Sign in to follow this  
Emperor

Somali people against the seperation of the Somali republic - UK demo

Recommended Posts

Emperor   

Mudaharaad Aad Ubalaaran Oo Maanta Kadhacay Magaalada London

 

Mudahaharaad Lakaka SOo Horjeedo Maamulka SNM iyo In Somaliya Lakala KOoyo Ayaa Maanta Kadhacay Qasriga Baarlamanka iyo Xafiiska Raisalwasaraha Wadanka UK

 

Mudaharaadkan Oo Ay Kasoo Qaybgaleen Dadweyne Aad u fara Badan OO Ka kala Yimi DHamaan Gobolada Wadanka Uk.

 

Dadweynaha Kasoo Qaybgalay Mudaharaad Kaas Ayaa Shucuurdooda Aad ukacsanayd Iyagoo Muujiyay Sida Ay uga Soo Horjeedaan in SOmaliya Laka Jarjaro iyo In Malayshiyada SNmta Ay Malayshiyooda Kala Baxan Gobolada SSC.

 

Banaanbaxayaasha Ayaa Waxay Sideen Calanka Somaliya iyo Boorar Ay Ku Qoranyihiin Down Somaliland , Snm Mafio Out Of Somalia , Doonimayno Somalidiidka,

 

 

 

 

 

Mardhow Ayan Idin Soo Gudbin Doonaa Warayo Badan iyo Waliba Gabayo

 

 

M.M.H.Shire

 

 

London Uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ha loo sheego ALLUN MICHEAL marka Wales go'do UK ayay S/Landna Go'aysaaye'' (Faa

 

(Faalo}11.1-8

"Ninka lagu magacaabo Allun Micheal oo asalkiisu ka soo jeedo gobolka lagu magacaabo Wales ee Isku taga boqortooyada UK ayaa wuxuu ilaa sideetanaadkii ku mashquulsanaa sidii waqooyiga Soomaliya uusan nabadi uga dhalateen.

 

Wuxuu 1988kii gacan dhaqaale iyo mid afba siin jiray jabhadii SNMta isku magacaabi jirtay ee dagaalka kula jirtay dowladii wagaa jirtay. ALLUN oo ah nin jagooyin ka soo qabtay xukuumada Ingriiska dhowr jeera laga xaydhiyay xilal wasiirnimo ka dib fadeexado ku soo baxay iyo liidnimo ayaa wuxuu wadaa olole uu ictiraaf ugu raadinayo S/Land

 

Arbacadii dhowayd ayay ahayd inuu su'aal waydiiyay raisulwasaaraha UK in uu la soo dhaweynayo madaxweynaha S/Land oo ku sugnaa guriga baarlamanka iyo in kale? Taas oo ugu jawaabay inuu taageerayo dadka Soomaliyeed nabad gelyada iyo wax qabsashada ku salaysan dimuquraadiyada.

 

Waxaa kaloo ALLUN weji kabax kala kulamay in wakhtigii la furayay guriga cusub ee loo dhisay Wales Governmemnt uu ku casumay ninka sheegta gudoomiyenimada golaha baraalamaanka ee S/Land taas oo markii albaabka la isyidhi ha ka galo la waydiiyay dowlada uu ka soco markaana laga waayay liiska dowladaha aduunka. markii ugu danbaysana la fadhiisyay meesha dadka shicibka la fadhiisiyo.

 

Hadaba siyaasada Allun Micheal waa mid munaafaq badani ku jiro marka aad u fiirsato sida uu u dhaqmo marka uu joogo UK iyo marka uu ka hadlayo qadiayadaha wadamada kale sida Soomaliya.

 

Ka soo qaad wuxuu ka mid yahay raga ugu waaweyn xisbiga shaqaalaha ee Wales, wuxuuna siyaasada ba'an dhex taalaa xisbiga gooni goostadka ah ee Plaid Cymaru, kaas oo doonaya mar uu inay tuuraan reeryada gumaysiga Ingriiska sida ay ku doodaan.

 

Wuxuu Plaid Cymaru kula dagaalamaa "wadankaad kala goynaysaan, ama Midnimo diid bbaad tihiin" hadaba waxaa su'aashu tahay wadanka Wales, wuxuu leeyahay

 

1- Dhaqan ka gooni ah ka inta kale ee UK

2-Wuxuu leeyahay luuqad u gaar ah

3-Taariikh u gaar ah

4-way ka jidh duwan yihiin dadka kale ee UK waana la xaqiraa

 

Dhanka soomaalida

 

1-waa isku dhaqan

2-waa isku midab

3-waa isku diin

4waa isku af

5waana isku taariikh.

