Sign in to follow this  
nuune

Cagtii joogsan weydaa mar un bey ceeb la kulantaa

Recommended Posts

nuune   

This is an open discussion and please fikkirkaaga ka dhiibo iyo tusmadaada khuseeso cinwaankan aan maahmaahda ka dhigey

 

Cagtii joogsan weydo mar un beey ceeb la kulantaa, waxaan ku keenay Korneel Hiiraale wuxuu la samri la'yahay iyadoo waliba ay samreen nimankii asxaabtiisa ahaa qabqablayaasha ee ka tujaarsanaa ee ka maal badnaa ee ka awwood badnaa ee waliba meelahay ku dhasheen laga soo saarey, nimankaas ayaa samrey, isagoo ka taag roonaa qabqablaayshii hore kana maal yaraa aanan ku dhalan meeshan uu kusii durdurinayo ayaa la kari la'yahay.

 

 

talaw maxey tahay sababtaasi Barre uu la samri la'yahey:

 

- ma xeyn yaroo isagu la dhalatey oo Kismaayo joogtaa u durbaan tumeyso oo leh bi'i waa Barroow baarqab baad aheydee maxaa ku helay.

 

- ma gabbaad buu ka dhiganayaa mudaaharaadyadii yaraa ee ka dhacey Kismaayo

 

- Ma ceebtuu doonayaa inuu is dhaqo illeen waa tuu ka soo cararee Kismaayo oo hadda ayuu is leeyahay is nadiifi oo geesi halyey iska dhig

 

- Ma TFGda ayuu doonayaa inuu keeno Kismaayo si ciidamada africana loo soo galiyo

 

- Ma dheeftii uu ku qabey Kismaayo dakadeeda iyo airportka iyo canshuurihii ayuu la samri la'yahey oo dakhli ayuu rabaa

 

- Ma hanti buusan meel dhigan intuu ka talinayey Kismaayo oo hadda ayuu is leeyahay allaylahey markan qabso Kismaayo oo meel wax dhigo fursadna yeysan kaa lumin

 

- Ma asxaabtiisi Seeraar etc ee khayaantey ayuu is leeyahay ka aarso

 

 

Mise mise mise sii wada Afkaartiina ku aadan Barre wuxuu la hari la'yahay ama uu la samri la'yahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Siyaadka uu ka dhashay Barre Hiiraale ayaa shiray, runtiina waxay go'aan ku gaareen inaan la taageerin ninkaas. Laakiin inyar oo la socota iyo asaga ayaa malagood galay oo dooneysa in meel cidla ah lagu gabawaro. Ilaahey dhiigooda ha badbaadsho, ciyaalkaas uu watana xaqa ha fahamsiiyo. Koley beesha uu kasoo horjeedo diyaar uma ahan iney xaqa iyo diinta Ilaahey dagaal ku qaadaan. Taas waa xaqiiqo cad.

 

Balse aniga waxay ila tahay in sheekadaan la rabo in lagu fashiliyo horumarka daacada ah ee ay Maxaakimta kasoo hoyiyeen arimaha murugsan ee Soomaaliya, guud ahaan, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, nuunow, waxaan u maleynayaa in Hargeysana howsho kasoo bislaan doonto mardhow, insha-Allah. Waxaan ku jiraa dadka ducada habeen iyo maalin la yuurara ee jecel in Ilaahey uu majaraha u siibo Maamulka spyman Riyaale Kaahin iyo qabqablayaashiisa oo ilaahey noogu badalo Sh. Mustafa Ismaaciil Haaruun iyo ragga u dhashay gobolkaas ee sharafta iyo diinta leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

Waa run cagtii joogsan weeydo ceeb ayay la kulmi. Since cago badan joogsan waayeen I wonder which ones ceeb xun lakulmi doono.

