Sign in to follow this  
Qudhac

BURCO CELEBRATES ITS SONS... SNM

Recommended Posts

Qudhac   

Magalada Burco ayaa si weyn looga xusay sanadguuradii 22aad ee ka soo wareegtay ee ka soo wareegtay dagaalkii Burco Duuray 17kiiOktoobar 1984, waxaana jidadka magaalada ku wareegay gaadiid ay ku xidhan yihiin codbaahiyaal ay baxayeen heeso wadaniya kuwaasoo ugu dambayntii isugu yimi xarunta xafiiska Sooyaal ee burco.

Halkaasoo dadweynihii ka soo qaybgalay xuskaa maalintaa ay hadalo u jeediyeen xubno ka mida mujaahidintii SNM.

 

Abwaan Maxamed IbraahinWarsame(Hadraawi) oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “waxa muuqataa in la daayacan Mujaahidiintii oo aanay cidina wax u qaban ,halgankiina weli ma dhamaan ee ka xabada ayaa dhamaaday balse halgankii nolosha iyo Siyaasadu ayaa hadhay.â€Ayuu yidhi Hadraawi.

 

Waxa uu intas ku daray Abwaanku markii u horaysay ee aan soo booqdo Xaruntan Sooyaal ee Burco waxaan arkay boqolaal ardaydii Shuhadada iyo danyarta oo daasado iyo dhagaxaan wax ku baranaya taasina qiiro weyn bay ugu abuurtay,sidaas darteed waxaan Xukuumada iyo Hayadahaba ka codasnayaa in Ubadkaa yaryar ee daasada wax ku baranaya gacan la siiyo sidii ay u helilahaayeen agabkii waxbarashadooda oo la gacan qabto.Ayuu ku soo gabaganeeyay Abwaanku hadalkisii.

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadaly Mujaahid Jaamac Maxamuud Aadan(Doolaal) waxaanu sheegay mujaahid Doolaal inaanu markasta oo mujaahidintu isku timaado iyagoo aayahooda ka tashanaya aanu maqalaa iyadoo xukuumadu leedahay maxay doonayaan iyo maxay isugu yimaadeen oo hayadaheeda basaasinta dabadhigto oo tidhaahda soo ogaada waxa ay ka hadlayaan taasina waxay ahayd wixii aanu ka dagaalanay “Xukuumadu waxa weli dabahaysaa waxyaabihii laga dagaalamay ee haka waantowdoâ€Ayuu yidhi Muj.Doolaal.

Muj.Doolaal waxa uu intaas ku daray haday Xukuumadu Arimahaas joojinwaydo waxa imindoonta Kelif ay kalifto in halgankii hubaysnaa soo noqdo,inbadana waanu dulqaadanaynee, laga bilaabo xuskaa maanta dib ugu dulqaadanmayno Basaasid iyo dabagal iyo maxay wadaan dambe.Ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.

 

Muj. Cabdilaahi Ciise Digaale (Aboole) oo ka mid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xuskan maanta ee 17Oktoobar uu yahay dagaalkii Burco Duuray ee cadawgii khasaarihii ugu weynaa la gaadhsiiyay,SNM, Mujaahidiin Waaweyni inaga shahiiday oo ka mid ahaa Muj.Lixle.sidaas awgeed ay haboonayd in maanta caruurteena dugsiyada loogu dhigo taariikhdii loo soo maray dalkooda, halka maanta dagaaladii aduunka iyotaariikhii reer yurub loogu dhigo, waayo ubadkii dhashay wixii ka dambeeyay 1988kii iyo kuwii xiligaa yaryaraab aanay siwanaagsan u garanayn halgankii loo soo maray wadankan iyo shuhadii naftooda u huray.

