Sign in to follow this  
SOO MAAL

Munaasabada Caleemosaarka Garaad Jaamac Garaad Ali

Recommended Posts

SOO MAAL   

Congratulations to the new Garaad

 

Its enormous responsibility in very terrible circumstances – endless civil war in Somalia

 

I hope success for the news Garaad and may Allah make for him easy

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

cabdisamiic.jpg

 

Abwaan C/samic Xasan Boobe oo inoo Tirinaya Dhawr Gabay oo ah Taageero, Tacsi iyo Roobdoon

Gabay aad u Xiiso badan oo uu Tiriyay Abwaan C/samiic Xasan Boobe

 

Waa labo gabay oo Midna uu kaga Hadlaayo Geeridii Marxuum C/qani midna Garaad Jaamac uu kula dardaarmayo

 

Gabayadan waxaa Tiriayay Abwaanka Dhalinyarda ah ee Caanka ka ah Guud ahaan Gobolka Sool Hadeerna ku Nool Dalka Maraykanka, Waa C/samiic Xasan Boobe

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

ASSALAMU CALAYKUM,

 

Congrats to the new Garaad, he is very young fellow I see.

 

Moreover, brother Soo maal, can you enlighten me what the Garaad's specific duty is and will be in the community and in the society fadlan? Or do they handle the same duty of Suldaans' and Boqors?

 

Thanks,

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

garadjaamac9.jpg

 

Wixii ka dambeeye qabtii odey dhaqamada hab dhaqankaas quruxda badan ayee u labistaan. Koofi barawaaniga awal waa jiri jiray, laakiin camaamadaas qaaska ah ayaan la yaabay Soomaalida kaliya saarata garbaha, siiba odey dhaqamada oo garbaha iyo dhabarka saarto. Waagii hore camaamad cad ayee garbaha saaran jireen.

 

Intee laga helaa camaadadaas? Soomaalida maa sameeyo? Aad ee u qurux badan tahay, specially with koofi barawaani lala xirto, it makes you truly a gentleman, plus camaamad Carbeed ma'aha.

 

Fiiriba sharafta ka muuqata ugaaskaan from Hiiraan:

 

hu1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

caanoshubf.gif

 

Gabay Tahniyad ah oo Abwaankeena Maxamed Hiirad kaga qaybgelayo Caleemosaarka Garaadka Guud ee SSC Garaad Jamac G. Ali

 

WAREYSI: Magaalada Laascaanood oo ay ka socoto Xaflada Caleen saarka Ninka badalaya Marxuum Garaad C/qani.(20-05-06)

 

Wafti Ballaadhan Oo Iskugu Jira Duubab, Malaaqyo, Wasiirro, Iyo Xildhibaano Ayaa Galabta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Iidle.

 

waxaa soo gaadhay Magaalada Laascaanood wefti balaadhan oo Ka yimi Somaliland, kaas oo hogaaminayo mulkiilaha shirkada xalaawada ee DAHABSHIIL, waxanay ka kooban yihiin Suldaano, Cuqaal, Aqooyahano iyo waxgarad

 

waxaa magaalada laascaanood soo gaaray Ugaas Ciise Ugaas Cabdle iyo wakiilka iimaan Maxamuud

Munaasabadan ayaa ah mid umada soomaliyeed ay ahmiyad gaar ah siinayso isla markana noqon doonta tii ugu horaysay ee ay isku soo hor fadhiisan doonaan inta badan isimada iyo cuqaasha umada soomaaliyeed iyada oo aan loo kala eegin qolo qolo deegaan deegaan

Dadwaynaha ku dhaqan deeganada SSC ayaa heegan u ah soo dhawaynta walaalohooda soomaaliyeed meel walba oo ay ka imaan donaan waxaadna ka dheehan kartaa dhamaan bulshada kala duwan sida ay diyaarka ugu yihiin inay marti galiyaan inta badan wax garadka beelaha soomaaliyeed oo aanay dhicin inta badan inay isa soo hor fadhiistaan tan iyo intii dawladii dhexe ee Somalia meesha ka baxday

 

CALEEMO SAARKA GARAADKA XUDUUDUHU FURAN

22/05/2006 ayaa Maalinta loo balansan yahay Munaasabdda

Ahamiyada weyn leh ee Caleemo saaridda Garaad Jaamac Garaad

cali Garaad Jaamac garaadka Guud ee Qoomiyada Daraawiishta

ee Degaamadda SSC-ga,sida weyna looga soo qeyb gelaayo.

