Sign in to follow this  
Gabbal

A decision has been reached in Kismaayo, Buulogaduud will be invaded.

Recommended Posts

Gabbal   

Beesha **** Oo Xilli Kama Dambays Ah U Qabatay Kooxda Buulagaduud

Jun 16,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Odayaasha Beelaha **** ayaa maanta ku yeeshay magaalada Kismaayo kulan xasaasi ah oo ay kaga hadleen dil shalay tuulada buulagaduud loogu gaystay laba askari oo ka timid Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe.

 

Kullankaan oo saxaafada loo diiday ayaa sida uu sheegay afhayeenka beeshaas waxaa laga soo saaray go,aan baaq kama dambays loogu jeediyay dawlada KMG ah. Xasan maxamed Cali waxaa uu sheegay in kullanka maanta ay beeshiisu ugu baaqday dawlada KMG ah in ay muddo Saddex maalmood ah ay wadada ka wareejiso waxa uu ugu yeeray kooxda Burcada ah ee jidgooyooyinka dhigatay deegaanka Buulagaduud.

 

“ Shalay waxay dileen nimankaas labada askari oo ka tirsan xooga dalka oo Jilib ka yimid waxayna u dhaqmayaan qaab qabiil hade hadii ay dawladu mudadaas wax ku qaban waydo anaguna si qabiil ah ayaan ula dhaqmi doonaa” ayuu yiri Xasan dheere oo tibaaxay in ay ku guulaysteen in maleeshiyooyinku aysan wax aargoosi ah u gaysan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

 

Xiisad ayaa laga daremayaa magaalada kismaayo waxaana ay maleeshiyooyin aan cidina ka amar qaadan ay isku fidiyeen deegaano Tuulada goob wayn ka xiga dhinaca Buulagduud taas oo abuurtay cabsi dagaal. Shalay Aroortii Hore Ciidamada ku sugan Tuulada Buulagaduud waxaa ay toogteen laba askari oo ka soo kala jeeda Beelaha [Dhoobley]Iyo [Gedo] oo ka tirsan Guutada saddexaad kana yimid magaalada Jilib.

 

Sida ay sheegeen Goob joogayaal askariga ka soo jeeday beesha [Dhoobley] ayaa isku dayay in uu difaaco kan kale oo ay doonayeen in ay maleeshiyadu disho waxaana ay markii dambe wada toogteen labadi askari taas oo la sheegayo in ay keentay khilaaf soo kala dhexgalay ciidamada Buulagaduud oo halkaas ku degan haybta kablalalx ee [Puntland] iyo [Dhoobley].

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Labo ka mid ah ciidamada dowladda oo lagu dilay duleedka Kismaayo

 

Click here to find shabelle news in English

 

Kismaayo 15, June.07 ( Sh.M.Network) Labo ka mid ah ciidamada Millitariga dowladda KMG ah ee Somalia ayaa la sheegay in lagu dilay Tuulo ku taala gobolka J/hoose.

 

Labadan askari ayaa waxaa toogasho ku dilay maleeshiyooyin Isbaaro u taala tuulada Yoontooy ee W/magaalada Kismaayo, xilli ay ku soo jeedeen magaalada sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah oo gaari la saarnaa labadani askari.

 

Maleeshiyooyinka Isbaarada u taalay ayaa waxa ay ku amreen Labadani askari in ay dhulka soo dagaan, isla markaana ay dhigaan qoryaha, waxaana markii dhulka ay soo dageen ay ku fureen tacshiirad.

 

Maleeshiyadaan ayaa waxaa la tilmaamay in kal hore laga saaray magaalada Kismaayo ka dib markii ay ka dhaceen dagaalo dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda.

 

Labadani askari ee la dilay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ciidamada guutada 3aad ee dowladda ee haatan gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

 

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan arinkaan, isla markaana ay soo qaban doonaan kooxaha ka dambeeya.

 

 

Click here to find shabelle news in English

 

Max'ed Axmed

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Odayaasha Beelaha **** ayaa maanta ku yeeshay magaalada Kismaayo kulan xasaasi ah oo ay kaga hadleen dil shalay tuulada buulagaduud loogu gaystay laba askari oo ka timid Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe.

Here they were killed in Buulo Guduud

 

Labadan askari ayaa waxaa toogasho ku dilay maleeshiyooyin Isbaaro u taala tuulada Yoontooy ee W/magaalada Kismaayo, xilli ay ku soo jeedeen magaalada sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah oo gaari la saarnaa labadani askari.

and here Yoontay :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

They are all stone's throw away from each other, but what matters is that the men were killed and they were killed callously and cowardly.

 

I applaud the group in Kismaayo for cooling their heads and legitimizing whatever action they direct towards that lawless area infested with marauding militiamen. The TFG has been given three days to clear the area, or it will be cleared.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

The TFG has been given three days to clear the area, or it will be cleared.