 

 

Muj.Aboolle oo faahfaahinaya sidaanay caruurta maanta si wanaagsan u garanayn mujaahidiintii waaweynayd ee dalkan u soo hurtay naftooda waxa uu yidhi. “Waxay iigu yaabka badnayd beri dhowayd markii SNM siyaarada ku dhiganaysay Burco oo lagu qabtay Xabaashii MUJ.Maxamed Cali,ayaa inan yaryar oo dhalinyaro ahi waxa uu igu yidhi adeer Maxamed Cali maxuu ahaa,dabadeed intaanu wada naxanay ayay nagu qaadatay inaanu saacado badan u sharaxno Maxamed Cali iyo halgankii SNM,â€Ayuu yidhi.

Sidaas awgeed waxa haboon in lagu dadaalo sidiiManhajka dugsiyadeena loogu bari lahaa taariikhdii iyo halgankii SNM,ilayn dalkastaaba taariikhdiisuu baraa ubadkiisa.

 

Xukuumada isagoo la hadlayana waxa Muj.Aboolle sheegay inay xukuumadu ogaato inaanay SNM cadow u ahyn ee ay tahay kuwii dalkan xoreeyay hadan cidwalbana uga laxajeclo badan yihiin cidkastana uga horayn doonaan difaacida dalkooda ee Xukuumadu ha ogaato inaan Somaliland Hargaysa oo kaliya ahayn Sooyaalna ahayn xafiiska Hargaysa oo kaliya.

 

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Abaanduulaha ciidanka qaranka ee aaga Bari Mr.Maxamed Abokor(John) waxaanu sheegay inuu xukuumada ku boorinayo inay gacan weyn ka gaysato siday wax ula qaban lahayd Agoomaha iyo Naafada Mujaahidiintii xilweyna iska saarto.gaar ahaan gobolka togdheer.

Xuska munaasibadan17Oktoobar ayaa ahaa kii ugu weynaa ee in mudo ah ka dhaca magaalada Burco islamarkaan ay kasoo qaybgalaan mujaadidiintii SNM. Ee aan hore loogu arki jirin fagaarayaashan oo kale,waxaanu ahaa mid si weyn loosoo abaabulay uuna soo qabanqaabiyeen Maamulka xarunta Sooyal ee gobolka togdheer iyagoo xukuumada iyo cid kaleba gacan ka halin wax dhaqaale ah balse waxay u mahad naqeen bulshada reer Burco,waxaanu xuskani ku beegmay maalintii roobabkii ugu waaweynaa ay ka da,aan degaanka Togdheer in mudo ah.

 

Togdheer News

Kayse Axmed Digale

kdigale@yahoo.com

4437497

Share this post


Link to post
Share on other sites

Martyrs Day, 17 of October, waa maalin xasuus iyo qadarin gaar ah ka mudan shacabweynaha reer Somaliland. Pitty that the diaspora does not commemorate this very significant day.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Hargeysa iyo 22 Sano ka Dib Xuska Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal

Hargeysa (Jam) - “Qolada Dawladda waxaan leeyahay, haddaad cid ka war wartaan ama aad dareentaan baqo dibada ah, dee S.N.M- baa naloo joogta uun dhaha.â€

 

 

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

 

 

1478xasan.JPG

 

 

“Waanuna tashanaynaa maanta laga bilaabo, been iyo buste dembana cidi nasaarimayso.â€

 

 

Guddoomiyaha Jamciyadda Sooyaal

 

 

“S.N.M waxaad raali ku ahaataan, inaad tihiin Somaliland tagoogo, oo halganku idin dhalay, idinbkuna aad dhasheen, oo ay daan ahayn qaar iminka ku soo biiray, oo Qaranku xoreeyay.â€

 

 

Mujaahid Maxamed Kaahin

 

 

Xuska sanad guurada 22aad ee ka soo wareegtay dagaalkii Burco Durey ee 17 October 1984, ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa.

