbaan, wuxuuna ka codsaday Dowladahaas oo uu ka xusay Tanzania in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay ka sii tallaabaan dalalkooda. Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in sababta ay Dadkaas uga tahriibeen Soomaaliya ay tahay dhibaatooyin ay u dulqaadan waayeen oo gudaha Soomaaliya ku qabsaday, wuxuuse carrabka ku dhuftay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka mar kale la soo gudboonaaday dadkaas. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  4. RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin” Axad, June 22, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxayaan haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada ay istaagaan. “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo carrabka ku dhejiyay in aaney jiri doonin baahi loo qabo Ciidamo shisheeye haddii ay dadka Soomaaliyeed Nabadda ka wada shaqeeyaan. Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay meel-marinta heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in ay dowladda Federaalka ku howlan tahay sidii ay heshiiskaas u meel-marin lahayd. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan heshiiskii Jibouti oo uu ku tilmaamay mid dahabi ah, wuxuuna caddeeyay in heshiiskaas oo Jibouti lagu saxiixay, si kama dambeys ah loogu saxiixi doono Dalka Sacuudiga. Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka hadlay dhibaatada Soomaali badan oo Tahriibayaal ah ku heysata Dalal ay doonayeen in ay ka sii gudbaan, wuxuuna ka codsaday Dowladahaas oo uu ka xusay Tanzania in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay ka sii tallaabaan dalalkooda. Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in sababta ay Dadkaas uga tahriibeen Soomaaliya ay tahay dhibaatooyin ay u dulqaadan waayeen oo gudaha Soomaaliya ku qabsaday, wuxuuse carrabka ku dhuftay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka mar kale la soo gudboonaaday dadkaas. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  5. http://www.somaliweyn.org/pages/news/June_08/22june24.html SOURCE AND PICTURES Sheekh Shariif: Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go;aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin
  6. Shir ay soo qaban qaabiyeen Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya, isla markaana ay ku casuumeen Bulshada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulankani oo ay Isbaheysigu sheegeen in looga hadlayey Geeddi Socodka Nabadda ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Warfaafinta ee Isbaheysiga Suleymaan Colaad Rooble, Guddoomiyaha Guddiga Wadaxaajoodka ee Isbaheysiga ahna ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Maxmed Cabdi Yuusuf, Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe, Prof Maxmed Cabdi Maxmed (Gaandi) Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan {(Ibi). Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay jiraan fursado badan, oo ay ka mid tahay in Soomaalida ay muujiyeen inaan la qabsan karin iyo bulshada caalamka iney garwaaqsatay waxa adduunka qaar ay u arkayeen iney Soomaaliya xal u noqon karaan ineysan xal u noqon karin iyo Isbaheysigu inuu diyaar u yahay xal diblumaasiyadeed in la raadiyo oo aan xabbad kaliya waxba lagu raadin, "Waxaan isleenahay fursadahaas kulmay maalin walba isma dul saarna, marka mas'uuliyadda na saaran waxey tahay inaan ku dadaalno sida xal loo heli karo. 19 sanno ayuu dagaal soo socday, dagaalo fara badan ayaa dhacay natiijadana lagama keenin" ayuu yiri Sheekh Shariif. Wuxuu intaa ku daray Shirkii Jabuuti dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti iney hor yaallaan caqabo badan, "Laba un bay mid aheyd caqabaad fara badan ayaa hor yaalla, laba unbey mid aheyd, in aan tanaasuli weyno oo xariga dhinaceena aan ka jiidno laguna kala tago iyo inaan anagu tanaasul muujino waxna lagu heshiiyo, labadaas arrin markaan isgarab dhignay waxaa noo soo baxday ineysan suuragal aheyn inaan ka sugno dadkii