Sign in to follow this  
Gabbal

Escalating tensions in Caabudwaaq.

Recommended Posts

Gabbal   

Maleeshiyo beeleedyo la wareegay Saldhigii Mag. caabudwaaq

 

 

Caabudwaaq 23, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Maleeshiyo beeleedyo ayaa qabsaday sida wararka lagu helayo saldhigii booliska ee degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud, iyadoo saraakiisha ciidamada maxaakiimta ee ku sugan halkaasi ay sheegeen in aanu wax walwal ah ka qabin maleeshiyooyinkaasi.

 

Maleeshiyo beeleedkaan oo ay isku soo uruuriyeen saraakiishii hore ee ciidamada ayaa sida la sheegey looga gol leeyahay sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada maxkamadaha islaamka ee doonaya in ay la wareegaan saldhigga magaaladaasi.

 

Afhayeen u hadlay Maleeshiyadaan oo shabelle u waramay ayaa waxa ay ku eedeeyeen maxkamadaha islaamka in ay ku soo duuleen degmada Caabudwaaq, ayna ugu baaqayaan in ay dib uga laabtaan.

 

Laakiin Sarkaal u hadlay ciidamada maxkamadaha islaamka Max'ed Cali Sugulle oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa waxa uu sheegay in aysan wax walwal ah aanu ka qabin maleeshiyada qabsatay saldhigga magaalada, isla markaana uu jiro wada hadalo u soconayo oo ku aadan in saldhigga ay ku soo wareejiyaan ciidamada maxkamadaha islaamka.

 

Saakay ayaa waxaa lagu arkayay gudaha magaalada Caabudwaaq ciidamo wata gawaarida dagaalka ee maxkamadaha islaamka, kuwaasi oo gaaf wareegaya daafaha iyo xaafadaha magaalada.

 

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa ciidamadooda ay gaareen magaalada Caabudwaaq talaadadii la soo dhaafay, iyagoo aanu la kulmin wax iska caabin ah.

 

 

C/kariim Bulxan

 

Shabelle Media Network G/gaduud

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

CAABUD-WAAQ: Malleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Marreexaan oo la wareegay saldhigga degmada Caabud-waaq

Posted to the Web Nov 23, 08:36

 

Caabud-waaq (PP) - Malleeshiyo beeleed ka oso jeeda Beesha ********* ayaa waxay xalay si fudud ula wareegeen Saldhiggga Booliiska degmada Caabud-waaq, kaddib markii ay dhawaan la wareegeen gacan ku haynta Degmadaas Malleeshiyo ka tirsan kuwa Maxakmadaha Midoobay.

 

Malleeshiyada la wareegtay saldhigga ayaa waxay ku sheegeen la wareegiddooda ay jawaab cad u tahay sida ay sheegeen gacan ku haynta xoogga ah ee ay kula wareegeen Maxkamaduhu deegaankooda.

 

Taliyaha Malleeshiyada qabsatay saldhigga oo la hadlay qaar mid ah saxaafadda ayaa sheegay in tallaabo kale ay qaadi doonaan haddii aysan Maxkamduhu kala bixin maleleshiyadooda degmada Caabdu-waaq.

 

Sarkaalkaan ayaa sheegay in tallaabada ay qadayaan ee tan xigi doonta ay tahay mid ay dagaal kula galayaan Maxkamadaha, waxaana uu sheegay inaysan beel ahaan ogoleyn in deegaankooda si xoog ah lagu haysto.

 

Dhanka kale, Maxkamadaha Midoobay afhayeen u hadlay oo lagu magacaabno Maxamed Sugulle ayaa sheegay in Maxkamduhu aysan ka baxayn deegaanka isla markaana aysan cabsi weyn ku hayn kuwa qabsaday saldhigga oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhuuni-qaatayaal ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shareecada islaamka cid walba wa u baahan tahay, balse cid lagu qasbi karo ma jirto ama lagu sandulayn karo, qaasatan markii qabiilo kale inta u yimaadaan qabiil kale dhahaan wxaan idin baraynaa shareecada sidii ayagoo hadda la soo muslilminayo. Waala yaabay wallaahi!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The Cabud-Waaq incident is a stunt that has been planned in Mogaishu any deaths that occurs is the fault of the Clan Courts.. The city was peaceful and the people united before all this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^only positive slope,it shall stay that way Insha Allah.the same situation with Kismayo,I expect the good people of Gedo to display their faithfullness.

 

Alamagon: alamagane,arintu sidaas maaha,bal uhubso hada,hoos udhaadhac,ka yar fikir waxa meesha kujira.Waxaad sheegtay aad ayey udhowyihiin Inadeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^How is this simmilar to Kismayu? Or has Red Sea lost the plot already?

 

The issue here is between the kin of the city and this is not even Gedo, this is Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the caabudwaag take over is a balatent declaration of war. Its clan wars all over again. Do these people know that it is unislamic to say one thing and do another. how many times have told us that they will not attack anyone? How long before we realize the hidden agenda of these moryans. I hope Puntland deals with these people and gives as much attention its giving galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyaad Hubeysan Oo Qabsaday Saldhiga Degmada Cabudwaaq, oo ay Maalin ka Hor Golaha Maxkamadaha la wareegeen.

Posted to the Web Nov 23, 02:36

 

 

CABUDWAAQ-Wararka inagasoo gaaraya Degmada Cabudwaaq ee Gobalka Galguduud, ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedyo si aad ah u hubeysan ay qabsadeen Saldhiga Degmada Cabudwaaq, oo ay maalin ak hor ciidamo taabacsan Maxaakimta Islaamiga ay gacanta ku dhigeen.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa ii xaqiijiyey in ay habeenimadii xalay aheyd ay ku baryeen cabsi xooggan, iyagoo ka baqanaya in ay dagaal fooda is daraan maleeshiyo beeleedka qabsaday saldhigga degmada iyo kuwa taabacsan Maxkamadaha islaamiga.

Maleeshiyaadka qabsaday saldhiga oo si aad ah u hubeysan ayaa waxaa hogaaminaya qaar ka tirsan Saraakiishii ciidamada ee Degmada horey u joogi jiray, iyagoona sida ay wararka inagu soo gaarayaan ay sheegeen maleeshiyaadkaasi in ay ka bixi doonin marnaba saldhiga, oo ay doonayaan in ay duulaan kaga saaraan degmada Maleeshiyaadka tirade yer ee Maxkamadaha ka tirsan ee soo galay maalinimadii doraad aheyd.

 

Docda kale afhayeen u hadlay Maleeshiyaadka Maxaakimta ee la wareegay Cabudwaaq, ayaa sheegay in ay wal walwal ah ku haynin maleeshiyaadka saldhiga la wareegay, islamarkaana uu haatan u socdo wadahadal la doonayo in is faham lagu dhex dhigo labada dhinac.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

my bad on Gedo,however,the similarities is that there won't be any voilence as there was none in Kismayo.The ICU knows how to handle business without further conflict or blood being shed,that is similarity I am talking about here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^There was no violence in kismayu? So what was the Buaale clashes? The Farataag incident, Xasan Turki incident?

 

What were the demonstrations arrests [Hiiraale's wife] and even killing inside the city?

 

Come on Red Sea the clan from Gedo lost kismayu but they are still in a war footing in Bardheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

CLAN this clan that,abti waad danbaysaa.

 

I don't care if most considered "minority" of all Somalis conquers of all lands,as long as they bring peace and goodwill.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this