Sign in to follow this  
Haashim

MADAXII AMMAANKA COL.BARRE HIIRAALE IYO CIIDAMO UU WATAY OO MAXKAMADAHA ISU DHIIBAY

Recommended Posts

Haashim   

October 28th, 2006

MADAXII AMMAANKA COL.BARRE HIIRAALE IYO CIIDAMO UU WATAY OO MAXKAMADAHA ISLAAMIGA ISU DHIIBAY

 

 

 

 

Warar ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in mid ka mid ah taliyaashii Isbahaysigii dooxada Jubba iyo ciidan uu watay ay isu dhiibeen maanta gelinkii dambe Maxkamadaha Islaamiga ee dagaalka kula jira Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG Col. Barre Hiiraale.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay guddoomiye ku xigeenka Gobolka J/hoose C/fataax Maxamed Cali ayuu ku sheegay in Cabaas Ibraahim Gurey oo ahaa taliyihii ammaanka Gobolka isla markaana ahaa agaasimihii garoonka diyaaradaha Kismaayo ee maamulkii Isbahaysigii dooxada Jubba iyo ku dhowaad boqol maleeshiyadiisa ay isu dhiibeen Maxaakiimta.

 

Gureey iyo maleeshiyadiisa ayaa horey ugu sugnaa deegaanka Beerxaani iyagoo ku soo biiray Golaha Maxaakiimta ayay wararku intaa ku darayaan in iyadoo lagu galbinayo gaadiidka dagaalka ay soo gaareen gudaha magaalada Kismaayo, waxaana ku soo dhoweeyay boqolaal dadweynaha deegaankaasi sida uu goobjoog.com u xaqiijiyay weriye madax bannaan oo ku sugan gobolkaasi.

 

Guddoomiye ku xigeenka J/hoose C/fataax Maxamed Cali ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id in Tayihaas iyo maleeshiyooyinkiisa ay dhaqan celin ku samaynayaan iyagoo ka mid noqonaya buu yiri maleeshiyooyinka dhaqan celinta ugu socoto Kismaayo si ay uga mid noqdaan ciidamada Maxaakiimta.

 

Taliyahan iyo maleeshiyooyinkiisa isu dhiibay Golaha Maxaakiimta ayaa waxay dhabar jab ku noqonaysaa Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG ee laga bara kiciyay magaalada Kismaayo, iyo iyadoo la sheegay in ciidamo ku xaraysnaa xarunta dowladda KMG ee Baydhabo ay iyagana xalay iyo saakay soo gaareen degmada Buurhakaba, waxayna xaaladahan sii kaabaysaa taageerada ay helayaan Maxaakiimta.

 

 

Isha warka: http://www.goobjoog.net/news/128/ARTICLE/4046/2006-10-28.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Horaan u sheegnay Muraadoow in ay cagtii joogsan weydo ay ceebi la kulanto, marka Odeyga magacii ayuu iska halleeyey hadana waxaa la sheegay inuu dhawaan gaari doono Baydhabo oo caan ku noqotey qaabilitaanka qabqablayaasha qeebta immigrationka.

 

 

More

 

Shabelle-Ciidamada Barre oo isu dhiibeY Maxaakimta Kismaayo

 

Dayniile-Maxkamadah oo dhaqan celin u sameenayo ciidamadii Barre

 

Waagacusub- Barre ciidamadiisa oo iska diiwaan galiyey Kismaayo

 

Markacadey- Taliyihii Barre oo isu dhiibey Maxaakimta Kismayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Nuune, Turubka DABA_KA_ERIGA ayuu dhiniciisa ha ka qabsan doonaa markuu Baydhabo tago, Raggii saaxiibadiis ayaan ku soo dhoweyn doona.

 

Allamagan, raggaan Tsunamina ka daran Roobka iyo dhooqadu xitaa ma celinayaan. hadda Baardheeray ku sii socdaan waayo baabburtii Barre ilaa baardheeray sii taxan yihiin iyagoo dhooqo iyo roob la socon waayay, marka meesha QANIIMAA ka soo baxday.

 

Wararka qaar waxay sheegayaan inay baabuurta mid ka mid ah gudihiisa ay $250.000 oo Cash ah ka heleen.

 

Marka raggaasi ma joogsanayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tsunami way ka daran yihiin wixii is hor taagana way jiidhayaan ,,,,,, waxase loo yaabaa maalintay Somaliland soo jaleecaan ,,,,, believe me that is gonna be da last day u hear da name IUC or ICU ,, or wateva ,,,,,

 

 

NOW I'M WITH THEM ,,,,,,,,,, Let them slash out those warlords and they Ethiopian a*s*s-kissers ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

I am even more impressed cabaas and his men agreed to self-reformation. Go'aan fiicanay gaareen. Sounds like their decision will cool the nerves of those who were offended before and took the court's take-over of Kismayo too personal.

 

Let us hope we hear many more good news like this.

 

 

Allamagan

 

Gedo wadaado ma sii horeeyaan? :D Sahan ma lasii diray lol?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

i told you barre and his ppl are weak

You write so much crap on these forums and it is still shockingly tolerated. What is your secret saaxib. Ma jeebkaa laguugu jiraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

waxase loo yaabaa maalintay Somaliland soo jaleecaan ,,,,, believe me that is gonna be da last day u hear da name IUC or ICU ,, or

Af aha le tas, mugo hadey kaso jestan xaaji c/llahi iyo inta madaxa madow ee Baydhaba fadhiya widayo waxa uu sheegta inta Iceland (S/land) jogta in ay u batan dhinac molaca iyo masajiidka. Maxakinta ayago ge'maya ayey idin so geli donan Hadi Illahey idmo. Inta aan salada tukan wadada Hargeysa dhexdeda a lagu magdhaba. Hadho manola shegin ha dhihina.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Tsunami way ka daran yihiin wixii is hor taagana way jiidhayaan ,,,,,, waxase loo yaabaa maalintay Somaliland soo jaleecaan ,,,,, believe me that is gonna be da last day u hear da name IUC or ICU ,, or wateva ,,,,,

 

 

NOW I'M WITH THEM ,,,,,,,,,, Let them slash out those warlords and they Ethiopian a*s*s-kissers ,,,

 

Dad badan baa Maxkamadaha taageersanaa ilaa DAGAALOOGAHOODII la bursaday, qaarna waxay ugu biireen on the basis of 'CAAN'T BEAT THEM JOIN THEM' so the choice is yours join them as above or Tsunami u diyaargarow. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidi sididaada mooyee dhul u dhacaaga hubso baa la yidhi ,,,,,,,,, that is if they think somaliland is like kismayo and/or Baidoa ,,,,, they are to make a correct calculation before they start to move ,,,,,,

 

Somaliland dowladii hore oo isku dhan oo Ethiopia ka adkaatay baa waxba ka qaadi wayday oo ku jabtay waabase waxoogaa wadaado ah oo is urursaday oo baabuur jajaban wata ,,,,,

 

can we just wait and see ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

waabase waxoogaa wadaado ah oo is urursaday oo baabuur jajaban wata ,,,,,

Haddaba hadday sidaa yihiin ood sidaa uga soo horjeddid oo Somaliland uga difaacaysid, maxaad IMMINKA ula jirtaa? :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this