Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: The belessed rains start in Mudug

Recommended Posts

zRoob1l.jpg

 

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da'ay magaalada Galkacyo, iyo deegaanno ku xeeran.

 

Galkacyo, May 13 | Roobkii gu'ga ayaa ka hooray meelo ka mid ah gobolka Mudug oo ahaa meelihii ay ka jireen abaaruhu sanadihii ugu danbeeyey. Waxaa magaalada Galkacyo xalay ka da'ay roob xoogle oo si weyn loogu diirsaday, kaasi oo xareedda waray waddooyinka magaalada iyo meelaha biyo qabatinka ah ee ka baxsan magaalada.

 

Roobkaan oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa si ballaarann u biyo dhigay gudaha dibadda magaalada Galkacyo, waxaana roobabka la wadaaga Galkacyo, tuulooyinka ku xeeran magaalada ee aan ka durugsanayn, waxaana la tilmaamayaa roobkaani in uu seejiyey tuulooyin iyo degmooyin badan oo isla gobolka ka tirsan.

 

Roobkaan oo si toos ah isla markaana kararleh u da’ayey muddo ku dhow hal saac ayaa wax weyn ka badalay kulaynkii iyo jawi abaareedkii muddada laga dareemayey gudaha iyo daafaha magaalada Galkacyo, mana jiraan wax khasaare ah oo uu geystay intii uu da’ayey iyo haatan oo biyuhu ceegaagaan waddoyinka magaalada.

 

Dhinaca kalana meelo badan oo ka mid ah deegaanada DG Puntland ayaa laga soo sheegayaa in uu ka hooray roobka gu’gu taasi oo ay ka mid tahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, iyo deegaanno isla gobolkaasi ka tirsan.

 

Roobabkaan ayaa ku soo beegmay xilli maalintii Sabtida ahayd roob doon ballaaran laga sameeyey gobollada Puntland, waxaana tii ugu weynayd ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi oo madaxweynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) uu boqolaal dadweyne ah kala qeyb galay roob doonta.

 

C/fitaax Cumar Geelle,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I heard Awkoombe once went to galkacyo for a concert tour in the 80s, After the tour when he landed in Muqdisho airport he was interviewed by radio muqdisho jaurnalists waiting at the airport.

 

Wariye: Awkoombe ku soo dhawoow magaalada muqdisho, marka hore bal aan wax kaa weydiiyo xaalada magaalada Galkacyo, Wax roobab ah miyey ka de'een?

 

Awkombe smiled and said to the jaurnalist "adiga hadii roob ahaan leheed meeshaas maka di'i leheed". :D

 

I don't know the authenticity of this story, but when ever I am taking the mick out f my reer Mudug friends I tell them which makes them gigle.

 

I hope Galkacyo for the best, and barwaaqo, amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilahaay barwaaqada iyo nimcada ilaahey hhaku faafiyo dhamaan dalka. Moonlight mid baa ka khaldan sheekada lool, Gaalkacyo's airport back then was strictly a military base and no civilian planes were allowed to use it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this