Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Gacan Ku heeynta Suuqa Hoolaha ee Muqdisho OO 18 Qof udhinteen!

Recommended Posts

Dagaalkii maanta ka dhacey deegaano ka tirsan degmada Huruwaa ee magaalada Muqdisho oo iskiis u istaagey.

 

February 28, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Aweys Foodeey. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Dagaalkii maanta ka dhacey deegaano ka tirsan degmada Huruwaa ee magaalada Muqdisho ayaa iskiis u istaagey, iyadoo wali kooxihii maleeshiyaadka ee dirirtu dhex marteyna ay isku hor fadhiyaan deegaanadoodii.

 

Dagaal kaasi oo u dhaxeeyey maleeshiyooyinka fadhigoodu yahay deegaanka suuqa Xoolaha iyo maxkamadaha Islaamiga, ayaa la isku adeeg sadey hubka culus ee ka dhaca qoryaha suuga loo yaqaano, baasukaal, garneelo iyo rasaas kale oo shanqartooda saaka ku soo tooseen dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Yaakhshiid iyo Heliwaa dadka dagan.

 

Dagaalkaasi ayaa wararkii ugu danbeeyey waxey sheegayaan iney ku dhinteen sideed iyo toban ‘18†qof, oo isugu jirey sideed “8†ka tirsan maleeshiyada labada dhinac ee dagaalamaayey, lix “6†qof oo rayid ah oo ku dhintey deegaanka uu dagaalku ka dhacey, iyo afar “4†qof oo ku dhintey isbitaalka Madiina, oo dhaawac ahaan loo geeyey isbitaal kaasi, iyadoo inta la og yahay iney ku dhaawacmeen dagaal kaasi ay tahay shan iyo labaatan “25†qof.

 

Dagaal kaasi saaka ka dhacey deegaanka suuqa Xoolaha iyo agagaarka SoS ayaa lagu sheegay sababta dhalisey maleeshiyooyinka maxkamadaha iyo kuwa deegaanka suuqa Xoolaha, oo isku heysta gacan ku heynta isgoyska SoS oo ah bar muhiim ah oo ay soo maraan gaadiidka xamuulka ka soo daabula dekedda dabiiciga ee Ceel Macaan, oo maleeshiyooyinka labada dhinac ay doonayaan iney ka qaataan lacago, sida ay HornAfrik u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka SoS ku dhaqan.

 

Dagaal kaasi ka dhacey saaka deegaanka SoS iyo suuqa Xoolaha ayaa waxuu saameyn ku yeeshay hawlihii adeeg yada bulshada, waxaa yaraadey ganacsigii ka socdey suuqa Xoolaha, iyadoo gabi ahaanba ganacsigii agagaarka isgoyska SoS albaabada loo laabey, waxaana halkaasi ku gubtey container weyn oo shidaalka lagu iibin jirey.

 

Dagaalkaas ayaa wuxuu kaloo sababey in boqolaal haween iyo caruur isugu jira oo adeeg caafimaad maalin walba ka heli jirey isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SoS iney ku adkaatey iney yimaadaan isbitaalkaasi, iyadoo saaka ay aad u yaraayeen tirada haweenka iyo caruurta ee soo gaarey isbitaalka SoS, isla markaana agagaarka isbitaalka ay ku dhimatey haweeney caafimaad ahaan u soo aadey halkaasi.

 

Qaar ka mid ah culumaa’udiinka iyo waxgaradka deegaanka suuqa Xoolaha iyo agagaarka SoS, ayaa ka codsadey siyaasiyiinta iyo oddayaasha dhaqanka ee ku dhaqan gobolka Banaadir iney u istaagaan joojinta dagaal kaasi, iyadoo dadweynaha deegaan kaasi ay ka cabsi qabaan in mar kale uu ka qarxo dagaal oo ay abaabulkiisa wadaan labada maleeshiyo ee deegankaan isku hor fadhiya.

 

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatey mas’uuliyada dagaal kaasi war rasmi ah oo ka soo baxey horjoogayaasha maleeshiyooyinka suuqa xoolaha iyo kuwa maxkamada Islaamiga ahna ma jiro oo ku saabsan dagaal kaasi.

