Sign in to follow this  
MoonLight1

Dayniile's outcry on Maryan Mursal continues.

Recommended Posts

Fadeexad Faneed oo ku dhufatay Maryan Mursal iyo Qoomaal(Qoomaalow ka daa Maryan Mursaley ka daa!, Qaranimadu sidaa mahee ka daa)!

 

Hay’adda fanka waxaa ka buuxa haybad iyo sharaf, waddaniyad iyo qaranimo, mana jiro qof Soomaali ah oo aan abaal u hayn, dad badan ayaa u haysta in ay tahay astaan ka hartay qarankii Soomaaliyeed kana madax bannaan qabyaaladda iyo qayb-qaybinta. Haa waa dhab in ay sidaas yihiin shaarka ay xiran yihiinna uu yahay mid ka tarjumaya dan guud.

 

Haddii ay idin maqli lahaayeen Cabdullaahi Qarshe, Xuseen Aw-Faarax, Maxamuud Tukaale Cismaan, Maxamed Cali Kariye, Cabdi Bashiir Indha Buur, Xasan Shiikh Muumin, Qaasim Hilowle iyo Cali Cilmi Afyare maxay idin oran lahaayeen?, C/qaadir Xirsi Yam-Yam muxuu idiinku jawaabi lahaa haddii uu maanta joogi lahaa? Cabdulle Raage, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Barre Maxamed Fiidow, Guduuda Carwo, Axmed Naaji Sacad, Khadija Cabdullaahi Dalays, Cali Sugulle, Maxamuud Cabdullaahi Sangub iyo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ma yaabban yihiin!.

 

Xirsi Calan Side iyo Asli Calan Sida ma quusteen markii ay arkeen fannaaniintii indhaha u ahayd waddaniyadda oo calan dhexda ku leh xiddig madow u heesaya, xiddigtaas oo macnaheedu yahay in gabal uu u dumey Soomaalidii ku noolayd Geeska Afrika ee beri isla han weynaan jirtey.

 

Allaylehe xilliga adag ee jiilaalka ayaa dadka la kala bartaa waayo xilliyada barwaaqada ee uu qof walbaa ladan yahay lama kala garan karo qofka xun iyo qofka fiican waana la siman yahay, sidaa darteed xilligii jiilaalka (burburka iyo nidaam la’aanta) ayaannu annaguna fannaaniintayadii kala baranay, qof walbana taariikhdaa qori doonta, kii carrabkiisa ku joojinayey falalka xunxun, qabyaalladda, kuna baaqayey midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed, iyo kii koox ama imaarad gaar ah durbaankiisa la daba galay.

 

Abwaan Barre Maxamed Fiidow oo la hadlayey fannaaniinta kadib markii ay soo baxeen sannadihii horraantii sagaashameeyaadii qaar si gaar ah ugu heesay beelo, wuxuu yiri ereyo aan ka xusuusto ‘hay’addii fankaay waajib baa kugu habboon weyne, horseedkii waddaninimo iyo hilinki toosnaaye, hufnaan iyo waddaninimo adaa hoodo u lahaaye, qaarse iney hugunkii ku ambadeen helay warkoodiiye.

 

Maryan Mursal Ciise Bootaan waa xiddig caan ah oo qaali ku ah dadka Soomaaliyeed lagana yaqaan dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, sidaa darteed sharaf dhac ayey ku ahayd iney ku lebbisato calanka Maamulka Somailand taas oo macnaheedu yahay in ay horseed u tahay kala go’a dadka Soomaaliyeed ee aan sinaba u kala maarmin.

 

Dhab ahaantii heestii ay dhowaan ku ammaantay maamulka Soomaaliland waxay ka koobnayd wax dhab ah oo yididiilo iyo dhiirri gelin mudan sida nabadda iyo nimaadka ka jira dhulkaas, hase yeeshee baddu waxay calawdey oo ay doontu nala ciirtay calan madmadow leh markii loo cimaamaday, mana ahayn in ay sheekada gaarsiiso heer la kala gooyo dalka.

 

Maryaney waad ogtahay in xitaa fannaaniinta Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda ay ka gaabsadaan ku dhawaaqitaanka goonni u go’a maamulkaas, adigu (oo aan u dhalan Somaliland) sidee ugu dhiirratey falkaas, ma kugu filan yihiin dadka Hargeysa oo keli ah inaad u heesto? Haddii ay jawaabtu tahay haa markaa sidaa doonto yeel, malaha dano gaar ah oo aad ilaashaneysey ayaa meesha soo galay, imisaadse taageerayaal aad lahayd lumsay.

 

Waxaan telephone kula sheekaystay mid kamid ah gabdhaha fannaaniinta ah ee Soomaaliyeed ee magaca weyn leh si aan ula baroorto, waxaan wax ka weydiiyey sida ay u aragto Maryan Mursal waxanay iigu jawaabtey.

