Sign in to follow this  
ANWAR

Muqdisho:Saacadaha soo socda waan soo af jareynaa dagaalada ka socda Muqdisho

Recommended Posts

ANWAR   

smile.gif -Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Maxamed Maxamuud "Gacma Dheere" ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho isagoo sheegay in guud ahaan magaalada Muqdisho ay gacanta ugu jirto dowladda Federaalka wuxuuna sheegay in saacadaha soo socda ay soo afjari doonaan ciidamada dowladda iyo saaxiibadood Itoobiya inta harsan.

 

"Dagaalada saakay ka bilowday magaalada Muqdisho waxay qeyb ka yihiin howlgalada dowladda ay ku islaaxineyso caasimada waxaana cadeyneynayaa in howshu ay u socoto sidii loogu talagalay" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gacma Dheere oo saxaafada la hadlayey.

 

"Muqdisho waa mid haatan inta badan gacanta ugu jirto dowladda, waxayna ciidamada dowladda ay ku guuleysteen in ay eryaaan dhamaan kooxihii dowlad-diidka ahaa, waxaana filayaa in saacadaha soo socda la soo afjaro howlgalada ciidamada dowladda wado" ayuu sii raaciyay Gacma Dheere.

 

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa kaloo uu sheegay in kooxihii ka soo horjeeday dowladda ay kala carareen isla markaana aysan jirin meel ay ku sugan yihiin oo la ogsoon yahay iminka.

 

Gacma Dheere ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay guryahooda ku jiraan oo aysan banaanka u soo bixin inta howlgalka laga soo afjarayo oo waqti gaaban kadib soo gabagaboowaya.

 

Dhanka kale waxaa haatan duqeyntii ka socotay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay u weecatay dhinaca miisaanka dhuxusha walow ay hakad geliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya waxaana socda madaafiicda taangiyada laga tuuro iyo PM-ka oo si xoogan loogu garaacayo goobo cayiman oo ay ku harsan yihiin kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Muqdisho:Diyaaraddaha Qumaatiga u kaca oo duqeyn xoogan ka wada soonaha warshada sigaarka iyo taraqa, taliskii hore ee ciidanka guulwadayaasha iyo xero jarmalka.

 

 

smile.gif - Waxaa weli socda dagaalada saakay dib ugu bilowdeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo goobo hor leh ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen waxayna ku sii siqayaan goobo kale oo ciidamada kasoo horjeeda ay rasaas ka soo ridayaan.

 

Diyaaraddaha qumaatiga u kaca ee Helicoterska ayaa bilaabay iney duqeyn xoogan ay ka geysteen goobo ay ku xoogan yihiin maliishiyooyinkii ka haray maxkamadaha.

 

Agagaarka warshada sigaarka iyo taraqa, iyo taliskii hore ee ciidanka Guulwadayaasha umada iyo xero Jarmalka ayaa diyaaraddaha qumaatiga u kaca duqeyn xoogan ay ka wadaan iyadoo ay ay gubeen xarumo shidaal oo lagu taageeri jiray kooxaha maliishiyada kasoo horjeeda dowladda iyo xarumo kale.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dadweynaha sameecadaha codka dheereeya kula hadlaya iyagoo u sheegaya in aysan dooneyn in waxyeeleeyaan dadka rayidka balse ay baadigoobayaan kooxaha haraadiga maxkamadihii Islaamiga ee iska caabinta kula jira dowladda.

 

Waxaa soo badana khasaaraha uu dagaalkan geystay iyadoo dhowr madaafiic ay ku dul habsadeen dad ku sugnaa guryahooda ay ku geeriyoodeen tiro gaareyso 8 ruux iyo dhaawaca 12 qofood oo qaarkood dhaawacooda uu aad u culus yahay.

 

Howlgalkan ayaa waxaa uu yahay mid dowladdu ay ku dooneyso in ay ku xasiliso amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo horay ay u sheegtay in kahor inta aan la gaarin shirka dib u heshiisiinta oo maalmo ay ka harsan yihiin qabsoomadiisa xasilin doonaan amaanka gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyad Barre used to say "cagta waa marinayna laba usbuuc gudahood waan ku soo afjarayna".

 

The only thing they usually accomplished were to uproot the civilians and the nomads and in the process bolster the insergency with more determined fresh recruits.

 

Xoog dadka laguma maquunin karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Waaba qayb dhan oo dagaalka ka mid ah, hadii uu dagaalku noqdo mid shicib, waxaad ogataa in aan laga badan, haday noqoto dhinac kasta tiro iyo tayo labadaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this