cadaw dalka ku soo hoggaamiyey ee dhibaatadaad aragteen geystay iney qodobo ka tanaasulaan ineysan suuragal aheyn, waxaan qaadanay marka anaga inaan qodobo ka tanaasulno, laakiin bud-dhiga mawduuca aynaan ka tanaasulin kaasoo ah iney Itoobiya meesha ka baxdo" ayuu yiri Guddoomiyuhu. Sheekh Shariif wuxuu soo hadal qaaday intii uu ka hadlay kulanka maanta ka dhacay magaalada Nairobi xubnaha kale ee isbaheysiga ee dhaliilay heshiiskii ay soo saxiixeen, wuxuu sheegay iney yihiin dad ay walaalo yihiin oo ay soo wada shaqeeyeen isla markaana aaney marna kala maarmi karin, "Waxaan qaadanay maadaama ummadda xalkeeda aan raadineyno inaan hadalka qaadano, walaalahana hadalka aan la wadno haddii wax wanaagsan aan keeno waa sidii la rabay walaaluhuna waa na waafaqayaan waana na waafaqsan yihiin waxa la isku khilaafsan yahayna aad bay u yar yihiin, haddii aan xalka aan weyno diblumaasiga ah oo aan wax ku keeni weyno, awalba meeshii wax noo joogeen ayaan ka wadeynaa meel kaloon u wadno ma leh waxaana suurtagal aheyn inaan aqbalno Gumeysi" ayuu yiri. Dadkii la casuumay mar uu la hadlayeyna wuxuu yiri, "Sidaas daraadeed waxa aan soo qaadnay iyagoo nala qaraar aan waxaan u qaadnay iney maslaxo ku jirto haddii maanta xal dhameystiran aan lagu gaarin iney dariiq noqon karto, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku fikiraa inuu dagaal furan iska socdo", wuxuuna intaa ku daray in xaaladdu ay maalinba meel joogto, "Meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa" ayuu ku sii daray, isagoo sheegay in difaacu aanu aheyn in xabbad oo kaliya la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad lagu hoggaamiyo. Sheekh Shariif: Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go;aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin. C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Wadahadalada ee Isbaheysiga isla markaana ah ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada la isku afgartay Soomaaliya in loo diro hadafka laga leeyahay inuu yahay iney dalka xasiliyaan, isagoo xusay in dhinacyo badan markii ay ka eegeen iney ku guuleysteen ciidamadaasi iney noqdaan kuwa ka socda waddamada Islaamka, oo dadka Soomaalida ah ay isku dhaqan iyo diin yihiin. Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga wuxuu ka dhawaajiyey in ay socdaan wadahadalo meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya iyaga iyo xubnaha Isbaheysiga ee diidan Heshiiskii ay dhawaan dowladda la saxiixdeen.
  7. Shir ay soo qaban qaabiyeen Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya, isla markaana ay ku casuumeen Bulshada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulankani oo ay Isbaheysigu sheegeen in looga hadlayey Geeddi Socodka Nabadda ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Warfaafinta ee Isbaheysiga Suleymaan Colaad Rooble, Guddoomiyaha Guddiga Wadaxaajoodka ee Isbaheysiga ahna ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Maxmed Cabdi Yuusuf, Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe, Prof Maxmed Cabdi Maxmed (Gaandi) Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan {(Ibi). Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay jiraan fursado badan, oo ay ka mid tahay in Soomaalida ay muujiyeen inaan la qabsan karin iyo bulshada caalamka iney garwaaqsatay waxa adduunka qaar ay u arkayeen iney Soomaaliya xal u noqon karaan ineysan xal u noqon karin iyo Isbaheysigu inuu diyaar u yahay xal diblumaasiyadeed in la raadiyo oo aan xabbad kaliya waxba lagu raadin, "Waxaan isleenahay fursadahaas kulmay maalin walba isma dul saarna, marka mas'uuliyadda na saaran waxey tahay inaan ku dadaalno sida xal loo heli karo. 19 sanno ayuu dagaal soo socday, dagaalo fara badan ayaa dhacay natiijadana lagama keenin" ayuu yiri Sheekh Shariif. Wuxuu intaa ku daray Shirkii Jabuuti dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti iney hor yaallaan caqabo badan, "Laba un bay mid aheyd caqabaad fara badan ayaa hor yaalla, laba