 

“Een Eeddo Maryan waa gabadh fiican oo la wada jecel yahay cidina kama Soomaalisana laakiin mab’da maleh, lixdii bilood ee Maxaakiimta sannadkii 2006, Xamar ayey tagtay ooy kaga dhawaaqday in ay fankii joojisey, iyada oo xijaaban markaas waxay u jeeddey in ay odayaashii xilligaas qanciso, maantana hadde odayaal kale bay qancineysaa mase foga, berrina ka eeg munaasabadda Kowda luulyo”.

 

 

Maxamed Axmed Qoomaal waa fannaan cod macaan oo aad loo jecel yahay wuxuuna fannaaniinta Soomaaliyeed kaga jiraa khadka dhexe ee sida aadka ah looga dambeeyo, waxay marar badan codka isu dhiidhiibeen qalanjadii kooxda Dur-Dur, Sahra Abuukar Cabdi (Sahra Dawo), riwaayado xiiso leh oo uu wax ka soo jilay ama uu arbe ka ahaa ayaaba jirey sida Gacal Gabdheed iyo Guur Hallaabay iyo Ninba Dahab Lumay Si U Doon Doon iyo kuwo kale sannadihii siddeetamaadkii, waxaa iigu dambeysey isagoo heeso waddani ah oo xoojinaya midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed qaada, sannadihii sagaashameeyadii, malaha inuu intaas ku joogsado baa u sharaf fiicnayd, waxa ii xigtey isaga oo maalmahan u heesaya oo ammaanaya mid kamid ah hoggaamiyayaasha dagaalka ee Soomaalida, (Xasan Daahir Aweys) , hoggaamiyahaas waa loo heesi karaa lana ammaani karaa waase goorma? Markii loo doorto madaxweyne Soomaaliyeed, waayo waa mawaadin Soomaaliyeed, taas cid diideysaa ma jirto, yaase ka ceeb badan fannaan caan ah oo hoggaamiye kooxeed u heesay, waxaa taa loo fasiran karaa in Qoomaalow aad kooxdiisa oo keli ah ku egtahay kana baxday xuduudii Fannaanka Soomaaliyeed, alow maxaad adiguna taageerayaal badan oo aad lahayd maalintaas lumisay.

 

Carabtu waxay ku maahmaahdaa “habeenka waxaa ugu mugdi badan saacadaha dambe ee uu waagu soo dhow yahay”, Maryan iyo Qoomaalow haddii berrito dib loo helo wada jirkii iyo qaranimadii sow weji gabax idinku dhici maayo.

 

Waa markhaanti cad oo tilmaamaya in burburku meel kasta galay, siyaasad,saxaafad, isboorti iyo fannaaniintii, waxana u soo jeedinayaa fannaaniintaas in ay ka baxaan waxa ay ku jiraan cafisna weydiistaan Hal Abuurka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xirsi Calan Side iyo Asli Calan Sida ma quusteen markii ay arkeen fannaaniintii indhaha u ahayd waddaniyadda oo calan dhexda ku leh xiddig madow u heesaya, xiddigtaas oo macnaheedu yahay in gabal uu u dumey Soomaalidii ku noolayd Geeska Afrika ee beri isla han weynaan jirtey.

:D Is That what the black star means JB? never knew that.

 

hase yeeshee baddu waxay calawdey oo ay doontu nala ciirtay calan madmadow leh markii loo cimaamaday,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Tecnhically, Maryan Mursal can still claim that she hasn't gone back on the one-Somali vision. She may be singing to the regional state of Somaliland which in her mind will be part and parecl of the federal State of Somalia. There is no shame in having regional flags in that case.

 

Personally, I have never been a fan of her music or her personality. Her latest mindless hip-wagging about Somaliland is in sync with what she is known for. She is deficient on principles. What is sad is that is so pretentious that even a kid of three years can tell.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ish calaa soowd,,afkaaga caana lagu qabay Maryan Mursal Ciisse Bootaan,Alaaya cisig naaxiyada Fanaan Mulaxamiiste qoomaal.ma kacay mise fariistay markaan daawaday heesta dareenkeeyga dhaqaajisay ee loo tumay Jamhuuriyadda Somaliland

 

Reer koofur nacab mooyee kama nixin nin waxgala muuqaalka fanaaniinta ku lebisin calanka sedex Colour leh ee ka turjumaya micnaha qotoda dheer,laguna gadaamay kelmadda qiimaha badan.

 

Maryan Mursal iyo Maxamed Axmed Qoomaal waxay guteen waajib saarnaa,waxay meteleen shacabkii koofureed,waxay walaalaheena Somaliland uga garaabeen gefafkii hore uga dhacay waxma garatadeena.

 

Cidda maagtay Somaliland ee ka xun heesta loogu dabaal degay waxaan leeyahay "NAF YAHEEY TAAGTA DARAN GURIGAAGII BAAD GUBTEE GAABSO"

 

Barakacayaashii Mogadishu ee Hargeysa sida gacaltooyada leh ugu hayaamay,way u wada riyaaqeen,malaha indha aan aragbaa jiree,sawiradii soo dhaweeynta Maryan Mursal safka hore ayey uga jireen Madaarka Hargeysa.

