Sign in to follow this  
xiinfaniin

New clashes around Kismayo

Recommended Posts

Kismaayo:Dagaalo u dhexeeya Xisbul islaam iyo Shabaab oo goor dhoweyd dib uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo .

21. oktober 2009 - APL

 

Kismaayo(AllPuntland)Dagaalo xoogan ayaa goor dhaweyd dib uga qarxay duleedka magaalada dekeda leh ee Kismaayo .

 

Dagaalkaas oo u dhaxeeya xoogaga Xisbbul islaam iyo kuwa Al-Shabaab aya waxaa la isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan , waxaana dagaalka uu biawday kadib markii xoogaag Xisbul islaam ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ay qaadeen weerar xoogan oo la qorsheeyey.

 

Wariyayaasha ku sugan Kismaayo oo ay AllPuntland la xiriitay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bilaabeen in magaalada dhaxdeeda ay cod baahiyaal maraan ayagoo ku qeylinaya "Jihaad ha loo kaalayo" "Xaya calal jihaad"

 

Gacan ku heynta magaalada istiraajiga ah ee Kismaayo ayaa u muuqata in labada dhinac ay xooga saarayaan in ka arimiyaan.

 

Wixi ku soo kordhaa kala soco AllPuntland Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbul Islaam oo la wareegay fariisumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab duleedka Kismaayo

Posted to the Web Oct 21, 11:37

 

 

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu dagaal ka qarxay saaka duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaa Birta dheer kaas oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Dagaalka ayaa waxaa qaaday sida wararka nagu soo gaarayaan Xisbul Islaam ka dib markii ay qabteen sahan ay lahaayeen Al-Shabaab waxaana uu noo xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islaam oo ay Halgan.net la xiriirtay in ay la wareegen fariisimo muhiim ah ayna haatan gacanta ku hayaan dhamaan deegaanka ku xeeran Birta Dheer halkaas oo ay labad kooxeed isku hor fadhiyeen markii hore .

 

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu socday wax ka yar saacad waxaan dib u gurtay xoogaga Al-Shabaab oo ay weerar lama filaan ah ku qaadeen ciidamada Xisbul Islaam.

 

Waaa dagaalkii ugu horeeyey oo ay qaadaan Ciidanka Xisbul Islaam xili la sheegay in uu fashilmay waan waan ka dhex socotay Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ka dib markii Al-Shabaab ay u sheegeen Xassan Daahir in uu arinta Kismaayo kala hadlo Ibraahim Afgaani oo loo yaqaaab Zaylici oo ah gudoomiyaha magaalada Kismaayo.

 

Maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la soo weeraray ayna iska difaaceen weerar uu soo qaaday Sh Ahmed Madoobe .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogagga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka Kismaayo

Posted to the Web Oct 21, 16:08

 

Kismaayo:-Waxaa saaka uu dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii sahan ka tirsan Xoogagga Al-shabaab uu dagaal qabsaday ka dib markii ciidamo ka tirsan Xizbul Islaam ay weerar ku qaadeen.

 

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu sheegtay Sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam oo ku sugan duleedka Kismaayo in ay 2 gaari ay ka qabteen ciidanka Al-shabaab dibna ay ugu celiyeen gudaha magaalada Ksimaayo.

 

Dhinaca kale afhayeenka Maamulka Jubooyinka ee xoogagga Al-Shabaab Xassan Yacquub oo ka hadlay Idaacada ku hadashay afka Maamulka Kismaayo laguna magacaabo Andalus ayaa sheegay in ciidankooda weerar lagu soo qaaday ayna iska caabiyeen, Sh.Xassan Yacquub ayaa ku eedeeyey in Shiikh. Axmed Madoobe uu fulinayo Ajande ay wado Dowlada Kenya lidna ku ah Maamul ka Islaamiga ah ee Jubooyinka, Shiikh Xassan Yacquub wax faahfaahin ah kama uusan bixin dagaal saaka ka dhacay duleedka Kismaayo.

 

Dhinaca kale Xog-ayaha Warfaafinta ee Xizbul Islaam, Shiikh Maxamed Macalin oo la hadlay saxaafada ayaa ugu baaqay Ururka Al-shabaab inay dagaalka joojiyaan miiska wadahadlkana ay yimaadaan, 2 kooxood ayaa u muuqada in qolo walba kalsoonidii kala noqotay qolada kale aaminaadiina ay soo yaraatay.

 

Xog-ayaha Warfaafinta ee Xizbul Islaam Sh Maxamed Macalin ayaa u cadeeyey saxaafada in dagaalku uu dhacay balse waxaa uu ka gaabsaday in wax faah faahin ah uu ka bixyo dagaalka ,balse waxaa uu ku adkeystay in dhinacooda ay ilaalinayaan hishiis aan caga badan ku taagnayn oo ay wada gaareen Ururka Xizbul Islaami iyo Al-shabaab.

 

Xaalada goobaha uu dagaalku ka dhacay ayaa ah mid degan lama yaqaan in dagaalku uu intaas ku ekaan doono iyo in dagaalo hor leh ay soo cusboonaan doonaan , waxgarada ,culimo ayaa isku howlay in ay qaboojiyaan colaada u dhexeysa 2 kooxood ee Al-shabaab iyo Xizbul Islaam blase arinka waanwaanta ayaa dhagaha laga furaystay.

 

Khasaaraha dagaalka iyo warbixinta oo dhamaystiran ayaa dib idin kala soo socodsiin doonaa inagoo isku dayi doono in aan la xiriiri doono ilo ka madax badanaa 2 kooxood ee uu dagaalku u dhexeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab are crying wolf in Kismayo urging people to come out for Jihad. Their wars have nothing to do with jihad, and the masses are realizing that fact now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Gheelle, mee Kashafa iyo midkii abuu fulaan ahaa ee ingiriiska NINTENDO games ka ku ciyaarayey?

 

Even Geeljire has been quite lately. Hadda waa ninkaad moodi jirtay in hadda loo waxyoonayyo kalsoonida ku jirtay

Share this post


Link to post
Share on other sites

yes, without this conflict there would not be a need for alshabaab to garner support from clans, inviting men like marxuum Dirir to come to the city

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^I think Al-shabab's kalajab is being caused by itself, they are the reason XI is fighting against them. They violated the power-sharing agreement that they had with XI.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin

 

Take a listen to what this guy by the name of Cabdiqani (Kabojecel) speaking on behalf of al shabab had to say about Xisbul Islaam.

 

He insults several Clans and does takfiir on people while claiming they are cadowga ilaahay..and points out that the fighting between them and xisbul islaam was Jihaad and a way to please allah subxanahu watacaala!

 

http://hillaac.net/kabojecel.mp3 <<

 

This lunatic is what will eventually cause shabab to self destruct not that anyone will miss them!

 

I'm sure any intelligent being will be disgusted and shocked at this guy's Takfiiri(Kaligii Muslim) behaviour which is the result of lack of knowledge or misguidance :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this