unbey mid aheyd, in aan tanaasuli weyno oo xariga dhinaceena aan ka jiidno laguna kala tago iyo inaan anagu tanaasul muujino waxna lagu heshiiyo, labadaas arrin markaan isgarab dhignay waxaa noo soo baxday ineysan suuragal aheyn inaan ka sugno dadkii cadaw dalka ku soo hoggaamiyey ee dhibaatadaad aragteen geystay iney qodobo ka tanaasulaan ineysan suuragal aheyn, waxaan qaadanay marka anaga inaan qodobo ka tanaasulno, laakiin bud-dhiga mawduuca aynaan ka tanaasulin kaasoo ah iney Itoobiya meesha ka baxdo" ayuu yiri Guddoomiyuhu. Sheekh Shariif wuxuu soo hadal qaaday intii uu ka hadlay kulanka maanta ka dhacay magaalada Nairobi xubnaha kale ee isbaheysiga ee dhaliilay heshiiskii ay soo saxiixeen, wuxuu sheegay iney yihiin dad ay walaalo yihiin oo ay soo wada shaqeeyeen isla markaana aaney marna kala maarmi karin, "Waxaan qaadanay maadaama ummadda xalkeeda aan raadineyno inaan hadalka qaadano, walaalahana hadalka aan la wadno haddii wax wanaagsan aan keeno waa sidii la rabay walaaluhuna waa na waafaqayaan waana na waafaqsan yihiin waxa la isku khilaafsan yahayna aad bay u yar yihiin, haddii aan xalka aan weyno diblumaasiga ah oo aan wax ku keeni weyno, awalba meeshii wax noo joogeen ayaan ka wadeynaa meel kaloon u wadno ma leh waxaana suurtagal aheyn inaan aqbalno Gumeysi" ayuu yiri. Dadkii la casuumay mar uu la hadlayeyna wuxuu yiri, "Sidaas daraadeed waxa aan soo qaadnay iyagoo nala qaraar aan waxaan u qaadnay iney maslaxo ku jirto haddii maanta xal dhameystiran aan lagu gaarin iney dariiq noqon karto, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku fikiraa inuu dagaal furan iska socdo", wuxuuna intaa ku daray in xaaladdu ay maalinba meel joogto, "Meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa" ayuu ku sii daray, isagoo sheegay in difaacu aanu aheyn in xabbad oo kaliya la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad lagu hoggaamiyo. "Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go`aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin", ayuu yiri gud. isbaheysoga xoreynta Sheekh Shariif Sh. Axmed. C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Wadahadalada ee Isbaheysiga isla markaana ah ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada la isku afgartay Soomaaliya in loo diro hadafka laga leeyahay inuu yahay iney dalka xasiliyaan, isagoo xusay in dhinacyo badan markii ay ka eegeen iney ku guuleysteen ciidamadaasi iney noqdaan kuwa ka socda waddamada Islaamka, oo dadka Soomaalida ah ay isku dhaqan iyo diin yihiin. Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga wuxuu ka dhawaajiyey in ay socdaan wadahadalo meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya iyaga iyo xubnaha Isbaheysiga ee diidan Heshiiskii ay dhawaan dowladda la saxiixdeen.
  8. Overnight violence in Somalia pushed the death toll on Friday to 38 . Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde waxaa uu sheegay in isagoo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya aanu Heshiiskaas waxba kala soconin, sidaas darteedna uusan khuseynin, “Walaalow annaga heshiiskaas nama khuseeyo, waana sii socon doonaa dagaalka Ciidmada Itoobiya looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde. So far death toll : ALSHAABAAB ATTACKS 38 somali civilians IN A WEEK Keep UP the Good work GENERAL Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde
  9. Originally posted by CapeTown: Somaaliya waxay soo martay 18 sano oo dagaalo lagu jiray oo aan ujeedo fug lahayn waan ka wada dheregsanahay waxii nagu dhacay iyo dhibaatadii naga soo gaartay marka waxaa loo bahanyahay in caqliga shaqeeyo oo aan dhibkii dhacay aan dib logu laaaban. Waxaan ognahay soomaaliya maanta qaar xadad baa dishay qaarna dhaawac bay la jiifaan qaarna baahi iyo cudur bay u dhinteen qaarna badaha ayay ku dhinteen ama meedkoodii lagu la’yahay marka waxaa haboon in inta hartay la badbadiyo oo runta loo dhadhaco oo lagu dadaalo sidii dhibaatadaas loo soo af jari lahaa.