Hadaba waxaa si rasmi ah loo cadeeyeey loona shaaciyeey in

Xuduuduhu u furan yihiin dhammmaan Dadka Maqaakooda leh ee ku

Talo jira ka soo qeyb-gelida Munaasabadan Xurmadda,maqaamka

Iyo Milgo Gobeedka weyn leh,Hogaan dhaqameed Taariikhda weyn

leh,soo jireen ah,Doorkeeda iyo Magaceedu gaarsiisan yahay

Dalka Somaaliyeed gudihiisa iyo meel kasto oo Ummada Somaali

ahi joogaanba,maxaa meshs ka baxay carqaladii iyo qaskii eey

wadaan Maamulka Goboleedka P/Land oo hadafkoodu ahaa xayiraada

Erjooyinka Maqaamkooda Xurmo leh ee ka Imaanaayeey Dhinaca

S/Land,iyadoo lagu dabaqaayeey arrimo Siyaasadeed,xiisadaha

Colaadeed ee ka Dhexeeya P/Land iyo S/Land,laakiin waxaa si

cad ugu hor yimi rabitaanka Bulshada SSC-ga oo diiday fara

gelinta Maamulku ku sameeynaayo howlaha iyo hanaanka maamul,

hab maamuus ee Munaasabada caleemo saarka oo ah hab dhaqameed

xurmadiisa leh,kana baxsan Siyaasadda iyo Mashaxnimadeedaba,

fariin qeexana gaarsiiyeey Madaxtooyada Garoowe:-Munaasabadda

Caleemo saarka Garaadka Waxba Idiinkama Khuseeyaan.

Xaabsade:Cid Alaale Cidii Danaynaysa Ayaa Iman Karta Caleema Saarka Xuduuduhuna Waa Furan yihiin

Jawaabtii Maamulka P/Landna noqotay Ereyadan kooban oo kor

ku xusan oo awooda Dadweynuhu ka soo saareen Afka Wasiirkka

Arr.Gudaha ee P/Land,waana arrin hambelyadeeda Bulshadu iska

leedahay,qarankeeygu sidii ku habooneyd u tilmaamaay,waxaa ka

Soo qeyb galaaya Munaasabadda caleemo sarrdka Garaadka Dad ka

Socdo ama Ergooyinka ka kala socdda;-

-Dowladda Federaalka.

-Maamulka S/Land.

-Maamul Goboleedka P/Land.

-Xubno Barlamaan-Fadaraalka,P/Land iyo S/Land-ba.

-Ergooyinka Hogaan Dhaqameed ka Socdda:-

-Maqaalyadda Goboladda Bay iyo Bakool.

-Ugaasyo iyo Garaado ka Socda Jubba Hoose.

-Imaano Iyo Wakiilo Imaan oo ka Socda G/Banaadir.

-Waffti Ugaaska Caabud-waaq.

-Wafti Isimo ka socda G/Dhexe.

-Wafti Isimo Balaaran G/Barri.

-Wafti Isimo Balaaran Sanaag Barri

-Wafti Isimo Balaaran Dhanka S/Land.

-Wafti Isima Iyo Shakhsiyaad Dalka Jabuuti.

-Wafti Isimo iyo Masuulin Maamulka Zoonka Shanaad.

-Wafti Isimo iyo Waxgard Somaalida Kenya.

-Guud ahaanba Isimadda Degaamadda SSC-ga.

-Wufuud Culimaa-udiinka Somaaliyeed.

-Ergooyin Golaha Ganacsatada Somaaliyeed Dubay.

-Ergooyin Somaalida Qurba Jooga ah;-

-Mareeykanka.

-Canadda.

-England.

-Holland.

-Sweden.

-Finland.

-Norweey.

-Austaraaliya.

-Dunidda Carbeed,Sacuudiga,Imaaradka,Qadar,Cumaan,Suuriya,

Yemen,Iyo Kuweyt.

-Koonfurta Afrika.

-Dowladaha Igad,Kenya,Ugandha Iyo Itoobiya.

-iyo Shakhsiyaad kalle oo fara badan.

