Sign in to follow this  
Che -Guevara

Alleged ONLF members released from Bosaso's jail?

Recommended Posts

Maamulka Puntland oo Xabsiga Bosaaso ka sii daaynaya Sedex Ruux oo loo haystay in ay ka tirsanyihiin ONLF iyo Isimada oo arintaasi ka hadlay.

 

Jimco, April 02, 2010 (HOL) - Madaxwayne ku xigeenka DGPL C/Samad Cali shire ayaa Cafis u fidiyay sedex ruux oo ka soo jeeda Ismaamulka Somaalida ee Itoobiya,kuwaasi oo Muddo ku xirnaa Xabsiga Bosaaso.

 

Waxaa Cafiska sedex ruux loo fidiyay ka qayb qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka ,Waxaana shir ay ku qabteen Magaalada Bosaaso shalay ay ku tilmaameen in ay so dhawaynayaan cafiska Raggan loo Fidiyay.

 

Godoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali yuusuf ayaa sheegay in Mid kamid ah ragga la cafiyay oo ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato uu gaynayo Cisbitalka Bosaaso si xaaladiisa xaafaad loo daryeelo.

Ragga Cafiska loo Fidiyay ayaa labo kamid ah lagu kala magacaabaa C/teerso iyo C/fitaax Maxamed,Waxaana Cafiskooda soo dhaweeyay qaar kamid ah Isimada Puntland.

 

Maamulka Puntland ayaa 15 bishii octobor ee sanadkii hore Gacanta ku dhigay 5 ruux oo ka soo jeeda ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,Waxaana raggii la qabtay Mid ka mid ah uu ku dhex geeriyooday xabsiga Bosaaso ,halka mid kalena loo gacan galiyay Itoobiya,taasi oo markii danbe xiisada ka abuurtay gudaha puntland.

 

Isimadii shirka qabtay waxaa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ,suldaan Maxamed yuusuf,Nabadoon C/casiis iyo kuwa kale oo fara badan ,Waxaana ay xukuumada ka codsadeen in la xaq dhowro Walaalaha Somaaliyeed ee Ocadenia.

 

Ugu danbayntii Cafiska raggan loo fidiyay ayaa Meesha ka saari kara Khilaafkii ka dhex taagnaa Hogaanka ONLF iyo Madaxda Puntland oo dhowr jeer lagu eedeeyay in ay xiriirka labada shacab xumaynayaan.

 

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo Xabsiga Bosaaso ka sii daynaysa 3 ruux oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin ururka ONLF

Posted to the Web Apr 02, 10:30

 

Boosaaso:-Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Puntlland Gen. C/Samad Cali shire ayaa maanta waxaa uu cafis u fidiyey 3 ruux oo ka soo jeeda soomaali Galbeed oo ay ciidanka PIS ka qabteen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

3 ruux ee maanta cafiska loo fidiyey ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey culimada ku nool Puntlland ,Isimada iyo waxgara kale duwan ee ku nool Puntland ,3-da dhalinyaro ah ayaa lagu haye Xabsiga Boosaaso iyadoo dhowr jeer ay saxaafadu tabisay in loo gacan geliyey dalka Itoobiya.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Sh C/xaafid Cali yuusuf ayaa saxaafada u sheegay inb ragga la siidaayey loo samayn doono daryeel caafimaad lana eegi doono caafimaadkooda ,dhalin yarada la sii daayey ayaa waxaaa magacooda lagu sheegay C/teerso iyo C/fitaax Maxamed.

 

Qaar ka mid ah Isimad Puntlland oo shir jaraaid ku qabtay Boosaaso ayaa ka digay in dad Soomaaliyeed loo gacan geliyey dal aan daris nahay balse haddii ay danbi galeen lagu maxkamadeeyo Puntllnad,Isimada shirka qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ,suldaan Maxamed yuusuf,Nabadoon C/casiis Afgaduud.

 

Maamulka Puntland iyo S/lland ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore ay gacanta u geliyeen dalka Itoobiya dhalinyaro ka soo jeeda Ismaamulka Sooomaaliya ee ay Itoobiya gumaysato arinkaas oo noqday mid dhaqan soomaali iyo diinta Islaamka ka horimaanaya.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

magacooda lagu sheegay C/teerso iyo C/fitaax Maxamed.

Teerso ma kii Zack lahaa baa dilbaa Ethiopian-ku xukumeen? Mise waa mid kale?

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is good news. I welcome the release of the three imprisoned kin folk.

 

Inshaallaah they will get medical attention and will be treated well.

 

I thank President Farole for given them amnesty earlier and also the VP of Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire for releasing them now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Gheelle.T:

quote:magacooda lagu sheegay C/teerso iyo C/fitaax Maxamed.

Teerso ma kii Zack lahaa baa dilbaa Ethiopian-ku xukumeen? Mise waa mid kale?
Gheele, ninkaan anu sheegayay waagii waxaa la yiraahdaa Abdi Ahmed oo ku magac dheeraa Teerso, ninkaasu waxuu ku xidhan yahay addis ababa xabsi ku yaalo wali. Allaha u fududeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this