Sign in to follow this  
xiinfaniin

Faysal Waraabe: I see Riyaale in my dreams

Recommended Posts

Faysal A Waraabe” Somaliland waa for sale,wa la iibinayaa,markaan habeenkii seexdo waxaa I horyimaada Reyaale”’ :D:D

 

Mogadishu 09 Janaury 2010 Waagacusub Media.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Inj Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku maraya Magaaladda Helisink ee Dalka Finland ayaa Wareeysigii ugu dheeraa wuxuu ku fatahay kelmado kulul oo ka dhana siyaasadda Madaxweyne Dahir Reyaale Kaahin iyo tan Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed

 

Faysal Cali Waraabe wuxuu ka gaabsaday sida uu ka yeelayo Ahmed Godane oo Somaliland uga jira Black list hadii uu Madaxweyne noqdo.

 

 

Mar uu ka hadlayay Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Siilaanyo iyo shakiga ku xeeeran ee dhinaca qabiilada iyo dalalka deriska,wuxuu farta ku fiiqay inay jiraan beelo laga yaabo inay kacaan hadiiba ay maqlaan in Siilaanyo qabtay kursiga Madaxweynenimada Somaliland.

 

“ Anigu ilama ahan in Axmed Siilaanyo ku kacayo aargoosi qabiil ama weerarayo dalalka la jaarkaa Somaliland,waxaase dhici kara inaan laga warsugin oo waxaa jira beela xasaasiyad ka qaba sida kuwa dega Ceerigaabo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha UCID mar la waydiiyay shaqsiyada Gudoomiyaha Kulmiye wuxuu ku sifeeyay nin la mida John Garaankii Sudan,oo muda u dagaalamay Xoriyadda iyo madaxbanaanida Somaliland hasse yeeshee wuxuu dhinaca kale si diblomaasiyeeysan u xusay in beelaha Somaliland qaarkood saluugsan yihiin.

 

“ Shacabka Somaliland hadii ay nasiib leeyihiin,inshaa allaahu waxay u codeeyn doonaan Ucid markaas ayuu dalka Barwaaqo iyo horumar cagta saari doonaa”ayuu kaga siibtay su’aalo siyaasad ahaan huwanaa wejiyo badan.

 

 

Mar la waydiiyay waxa ula yaabka badnaa tan iyo markii uu siyaasadda soo galay,wuxuu kaga jawaabay” Waxaa iila yaab badnaa ninkaan Dahir Reyaale Kaahin,nacasnimadiisa siyaasad xumadiisa iyo hab dhaqankiisa,markaan seexo is iraahdo habeenkii walaahi isaga unbaa I horyimaada,waxaan sameeyno ma naqaano" :D:D

 

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa la waydiiyay inuu wax ka ogyahay Mushaarka uu qaato Dahir Reyaale Kaahin.

“ Waxa dalka soo galo oo dhan isaga ayaa afka u dhigta,wuxuu heshiis la galay Shirkadaha badda Somaliland xaalufiyo,lacagtii Shidaalka ma aragno,tan Xoolaha meel ay marto ma naqaano,wax walba waa iibsadeen qolada Reyaale,dalka oo dhan waa Forsale,doorashadii dib ayaa loo dhigayaa,banaanbaxyo ma sameeyn karno dadkeenu waa dad hadeey kacaan wax walba u nugul,inqilaab ma sameeyn karno,wax allaale iyo waxaan yeelno ma naqaano.laakiin midbaan kuu sheegayaa dadkaan arkay ee Somaliland ee dagaalka galay,qofkii xaqooda cunay hadeey nolosha ku uri waayaan,waxba waligaa ha igu xasuusan,maxkamad ayaa la horgeeynayaa caadila”ayuu yiri Faysal Waraabe.

Faysal Cali Waraabe oo wareeysigii ugu dheeraa taariikhdiisa siiyay Waagacusub Radio wuxuu sheegay in hadii Madaxweynenimada Somaliland ku guuleeysto uu shanta bil ee ugu horeeysa ku hoyan doono Xadka Tukaraq ee hada ay ka arrimiyaan maamulka Puntland.