 

Reer Siyaadka uu ka dhashay Barre Hiiraale

Barre goormuu noqde reer siyaadkaan sheegeyso. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Nuune Sxb. this is good discussion laakiin aniga dhowr kaloo sababood ayaan ku sii darayaa

 

Ma dhadhanshaa waalan dhergaana ka daranbaa? :mad:

 

Ma wuxuu ka shallaayay markii C/lahi Yusuf u bandhigay in Kismayo dawladda xarun u noqoto oo uu diiday? :eek:

 

Mise C/lahi Yusuf baaba shirqoolkaan u dhigay markuu Wasiirka gaashaandhigga ka dhigay? :D

 

 

Las but not least Ma arkin miyaa dadkii Xamar 16ka sano guryo aysan lahayn ku jiray oo boorsooyinkooda ka urursanaya WAR NINKA INDHOADKAA muu buurdhuubo iska joogo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Reer Siyaadka uu ka dhashay Barre Hiiraale
ayaa shiray, runtiina waxay go'aan ku gaareen inaan la taageerin ninkaas.

:D:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ War ninka maxaad ugu qoslaysiin haduusan kala aqoon cidaada, ma sharcibaa in lakala barto reerkaaga... LOL

 

Alle Sxb Barre waa niman ladhoho Kooshin or so I think, but you are right reer Siyaadka are Sidelining this war not very committed the least, and weren't even on good terms with him during his reign in Kisima or so I magine...

 

Kismaayo waa Magaalo wayn oo Soomaaliyeed Barre-na inuu dadkiisa soo lugooyo oo dagaal ay maanta kuhalaagmaan usoo galiyo sidii qabqablaayaashii hore oo dhan dadkooda ugaleen kadibna uu meel cidla ah uga tago mahaboona... Isagana waxaa haboon inuu iska caqlisto reerkiisana ay kadiidaan dhibka uu galin doono..

 

Horn I think you agree with me when I say Magalada Somali oo dhan ayaa wadaagto or at least all D people, so why Barre and his kismen feel as if they have the most special responsibility to liberate and capture it from the rest considering that many men and tribes have taken control of it before and lost it. Im sure you opposed when Morgan and his reer were fighting on their way to capture and liberate the city few years back, so what is the difference?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^ War ninka maxaad ugu qoslaysiin haduusan kala aqoon cidaada, ma sharcibaa in lakala barto reerkaaga... LOL

Maya adeer, mar hadaad been sheegeysid, been la rumaysan karo ayaa la sheegaa dee. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waryaa, ama igu qosol ama igu wiirso, aniga cidaas waa reer abtigey, runtiina diyaar uma ahan iney maanta Diinta islaamka dagaal la galaan, iney difaacaan mooyee. Qabiilka iyo qurunka ka buuxo Barre Hiiraalena waa mid kaligiis ku saabsan iyo saraakiisha kale ee qamriga istaaga ku cabta ee isku xulufada yihiin.

 

Marka adiga koley maahid qof diinta u damqanayee, maalinta qiyaame ma laga yaabaa in uu qabiil wax kuu taro?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Hakuu ahaadaan ama yeysan kuu ahaan, cid ay ka qarsoon tahay maanta ma jirto in qaab qabiil loogu soo duulay Barre Hiiraale ee isaguna taageerayaashiisu iyaba qabiilkiisu sidey u dhanyihiin u garab-taaganyihiin.

 

Waana runtaa maanta iyo weligood diyaar umaysan ahayn iney diinta Islaamka dagaal la galaan lakin diyaar wey u yihiin maliishiyooyinkii Muuse Suude iyo Qanyare Afrax iyo Indhacade iyo kuwa kale cimaamad loosoo xiroo la yidhi jihaadu fi sabiililaah saifullah baa tihiin orda diinta faafiya. Diyaar wey u yihiin kuwaa in dagaal la galaan, iyageena u socdaan.