  10. Waxaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotel Hill Top ee Magallada Birmingham uk Waxaa xafladaas ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha bushada soomaaliyeed sida Aqoonyahandda Indheergaradka iyo Culumaau’diinka ee ku nool wadanka Ingriiska. Ka qaybgalayaasha waxay halkaas ka muujiyeen shacuurtooda sideey diyaarka ugu yihiin in dalka soomaaliya dhamaan nabad lagu soo dabaalo iyadoo la raacayo qodabadii taariikhiga ahaa ee ka soo baxay shirka Jabuuti Ka qaybgalayaasha waxay si buuxda oo aan loo kala harin qayla dhaan u dirtay dhamaan shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba in ay taageeraan hishiiska Jabuuti oo ah fursad qaali ah. Somaaliya waxay soo martay 18 sano oo dagaalo lagu jiray oo aan ujeedo fug lahayn waan ka wada dheregsanahay waxii nagu dhacay iyo dhibaatadii naga soo gaartay marka waxaa loo bahanyahay in caqliga shaqeeyo oo aan dhibkii dhacay aan dib logu laaaban. Waxaan ognahay soomaaliya maanta qaar xadad baa dishay qaarna dhaawac bay la jiifaan qaarna baahi iyo cudur bay u dhinteen qaarna badaha ayay ku dhinteen ama meedkoodii lagu la’yahay marka waxaa haboon in inta hartay la badbadiyo oo runta loo dhadhaco oo lagu dadaalo sidii dhibaatadaas loo soo af jari lahaa. Ka qaybgalayaasha waxay ku soo af jareen xafladaas in ay garab buuxa siin doonaan heshiiska Jabuuti una tafaxaydan doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskaas. Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham UK
  11. Originally posted by Kashafa: ^^ Brilliant summation, yaa Barafasoor, of the false dilemmas and rationalizations the peaceniks present. They invoke the treaty of Hudaybiyah without knowing(or maybe they do) the conditions and context that led upto it. The Muslims marched to Makkah(not the other way around). They were in a position of strength(not the other way around). The strong can compromise and not suffer, even gain. The weak do not have that luxury. Kashafa sxb waxan ku wey dena adiga shiiq shariif ma ka diin fiicantahay wayow adiga aya ba dhahay shiiqa diin mayaqaano hadee aad dhaheysid wax kama yaqaano waqtigi Hudaybiyah. ninkas waa nin weyn diinteesa waxa kahelay umada somaliyeed iyo aduun kow dhaa.waa nin shiiq ah oo jecl in oo ku dhaqmo diinta islamka oona dhaqo umada islamka gar ahaan wadanka somaliya . ninkaas waxuu kadagalamay magala badan oo kamitahay deeynownay iyo siisee iyo fagax iyo towfiiq . waxa aamisanyaheen umada somaliyeed oo meelkasta ku nool hadee oo see wado halganka in oo kugowleysan doono iyo umada somaliyeed iney hormar weyn gaari doonto taaso shiiq shariif oo keenay nabad xaq ah alaha noowdaayo shiiqeena weyn aamin aamin aamin yaa rabi
  12. Adeer, your Sheikh neither delivered peace nor fought to the end. His star is going down by the day. [/QB] :eek: sxb tolka shiek fough Daynuun & Sisi Where did zakeria xaji and Dahir Aweys fought .... the peace agreement is not a easy one but soon inshallah if TFG is seriouse on their side - Only god can stop it ..... Its way to early to judge the agreement -
  13. :Kashafa & Abtigi TOlk: - If you Two so brave and love fighting why dont you Two go to Xamar and join the civilians that are being bombed by both side ...... Why dont you Two go TO Sink Dheer become refuge in your own country ... go See how the people are living - insted of crying for more destruction and starvation . Dahir Aweys and General indhacade have no solution for the civilians in xamar until they see something that benefits them. The people of xamar have Aired their views on the peace agreement on BBC go and listn to it .... they will welcome anything that will give them chance to live in peace . Its sheik Shariff leaders ship that gave the ICU the power to control entire south somalia - I feel shiek Shariif and Nur Cade pain - NO one can see his people and his city bombed everyday , the city is ruined no school no stability . The war in xamar must come into end, Inshallah it will thanks to Allah first . Alshabab will lisnt to sharif his not toothless he too has his own army and shacaabka xaamar support him 100% .... wheres macalin xashi and rest - they will fullfill and implement this peace agreement no matter what ...
  14. Big Things Poppin' magaalada Jabuuti a) In xabadda la joojiyo b) In Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya kaga baxaan muddo afar bilood ah c) In si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadeynta waddanka Soomaaliya Qodobadaas oo dhameystiran waxaan idiinku soo gudbindoonaa halkaan MY ALLAH HELP THEM IMPLEMENT THESE AGREEMENT'S
  15. Abtigis Tolka SOmali people are not goin to suffer for One Tribe interest . If it was not for sheiq sharif Maxkamadah would only exist in Ifka xalan let alon the entire south somalia . If shieq sharif was ciyaal suuq like indha caade he would have replied to their non sense allegations and threats . Who is this Zakeriya dude anyway was he not part of the TFG - Someone tell this guy Shaiq shariff is in Djibouti to safe his people from starving and never ending war ... sheiq shariff is puting his people interest before the so called Isbahaysiga Asmara .