Sign in to follow this  
General Duke

Demonstrate agains Riyaale in UK

Recommended Posts

Gediid   

Hear thee hear thee those on the right and those on the left here he comes whether you gonna celebrate or make a total idioot out of yourself the man is on the way..........

 

 

MADAXWEYNE RAYAALE IYO WEFTI BALLAADHAN OO GALABTA HARGEYSA KA CARRAABAY.

 

MADAXWEYNE RAYAALE IYO WEFTI BALLAADHAN OO GALABTA HARGEYSA KA CARRAABAY.

“Waxa lagu sii sagootiyay Dhaqaaq Toobiya qaad..dhulku taako-taako”

 

 

 

Har(SNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo hoggaaminaya Wefti culus oo Somaliland ah ayaa galabta abaaro 5:00 galabnimo, ka dhoofay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, iyada oo socdaal rasmi ah ku tegi doona Carriga Ingiriiska oo ay ka haleen Martiqaad.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kala ah Labada shirgudoon ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Axmed Maxamed Aadane(Qaybe), labada guddoomiye ku xigeenada labaad ee Guurtida iyo Wakiilada Md. Siciid Cilmi iyo Md. Cilmi Xirsi Cali, Wasiirada Arrimaha Dibadda Marwo Edna Aden Ismail, Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Maaliyadda Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Qorshaynta Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo odayga Caanka ah ee Xaaji Cabdi Waraabe, waxa ay ku sii hakan doonaan magaalada Addis Ababa oo ay ka baxayaan Axadda.

 

 

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa Madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Md. AXmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dadweyne kale oo aad u farabadan, iyada oo dadweynihii sii dhaweeyay ay qaadayeen ereyo ay ku sii sagootiyayeen weftiga, ereyadaasna waxa ka mid ahaa Dhaqaaq Toobiyaha qaad Dhulku taako taako iyo kuwo kale, waxaanu halkaasi salaan kaga qaaday cutub ka mid ah ciidanka Qaranka iyo ciidamada Baanbooyda loo yaqaano.

 

 

 

Madaxweyne Rayaale oo ka hor intii aanu Diyaaradda fuulin qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa ugu waramayay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu ka dambeeyay martiqaad ay ka heleen dawladda Ingiriiska.

 

 

 

“Waxaanu rajaynaynaa in 44 sannadood ka dib mar labaad dawladii Xornimada ina siisay dib ugu noqonayno oo aynu halkaa danaheena ka sheegano, waxaanan u arkaa muhiim”. Hadalkaasi kooban waxa Saxaafadda ku yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this