Sign in to follow this  
Garaad Bari

Baaq kasoo Baxay Golaha Isimida Laascaanood

Recommended Posts

Annagoo ah Dhammaan Isimada ******* waxaanu kulan ku yeelanay magaalada Laascaanood, waxaan kaga wada hadalay weerarka qaawan ee ay dhulkayaga ku soo qaadeen maamulka Somaliland............................

 

 

Golaha Isimida *******

 

Date: 3/10/2007

 

Ku: Dawladda Federalka Soomaaliya

 

Ku: UN Security Council

 

Ku: OAU

 

OG: Hay'addaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Maxalliga

 

OG: Maamul Goboleedka Puntland

 

OG: Maamuulka Somaliland

 

Ujeeddo Go'aanka Isimada ***********

 

Annagoo ah Dhammaan Isimada ******* widhwidh waxaanu kulan ku yeelanay maanta oo ay taariikhdu tahay3/10/2007 magaalada Laascaanood, waxaan kaga wada hadalay weerarka qaawan ee ay dhulkayaga ku soo qaadeen maamulka Somaliland, waxaana Go'aan sanay in aan dhulkayaga difaacno iskana celino maamulka Somaliland ee wada weerarka gardarrada qaawan ee dhul-ballaadhsiga ah, waxii khasaare ah ee ka yimaadda ay mas'uuliyaddooda iyagu qaadi doonaan, gobolada Sool Sanaag & Cayn waxay ka mid yihiin maamulka goboleedka Puntland.

 

Haddaba waxaan caalamka u soo jeedinaynaa in maamulka Somaliland lagu boorriyo inay ciidankooda kala baxaan dhulkayaga ay muddada dheer gardarrada ku haysteen, maaha markii ugu horraysay ee maamulka Riyaale uu dagaal ku sooqaado dhulkayaga, hase yeeshee anagoo dulqaad iyo daris wanaag muddo dheer tixgalinaynay & inaan dagaal sokeeye degaankan ku soo noqon ayaanu u dulqaadanaynay.

 

Sidaa daraaddeed waxaa naga go'an markan in aan is difaacno oo aanu nagu hadhin dulqaad dambe.

 

Magacyada Isimada:-

 

1)Garaad Jaamac Garaad Cali

 

2)Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

 

3)Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed

 

4)Garaad C/laahi Garaad Soofe

 

5)Garaad Abshir Saalax

 

6)Ugaas C/laahi Ciise Nuur

 

7)Suldaan Siciid Cali

 

8)Garaad C/salaam Xasan

 

9)Garaad Cali Buraale

 

10)Boqor C/laahi Dabagooye

 

11)Garaad Saleebaan Buraale

 

12)Ugaas Faarax X.. Maxamuud

 

[ October 08, 2007, 01:29 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa muuqata in dhamaan isimada beeshi isku raaceen go'aan cad oo annay u kala hadhin, iyagoo meel uga soo wada jeenstay cadawga dhulkooda kusoo dulay, qaraam didaysanna kaso saaray sidii lagu wajihi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Garaad Bari, thanks

 

Waa mahad Illaahay in maanta dhamaan isimadii gobolka Sool, inay hal cod oo midaysan la yimaadeen,

 

The leaders and the people of Sool are united and ready to defend their land

 

 

Sh. Jec,

 

Dadka reer Sool waatashadeen, ee danhaaga haa ka habsaamin

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Illaahay dhamaan dadka muslim ka ah ha kala badbaadiyo, waxaa kaa muuqata xaasidnimo iyo inaad ka xuntahay inay midoobaan, wax xun dadka muslim ka ah la lama jeclaado waa bil ramadaane, Illaahay ha ku hadeeyo

 

Dadkani waa dad wada dhashay oo fiicnaan baa ka dhexeesa, nabada iyo wada noolaanshaha ayeey aaaminsanyihiin, ayagu cidna kuma xadgudbaan, cidna wax mayeelaan, ee Illaahay daalimiinta iyo gacanta xqda daran ee kusoo duushay Illaahay haa ka qabtu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa iga muuqata xaasidnimo ?? ,,, soodiga leh waa ramadaan niyow maxaa ku helay. Mise wacdigu aniguun buu i qabtaa ?