 

Muqdisho ayaa todobaadkii uggu danbeeyey lagu tilmaamey ineysan aheyn meel amaan ah oo saldhig u noqon karta dowlada federaalka ee dhowaan lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Dagaaladani ayaa waxey uga duwan yihiin kuwii hore Muqdisho ugga dhici jirey iney yihiin kuwo ku soo beegmay xili uu baarlamaanka federalka uu isku diyaarinaayo inuu u codeeyo in ciidamo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan kuwa wadamada dariska la ah Soomaaliya in dalka la keeno iyo in kale, si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan maleeshiyooyinka iyo hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ee ka mid noqdey xukuumada federaalka ee Soomaaliya, oo iyaguna dhowaan ku heshiiyey iney maamul wada jir ah u sameeyaan gobolka isla markaana ay nabadeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

These was yesterday but what hapen today.

 

Warmurtiyeed ay soo saareen xubnaha labada gole e beesha ****** .

 

February 27, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Axmed Muusse Cabdule. “Idaawaqaca†Nairobi, Kenya.

 

 

Shirkan waxuu socday muddo saddex cisho ah waxaana guddoominayey xildhibaan Cumar Xaashi Adan, waxuuna ka bilowdey Hotelka 680 ee Nairobi iyadoo aakhirkiina lagu soo gaba gabeeyey Hoteelka Jigaranda ee isla Nairobi.

 

Haddaba dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxey xubnaha Beesha ****** ee ku jira labadda gole ee dowlada federaalka isla garteen qodobadan: -

 

1-In ay ogol yihiin soona dhaweynayaan in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Beesha Caalamka, oo aysan ku jirin wadamada Soomaaliya xuduuda la leh (Front line States)

 

2-Howlgalka, Waajibaadka, Tirada & mudada ciidamadaasi dalka Soomaaliya ay joogayaan waxaa sharciyeynaya Golaha Shacabka KMG oo ah Baarlamaanka jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya.

 

Sidoo kale xubnaha labada gole ee beesha ****** waxey isla oggolaadeen qodobadan: -

 

1- Xildhibaanada & Wasiiradu waxey si dhaba u xaliyeen kana gudbeen wixii khilaafaad ah ee dhaxdooda Yiilay, wixii manta ka danbeeyana waxey aragti mideysan ka qaadanayaan meel marinta howlaha qaranka.

 

2- Xildhibaanada & wasiiradu waxey go’aan ku gaareen iney si buuxda ugga qeyb qaataan hub-ururinta guud ee dalka laga hirgalinaayo, iyadoo la raacayo nidaamka dowliga ah waxeyna balan qaadayaan in ay fulinayaan kaalinta kaga aadan.

 

3 - Xildhibaanada iyo wasiiradu waxey go’aansadeen iney magaalo madaxda ka saaraan maleeshiyooyinka & hubkoodaba, si deg degana ugu laabtaan Muqdisho si ay u fuliyaan howshaas unna soo dhaweeyaan golayaasha dowlada.

4-Xildhibaanada iyo wasiiradu waxey isku raaceen in la magacaabo guddi farsamo oo ka baaraan daga howlaha lagama maarmaanka ah fulinta qodobadan la isku raacey

 

Heshiiskaan waxaa saxiixey afartan iyo kow “41†xildhibaano iyo wasiiro isugu jirey waxaana ka mid ahaa: -

 

1- Cusmaan Xasan Cali Caato xaafadeeyda ninkii imaado waa u dhamaatay

2- Maxamed Qanyare Afrax wiilashaan xukumo qoryaha lagama qaadaayo

3- Al-Xaaji Muusse Suudi Yalaxow madiino aniga iyo cumar finish lee isku heeysan karno

4- Eng. Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Raadiyow banaadir anigaa xukumo ma idinka liitaa iyo meela kale oo muhiim ah

5- Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finishâ€

Bar oo bar madiino laga bilaabo suuq weeyne ilaa Xoosh yaan la iigu imaan

6- Eng. Maxamed Xuseen Cadow

7- Cumar Xaashi Aadan anigaa hogaamiye ii doorateen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by wiil_duco:

3- Al-Xaaji Muusse Suudi Yalaxow
madiino aniga iyo cumar finish lee isku heeysan karno

Xayawaankaan oo kale baa wasiir federaali laga dhigay. Xitaa xafada Madina oo dhan ma xukumo -dhow guri buu hayaa faankiisana waa laga fadhin la'yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

seriously these baboon warlords ae plotting day n nite to kill c/yussef. why not vise versa. we should have bombed the room they were having a meeting the last week when they were all together.

