Sign in to follow this  
Siciid1986

Cali Xaraare fired from VOA for Khat Bust!

Recommended Posts

Wariye Cali Xaraare oo ka howl-gali jiray Idaacada VOA Washington ayaa shaqada laga eryay kadib markii ciidamada Booliska Mareykanka ay kusoo bandhigeen dambi culus.

 

 

Wariye Cali Xaraare ayaa Booliska soo bandhigeen Sawiro muujinaya isagoo Bac Garaabo ah {Khaat} ka iibsanaya nin u dhashay Qowmiyada Oromiya ee dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Cumar Cabdijaliil oo 45 sanno jir ah, kaasoo Booliska ay baareen gurigiisa kana heleen Garaabo bada noo Khaat ah kana iibin jiran Soomaalida iyo Yemeniyiinta.

 

 

Ciidamada Booliska ee Verginia ayaa sheegeen inay muddo dheer ay baaritaano xoogan wadeen isla markaana muddo kadib ******** in 47-jirka Soomaaliga ah ee Cali Cabdi Xirsi “Cali Xaraare” ee lagu qabtay isagoo Daroogada Khaatka ee Mareykankaa mamnuuca ka ah iibsanaya inuu u shaqeeyo Idaacada Codka Mareykanka.

 

Dowlada Mareykanka ayaa u degsan Sharci adag oo ku saabsan in Shaqada laga eryo cid kasta oo Xukuumada u shaqeeya oo lagu helo iyadoo Iibsaneysa ama Isticmaaleysa Daroogo mamnuuc ka ah dalkaasi sida Khaat-ka oo kale.

 

 

Amar kasoo baxay Wasaarada Shaqada ee Mareykanka ayaa shaqada loogu eryay Wariye Cali Xaraare oo si weyn loogu xasuusan doono Barnaamijka Caweyska Washington ee Idaacada VOA qeybteeda Afka Soomaaliga.

 

Wariye Cali Xaraare ayaa Toddobaadkaan dacwad ugu furmi doonta Virginia, taasoo ay dhaci karto hadii lagu helo dambiga ku aadan inuu Khaat iibsanayay la ganaaxi doono in muddo ahna la xirayo.

 

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan oo Khaad cunayaan ah ayaa ku nool dalka Mareykanka oo mamnuuc ka yahay Khaat-ka kuwaasoo si dhuumaaleysi ah u iibsada Garaabada Khaatka kuna qayila.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Odayga khilaaf ayaa jiro uu leeyahay, warka korena gebi ahaanba wuu beeniyay.

 

cali-xareer.jpg

 

Cadaadis, qabylaad iyo musuqmaasuq ayuu ka sheegtay.

 

Waa wareysi xiiso leh.

 

Wareysi Aanu La Yeelanay Wariyaha Caanka Ah Cali Xarare oo Ka Tegey Shaqadii Idaacada VOA Kadib Markii Khilaaf Xoogan Soo Kalla Dhex Galay Isaga & Mas,uulka Idaacada Yabarow uu Sheegay Inuu Qabyaalad Ku Sameeyey Halkan Waxaanu Idiinku Soo Gudbinaynaa Wareysi Aanu La Yeelanay Wariyaha Weyn Ee Caanka Ah Mr: Cali Cabdi Xarare oo Ka Tegey Idaacadii VOA da Ee uu Ka Shaqeynayey Kadib Markii uu Khilaaf Xoogan Soo Kalla Dhex Galay Isaga & Mas,uulka Idaacada Ee Mr; Cabdiraxmaan Yabarow oo uu Sheegay Inuu Kulla Dhaqmay Qabyaalad, Wareysiga Waxaa La Yeeshay Weriye Barkhad Cabdillaahi Maxamed oo Ku Sugan Studiyaha oodweynenews

 

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^LOOOOL@the comments on that link...

 

I took the time to listen to the interview and he actually admits that he was once caught with Qaad in his car :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this