Sign in to follow this  
nuune

TFG, ARS, SL PL all in Djibouti right now

Recommended Posts

nuune   

Geelle called the parties together again after TFG Yeey disrupted the conference earlier on:

 

 

Geelle = mar kale ku soo dhawaada madasha shirka

TFG Yeey = iga raali ahoow Mudane Geele, shalayto xoogoow wadnahaa i yara kacsanaa ma dooneen inaan shirka qaso

TFG Cade = markii horeba wadna meesha kuma aadan heyn

PL Cade Muuse = war Nur Cade, waa ku sidee

ARS Shariifka = ujeedada iyo muhiimada fadhigan aanu guda galno

SL Riyaale = waaxey ujeedada, mabda' aad ku socotaan maba jiree hadaad Soomaali tihiin

Aweys = haa Hassan Turki, shir baan ku yara jiraa ee igu soo celi waxoogaa kadib

Hassan Turki = kugu soo celin maayo ee yaad la shireysaa oo baas, eegga unbaan jaanis kuu hayaayee

Aweys = anaa kuu warrami doono

Hassan Turki = qolyihii ONLF xarun ay Dhoobleey ku lahaayeen ayaan wacdaro ka muujiyey

Aweys = ii balbalaadhi hadalka

Hassan Turki = waan kugu soo celin khadkaa la ii soo galayee

 

 

Geelle = hadeynu guda galno gunta iyo gogol-xaarka aan idin fidiyey, waxaan doonayey oon jeclaa in muda ah inaan hal meel ku wada sheekeesano, oon afkaar iyo aaraaba is weydaarsano, waxaana aad u jeclaan lahaa inaad mobiladiina off ka dhigtaan si aynu durbaba u dhameesano kal-fadhigan qiimaha leh een wali horey loo arag sidiisa oo kale

TFG Yeey = haa Madoobe, iman maayo Baydhabo hada, laakin waan soo socdaa ee u qeylo dhaan xildhibaanadii Nayroobi joogtey si ay durbaba u yimaadaan Baydhabo, ha iga sii horreeyaan

Madoobe = widaaw wala kiin sheegtoo ani ma fahmaaw kiin naqy mug kale

TFG Yeey = Maalinta Sabtida ayaan imani Baydhabo ee la soco

ARS Shariifka =Cabdullaahoow teleefanka off ka dhig oo akhlaaqda muuji

TFG Cade = nin ka dhib badan wali maan arag, sidii labaatan jir ayuu u dhaqmayaa

SL Riyaale = dee wadno labaatan jir baa ku rakkiban, niman culus ayaad tihiin wax fahma

TFG Yeey =afar indhood Riyaale, maxaa i kaa daba dhigey illaa xilligii Siyaad saas unbaad iiga daba yoontameysaa unee

 

 

PL Cade Muuse = Allaahu mustacaan, halkaas afar markab ayaa ku xiran, laba ka mida waa la ogolaadey madax furashadoodi oo malaayiin doollar kor u dhaaftey

TFG Yeey = abshir, abshir, waa deeq Rabbi, waa canshuur soo xarootey, nimceesaney

SL Riyaale = ciidama Somaliland oo la dagaalama budhcad badeeda xeebaha ayaan ansixinnay dhawaan, mareekana waa imanayaa

PL Cade Muuse =Sool iyo Sanaagba waa Puntland

SL Riyaale = budhcad badeed ayaan ka hadley waxyahow boqolka wax ku fahma

ARS Shariifka = Mudane Geelle hadalka wado wixii murmayo ha murmaanee kuwani kuwa ixtiraam leh ma ahan

Aweys = Soomaali baanu nahay murankaanu isku weedaarsanaa afkaarta

Geelle = niman waaweeyn ayaad tihiin, oo anigu madaxweyene qaran ayaan ahay hawla badana wey isugayaan, waqtigu waa muhiim

 

 

ARS Shariifka = wa ayo qofkani,

Indhacade =helloow, ma i maqashaa, helloow, haa

ARS Shariifka = war maxaad ii soo wacdey

Indhacade =Muqdisho ayaad u soo socotaa ayaan maqley

ARS Shariifka = hadalkaaga dooni maayo shir baan ku jiraa ee khadka iiga bax

Indhacade =nin wareersan ayaad tahay habeen iyo maalin sidaa shir ugu jir, doollar baad dhadhansatey waan kula socdaa

 

 

To be continued .......

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

TFG Yeey = iga raali ahoow Mudane Geele, shalayto xoogoow wadnahaa i yara kacsanaa ma dooneen inaan shirka qaso

 

TFG Cade = markii horeba wadna meesha kuma aadan heyn

 

PL Cade Muuse = war Nur Cade, waa ku sidee

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ I like how IndhaCade talks as well, he is complete joker, wuu qeeliyaa markuu hadlayo, his catch phrase "walaaloow walaaloow" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ :DSheikh Sharif is the ARS Shariifka, not the other Sharifka of former Parliment leader, hence the last bit of the story IndhaCade callin sh.shariif and talkin on da phone.

 

si fiican uma aadan dhuuxin Xaaji Allamagan :D

 

 

Waa runtaa magacyadaa isku eg lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nunow warkaadi wax rumobaya ayuu u egyahay. Ragga shekada ku jira badankiis waxay hadda isla joogaan hal hotel oo jabuuti ku yaala si hoos hoosena ayaa kullamo ugu socdaan. Rag kalena waa la sugayaa ayaa la yiri oo YEY ku jiro in aay soo gaaraan oo film-ka ninba meel ka soo galo. Waa sida ad u dhigtaye marba mid baa madaarka laga dooni doonaa illaa kuraasta oo dhan la soo wada buuxsho. Si kastaba umalaynmahayo inuu ina Aweys soo gaari doona raggan kale balse la arki doonee. :D:D

 

Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee wadanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa xaqiijiyey in caawa magaalada Jabuuti gaar ahaan hotelka Kambiski ee magaaladaasi ay ku wada suganyihiin Ra’iisulwasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde,g udoomiyaha isbahaysiga dib u xoraytan garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin kuwaasoo ilaa hadda aan la ogeyn waxyaabaha isu keenay iyo waxa ay ka wada hadlayaan, waxaa la sheegay in casuumaad ay ka heleen Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Mr. John Yates.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this