 

Anyhow, anigu horena waan u sheegay imikana waan ku celinayaa WAR IS NOT GOOD FOR ANYONE ,,, sidaan hore kuugu sheegayna Ilaahay u soo bari dadkaasi inaanay iyagu dhexdooda iska dagaalin. Sheekadu imika reer sool dhexdooday maraysaa iyagaana LA isku hor fadhiya. Hadii ay taasi dhacdana waxay reebaysaa aanooyin aan weligood dhamaan oo horseeda burburka gobolka oo dhan iyo dadka ku noolba taasna Ilaahay ha ka badbaadiyo.

 

Sida adigu aad u arkayso inay Somaliland ku soo duushay bay qaar kele oo isla gobolka ahina u arkaan inay bugland ku soo duushay.

 

Markaa Ilaahay khayr uun ha ka dhigo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Niic niic iyo naac naac looma baahnee, ama dadka guryahoodda uga baxa oo degaankood uga guura, amase xuduudka si daacad ah u soo xidh. Ramadaan kasta ma waxa aad dooneysaa in aaad soo duushu, marka lagu jabiyana aad tiraahddu war yaa musli ah oo na kala qabta. Haddii aaney dadka Laascaanood aysan arrintan si uu xalili, si yar yar bay wax yeello waaweyn u soo gaadhi doontaa. Dhib ku hortaagan, maxaad mar walba dib ugu dhigeysaa, waa xikamd Su'aaleed!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar hadda u kaadi ,,,, lagama yaabo inaad mar dhow sidaa u hadashee ...... bal in uun afeef dhigo.

 

Ma waxaad i leedahay qaar ka mid ah reer LA baan xaq u lahayn inay deegaankooda yimaadaan oo ay ka taliyaan ??

 

Car bal HAA dheh ha lagu wada maqlee ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marka aad xuduudka soo xirto i weydii su'aashaa...waxa aan xaqa u lee nahay in aan ku sheego waa hore aaya sixir ku qaaday oo aad diiday in aad dhageysato... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Runta laguu sheegay, sabab aad xumaanta ula jeceshay xumaanta ayadoo bil ramadaana la joogo, wax caqliga gali kara maaha, qofka ka xumaanaya midnimada ee muujiyaan hogaanka dadka muslim ka ah (reer sool), magaranayo sida uu wacdi wax uga tarayo

 

Dagaal gobolka Sool waxaa ku soo qaaday Riyaale clan militia, markaa u sheeq Somaliland inay joojiso xadgudubka eek u hayaan reer sool

 

Illaahay dhibaatada aad dadka muslimka la damacsantahay Illaahay haa ka qabto, waxan aad ku riyoonasid in dad dagaal ka dhex dad muslim ah, aanooyn , burbur acudubilaah, war waa ramadaane Illaahay ka baq

 

Puntland baa dagaal kusoo qaaday Sool waa sheeko been ah, Sh Jacaylka ayaana lagaa hayaa, mida kale adi shaqo kuu taala maaha

 

Sida ku cad maqaalkan mowgifka dhamaan hogaanka reer Sool waa mid midaysanyahay, waxeyna isku raacaan inay tahay Somaliland cida dagaal kusoo qaaday Sool, taa adi cid wax kaa weydiinasa majirtu ee haa isku daalin

 

Hogaanku waxey uga digeen militia yada Riyaale inay gardarada qaawan iyo dhibataada ee dadka gobolka ku hayaan inay joojiyaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ha ka meeraysan suáasha sxb ,,,, direct question baan ku waydiiyay adiguna xuduud iyo bad kele baad gashay.

 

Miyaad ka jawaabi imika, miyaan kuugu celiyaa su'aasha mise waan kaa daayaaba waydiinteeda ??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this