Sign in to follow this  
N.O.R.F

Somaliland in the world Cup in Cyprus

Recommended Posts

N.O.R.F   

Saturday, June 18, 2005

Somaliland oo ka Qaybgelaysa Koobka Kubadda Cagta ee Khubrus 2006

 

saxaafada2

 

Malinti Sabtidi waxa ka dhacay magaalada London shirweynihi labaad Ee ururka “NF Board†Shirka NF Boardka oo sanadkiba lagu qabto wadan, ayaa shirkii midkan ka horeeyey lagu qabtay 2003 Magaalada Brussels ee wadanka Belgium. Shirkan oo lagu qabtay 11kii bisha June Hotelka ku yaalla London dhexdeeda ee Royal National Hotel ayaa waxa ka soo qayb galay in ku dhaw 35 xubnood oo kala hoggaaminaya dalalka ku tartami doona Koobkaas, dhinaca Somaliland waxaa hoggaaminayey weftiga Madaala Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi). Oo ah Wakiilka Somaliland u qaabilsan Arrimaha Ciyaaraha Dhinaca Qaarada Europe iyo Amerika.

 

Shirka waxaa furay “The President of NF Board Christian MICHELISâ€. Wuxuna halkaa mahadnaq balaadhan uga soo jeediyey dhamaan ergooyinkii shirka fadhiyay, ka dib waxa uu uga gudbay sida shirka loo daadihin doono iyo ajandaha shirka iyo qaabka uu soconayo oo ergay walba hortalay iyada oo qoraal ah. Shirkan ayaa isugu jiray Doorasho Guddidii hogaamin lahayd ururka sanadaha soo socda iyo warbixin wixii soo qabsoomay, waxa la qaban doono iyo qabanqaabada koobka kubadda cagta aduunka ee dalalka aan ka mid ahayn FIFA oo lagu qaban doono Khubrus . Waxa shirkan ka soo qayb galay 16 wadan oo ka qayb galaya ciyaaraha koobkan oo lagu qaban doono bisha Oktober 2006 wadanka Khubrus . Wadamada ka qayb gali doona oo ay ka mid yihiin;

 

Teams

 

Gibralter,

 

Monaco,

 

Sami,

 

Chagos

 

Jersey

 

Kurdistan

 

Khubrus

 

Basse Saxe Sud

 

Chechnya

 

Sealand

 

Somaliland

 

Dalalkaas aan ku ku xusnay iyo qaar kale oo badan ayaa wuxuu noqon doonaa koobkii ugu horeeyey ee loo qabto si ay ugu tartamaan. Koobkan oo ay soo diyaarisay NF-board ayaa waxa loogu magac daray Nelson Mandella, kadib markii uu Mr Mandella aqbalay in uu magaciisa siiyo koobkan. Sharafta xambaarsan oo labadii sanoba mar la qaban doono

 

Somaliland oo ka mid ah 16-ka wadan ee u tartamaya Koobkan ayaa waxaa hoggaaminayey weftigooda Wakiilka Arimaha Ciyaaraha Somaliland Ee Yurub Iyo Amerika, Mudane Mubaarik Yusuf (Bidhi) waxaana weheliyey laba xubnood oo kale oo sii kaxaystay Wakiilku, xubnahaas oo uu ka dalbaday inay kala qayb galan shirka . Waxa kale oo goobjoog ahaa shirkaas xubno madax bannaan oo ka kala socday dalalka :

 

 

Switzerland

 

Denmark

 

Scottland,

 

Spain.

 

 

Sidoo kale waxa joogay saxaafado reer yurub oo ay ka mid yihiin, suxufiyiin ka kala socda Fransiiska sida jariidada ( L’equipe), Ingiriiska (BBC) iyo Norway oo ay la socdeen TV-ga NRK oo ah telefishanka dalka Norway. Dhinaca saxaafada Somaliland waxaa soo codsaday websiteka caanka ah Somalilandfuture.com iyo Togdheersport oo Inoogu deeqday Sawiardii shirkaas. Waxaase laga sii dayn doonaa dhamaan talefeeshinada dalalka ka soo qaybgalay intooda badan.

 

 

 

Shirkan ayaa ahaa mid Somaliland u sinaya fursad in lagu ictiraafo, waxaana ah wax lagu farxo, ka dib markii calanka Somaliland ka dhex muqday goobtii iyo kurastii waxa kalo oo farxd ahayd marka wax loo codaynayo in Somaliland ay lahayd hal cod dhiibaynaysay codkeda. Mubaarik oo ka wakiil Somaliland ahaa ergeyga hogaaminayey weftiga Somaliland , ayaa marwalba danta Somaliland eegeyeyna hadba wax sumcada Somaliland ku jirto, kuna wargeliyay xubnaha shirka in ay Somailland ay ka qayb gali doonto ciyaaraha sanadkan ee lagu qabanayo dalka khubrus Waxa kale oo uu ballan qaaday in kooxda matalaysa Somaliland ay ku dhaqmi doonaan sharciga u yaalla Kubada cagta ee waafaqsan sharciga kubadda cagta ee adduunka iyo muujin saaxiibtinimo iyo caddaalad dhamaystiran. Waxa shirka ka muuqanyey in ay wadamada kale oo dhamaantood Somaliland isu lahayn aqoon ciyaareed aanay hubin siday tahay ama kaalinta ay ka ciyaari doonto koobkaas. Iyaga oo ka baqaya in ay ku noqoto koox si lama filaan ah koobkan ku qaada.