N/AA Where did they get this power i.e giving ultimatum/deadline to the TFG? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

They are and that is why the ultimatum is directed at Abdullahi Yusuf. If he does not move them, he is showing the world he supports them there and it is he who will take responsibility for their safety and security.

 

Three days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^^^3 day for the invader of kismaayo armeeytahay arinta nnmanka maalinkasta kudila kismaayo gudaheeda shicibka. The time is up for Gedo boys. Is good for hem to attack buulogaduud before they are cleand up. Somali waxeey tiraahdaa Falaari gil gilasho kaagama harto. ama 3 day ama for day N/A idinkee idiin taalaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

They are and that is why the ultimatum is directed at Abdullahi Yusuf.

I never heard African president given ultimatum by his people. so let's wait and see :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Or there is conspiracy between some Barre Hiiraale supporters & Baba C/lahi to get rid off some of bab's Kinsmen?

 

I heard that Baba C/lahi is happy that Galguduud guys control Kismayo in order to get rid off some his sub-clan figures i.e to reduce their power ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Cid weerari karta ma jirto Ciidamada beesha ******* iyo kuwa dowlada ee Fadhiya Buulo gauud

Posted to the Web Jun 17, 20:40

 

 

Kismaayo:(pp)- Odayaal ka soo jeeda Beesha ****** oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Puntlandpost u sheegay inaysan jirin cid awood leh oo weerari kara ciidamada Beesha ****** iyo kuwa dowlada ee ku sugan ee deegaanka Buulo-gaduud , waxayna ku tilmaameen kuwa sheeganaya inay waqti wax u qabteen inay soo dedejinayaan dagaal looga safaynayo deegaanka Waamo.

 

Cali Axmed oo u hadlayey Odayaasha ****** ayaa sheegay inuu shaqsiyan ku qoslay hadalada ay ku hadaaqayaan kooxaha Galgaduud ee magaalada iyo maamulkeediiba sida hoose u inqilaabay. Cali Axmed oo wax laga weydiiyey sababta DFKS ay wax uga qaban weysay arrimaha ka taagan Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa eed aad u balaaran dusha uga tuuray Madaxda Sarsare ee DFKS , kuna tilmaamay kuwo taageera kooxda galgaduud ee haraadigii Dooxada Juba. "Dowladu waxay raali ka tahay in shacabka Kismaayo la dhibaateeyo waxaana ka jira magaalada Kismaayo arrimo ay ka mid yihiin dil, dhac, iyo kufsi oo loo geysanayo dadka magaalada Ku dhaqan taasna ma ahan mid qarsoon , sidaa daraadeed haday dowlada wax ka qaban waydo hadaan nahay shacabkii waamo waxaan awood u leenahay inaan anagu iska qabano oo kooxahan aan ka xoraysano deegaankeenan". ayuu Axmed Cali.

 

Masuulkaasi wuxuu kaloo sheegay in aysan jirin wax maleeshiyo ah oo ka tirsan beesha ********* oo si toos ah loogu dilay agagaarka Deegaanka buulo gaduud Wuxuuse sheegay Cali Axmed in nimanka la dilay ay ahaayeen kuwo ka tirsan kooxahan magaalada haysta oo sahan ahaan uga soo baxay magaalada Kismaayo, kaddibna ciidamada Buulogaduud fadhiya markii ay arkeen ay rasaas isweydaarsadeen , nimankaas iyagoo meyd ahna ay goobtaas uga carareen, eedaasna iyo wixii meeshaa ku dhintay waxaa qaadaya ayuu yiri af-hayeenku kuwii duulaanka ahaa oo maydkooda meeshaas uga cararay.

 

Si kastaba , xaalada magaalada Kismaayo iyo dhibaatada lagu hayo shacabkeeda ayaa ah mid aan maanta laga sheekayn karin , waxaad arkaysaa maalin walba goobaha ganacsiga oo la boobayo ayna boobayaan kooxaha in qilaabay maamulkii dowlada ee ka haray dooxadii Jubba , maadaama aysan jirin meel ay ka helaan wax dhaqaale ah , waxay go'aansadeen inay si toosa u dhacaan dadka deegaanka ah ee goobaha ganacsiga ku haysta magaakada Kismaayo, Waxaana asbuucan guduhiisii maalin cad la bililiqaystay ilaa 8 bakhaar oo waaweyn oo midkiiba laga qaatay hanti gaaraysa ilaa (1000-3000 $) waxayna dadka ganacsata ahi ay noo sheegeen in ay badankood ay iska xireen goobihii ganacsiga maadaama ay ku hantibeeleen badankood bililiqada loo geysto dukaamadooda.

