Sign in to follow this  
nuune

TFG, ARS, SL PL all in Djibouti right now

Recommended Posts

nuune   

Is Geelle playing a game that we all don't know, kudos to him for inviting all parties to Djibouti.

 

 

How a face to face conference with all those entities look like.

 

TFG split into two, Yeey & Cade

 

Geelle = Soo dhawaada wadanku waa wadankiina

TFG Yeey = Soomaali ha noolaato, ha is raacdo

TFG Nur Cade = Shirkii dib u heshiisiinta eynu dhameeno durbaba

Geelle = in loo wada dhanyahaan jeclaan lahaa

TFG Yeey = shirku muxuu ahaa, yaase shirayo

TFG Nur Cade = adigu maxaad ka ogtahay shir iyo nabadeyn xabbad iyo qori baad ku soo kortee

Geelle = sug Nuuroow waxyar

TFG Yeey = Geelle, bal u kaadi muxuu sheegayaa, inaan dhafoorka ka toogtuu rabaaye

TFG Nur Cade = kooxdii ARS ma waad aragtey maalmahan

Geelle = wey joogaan, saxiixii aad wada saxiixdeen bey ka soo fiirsanayaan

TFG Yeey = waa kuma ARS, maxey ahaayeen

TFG Cade = wajigaaga iga qari Cabdullaahiyoow.

 

Geelle= soo dhawoow sheekhoow

ARS Shariifka Alaykum waslaaam

TFG Yeey = oo ma anagaa salaam alaiku ku niri

Geelle= Cabdullaahiyoow dhibka jooji

ARS Shariifka= salaanta Islaamku waa waajib

TFG Yeey = aad baan kaaga aqaanaa diinta gardheeroow

Geelle= xageed wax marineysaa shariifoow

TFG Yeey = xaguu marin lahaa halkan buu gadhka taagayaayee

ARS Shariifka= hawlihii nabadeynta meel fiican bey marayaan xamarna waan la xiriirey

 

PL Cade Muuse= war maxaad sheegteen

Geelle= soo dhawoow mudane Cade Muuse

TFG Yeey = waa saaxiibkey, waa saaxiibkey Cade Muuse, Ilaahoow kheyr ku sii

ARS Shariifka= Salaanta Islaamka ayaa la isku salaamaa

PL Cade Muuse= Shariifoow xagaa iiga durug waxyar

TFG Yeey = boqorkii beesha iyo bartii aynu isla ogeyn xagee marayaan.

PL Cade Muuse= beeshu barwaaqey ku jirtaa barri iyo badba inagaa u talina

TFG Yeey = warkaasaa i maraya alleylahay mar hadeynu badihii hareenay

 

SL Riyaale= aryaada, ar maxaad sheegteen, waaxey dadkani

Geelle= Madaxweyne Riyaale soo fadhiiso

SL Riyaale= ar dhax fadhiisan maayee kuwan is cunayee maxaad iigu yeertay

TFG Yeey = Riyaaloow ma sidan baa kaa dhab ah, wallee mawqifkaagu waa tagey

SL Riyaale= naw, xagaa iiga beedh niyahow

ARS Shariifka= Agteyda soo fadhiiso Riyaaloow

SL Riyaale= oo yaad aheyd adiguna gar casyahow dharka malaku mawtka xiran

Geelle= sii sheekeesta waan idiin soo laabanayaayee, kooxdii Asmara ee Aweys ayaan Airportka ka soo kaxeenayaa

 

 

To be continued...............

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL :D:D:D

 

i think these are the best two - and quite possible for them to say: :D

TFG Yeey = Geelle, bal u kaadi muxuu sheegayaa, inaan dhafoorka ka toogtuu rabaaye

TFG Cade = wajigaaga iga qari Cabdullaahiyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

While Geelle was away waiting at the airport for Aweys to arrive from Asmara, the boys as usual were havin great conversation:

 

 

TFG Yeey = war maad fadhiisatid ama na dhaaftid waa adigan Somaliland ku wardinayee sidii wadaad tusbax ka lumey

ARS Shariifka = Cabdullaahoow ixtiraamku waa sheyga ugu muhiimsan akhlaaqda iyo hab socodka nolosha

TFG Yeey = orodoo masaajidka tag, maxaad halkan ka qabanaysaa

PL Cade Muuse = gardheeroow adiga ma sabtida iyo salaamaha miyaad ka shaqeeyn jirtey

TFG Cade = Riyaaloow bal agteyda soo fadhiiso aniga nin shacab ayaan ahay oon waligiis qori qaadane

SL Riyaale = Nuuroow mahadsanid, adiga unbaan ku fahmayaa talaw Geelle argagixisuu dooney miyaa, alla maxaa bambaano halkan ka qarxi doona haduu inagu keeno Aweyskii waalnaa halkan

