Sign in to follow this  
General Duke

Inter clan commitee for national conference..

Recommended Posts

Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano loo diyaariyay gudiga badbaadada shirka dib u heshiisiinta qaran.

 

Muqdisho, Jimco, March 2, 2007 Simba Radio

 

Siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay dalka Somalia iyo aqoon yahanno caan ka ah dalka Somalia , ayaa lagu warramayaa in loo diyaariyay magacaabista guddiga madaxa banaan ee bad baadinta shirka dib u heshiisiinta qaran.

 

Siyaasiyiintaan ayaa la sheegay in lagu soo xulay qaabka 4.5 waxaama tiradooda lagu sheegay inay gaareyso shan xubnood.

 

Ragaan oo aan wali magacyadooda si waafi ah shaaca looga qaadin ayaa Idaacada Simba si hoose u heshay iyadoo kasoo xiganeysa Madaxtooyada Dowlada KMG Somalia.

 

Ragaan howshooda waxuu yahay inay badbaadinayaan shirweynaha db u heshiisiinta qaran ee Somalia, iyadoo lagu tilmaamayo inay ka madax banaan yihiin qeybaha Soomaalida ee is haya.

 

Ragaan oo shan xubnood ah ayaa waxaa kamid ah:

 

Beesha ****** : Cali Mahdi Max'ed

Beesha ***: Max'ud Jirde Xuseen

Beesha .........: Cali Markuuus

Beesha *******: Max'ed Cali Magan

Beesha 5 : Cabdiraxmaan Guulwade

 

Isku soo duuboo, madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf ayaa shalay ku dhawaaqay in dib u heshiisinta ay dhici doonto 16-ka April isagoo sheegay in la wado dadaalo lagu badbaadinayo shirweynahaasi si uu u noqdo mid guud ahaan mira dhala.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo:Wasiirka dib u heshiisiinta DF oo sheegay inaan maamul goboleedyo iyo ururo lagu casumi doonin shirka dib u heshiisiinta qaran ee lagu ...

2. Mar 2007

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wasiirka dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaalliyadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirka dib heshiisiinta qaran ee uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Soomaaliya uu noqon doono mid aan looga soo qayb galin magaca maamul goboleed , iyo ururo midna .

 

Maareeye wuxuu sheegay in shirka uu ku salaysan yahay qaab qabiil, oo qabiillada Soomaaliyeed ay kasoo qayb gali doonaan, ayadoo sidoo kale shirka lagu casumi doono waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkan uu yahay mid beesha caalamka aysan wax saamayn ah ku lahayn, oo beelaha Soomaaliyeed arimaha dhex yaalla ay ayagu xallisan doonaan.

 

Md: Maareeeye wuxuu tusaale usoo qaatay in maamulka Somaliland iyo kan Puntland lagu dhisay shir ay beelohoodu inta ay fariisteen ay go'aan wada gaareen,shirkanna la doonayo in beeluhu khilaafkoodu dhammaystaan.

 

Guddiyo iyo shaqsiyaad loo arko inay dhex dhexaad yihiin oo aan kamid ahayn dawladda iyo kooxihii dalka isku hayay ayaa shirkan hagi doona , isla markaana dadka muhiimka loo arko ku casumi doona shirka dib heshiisiinta qaran.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd ka dhawaajiyay in shirka dib u heshiisiinta uu furmi doono 16ka April , isla markaana uu socon doono muddo laba bilood ah, ayna kasoo qayb gali doonaan dad gaaraya 3,000 oo qof.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

Ragaan howshooda waxuu yahay inay badbaadinayaan shirweynaha db u heshiisiinta qaran ee Somalia, iyadoo lagu tilmaamayo inay ka madax banaan yihiin qeybaha Soomaalida ee is haya.

 

Maxaa jahawareer ah........Cali Mahdi miyaa ka madaxbannaan dhibaatada Soomaalida ku dhacday, Raggii tii u badnayd masuulka ka ahaa soo safka hore kagama jiro. Awalba hal booli ahi nirig xalaal ma dhalayn, oo toloow maxay labo amxaarna ugu dari waayeen inta 5.5 ka dhigaan tiradaan maalayacniga ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D @maxay laba amxaar ugu dari waayeen!

 

Raggaan anigu mawada aqaan laakiin Abwaan is right Ali Mahdi is detached from Somali conflict as much as Morgan is!

 

Nin daad qaaday xunbo cuskay, bay hadda maraysaa giraantu :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by xiinfaniin:

:D:D
@maxay laba amxaar ugu dari waayeen!

 

is!

 

[/b]

LOL!

 

Thanks for the laugh dawg!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Perhaps this might lead to a national realization that dialogue, internal dialogue, is something we need. Waa in layska lafo guro. I am cautiously optimistic that something might be achieved from this in the long run.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Reconciliation committee put togethere by Ethiopia?

 

Amxaaro are the screenwriters of the play. No need for them to gather at the table.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jimcaale wait a minute..... Check under your bed there is an amxaar spy... :eek: Get the Amxaar midget before he devours your hilil adhi iyo bariis. Those hungry Amxaar. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this