Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu latest: Buaale, Sakow and Diinsoor.

Recommended Posts

Ciidamo Dowladda Federaalka K/meel gaarka oo gaaray Degmada Diinsoor

Last Updated::2006-10-16 12:20:53

 

Diinsoor:- Ciidamada DFGM oo wata ilaa 20 gaari oo tikniko ah ayaa shalay gelinkii danbe gaaray Degmada Diinsoor

ee Gobolka Bay iyaga oo ilaa hada la garaneyn in u gudbi doonaan Kismaayo iyo in kale.

 

Ciidammada Gaaray Diinsoor ayaa waxaa wata Saraakiil ku dhashay degmada Diinsoor iyaga oo sida lagu wado taageero siin doona Col.Bare Hiiraale oo Maleeshiyo daacad u ah ay ku sugan Yihiin Saakoow.

 

Xaalada Jubooyinka ayaa iminka kacsan iyada oo Maxaakimta Islaamiga ay ciidamo ku soo daabulayaan Agagaaarka Saakow halkaas oo ay difaac Adag Uga Jiraan.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BU'AALE: Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee maamulkii Barre oo bilaabay inuu urursado Malleeshiyooyin

Posted to the Web Oct 16, 10:20

 

 

Bu'aale (PP) – Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee Magaalo madaxda Gobolka Jubbada Dhexe Ducaale Ganaane ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay urursiga Malleeshiyooyin uu ku biiriyo kuwa Barre Hiiraale oo damacsan inay dib ula wareegaan maamulka Gobollada Jubbooyinka.

 

 

Ducaale Ganaane oo ay si weyn isugu dhawaayeen xagga fikirka Col. Barre Hiiraale oo laga eryay Gobollada Jubbooyinka ayaa billaabay isagoo ku sugan degmada Bu'aale inuu urursado Malleeshiyooyin isaga ka amarqaata oo ku biira kuwa Col. Barre Hiiraale.

 

 

Guddoomiyaha Degmada Bu'aale intii uu jiray maamulkii Col. Barre Hiiraale intii uu xoogga ku haystay Gobollada Jubbooyinka ayaa la sheegay inuu goostay inuu ku biiro gulufka kacdoon ee uu wado Col. Barre Hiiraale, waxaana lagu soo warramayaa in goobta uu ciidammada ka urursanayo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha.

 

 

Arrintaan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo si toos ah uu uga soo horjeesto ruux ka tirsan maamulkii la shaqeyn jiray Col. Barre Hiiraale Maxkamadaha, waxaana la sheegay inuu ka baqay inay Maxkamaduhu ka eryaan deegaanka uu Madaxda ka ahaa sida ku dhacday Guddoomiyihii Degmada Jilib ee isla Gobolka Jubbada dhexe.

 

 

C/llaahi Macallin Xuseen oo ahaa guddoomiyihii Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe oo xabsiga laga sii daayay dhawaan ayaa lagu amray inuu isaga baxo Degmada oo uu deegaan ahaa u degenaa, waxaana qasab ku noqday inuu isaga baxo degmada, taasoo la sheegay inay cabsi ku keentay xubnihii la shaqeyn jiray maamulladii hore.

 

 

Isku soo wada duuboo Gobolka Jubbada dhexe ayaa ah goobta ugu weyn ee ay isaga soo horjeedaan Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo kuwa Barre Hiiraale lagana cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal kii ugu xoogga badnaa ee dhex mara labada dhinac oo isku haysta gacan ku haytan Gobollada Jubbooyinka.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntladnpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

DIINSOOR: Cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka oo maata gaaray Degmada Diinsoor

Posted to the Web Oct 15, 18:39

 

 

Diinsoor (PP) - Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo wata in ku dhow 20-gawaarida dagaaalka ah ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, iyagoo halkaas ku soo sameeyay indho-indheyn.

 

Ciidammada Gaaray Diinsoor ayaa waxaa la sheegay inay u kuurgaleen xaaladda ammaan ee degmada Diinsoor oo xad la leh Gobolka Shabeellada Hoose halkaasoo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha Midoobay dabley ka amarqaadata.