 

 

Xuska 17 October, oo sanadkiiba mar la sameeyo axay kulmisaa , oo xusuus dhawr u tahay dhammaanba shuhadadu u nafwayday xoraynta Somaliland oo ah dal manta jira, kuwaas oo waqtiyo iyo waayo kala dururgsan ku geeriyooday gobo kala du duwan, oo ay dagaalo kula galeen ciidamadii taliskii Siyaad Barre. Hasayeeshe, sababta maalmahaas kala duwan loogu sitkay 17 October waxay tahay dagaalkii ka dhacay Burco Duurey, in uu lahaa dhawr muhimood, oo badhitaaray halganka, iyada oo dhinaca kalena, wuxuu dagaalkaasi galaaftey Sarkaalkii ugu qiimaha weynaa halganka ee Muj. Maxamed Xashi Diiriye (Lixle), oo ku shahiiday dagaal lix saacadood socday oo u dhexmaray dhawr urur oo ka tirsan ciidamadi S.N.M iyo guudtooyin ciidankii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa Somaliland ( Ex-gobolada Woqooyi).

 

 

Xuska shalay oo ay ka soo qayb galeen Mujaahidiin isugu jirta Naafo, Agoomo, Saraakiil iyo Siyaasiyiin, ayay inta badan xubnaha ka hadlay farta ku fiqeen dhibaatooyinka ku gedaaman dhaawaca, Agoomaha iyo Naafada S.M.M, iyo sida aan waxba loogu qaban mudada dheer ee Somaliland xorta ahayd.

 

 

Gudoomiyaha Jamciyadda Sooyaal, Muj. Xasan Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay munasabadda ayaa ka dhawaajiyay wax-qabad la’aanta xukumadda Somaliland, isgaoo oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu ku bilaabay “Sooyaal waxay ka wakiil tahay dhammaan dadkii halganka ku soo waxyeeloobay iyo kuwa caaifmaadka qaba, dhawr iyo tobanka sanadood ee aynu wadanka haysanayna waxba looma qabanin, haddii laba soo hadal qaadana been uun baa loo sheegaa, waxbana kuma soo gaadhaan, maalin xaalad cusub baa la shegaa, tii horena waa la iska ilaawaa.†Ayuu yidhi Gudoomiyuhu,

 

 

“Waad aragtaan waxa halkaa taagaan ee Naafo ah, ee Islaan goblin ah taagan, ee indhoole taagan. Hargeysa wad aragtaa oo marka la isu eego, markaynu soo galnay siday ahayd, iminkana waxaad moodaa Washington, iyana (Mujaahidiinta) nabaradii ku dhacay way ku yaalin, oo waa kuwaa dheecaanku ka da’ayo.†Ayuu ku daray Muj. Xasan, isagoo oo tilmaamaya mid ka mida Mujaahidiinta oo dhaawaca uu sheegay in uu nabarkan qabay muddo 18 sanadood.

 

 

“Dhawr jeer oo hore xukumaddu waxay sheegtay in Sooyaal wax soo diyaarsato, xukumadduna ay fuliso. Haddaan Sooyaal nahay waanu diyaarinay, kharashkiina madaxtooyadaa bixisay, wasiiradii u xilsaarnaana waanu u dhiibnay, alaankaana wali madaxtooyada may gaadhin. Markaa waxaan leeyahay xukumadda warba isuma hayso.†Ayuu raaciyay Gudoomiyaha Sooyaal oo ka sii hadlaya waxtar la’aanta xukumadda.

 

 

“Marka maanta waxaan taaganahay, xukumadda waxba ugama baahnin, ee Illaahay baanu u baahanahay, waanuna tashanaynaa maanta laga bilaabo, buste dembana cidi nasaarimayso.†Ayuu yidhi Muj. Xasan.

 

 