 

PL Cade Muuse = Cabdullaahoow maxaad ku qosleysaa

TFG Yeey = waxaan ogahay kol haduu Aweys halkan ka soo galo in ay naftu naga wada bixi gidigeen hal naga hari maayo

PL Cade Muuse = oo bullet proof ma xirnid miyaa, jaakad weynoo bullet proof ayaan gashnahay iskamana dhigo, shaatiga afar jeeblahana qalab baa iigu qarsoon

TFG Yeey = kol haduu qof inaga dhiman shoow anaa ku wanaagsan cimri iima harinee

PL Cade Muuse = Cabdullaahoow saas ha oranin, maanta wiil yar baad u egtahay, maalin aad ka indha qurxoontahay maan arag anu

 

ARS Shariifka = dhimashada Ilaah baa leh

TFG Cade = Ilaah ka sokoowna idinkaa u sabab ah intaad wiilal yaryar soo dirtaan si ay isu qarxiyaan

ARS Shariifka = ma Aweys baad la hadleysaa ma uusan iman waliyee

SL Riyaale = labaatan sano ayaad is cuneyseen, walina afkaad iskula jirtaan oo waad is raamsanaysaan, weger

TFG Yeey = Allahaa Alle ma yahay, naga aamu, aamuskaad ku wacantahayee

 

 

To be continued..... next Geelle brings up Aweys into the table

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

WWAD? What would Aweys DO? or Say? how will Yeey react? Keep it up? This is a good play - I was visualizing the real Riyaawad being played -

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Aweys arrived from Asmara and joins the team:

 

Geelle = Salaamullaah saaxiibayaal, Waa Sheikh Aweys oo inagu soo biirey soo dhaweeya wadaadka

TFG Yeey = Laa Illaaha Illalaahu Maxamada Rasuulullaah

ARS Shariifka = Astawfurullaah

TFG Cade = yaaya

PL Cade Muuse = waa markii naloo yaabi lahaa

Aweys = Maxaad sheegteen Soomaaliyeey

SL Riyaale = Reer Banii Haashim baanu nahay anagu Soomaali na lama yiraahdo

Geelle = Maanta waxey ii tahay maalin farxad leh, Aweysoow kaalay agteyda fariiso oo hanjabaada jooji iyo indha gaduudiska

 

TFG Yeey = haa hello, wa ayo qofkani, Zenaawi aa, ha isoo wicin waryaa tuunjiyahow bidaartu hooftey

Melez Zenawi = xukuumadii aan kuu dhisey iyo xukunkii aan farta kaa saarey waad ku tumatey waad yara tallaabeyneysaa ood tukubeysaa ee sideed damacsantahay

TFG Yeey = Ciidankaagu hadaad la baxeyso xor ayaad u tahay waxba ha is xayirin Carab baa i garab taagan

Melez Zenawi = iigu dhiib Nur Cade aan la hadlee

TFG Yeey = kala xiriir telefankiisa

Melez Zenawi = waa laga xirtayee bal iigu yara dhiib madax adeega jooji wax kastaa waa jiggir yallamee

TFG Cade = haa Melezow, anaa barriba imaan Addis Ababa

TFG Yeey = Shirkan waa bannad, ma soconayo, isii telefanka waryaa aabahaa cunee

 

Aweys = niman waa weyn baad tihiinee kala roonaada roob ha inoo wada da'ee

PL Cade Muuse = wallee waa yawmul qiyaama Aweys oo dhaxdhaxaadin iyo nabadeyn wado

Aweys = waligeyba nabadoon ayaan ahaa ee warbaahintiina wareersan ayaa iga faafisey been iyo bah-dil.

ARS Shariifka = Tigree laga amar qaato oo sidii quutul yawm lala tashado waa tu aan sugeenay

TFG Cade = yaad u dan leedahay Shariifoow

SL Riyaale = maxaad iigu yeertay madaxweyne Geelle

PL Cade Muuse = Waan idin soo laaban Maraakiibtii la qabsadey mulkiilayaashooda ayaa ila hadlayee

TFG Yeey = waa xiranyahay fadhigan, bannad weeye, anaa bannadey

 

 

To be continued ........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Nuune Salaams saaxiib!

 

Waxaan kuu sheegayaa ninka la yidhaa BOB inuu yahay falso oo uuna joogin South Africa. Anaa hadda ka imid oo soo waayey, PM'kana wuu ka carrarayaa.

 

Tolow ma leshoto ayuu joogaa oo wuu is qarinayaa??

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Juje, Inshaa Allaah when I get the time I would bring it on, it maybe never ending saga though.

 

 

Good to see Somali Tabloid Sites publishing this encounter between the various groups of Somalia.

 

 

Yes, Somali news websites had their interest in our stories here in SOL and are entertainign their readers with our pieces smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this