 

 

Waxaa la sheegay in socdaalka ciidammada qalabka sida uu ahaa mid sahan ah, waxaana dhowr jeer oo hore ay ku tageen sahammo noocan oo kale ah deegaanno ka tirsan Gobolka Bay sida Degmada -dheere iyo Degmada Buur-hakaba oo labaduba ka tirsan Gobolka Bay.

 

Dowladda Federaalka ayaa waxay ka dhigatay degmada Baydhabo ee Gobolka Bay fariisin KMG-ah tan iyo sida ay markii horeba sheegeen inta laga nabadeynayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay xilligaa gacanta ku hayeen hoggaamiyeyaashii dagaalka ee laga eryay Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ka yimaada qaybaha kale ee dowladda ka soo horjeeda ayaa waxay sheegaan inta badan in ciidammada Dowladda ay wehliyaan kuwo Ethiopian ah inkastoo ay madaxda Dowladda Inkiraan sheegashadaas oo ay ku tilmaamaan inay tahay mid la mala awaalay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandposmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiisha Barre Hiiraale oo sheegay in ay ka go'an tahay dib u qabsashada Kismayo

 

Baardheere 16, Oct.06 ( Sh.M.Network) Saraakiisha horkaceysa Ciidamada Barre Hiiraale oo gaaray qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka sida ay sheegteen ayaa ka dhawaajiyay in ay ka go'an tahay weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo.

 

Max'ed Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa ciidamada wasiirka G/dhigga Barre Hiiraale oo Shabelle u waramay xalay ayaa waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in ay tagaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka.

 

Kaliil oo ah taliyaha ciidamada degmada Ceelwaaq ayaa waxa uu sheegay in ciidamo dheeraad ah ay u direen deegaanka Beer-xaano oo uu sheegay in iminka ay fariisin KMG ah ay u tahay ciidamadooda.

 

Mar wax laga weydiiyay in ciidamo Ethiopian ah ay la socdaan ciidamadooda ayaa waxa uu sheegay in aaney wax dhibaato ah ku jirin xitaa hadii ay la socdaan ciidamo Ethiopian ah, balse iminka aaneey la socon

 

Waxa uu sheegay in ay duulaankooda uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo oo haatan ay maamulaan maxkamadaha islaamka oo kal hore ka fara maroogsaday Col. Barre Hiiraale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Every action has a reaction; it should be expected though it is my believe the city itself will not see a lot of fighting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sharmakee:

wa ariin u ad ughu qaldanyahay col barre hirrale inu magalada wereer kuso qado

Wuu qaldanyahay aa! Adeer Barre gurigiisi iyo reerkiisu buu ku socdaa, ciddii iska horistaagtana ayadaa cirka roob ku og.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyin ka amar qaata Wasiirka Gaashaandhiga DFKMGS Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale†ayaa lagu soo waramayaa iney shalay si nabad ah ula wareegeen Deegaan Saakoow ee Gobalka Jubbada Dhexe.

 

Isniin,OCT,16,2006 Gaalkacyo,Somalia(Radio Hobyo)

 

Maleeshiyo aad u fara badan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Barre Hiiraale oo habeen hore ka soo ambabaxay Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa shalay galab la wareegeen gacan ku heynta Degmada Saakoow ee Gobalka J/Dhexe.

 

Maleeshiyooyinkaan la wareegay Degmada Saakoow oo uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa iney si nabad-galyo ah ula wareegeen Degmada Saakoow.

 

Goob Joogayaal ku sugan Degmada Saakoow ayaa Hobyo Radio u xaqiijiyay in Barre Hiiraale uu halkaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan Degmada Saakoow, isagoo wasiirka dadweynaha u sheegay iney nabada dhowraan isla markaana uu wax badan ka qaban doono ammaan darada ka jirta Gobolada Jubbooyinka, Col. Barre Hiiraale oo horey u sheegay inuu ku laaban doono Magaalada Kismaayo ayaa haatan u muuqda inuu qaaday talaabadii ugu horeysay, iyadoo maleeshiyaadkiisa ay saacadba saacada ka dambeysa ay ku sii siqayaan qeybo ka mid ah Gobolada Jubbooyinka.