Sida Muuqata waxeey noqon doontaa Caleemo Saaridkii ugu

weynaa oo ka dhacay guud ahaanba Dalka Somaaliyeed(Waligiiba)

waxaana cadeeyneeysa sida munaasabaad Mudnaanta weyn loo

Siiiyeey iyo habka ka soo qeyb galka,waana arrin ahamiyadeeda

leh,Alle Mahadii iyo Maqaamka Garaadnimadda Reer Garaad Jaamac

Mudan tahay iyo Doorka Taariikhiga ah,Gaaradkan ayaa noqonaaya

Mid 19-aad,Waxaan ku boorinaayaa Gudiyadda qabanqaabada in eey

Sida ku haboon howlahooda u gutaan,hanaanka hab-maamuusna

Maqaamkiisa siiyaan.

-Alla Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK-20/05/2006-

-sharifhassan50@yahoo.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very nice indeed.

 

Garaad Cabdiqani Garaad Jamac wuxu ahaa nin nabaddeed oo magacweyn ku leh mandaqadda aadna looga tixgaliyo. Waxaan u rajaynayna garaadka cusub ee la caleemo saarayo inuu ilaahay u fududdeeyo xilka uuna noqdo mid buuxin kara jagaddi uu ka baxay alle ha u naxariiste Garaadkii beeshu ee dhawaan geeriyooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Prof. Galaydh ayaa waxa uu ka war bixiyey dhaqamada dadka Afrikaanka iyo boqortooyadii beesha Dhul bahante

 

Guddoomiyaha guud ee Shirkada DAHABSHIIL Maxamed Saciid Ducaale oo ka waramaya qaban qaabada caleema saarka garaadka ee ka socota maagalada Laascaanood.

mudahraad2.jpg

i_1_galleryfull19

 

Magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku sii qul-qulaya wufuud aad u tiro oo ka kala Dawlada Somaliland, Maamul Goboleedka Somaliya ee Puntland iyo Dawlada ku Meel gaadhka ah ee Somaliya, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Garaadka 19aad ee beesha Dhul bahante , Garaad Jaamac Garaad Cali oo beri loo balansan yahay boqridiisa.

...Si kasta ahaa Caleemo saarka Garaadka 19aad ee beesha Dhul bahante ayaa kulmisay Siyaasiyiin, Salaadiin, Malaaqyo, ganacto iyo aqoonyahano mudo dheer kala baaday, iyadoo ay Magaalada Laascaanood la ciirciiraysa wufuud kala duwan oo kala af kaar ah oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo debadiisa. More:Qarannews Magaalada Laascaanood Oo Kulmisay Wufuud Kala Duwan oo kala ah Siyaasiyiin, hogaamiye dhaqameedyo, Ganacsato iyo shicib caadi ahba

 

GARAADCALI2.gif

RAADKII GARAADII HORE IYO RAJADA GARAAD JAAMAC GARAAD CALI. malaayo5.jpg

Wafti balaadhan oo ay hor kacayaan malaaqyada beesha Digil iyo Mirifle oo soo gaadhay xarunta caleemo saarka ee Laascaanood.

sooo.jpg

 

Madaxweyne Cadde Muuse Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Xasan Daahir Oo Wafti Balaadhan oo hadda soo gaadhay Madasha Caleema saarka Garaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great Day!!!!!!!!1

 

Hambalyo to the new Garaad, Garaad Jaamac Garaad Cali and I wish him all the best and may Allaah make his task easy. May he become the one, who reigns in peace, justice and righteousness!

 

Some images:

 

caleema%20saarka%20002.jpg

 

caleema%20saarka%20027.jpg

 

caleema%20saarka%20029.jpg

 

Bulugley in the background! How beautiful you're.

 

caleema%20saarka%20030.jpg

 

caleema%20saarka%20025.jpg

 

caleema%20saarka%20023.jpg

 

caleema%20saarka%20010.jpg

 

caleema%20saarka%20008.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Listen here to the ceremony taking place (caana shubkha garaadka), indeed very powerful and noble what took place today!

 

All the Somalis from the five corners were present and congregated under one banner, the banner of Soomaalinimo, dhaqan iyo isjacayl.

 

Great stuff, listen from the 33rd minute 50th second!

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this