Sign in to follow this  
ANWAR

Itoobiya oo safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

ANWAR   

Axad, May 27, 2007(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, waxaana xafladdaas laga furay meel aan u dheereyn Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Xafladda lagu furayay Safaaradda Itoobiya waxaa ka qeybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen,Madax ka socotay maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda.

 

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay Xafladdii lagu furayay Safaaradda Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Itoobiya ay dadka Soomaaliyeed u hurtay waxa ugu wanaagsan ee la isu huro oo uu ku tilmaamay dhiig ay u daadiyeen sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd, wuxuuna intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed aysan abaalkaasi iloobi doonin.

 

Ra'iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay dhamaadeen waa hore Colaadihii sida uu u yiri macmalka ahaa ee labada Dal ka dhex dhacay, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in ay labada dal iska kaashadaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen cadawga kaliya ee ay leeyihiin oo ah faqriga iyo horumar la'aanta heysata.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu dib u furo Safaaraddii Itoobiya ay ku lahayd Soomaaliya, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka Xiriirka ka dhaxeeya labada dal oo uu sheegay in aysan kaliya wadaagin xuduud, balse ay wadaagaan dhaqan dad iyo Diin, wuxuuna ku baaqay in xiriirkaas lagu faro adeygo oo aan la wiiqin.

 

Seyoum Mosfen waxaa uu intaas ku daray in Xiriirka labada dal uu weligiis ahaa mid wanaagsan, balse ay saameynayeen is-bedello ay la imaanayeen Dowlado labada dal soo maray, wuxuuna ku baaqay in haatan wixii ka dambeeya lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa taariikhihii xumaa ee labada dhinac soo maray, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in aysan dan ugu jirin shacabka labada Dal.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu sheegay in joogitaankiisa Magaalada Muqdisho ay muujineyso in ay Soomaaliya nabad tahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas si weyn u farxad gelineyso, bacdamaa ay Soomaaliya muddo dheer ahayd mid dowlad la'aan ah.

 

Seyoum Mosfen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay in ay magaca Diinta ku gambanayaan, isla markaana ay uga faa'iideysanayaan dano gaar ah oo ay leeyihiin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kooxahaasi mowqifkooda laga fahmay Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, "Diinta Islaamka waa mid Nabadeed oo aan dadka fareynin in wax la dhibaateeyo, mana ahan mid loo isticmaalo dano gaar ah"ayuu yiri Seyoum Mosfen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Itoobiya oo Ciidamo aad u tiro badan ay ka joogaan Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay Dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo dalka Soomaaliya Safaarad ka furata tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.

 

http://www.hiiraan.com/news/2007/may/wararka_maanta27-1286.htm

 

http://www.shabelle.net/2007/May/n11736.htm#1

 

IT IS SO beautiful, :D:D

 

THE FUTURE

Mogadishu%20view2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Anwar, all they have done is renovated Villa Baidoa, the prime minister's residence.

 

I wonder where Gheedi will be staying now...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Finally Itoobiya waxay u ordaysay way gaartey, inay HQ Muqdisho ka furato, barasaabka Kilinka Lixaad-na ay keensato, iyadoo ka dhigatay nin kolleey Itoobiyaan ah.

 

Waxaa ayaan darro ah, taariikh madoowna Soomaaliya u ah in ninka ay Itoobiya Soomaaliya u soo xilsaaratay inta ay haysato uu khudbadiisa ku yiri "Ma ka codsan karaa Musfin iyo Cali Maxamed Geeddi ay calanka Itoobiya dhulka ka taagaan, taasoo ay sidaas yeeleen ka dibna ay cutubyo ciidammadooda ahi salaan siiyeen!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The building is not Villa Baidoa

Ethiopia has always had embassies in Somalia, this is not the firts

 

Safaaradii labaad eelaga furo magaalada Muqdisho

 

(Radio WidhWidh Muqdisho}27.5-7Waxaa safaaradii labaad laga furo magaalada muqdisho ay kafurtee dowlada itoobiya ayaa kasoo qeebgalay madaxda ugu sareeysa dowlada fedraalka somaaliya iyo wasiirka arimaha dibada ee itoobiya.

 

wasiirka arimaha dibada ee itoobiya oo ka had laayay cadaawada lasheego in ay udhaxeeyso somaliya iyo itoobiya ayuu ku sheegay labo maamul oo is fahmiwaayo ay sababaan colaad ay shacab ku baaba aan. wasiirka arimaha dibada ee dowlada itoobiya oo sheegay in colaadu ay tahay lado maamul ee shacabka colaad madhax taalo war kaas isagoo kasheegay xafladii lagu furaayay safaarada itoobiya ee muqdisho.

 

safaaradan ayaa laga furay halkii hore ay ku lahaan jirtay dowlada itoobiya halkii hore ay safaarada ay ku lahaan jirtay :D waa safaaradii labaad eelaga furo magaalada muqdisho horay ayaa waxaa ugu furtay dowlada masar iyadoo ay ladeeysay dowlada itoobiya.

 

si kasto ha ahaatee waxaa kusoobadanayo magaalada muqdisho dowladaha in ay kafurtaan safaarado iyo booqashooyin ay ku imaanayaan wufuud sar sare oo caalamka kasoconaayo.

 

News Desk WidhWidh Online

 

 

 

saf13.jpg

 

saf6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

thanks for providing these pics since they are a priceless information in capturing these murders!

 

i am making a card deck of these criminals...hopefully have them ready by july 1st.

 

so now u have the ethio master's crib build so he can run the day to day operation in xamar...! i am sure his first task is to toilet train his army so they learn how to use toilets instead of relieving themselves in the streets!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rudy, are you drinking from the same well as IndaCADE before you?

 

The pics look nice. And its their old embessay they have refurbished and not Villa Baidoa as some hoped.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i guess then this calls for toast since yall finished the masters house!!

 

cheers.

 

ps: do yall make it bomb proof!! lool. no..well, its up in smoke. I wont be surprised the hear this soon.lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

The rift between Yey and Gedi is widening, clearly Gedi is the favorite one here. This is where the next power straggle begins....!

 

 

saf8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Originally posted by rudy:

i guess then this calls for toast since yall finished the masters house!!

 

cheers.

 

ps: do yall make it bomb proof!! lool. no..well, its up in smoke. I wont be surprised the hear this soon.lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this