 

 

Waxa mudadii shirka lagu jiray ay kooxaha kale maamulkoodu rabeen in ay ogaadaan xaaladda Somaliland iyo ciyaartoydooda uga ciyaara qaarada Yurub. Waxase ay wadan walba nasiib uu helen warbixin dhamaystiran oo ay soo diyaarsheen weftiga Somaliland metelaysay ee uu hoggaaminayey Mubarik Yuusuf Cilmi ( Bidhi) Oo ku dhan yahay macluumadka wadankeena, sida tirada dadka intu yahay casiimada inta degen, maabka dalka, halka Somaliland aduunka kaga nalo iyo baxaada dhuleed ee Somaliland ee aynu haysano inta uu legyahay . Waxa ku qornaa warbixintaas garoomada ay Somaliland leedahay iyo tirada dhalinyarada ku ciyaara garoonadaas, iyaga oo ka kala socda kooxaha dalka ee illaa heer gobol, degmo ama kooxa kale ee ah naadiyada ah ee madaxa banaan. Waxa xusid mudan in uu si xilkasnimo ah, oo ku dheehan tahay masuulinimo uga dhex muqday ergooyinkii halkaa isugu yimi, mudane Mubaarik oo ay maanta Somaliland kartidiisa gaarka ah iyo taageerada bulshada dibadu siisay halkaa hawsha keentay. Waxaa ay dhamaan saxaafada iyo wadamada halkaa joogay ee goobjoogayaasha ahaa sida;

 

Switzerland, Denmark, Scottland, Spain, dhamaantood dalalka ka ah xubnaha urukan xiisanayeen qoraalka ka sheekaynaya labadi ciyaartoy ee dalka Spanishka tagay iyo Kooxdi gobolka Sanaag oo hanatay horyaalka ciyaaraha dalka Somaliland, sidii loo balaadhin lahaa horumarintooda ciyaareed ee dhinac kasta, haday noqon lahayd in loo diro tababarayaal iyo haddii dhalinta, qaarkood loo fidiyo schoolarships, hawshaas oo dhamaystirkeeda weli ku hawlan yahay masuulka Somaliland. Waxa halka la keenay koobkii oo wadan walba la tusayey iyo kubadi lagu ciyaari lahaa oo labadaba u calamada ururka ku qornayd. Ugu danbayntina waxa shirka xidhay isla madaxa ururka “President Christian MICHELISâ€

 

 

Dhamaan hawlihii ka socday shirka ee aan ahayn sida officailka ah iyo dhamaan dalalkii xiiseeyey hawsha uu u fatay mudane Mubaarik oo ka masuul ah Somaliland ayaa noqon doona kuwo aan idiin soo gudbin doono. Annaga oo goobtaas shirku ka dhacay horteeda ka qaadnay waraysi Mudane Mubaarik Yuuusf Cilmi, waxaadna ka heli doontaan waraysigaas wakhtiyada soo socda Somalilandfuture.com, ee ha moogaanina.

 

 

Somalilandfuture. online

 

 

summer 2006 will be a football summer

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^that is just not fair;

an english title, with a somali post,

that would take me atleast

10yrs with no breaks to read :mad:

with a big picture that doesn't fit the screen, you either see the white man or the farah!!! :(

oh well i wz interested as well;

thats till i saw the somali essay

that goes with it; redface.gif

 

salam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

This is great news. I think it will put Somaliland on the map...I don't like soccer but I will be watching this one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goonle   

Brothers with all do respect is this some kind of joke? We can be dilusional sometimes any one that knows any thing about african football knows that somalia let alone somaliland wont even qualify for the east and central african tournament let alone the african cup of nations or the world cup. Concentrate on feeding all the hungry kids in somaliland lol. No hard feelings but our kids are hungry no matter where on the somali map u from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

any one that knows any thing about african football knows that somalia let alone somaliland wont even qualify for the east and central african tournament let alone the african cup of nations or the world cup

Anyone who knows anything about football knows that the World Cup is in Germany next year and not Cyprus. This is a tournament for small/unrecognised countries that operate with some or full autonomy.

 

Concentrate on feeding all the hungry kids in somaliland lol. No hard feelings but our kids are hungry no matter where on the somali map u from.

Save it saxib, that sort of rehtoric is beyond a reply from a more educated and intelligent individual ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goonle   

I can get a bunch of 40 yr old beer bellied volunteers to go play cyprus in a friendly match. Thats not the type of caliber team u need to start bragging about. Play some real teams like kenya, uganda, tanzania, and the entire west africa. Then talk tom

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

All of the players will be based in Europe, we will give many a African team a good run for their money after a little organisation.

 

one must walk before one can run!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goonle   

I believe ud get a much bigger pool of players to pick from if u could use the entire country. What do u think about that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goonle   

MIZZ u know what i meant.

 

U dont have much to pick from in somaliland. Stop being stoburn its not a recognised country yet u wont even be accepted in any major tournament without the presence of all the other somalis. Good luck with the dream though u got a right to have one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pacifist   

Great news wish them all the best.

 

Goonle why is it so hard to support your brothers? even though you say somaliland is not recognized and everything oky. At least they are trying. :confused:

 

 

Why do we always have to be so negative about our brothers and sisters accomplishments? Always putting each other down :mad:

 

The person determined to achieve maximum success learns the principle that progress is made one step at a time. A house is built one brick at a time. Football games are won a play at a time. A department store grows bigger one customer at a time. Every big accomplishment is a series of little accomplishments." David Joseph Schwartz

Share this post


Link to post
Share on other sites

really; i think they have alot to pick from; i have 6brothers my self, who can all kick a ball smile.gif just kidding;

 

are u telling me that in the entire country of somaliland, they wll not be a bale to find lets just say 20guys; i don't think so love;

 

goonel lets just agree to disagree old man smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this