 

im serious, things would be easy. these dameers need to be put to death for somalia's sake.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^dare..! And the 'dameers' will this time make sure your A** doesnt even get as far as kakuma..

and u know what ..u want get to change the nicks from WD to natinalist to Sky

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Juma for a grown man you do get emotional. Sky threatened a group of men and not their clans.

 

You in return made threats against a whole clan , which happens to include your own family. Your love for warlord Ato and Aydeed has no bounds. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^ I did not expect you to view his comments as low as it was , cause you are in the same level. And my response was to his reference. But if you are hurt by my comment and not his, dont worry it was meant to.

Somalida waxay ku maahmaahda, 'ama afeef hore laho ama adkeysi dambe'.

Your love for warlord Ato and Aydeed has no bounds.

Not only Ato and Aydeed but also "Wasiirka horumatinta Reer Miyiga iyo Daaqa"

36_12_1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ lol. What made me sad was the way you reacted. Defend your heroes however dont insult and threaten a whole Somali clan and specially one which is your own blood. Just so you can score some points against an individual. That I find as a sign of weakness. Never mind we all make mistakes.

 

As for Mudane Ghamadere I never doubted your love and respect for him bro, never.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ hey who made Jum made :mad: these was just news that happend in Mogadishu.

 

views is open to everyone. Is good to know what is goin on around somalia espcialy the capital Muqdisho.

 

about the warlods well, they made peace agreement In Nairobi. I hope this time to became true so they could stop the meanless killing In mogadisho.

 

ceeb caleeh caayda xaashaa lilaah xanaaqa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
J.Lee   

im serious, things would be easy. these dameers need to be put to death for somalia's sake.

War Maandhow, in regards to the above qoute some would say the same concerning C/laahi Yusuf, I guess one man's terrorist is another's freedom fighter after all.

 

Eebe ha u naxariisto for those 18 that have died in Suuqa Xoolaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Militias in deadly clash in Somali capital

Mogadishu, Somalia

 

 

 

28 February 2005 05:37

 

Six people died and at least 11 were wounded when fighting broke out early on Monday in the Somali capital, Mogadishu, witnesses and medical personnel said.

 

Witnesses said militias of the city's Islamic courts clashed with residents in the northern part of the capital over the control of the animal market

 

Residents said guns as well as missiles were used in the fighting, and unconfirmed reports said a missile hit a house, killing an additional three people inside.

"The Islamic courts are trying to dominate the whole area," said Abdi Aden Hussein, spokesperson for the resident militias.

 

Large groups of people went to other parts of the city to escape the fighting.

 

" We are tired of the fighting, we are waiting for the government. We ask the international community to safeguard us from those [in Somalia] who still want to fight," said Madina Abdi Ali, a mother of eight who had fled from her house .

 

The fighting took place a few hundred metres from the compound of the Austrian organisation SOS Children's Villages, which runs an orphanage, school and hospital in the city. :mad:

 

"We were not hit, and now the fighting has died down," Claudio Croce of SOS Somalia said.

 

The situation remained tense late on Monday, however, with both militias and residents holding their ground

 

Many warlords and prominent businessmen boasting their own militias are opposing any move that would curb their own influence in a country that has seen no central authority for more than a decade. .

 

Tension has risen in the Somali capital in recent weeks ahead of the planned relocation of the country's government-in-exile from Kenya, and the proposed deployment of thousands of African Union peacekeeping troops.

 

On Sunday, a group of Somali ministers, among them Mogadishu's most powerful warlords, issued a statement in Nairobi saying a deployment of peacekeepers from either Ethiopia or Djibouti will not be acceptable.

 

 

The Somali prime minister and president are currently travelling in Somalia to assess the situation ahead of the planned relocation.

 

It is not certain whether they will go to Mogadishu, due to the insecurity in the city. -- Sapa-DPA

 

sourc

http://www.mg.co.za/articlepage.aspx?area=/breaking_news/breaking_news__africa/&articleid=198518

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this