 

Hadaba waxaa is weydiin mudan ma Wales baa u baahan in laga gooyo UK, mise waqooyiga soomaliya ayaa u baahan in laga gooyo Soomaali inteeda badan.

 

Anigoo ay na dhex martay xidhiidh arintan ku saabsan Allun ayaan waxaa jeclaan lahaa dadweynaha Soomaliyeed ee ku dhaqan Wales inay ka qayb qaataan sdii ninkan ku shaqeeya khidmada looga hor tagi lahaa uusan ugu talaabsan dhibaatada uu wadankiisaba u diiday inuu ku fuliyo Soomaliya.

 

Waxaana ku soo gebo gabaynayaa "Marka Wales ka go'do UK ayay waqooyiga Soomaliyana ka go'aysaa Jamhuuriyada Soomaliya.

 

Saleban Axmed UK- Widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

London(Qaran)-22 qof oo maanta salaadii jimcaha kadib laga soo ururiyay misaajidka South Hall ee magaalda London oo la soo saaray Bus yar iyo gaadhi Taxiah ayaa loo qaaday si ay ugu mudharaadaan Hotel-kii uu daganaa madaxweyanaha Somaliland ayaamihii ina soo dhaafay, dadkani oo tiradoodu ahayd 22 qof oo laga soo ururiyay salaadii jimhaha ee maanta ayaa is hordhoobay Hoteelkaasi uu deganaa madaxweyne Rayaale, xiligaasi ay is hortaageen Hotelkii uu Rayaale deganaa ma uu ku sugnayn xiligaasi, madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa subaxnimadii hore markii ay saacada London, ahayd 9:00 subaxnimo ka baxay Hotel-kaasi iyaga oo u socdaalay madaarka magaalada London si ay ugu socdaalaan dalka Maraykanka, kadib markii ay dadkii meesha maraayay ay ******** ee loo sheegay arintaasi waxa iyaga dhexdoodii ka bilaabmay khilaaf iyo is hiif xoogan waxa ayna ******** in ay cidla jafayaan oo been isugu sheekaynayeen, halkaasi oo dadkii ay misaajidka ka soo kaxaysteen ay qaar ka mid ahi bartii dib uga noqdeen.

 

Dadka waxan jiha wareerka galiyay dadkii ay soo urursadeen ka masuul ahaa 15 shaqsi oo aan iyagu u dhalanin Somaliland kana soo kala jeeda Garoowe, Gaalkacayo qayb ka mid ah iyo magaalda Boosaaso, dadkani oo dhamaantood ka soo jeeda ******teeniya waxa ay markii danbe isku sii daayeen aqlaka Baarklmaanka Ingriiska xagaasi oo ay iyadana kala soo kulmeen fadeexad aad u balaadhan loona sheegay in ay aqaladoodii ku laabtaan.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa ay markii danbe booqasho ugu tageenb Cabdillahi Yusuf iyaga oo ku booqday cisbitaalka uu ku jiro ee ku yaala magaalada London iyaga oo doonaayay in ay ugu soo bushaareeyaan in ay ku soo mudaharaadeen madaxweynahii Somaliland, hase ahaatee waa loo diiday in ay u galaan xaalada Cabdillahi Yusuf oo aad u liidata awgeed.

 

Sideedaba waxa jirta xaalado colaadeed oo ba'an oo nabadgalyo xumo ah oo ku baahay gobolada ******teeniya taasi oo ay maanta doonayaan in ay indhaha dadka kaga jeediyaan sheeko kale oo aan ahayn xaqiiqda ka dhacaysa ******teeniya, sidoo kale Somaliland ma aha wax ay 22 qof iyo in ka badani toona ay wax ka qaadayaan haday gidaar kasta ka qayliyaan, ka u dhashayan wax ayaa Somaliland u ogoshahay ka aan u dhalana cirka ha soo leefo.

 

 

Ismaciil Xirsi

Qarannews

London

UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

22 qof oo maanta salaadii jimcaha kadib laga soo ururiyay misaajidka South Hall ee magaalda London

LOOOOOOOOOOOOOOOOL

 

22 qof .... kan soo tiriyay ma isku daray smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

LOol, All Somalis are for the Unity except few confused secessionits...

 

mudaharaad3.gif

So much for 22, gees ka gees fiiri bal, and the building in the background is not Riyaale's Hotel, no where near mate

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

mudaharaad9.gif

Demonstraters in 10 Downing Street

 

 

mudaharaad11.gif

All this Somalis prayed in one Mosque and were only 22, haha, very good it is the kind of people that have a real Somalinimo in their conscience

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this