 

 

 

C/aziiz Afrika-Gaalkacyo,Galmudug State

 

Hobyoradio@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Allamagan:

quote:Originally posted by Sharmakee:

wa ariin u ad ughu qaldanyahay col barre hirrale inu magalada wereer kuso qado

Wuu qaldanyahay aa! Adeer Barre gurigiisi iyo reerkiisu buu ku socdaa, ciddii iska horistaagtana ayadaa cirka roob ku og.
Guriga ma odayga Hiiraale baa iska leh, mise waa lala leeyahay. Waa iga su'aal?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Barre gurigiisa isaga ayaa iska leh cid la leh ma jirto asaga ayaa deggen. Balse haddii aad "Guriga" u fahamtay magaalada, well ayadana cid uu ka fasax qaadanayo ma lahan cid ka xigtana ma lahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GD, I really don't know, why you're advocating for the return of Barre back to Kismaayo!

 

Isn't he the person, who was constantly harrassing and prosecuting the good people of waamo?

 

Why now, should he be supported?

 

The islamists are much better for the people in those regions, because they will not result to harm or force the general populance to accept their injustices and persecution because of association to a clan!

 

I don't care if he's the defense minister or not! Abdullahi Yusuf never did anything for Kismaayo and when he avocated to 'legalise' Barre's illegitimiate rule of `Jubbada Hoose' by calling for a swift implentation of the 'Jubba-State' project!

 

We all knew, that Barre was never in real charge of the port city of Kismaayo, because he was chased out by a rag-tag militia from Afmadoow region and their once senior partners (other half of the brothers of Galgudud), they never in a million years time suspected would betray them, just like that and substitute them with Hassan Turkis clan!

 

So the Jubba Valley Alliance still exists, but this time the weaker junior partner has been substituted with the much stronger, not to much questioning, anti ethiopian, pro OG-region independent and pro islamist rule supporting folks of the ONLF!

 

Time will tell, before they too will be discarded into the bin, but not yet because the courts have a lot of enemies to deal with first!

 

So let's not support a guy, who was willingly displacing and murdering innocent people of the Jubba region!

 

Abdullahi Yusuf got it wrong, like he got it wrong the past couple of years! Kismaayo needs to be liberated from all, that want to do it harm!

 

GD, have you ever asked yourselves 'where the trees of Kismaayo and surrouding area went?

 

Why the furtile Jubba is now a inhosbitable barren land?

 

I will give your the answers to those questions! It's because of the gangssters, who at daýlight chopped off all the trees, in order to ship it as merchendise and charcoal to the arabian peninsula!

 

How can we ever trust them at all? I'm not a great fan of the IUC but Kismaayo for me now is semi-liberated and maý long live the struggle for the true liberation of the inhabitants of Kismaayo!

 

The TFG, don't need Hiiraale in their ranks in order to make good, their madness decisions prior to the capture of Kismaayo by the IUC!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col.Barre Hiiraale Iyo Ciidamadiisa Oo Gaarey Duleedka Degmada Buaale Ee Gobolka J/Dhexe

Oct 17,2006

by GEDO-Gedo-NN

 

Boqolaal maleeshiyo ah oo wata gawaarida dagaalka uuna hogaaminayo Wasiirka gaashandhiga DFKMG ee Soomaaliya Col.Bare Aden Shire ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay ka gudbeen degmada saakow,iyagoo fariisin cusub ka sameystey meel aan ka fogeyn degmada Buaale oo iminka ay joogaan ciidamo taabacsan Midowga maxkamadaha.

 

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Deegaanka Salagle oo ka tirsan Gobolka J/dhexe ayaa Maanta Gedonet u xaqiijiyey in la arkayey saaka waaberigii Boqolaal maleeshiyo iyo gawaaridooda dagaalka oo u jiheystey dhinaca degmada Buaale oo degmada Saakow u jira 50KM.

 

Ciidamadan oo u horkacayo wasiirka iyo saraakiil kale ayaa baryahii la soo dhaafey waxa ay ku sugnaayeen Tulada Naaquude oo u dhow degmada Saakow,iyadoo qorshahooduna uu ahaa sidii ay markale gacanta ugu dhigi lahaayeen Gobolada jubbooyinka oo dhowaan u gacan gashey maxkamadaha.

