Sign in to follow this  
Liibaan

Isimaddii SSC oo ku soo Qulqulaya Buuro-Wadal, Sool, Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

1264588998_garaado.jpg

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo ku Soo Wajahan Buuro -Wadal

 

Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso Radio Widh-Widh Online in Garaad Jaamac Garaad Cali u ka ambabaxayo Saaxdheer kuna sii jeedo Caroolay iyo Buuro-Wadal..

 

shirkii Issimada SSC uga socday Hol-Hol ayaa soo gaba gaboobay wuxuuna ku dhamaaday guul. Issimada ayaa sheegay in ay dadka ku nool mandaqada SSC u soo bandhigi doonan Go'aamadda ay gaadheen marka u soo gaadho Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka soo ambabaxaya xaruntiisa Saaxdheer.

 

warku wuxuu intaas ku darayan in halkaas lagu wado in Isimaddu ku falanqeeyaan qodobadii shirkii Hol-Hol maadama intii ay degaanka Hol-Hol ku sugaanyeen ay Culays weyn saareen maleeshiyaadka Soomalid-diidka ah iyo Horgolayaash maamulka Hargaysa.

 

Shirkan ayaa sidoo kale waxa wararku sheegayaan in Garaad Jaamac Garaad Calina ka soo qayb geli doono. asagoo sida la sheegay ku soo wajahan Goobtaas.

 

Kala soco Widh-Widh Online Wixii Kusoo Kordha Warkaas iyo Mandaqada SSC..............

 

--

Isimaddii SSC oo ku soo Qulqulaya Buura_wadal

 

Wednesday, January 27, 2010

 

Ka dib markii Isimaddu shalay Aroornimadii ka jarmaadeen deegaanka Holhol isl markaana ay qaarkood gaadheen Garoowe ka dib makii ay ka sii qadeeyeen Carooley ayaa waxaa hada ay u soo jahaysteen Magalada Buura wadal oo lagu wado in ay shirkoodii ku sii wataan.

 

warku wuxuu intaas ku daraya in halkaas lagu wado in Isimaddu ku lafa guraan qodobada shirkoodii Holhol maadaba intey degaanka Holhol ku sugaanyeen ay Culays weyn saareen maleeshiyaadka iyo Horgolayaash maamulka Hargaysa.

 

Shirkan ayaa sidoo kale waxa wararku sheegayaan in Garaad Jaamac Garaad Calina ka soo qayb geli doono. asagoo sida la sheegay ku soo wajahan Goobtaas.

 

Isku soo wada duubo Dadweynaha SSC ayaa si weyn uga dhur sugaya in la maqlo waxa ay isku Raacaan Madax dhaqameedku isla markaana ay uga hadlaan aayaha dadkooda iyo dalkoodaba.

 

Horufadhi News Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

ISIMADA SSC OO KUSUGAN BUURAWADAL

 

 

 

Magalada Buura wadal ee katirsan Degmada Boocame ayaa lagu wadaa in Isimaddu ku lafa guraan qodobada shirkoodii Holhol maadaba intey degaanka Holhol ku sugaanyeen ay Culays weyn saareen maleeshiyaadka iyo Horgolayaash maamulka Hargaysa.

 

Dhinaca kale waxa isna lagu wada in uu maanta gaaro Magaalada buurawadal Garaad jaamac garaad Cali.

 

Tolweynaha SSC iyo Waliba Labada maamul ee looga arimiyo Hargaysa iyo garowe ayaa indhaha kuhaya waxa kaso baxa shirkaas.

 

wixii war ah ee kasoo gordha warkaas kala Soco Boocame Online news Warbaahinta Qarniga Cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

These odayaal wakhtigoodi wu dhamaday

Hadii wakhtigoodii dhamaaday, maxaa keenay in Somalidiidku Garaadada ku soo qaado dagaal niman iska shiraya, oo meesha wada hadal uun kawada

 

Why Somali-diidland is so worried? Don't they know that Garaadadu can meet anywhere in the world? Now SNM failed to stop the meeting of SSC traditional leaders

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Reer Buro-wadal oo maanta casuumey shirki iyo Isimadi SSC

 

fghyrtyrty.jpg

 

Cadaadis Siyaasadeed iyo mid Ciidan oo maamulka Somalidiidka Hargeysa kula kaceen Isimada SSC oo sababtay in Isimadu ay soo gaadhi waayeen go'aan ayna shirkooda inta ka hadhsan u bedesheen Caroolay & Buuro-Wadal..

 

Isimadan oo aan soo bandhigin Go'aamadda ay gaadheen waxa ku soo koobeen in ay shireen isna afgarteen inta dhimana ay ku dhamayn doonaan magaaladda Caroolay oo la filaya in Garaad Jama & Ugaas Farah ay halkaa kula kulm i doonaan.

 

 

RiinjinewsUpdate

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Halganka loogu jiro in la xoreeyo dhamaan SSC waa soconayaa, naf iyo maal ba waa loo horayaa, bilo, sanad, toban, boqol ha qaatatu insha Allah shacabka SSC waa gaadhayaan himaladooda oo ah in dhulkooda xoreeyaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe,(Lasanod Online)- Isimada SSC ayaa maanta ku kulmaya magaalada Buuro Wadal, kulankan oo ah mid la xidhiidha wada tashigii beryahan..

 

 

Uga socday Isimada magaalada Holhol.

 

Waxaa la filyaa inuu maanta soo gaadho Buuro wadal, garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmahii lasoo dhaafay joogay Magaalada Saaxdheer.

 

Isimada ayaa sheegay inay go'aanada shirka Holhol dib ugu dhigeen, la tashiga Garaad Jaamac oo isagu aan ka qaybgelin shirka Holhol.

 

Isimada waxaa shalay casuumad qado loogu sameeyey magaalada Carooley ee ka tirsan degmada Taleex.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in marka go'aanka laysla qaato ay isimadu geli doonaan socdaal wacyi gelin ah oo ku mari doonaan deegaanka SSC, welina lama magacaabin goobaha ay tegi doonaan.

 

Bulshoweynta SSC ayaa aad ugu dhig taageysa go'aamada shirka Holhol, oo sida la filayo ilaa maanta lagu dhawaaqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this