 

Jun 13-keedii ayey ahayd markii guddi aqoonyahano ah oo katirsan Beesha Kablaxa ay soo saareen Warbixin aan dhamaystirnayn oo ay soo gaarsiiyeen Puntlandpost , warbixintaas oo tilmaantay dhibaatooyin baahsan oo isugu jira dil, barakicin iyo kufsi inay ka bilaabatay deegaanka Waamo tan iyo intii Kooxihii lamagac baxay Walaalaha Gal-gaduud ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo.Waxaana warbixintaas lagu sheegay inay dhibaatooyinkaas ay gaysteen 3 nin oo ka soo Jeeda (Beesha *********/********) oo 23-kii bishii April iyagu ka danbeeyey inqilaabkii lagu sameeyey Maamulkii Gobolka J/hoose oo ka koobnaa kii Gobolka iyo Degmadaba.

 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya

_______________

 

Baliis, edit clan names before you copy-paste from the articles.

 

[ June 18, 2007, 01:30 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFKMG oo sheegay in ay hawlgalo Nabada lagu sugayo ay ka bilaabayaan Kismaayo

Last Updated::2007-06-17 15:19:01

 

Kismaayo:- Kusimaha abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolada Jubbooyinka G/sare Muuse Taakoow ayaa shaaca ka qaaday in

dhawaan la bilaabi doono hawlgalo ay ciidamada Dowlada ku sugayaan amaanka gobalada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

 

Col.Taakow ayaa sheegay in xaalada magaalada Kismaayo indhawaale ay ahayd mid faraha kasii baxaysay asagoo sheegay in ciidamada Militariga iyo kuwa Booliiska ay si wada jir ah ay hawlgalkan u bilaali doonaan.

 

Wuxuu sheegay Sarkaalkan in heegan la gelayey dhamaan ciidamada Dowlada, isla markaana looga baahan yahay Shacabka iyo Cuqaasha deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidamada hawlahan amni sugida ah bilaabi doona.

 

Dhawaaqan kasoo yeeray ciidamada Dowlada ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Taliyihii ciidamada Booliiska Magaalada Kismaayo uu shaaca ka qaaday in aysan waxna ka qaban karin xaalada amaan xumo ee magaalada Kismaayo ka taagan, halkaasi oo ay buuxda gacanta ugu hayaan maleeshiyooyin aan cidina ka amar qaadan.

 

Col.Taakow ayaa sidoo kale sheegay in Xiisada colaadeed iyo dagaalada Qabiil ka socda Deegaanka Beerxaani ay il gaar ah ku hayaan, isla markaana doonayaan ciidamada Dowlada in ay kala dhex galaan beelaha halkaasi ku dagaalamay, amniga iyo maamulka deegaankana ay dowlada la wareegto.

 

Dhaq dhaqaaq xoogleh ayaa laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Kismaayo ayadoo ciidamada deegaanadaasi ku sugan ay soo buuxinayeen daafaha magaalada todobaadyadii lasoo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisado dagaal oo mar kale ka soo cusboonaaday dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay magaalada Kismaayo

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soo cusboonaatay xiisad u dhexeysa dhinacyadii horey ugu dagaalamay magaalaadaasi ee ka wada tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo haatan u kala baxay labo beelood oo midina ay gacanta ku heyso Kismaayo mida kalena ay dibeda ka joogto.

 

Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo waxaa gudaha iyo duleedka magaaladaaasi laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoog badan kuwaasoo ay ku lug leeyihiin maleeshiyooyinka beelaha S... iyo K... kuwaasoo ka dambeeyey ka gadaal markii maalmihii la soo dhaafay ay qeybo ka mid ah duleedka magaaladaasi ka dhaceen dilal gaadmo ah dhex maray labada dhinac.

 

Afhayeen magaalada Kismaayo uga hadlay beesha s.... ayaa sheegay iney jirto cabsi dagaal ka dib markii sida uu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuleysan weyday iney xaliso khilaafka halkaasi ka taagan, isagoo ku eedeeyey ciidamada fadhiya Buulo guduud iney dileen maalmihii la soo dhaafay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda beesha S..., iyagoo sidoo kalena ku daray oo dilay sida uu yiri askari kale oo kasoo jeeda oo doonayey inuu askariga hore badbaadiyo.

 

Hase ahaatee Col. C/risaaq Afguduud ayaa isna dhinaciisa horey ugu eedeeyey dhibaatada Kismaayo ka taagan inuu ka dambeeyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Barre Aadan Shire Hiiraale, isagoo tilmaamay in beesha Kablalax ee uu isaga ka soo jeedo ay is difaaci doonto haddii la soo weeraro hantideedana lagu dhibaateeyo magaalada Kismaayo, iyadoo dhinaca kalena uusan muuqan ilaa hadda wax dedaal ah oo dowqlada federaalku ay ku qaboojineyso xiisadha ka taagan magaalada Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this