Mujaahid Yuusuf Maydal, oo ka mid ahaa ciidankii ka qayb galay dagaalkii Burco Duurey, isla markaana ku dhaawacmay ayaa ka sheekeyay xaaladdii adkayd iyo dagaalkii holaca ahaa ee maalintaa. “Maalintaasi waxay ahayd markii aanu ogaanay inaanu ka adkaan karno ******ta, waayo dagaalku markuu lix saacadood socday ayay xabaddu iskeed u joogsatay, waxaana halkaa a******ta lagaga dilay 150 askari, 90 kalena waa dhaawacmeen, gaadiidka gubtayna iyagu way tiro beeleen, waa maalintii aanu ogaanay in bahalka (Baabuurta) la yidhaahdo Bee-beega, oo nabaraystay, lagu gubi karayo qoriga boobaha ah ee PKM-ka. Waxay ahayd maalin aanu cadowga kula kulanay meel cidlo ah, annaga oo aan wax gaadiid ah wadan, waxay ahayd maalin uu dagaalku nagafurnaa labada geesood. Maalintaas wixii ka dambeeyay nin S.N.M ahi inuu wax eryado mooyaane, dib looma eryan. Maalitaa waxa Alle ha u naxariiste naga dhintay 31 Mujaahid oo Lixle ka maid ahaa, waxaana dhaawacmay 32 aan anigu ka mid ahaa.†Sidaa waxa yidhi Muj. Yuusuf Maydal, oo isagu tilmaamay in la iska ilaaway taariikhdii halgankii soo maray.

 

 

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlay qiimaha maalintani 17 October leedahay, ayaa ku tilmaamay in ay ka mid tahay labada maalmood ee ugu muddan taariikhda Somaliland, la’aantoodna aanay dhacdeen in la isugu yimaado fagaarahai beerta Xorriyadda “Maalinta la aas aasay ururka S.N.M oo ah 6 April 1981 iyo 17 October 1984, oo ah maalin lagu soo ururiyay dhammaan dagaaladii iyo dhacdooyinkii dagaaladii S.N.M.†ayuu yidhi Maxamed Kaahin., isagoo ka sheekeeyay sababihii halganka keenay iyo dadkii huriyay in dagaalka la galo, oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Saraakiil, iyo Dhalliinyaro aad u ladan oo nolol fiican ku nool, aan u baahnayn inay dhib maraan, “Waxaan xusuusta maalintii Xasan Ciise iyo Duqsi ay ka soo dageen madaarka Hargeysa, oo aanu ka hor tagnay annagoo afar qudha ah, oo kala ah: Mujaahid Aadan Shiine, Aadan Saleebaan, Axmed Dhagax, iyo aniga (Maxamed Kaahin). Wali waxaan xusuustaa dharkii Xasan Ciise xidhnaa oo ahaa garan yar, surwaal yar, oo jeebab xaga hore ku leh, dhabarkana wuxuu ku sitay Shandad yar, laakiin markaana anigu maan aqoon, waxaanse moodayay faranji madaarka ka soo degay, markay soo baxeen oo uu nala hadlay ayaan gartay codkiisa, oo aan BBC-da ka maqli jirey. Waxaan tusaale u soo qaatay, inaad is weydiisaan horta dadka halganka galay maxay ahaayeen?, maxaa meesha iskugu geeyay.?â€

 

 

Mujaahid Maxamed Kaahin wuxuu sheegay inay ka dhiidhiyeen cadaalad xumo iyo dawlad dadkeedi ku tumanaysaa, una kala qaybinaysa beelo, kanaa kacaankii October iyo kanaa reer hebel ah, isagoo ka digay in dalka Somaliland laga ilaaliyo wixii bur buriyay dawladdii Siyaad Barre, oo ay ka mid tahay, kooxaysi, nin jeclaysi, (waa in la dhawro sharciga oo uu noqdo ka ugu sarreeya ee uu dalku ku dhaqmo).

 

 

Maxamed Kaahin wuxuu sheegay in Somaliland tahay waddan xor ah , lana gaadhay ujeedadii laga lahaa, sidaa darteed S.N.M-ta looga baahan yahay inay ku qancaan guushaa oo ay iyagu aabbo iyo hooyo u yihiin, isagoo arrintaas si kaftan ah uga hadlaya wuxuu yidhi “********ka marka u is-haysanayo, yidhaahda, waar ma ******** tagoogaad tahay, mise ******** tol. ******** tagoogo waa maxay?, waa nin reerka ku abtirsada, oo aan la qaramayn, oo dhalad ah.