 

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Koofurta Somalia Shariif Sheekh Ahmed wuxuu aragti ahaan ka qabo,wuxuu Faysal yiri “ Waxaan u arkaa nin nasiib daran,Cabdullahi Yusuf xabashi ayuu soo watay,wuxuu duqeeyay Suuqa Bakaaro,Shariifka wuxuu soo watay Ugandhees iyo Burundees,wuxuu duqeeyay Suuqa Bakaara,maxay is dhaamaan,waxba isma dhaamaan” Wuxuu ka hadlay,wixii ugu farxada badnaa taariikhdiisa,wuxuu sheegay inuu farxay markii la dhisay Xisbiga UCID.

 

Waxaa la wayiiyay markii ugu horeysay ee ay isbarteen Madaxweyne Dahir Reyaale Kaahin,wuxuu sheegay inay isbarteen markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeen,. Waxaa la waydiiyay wixii ay is dhaheen Reyaale maalintaa,wuxuu faysal ku jawaabay” Waxaan waydiiyay Reyaale sababta loo dalacsiin la yahay Saraakiisha Ciidamadda,wuxuuna igu yiri,hadii la dalacsiiyo xagee lacag laga helayaa,taas macnaheedu waxay tahay inuu xasdayo oo ka soo horjeedo horumarka Somaliland”

Mar ayaa la waydiiyay in Dahir Reyaale yahay nin ka gaabsada colaadaha oo horseeday nabadda Somaliland ku faanee manta,wuxuu taas kaga jawaabay “Reyaale wuu jiiftaa,wuuna soo kacaa,wuxuu cunaa lacagta dalka ee waxba ma qabto”

Xilliyadda Jaaniska uu leeyahay waxa uu qabto ayaan waydiinay Faysal wuxuu taas uga jawabay” Waan Cibaadeeystaa,waxaan akhriyaa Quraanka ama waxaan akhriyaa arrimaha siyaasadda”

 

Mar uu ka hadlayay nolosha Gudoomiyenimada wuxuu sheegay inay tahay mid adag,xitaa wuxuu si adag u yiri" Ma galeen hadaan ogahay in sidaan tahay siyaasadda hogaamiyenimada laakiin hada meel aan uga leexdo ma aqaano,hadaan ka baxo waxay noqoneysaa in shacabka baa bo oo Somaliland la waayo"

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

” Waan Cibaadeeystaa,waxaan akhriyaa Quraanka ama waxaan akhriyaa arrimaha siyaasadda”

Both are a form of cibaado miya?

 

He's ok. This is a good interview.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by xiinfaniin:

^^yeah a politician admitting seeing his foe in his dreams

You think he was serious? Or just describing how sick he is of his foe? :D

 

It was a good political interview.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr. Somalia:

Naag sadex lagu qabo oo royootay maxaa anaga noogu jira?

 

Bal Ilaahay baan idinku dharshey'e, ninkaan reer dhan buu umaqanyahay...
:D

Horta niyo marka siyasada laga hadlayo maxaad naag iyo wax la qabo un uga sheekeysa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by General Duke:

^^^I agree it was a good interview for those who know the secessionists are led by clowns. Very good indeed.

Yet the clows don't suffer from a pirate problem and god knows what other nonsense PL has to contend with daily. Are you saying that our clowns are better than your normal leaders? :D

 

Bax warya. Come back with some sense please.

 

There is an election on the way (some time in the future - distant or near :D ). This is election talk and it's as reasonable as any in the whole entire world. Mr Waraabe did a good job of belittling his opponents and selling himself and party (politically speaking). He wont win it of course. But that's by the by.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NGONGE:

quote:Originally posted by xiinfaniin:

^^yeah a politician admitting seeing his foe in his dreams

You think he was serious? Or just describing how sick he is of his foe?
:D

 

It was a good political interview.
He is simply a mad man. The fact he gave a hearty interview to Hasan Alasow is a sign of his foolishness :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ An interview that would reach far and wide? A politicians wet dream, saaxib. Horta odaygan maxa kugo saliday? I like Faysal (don't agree with most of what he says) but still like him. He plays the game well and keeps himself relevant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this