 

Cadaawadu ma fiicnee,soowteey Caruurtii reer koofur heesta qarniga wada xafideen oo dariiqii aad martaba ay qaadayaan SOMALILAND.

 

Ma arag mana maqal hees ka naqshad wanaagsan music,laxan cod iyo jiib,marbaan isweeydiiyay Qoomaal soowtuu reer Buulo Amxaaro ahaa ayaa baray seeyliciga,markaas baan ku qancay maahee,iyagaaba laga soo gaaray codka jeedaalan.

 

Hadaan isbadnay heeryadda gumeeysiga,horena u socon weeynay,hadalna maqli weynay,ma halkaan joogo ila joogbaa,ma hagardaamadii nacastaa,ma haleeysku dul dhintaa?

 

Haa,waa sida aad rabtid laakiin hoowrarsan waa,hala kala badbaado,hore u socodoow dhaqaaji,hantaatacee y naf is geli.

 

Waa Mudan tahay Maryan Mursal Hambalyo,halkeey joogtaan ugu dirayaa,hadaanu nahay reer koofureed,halyeeyada Somaliland,hees ka badan waa muhiim inaan u wada hibeeyno.

 

Hadal duul duula ayaan ku maqlay,hebel hebelbaa ku doodayo shanta Somaliweyn iyo wadaniyad.

 

Shanta Somaliweyn ma uun Somaliland iyo Somalia,mise cadaawad gaara ayaa boor isku qarisku yahay.

 

Midowga Somalia iyo Somaliland horta yaa keenay,yaa ka shaqeeyay,hadaad garan weydo micnahu wuxuu yahay,aqal gubtay oo jecel in lala gubto.

 

Allaha na amaansado,Somaliland allaha guuleeyo,waa naga itaal.

 

qof wax diiday oon wadin ,wixii uu ka doorbiday wuxuu doonayaan jirin.

 

Koleey aragtideeyda,arrimah a jira markaan eegay,malaha ima soo mari doonto maalin iiga farxad badan anigoo dhaayaha ka qaado,Somaliland,Som alia iyo Jibouti oo ka wada mida dowlad goboleedka IGAD,calamadoodana ay ka babanayaan Golaha Amaanka,shacabkuna bareere iyo Barwaaqo joogo.

 

Dulucda maqaalkeeyga kooban waxay tahay,Wadaniyadu waa sida ay sameeyeen Maryan Mursal iyo Qoomaal ee gobanimada leh,qofkii ka naxayna soowtii hore loo yiri "KA NAXOO NAFTA WAA...guul iyo gobanimo Republic of Somaliland.

 

 

By Dahir Abdulle Alasow

 

dahiralasow@yahoo.co m

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by Jacaylbaro:

Imikay dhuuni raac noqotay miyaa ? ,,,,,,,,,,,, cajiib

Saxb, Magool meeshay haybadeedii ku danbeeysey ma xusuusata? Fanaaniintu qabiil iyo leef leef yar waa ka wayn yihiin, Xoogaga ay Hargaisa ka soo ka dib, markay ka dhamaato, Iyada oo idinku shidi hadaad aragtid ha la yaabin ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

^Lool, maxaan ladhiman waynay ma anagaa idinka maaranna, waar dee waanu idin jecelnahay
:D

Lool horta idinku is jecladaa

jacaylkayagu ha idin danbeeeyo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

Koonfurians xata waxay ka xanaqaayaan fananaad noo heestay waleh angu ictraaf helna na wabay dhiman lahayeen..
:D

why shouldn't we???

 

somali ma kala maarmaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

If Somalia is one and you believe that than watz with all these calaacal and wailing over Maryan mursal going over there and signing in a city which is according to you part and parcel of Somalia? you guys are either pathetic or have finally excepted the notion that Somaliland is its own country. It's a progress if it's the later.

 

Somaliland singers go to Djabouti(who are against Somaliland indepedence) and we never cry about it!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Its her blessing of Somaliland's recognition as a country they are crying about ninyahow (More xanaaqingly her making the black star flag a guntiino) it is not about her visit there in general, ma garatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

Imikay dhuuni raac noqotay miyaa ? ,,,,,,,,,,,, cajiib

Saxb, Magool meeshay haybadeedii ku danbeeysey ma xusuusata? Fanaaniintu qabiil iyo leef leef yar waa ka wayn yihiin, Xoogaga ay Hargaisa ka soo ka dib, markay ka dhamaato, Iyada oo idinku shidi hadaad aragtid ha la yaabin
;)
Leefleef maxay uga baahnayd Europe baabay ku noolayde ......... Mise hadii Hargeisa loo heeso waa lagu haybad beelayaa ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this