 

 

Somaliland-na intii halganka lagu jirey waxay ahayd Somaliland tagoogo iyo Somaliland Toleed, markaa S.N.M waxaad raali ku ahaataan, inaad tihiin Somaliland tagoogo, oo halganku idin dhalay, idinbkuna aad dhasheen, oo ay daan ahayn qaar iminka ku soo biiray, oo Qaranku xoreeyay,†ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

 

 

Mujaahid Jaamac Cali Cilmi oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee ururka S.N.M, oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay mihiimada balaadhan ee ay leedahay xuska maalintan, oo ah mid ka gun weyn dhacdadii 17 October ee Burco Duurey oo kali ah, balse ay xambaarsan tahay qiimihii halganka, oo ay ku nafwaayeen dad aan ka yarayn 150, kun oo qof, oo nooc walba leh, sidaa darteedna loo baahan yahay in la balaadhiyo maalintan xusida mudan. “Haddii aynu run sheegayno, waa in taariikhda mujaahidka aynu ka bilownaa ciidankii afraad ee la dhisay 1978, halgankiina wuxuu dhamaaday 31 January 1991,†ayuu yidhi Jaamac Cali Cilmi.

 

 

Ugu dambayn waxa xafladan soo gunaanaday Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee soo maray halganku, dhibaatooyinkii ka hor yimid iyo giuulihii u gaadhay, oo ay ugu weyn tahay Somaliland-ta maanta xorta ah, oo oo ku tilmaamay ujeedooyinkii ugu weynayd ee loo dagaalamay.

 

 

Mujaahid Xasan Ciise wuxuu cadeeyay in S.N.M waajibkeedi gudatay, kuna guulaysatay xorriyad iyo nabad-galyo labadaba, balse aanay reer Somaliland ka helin abaalkii ay ka mudnayd, “Xadiisbaa yidhaahda qofka aan dadka u mahad naqin, Illaahayna uma mahad-naqo. Laakiin, S.N.M, maaha ta u baahan in loo mahan-naqo ee Somaliland-baa u baahan, waanay u wanaagsanayd, inay Mujaahdiinta u mahad-naqdo, oo ay ku dadaalan in ay abaalkooda mariyaan,†ayuu yidhi Mudane Xasan Ciise.

 

 

Mujaahid Xasan, waxa uu intaa ku daray in aanay S.N.M u soo dagaalamin kursi ay hesho, balse ay lahayd ujeedo intaa ka balaadhnayd, oo ah midnimada Somaliland, oo ku dhisan isa-saamax, heshiis iyo wax wadaqabsi, walina ay diyaar u yihiin wadatashi Qaran, oo lagu dhamays tiro, inta hadhay halganka, oo ah qaybtii ugu waynayd. “S.N.M waxay kala gashay Axsaabta Qaranka, waxaan kula talin lahaa S.N.M-ta Xisbiyada ku kala jirtaa inay mar mar isu yimaadaan, oo ay wada qaylaan, isna waraystaan. Qolyaha xukumaddana waxaan u sheegayaa, haddaad cid ka war wartaan ama aad dareentaan baqo dibada ah, de S.N.M-baa naloo joogta dhaha. Bal intaa uun hanagala bakhaylina haddaad wax kalaba noo diideen.â€

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

There is difference between freedom fighters and Mujahidiin, a Mujaahid is one who fights in the way of Allah.So the SNM cannot be refered as Mujaahidiin,they were more like freedom fighters, fighting against the brutal regime of Barre that is all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A soldier is not a matyr,a soldier dies a soldiers death.A rebel is not a soldier and therefore dies a rebel's death.Matyrs are sacred soldiers of Allah and therefore fight under his command.So i dont see why a rebel should be called a mujahid but all the same,there is no harm in rectifying that mistake.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Even prophet muhammad said in his hadith that when the isxaaq army of 170.000 will libarate beyt al qudis that means the mahdi is one of uss 2

 

We will always fight the unjucst

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^^ :D

 

The definition of a matyr is simply one who dies doing what he beleives in. It can be for anything. Whether one agrees with it or not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this