 

Wasiirka Gaashandhiga Col.Bare hiiraale ayaa 3maalin ee u dambeysay waxuu kulamo uu la yeeshay masuuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ,isagoo kala hadlayey arimo ku saabsan sidi gacan loogu sii lahaa dib u qabsashada magaalada kismaayo,taasi warar laga soo xigtey waxgarad ka gaabsadey magacooda oo ku sugan Salagle wasiirka ay u xaqiijiyeen inay u hayaan taageero dhinac waliba leh.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in saacadaha inagu soo aadan in degmada Buaale uu ka dhici karo dagaal u dhaxeeya labada dhinac,mana jirto cid si rasmi ah u bilowdey inay ka hor tagto dagaal ka qarxa deegaankaasi.

 

A C Saalixi-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale iyo maleeshiyadiisa oo ku soo siqay Bu'aale

 

 

Baardheere 17, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamadii uu horkacayay wasiirka G/dhigga dolwadda KMG ah ee Somalia Col. Barre Hiiraale ayaa waxa ay ka gudbeen degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo oo horey Maxkamadaha islaamka ay kala wareegeen.

 

Maleeshiyooyinka Isbaheysiga D/jubba oo uu horboodayo Col. Barre Hiiiraale ayaa saakay ka soo dhaqaaqay degmada Saakow, iyagoo fariisin cusub ka sameystay meel u dhow degmada Bui'ale ee xarunta gobolka J/dhexe oo ay maamulaan ciidamada Midowga Maxkamadaha islaamka.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan degaanka Salagle ayaa Shabelle u xaqiijiyay in maleeshiyaadkaan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka in saakay waabarigii la arkayay, iyagoo u jiheystay degmada Bu;aale oo 50 u jirta degmada Saakow.

 

Ciidamadaan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Naaquude oo wax yar u jirta degmada Saakow ayaa ujeedadooda ay tahay sidii ay ib ugu qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo oo dhowaan ay la wareegeen Midowga Maxkamadaha islaamka.

 

Wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col. Barre Hiiraale ayaa 3dii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu kulamo aan kala go' laheyn la yeeshay Mas'uuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo uu kala hadlay sidii ay ugu taageeri lahaayeen in uu dib u qabsado magaalada Kismaayo, taasi oo dadkii uu la kulmay wasiirka ay u balan qaadeen taageero ciidan.

 

Waxaa cad oo aan shaki ku jirin in 24 ka saac ee soo socota in ciidamada Maxkamadaha islaamka oo difaac adag kaga jira degmada Bu'aale iyo kuwa Barre Hiiraale oo u soo dhawaaday halkaasi uu isku dhac dhiig badan ku daata ku dhex maro.

 

Axmed Cumar Saalixi

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Col. Barre Hirale’s militias and Islamists’ in Bu’ale are nearly to clash

Aweys Osman Yusuf

Mogadishu 17, Oct.06 ( Sh.M.Network) Hundreds of heavily armed militias loyal to Col. Barre Hirale, who was forced out from the port city of Kismayu, 500 km south of the capital Mogadishu, are in a motion to the Middle Jubba provincial town of Bu’ale where the Union of Islamic Courts forces are stationed.

 

Bua’ale is 260 km south of the port city of Kismayu.

 

 

 

Barre Hirale

The Islamic Courts seized Kismayu 25 September when they had triggered the breakup of forme Jubba Valley Alliance that was in control of the port city.

 

Reports from Kismayu say the Islamists in Bua’le had ordered more backup forces and battlewagons, attempting to bolster their grip of the town.

 

The news comes as Barre Hirale, Somalia’s defense minister, had, ever since he left Kismayu without a single shot, been orchestrating tribal militias and financial backup in Bardhere, southern Somalia.

 

Islamists’ army base in Kismayu, former slaughtering house, was attacked and three of their forces were wounded on Friday. The Islamists have incarcerated number of people mainly women including Barre Hirale’s wife who dwelled in Kismayu.

 

The Union of Islamic Courts is in control of central and southern Somalia, including the capital Mogadishu.

 

Residents, in Sakow where Col. Hirale’s militias were lingering, said quite more numbers of battle wagons had headed for Bu’ale, the Islamists’ main base in Middle Jubba region.

 

Somalia’s defense minister Barre Hirale could not be reached for comments over his militias reportedly moving to Kismayu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this