 

Nabad Gelyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Alle-ubaahne:

^^Waryaa, ama igu qosol ama igu wiirso, aniga cidaas waa reer abtigey, runtiina diyaar uma ahan iney maanta Diinta islaamka dagaal la galaan, iney difaacaan mooyee. Qabiilka iyo qurunka ka buuxo Barre Hiiraalena waa mid kaligiis ku saabsan iyo saraakiisha kale ee qamriga istaaga ku cabta ee isku xulufada yihiin.

 

Marka adiga koley maahid qof diinta u damqanayee, maalinta qiyaame ma laga yaabaa in uu qabiil wax kuu taro?

Reer abtinimo diina laguma raaco, loogamana soo horjeesto, bal horta sidaa ula soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mansa Munsa:

quote:Originally posted by Alle-ubaahne:

^^Waryaa, ama igu qosol ama igu wiirso, aniga cidaas waa reer abtigey, runtiina diyaar uma ahan iney maanta Diinta islaamka dagaal la galaan, iney difaacaan mooyee. Qabiilka iyo qurunka ka buuxo Barre Hiiraalena waa mid kaligiis ku saabsan iyo saraakiisha kale ee qamriga istaaga ku cabta ee isku xulufada yihiin.

 

Marka adiga koley maahid qof diinta u damqanayee, maalinta qiyaame ma laga yaabaa in uu qabiil wax kuu taro?

Reer abtinimo diina laguma raaco, loogamana soo horjeesto, bal horta sidaa ula soco.
Yaa ku dhahay reer abti hadeey wanaagsan yihiin wanaaga laguma raaco, hadey xun yihiina xumaanta lagama qabto?

 

Waanba kaa shakiyee, adigu ma waxaa tahay kuwa ka tagay dhaqankeenii Islaamiga ahaa ee uu Rasuulka (scw) yiri, "Ehelka iyo Qaraabada xariiriya, xumaanta iyo qaladkana yaan la isku fiirsan, oo ilaahey ka cabsada meel walba oo aad joogtaan"

 

War maxaan haleeyay hadaan reer abtigeey u nasteexeeyo oo aan wanaagooda ku amaano?

 

Cajiib!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Subxaana laah... this is really sad how some of you really want war.....you are all sick!!!!!! speially does that are with a group and are happy with a war thats about to come.

 

ilaahoo maad xigsatid Maxkamada ama Bare Hiraale, who ever is follwing ether side, in uu maanta dagaal aan wax kor dhineen u dhaan tumto ma ahan....

 

Aniga run ahaantii wee ila fool xuntahay in Bare uu kusoo laabto Kismaayo uuna dagaal iyo xoog isku dayo in uu wax ku qabto...

 

Wadaada waa wax la og yahay in ee qabiil ku dhisanyihiin weyna cadahay, laakiin maanta wadaada hadee isla hishiiyeen intii dad oo isku qabiil ahaa oo xamar isku heystay, maxaa laga rabaa???? wili nabada ee ku heystaan xamar hada ma aha mid ee heysato Somaliland maanta........

 

Bare ma uusan u dhalan Kismaayo hadii qabiil la fiirshona, awalba wuxuu la soconjiray warlords ka xamar ayagoo qaarkood ka mid ahaayeen Muusa Suudi iyo Cismaan caate oo qabiilkiisa in uu aduunka ka jiroba in kirayo...

 

Marka ma aha nin really maanta tol beelayee dhahayo ee waa sheydaan calooshiis u shaqeyste ah oo raba in uu dad maskiin qoorta isku gasho qabiilkiisa dhana god ka tuuro...

 

Max kamadaha Juboland/Banadirland ha sameystaan, qabiilna ha u badnaadaan as long as ee dadka meesha ku nool nabad helayaan waa wax farxad leh......

 

Somaliland qabiil bee ku dhisan tahay and Puntland qabiil bee Ku dhisan tahay Maxaa U diiday BanadirLand??? loooooooooooooooool..

 

Ilahoo Somali waa u jeedaa..heer xanjo moos camal aa u kala goos gooso dhulkeena aan joognaa ee naga nax..Yaa Rabi.........

 

 

Wareer Badanaa!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this