Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing

Recommended Posts

Juje   

^^The following is even a better news.. :D

 

Mareykanka oo ka hadlay xiritaanka idaacadaha Shabelle, HornAfrik iyo IQK

Mogadishu 06, June.07 ( Sh.M.Network) Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay wareegatada dowladda KMG ah ee Somalia ay ku xirtey 3 idaacadood oo madax banaan oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo Washington ay sheegtay in ay dabagal ku sameyneyso arintaan.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, Michel Renirberger ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka walwalsan tahay talaabada dowladda KMG ay ku xirtey 3da idaacadood ee kala ah Shabelle Media Network, HornAfrik iyo Idaacadda Qur'aanka kariimka (IQK).

 

" Saxaafadda xorta ah waxa ay muhiim u tahay dalka Somalia iyo guud ahaan caalamka, waana in loo ogolaadaa Umadda Somaliyeed in ay war ka helaan saxaafadda xorta aha sida saxda ah" Ayuu yiri Michel Renirberger oo warkaan siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho wax yar ka dib markii ay soo baxday wareegto ka timid xafiiska Ra'isulwasaaraha oo lagu xirey idaacadaha shabelle, HornAfrik iyo IQK.

michel.jpgDanjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, Michel Renirberger

Hadalka Renirburger ayaa ku soo beegmay xilli maanta dowladda KMG ay soo saartay wareegto ay ku xireyso idaacado madax banaan oo ku yaala caasimadda

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Ok so they throw you a small scrap and you get excited, these remarks are encouraging.

 

We will continue providing support to the TFG as it establishes a stable national government based on national reconciliation in Somalia. We intend to provide technical assistance for the Somali investigation," the statement said.

 

"The Somali people want security and stability, and we are helping lead international efforts to bring this about," it said.

 

"We will continue supporting the efforts of the TFG, and of all Somalis who
renounce violence,
eve national reconciliation, particularly through the upcoming National Reconciliation Congress."

 

Those being chased have yet to renounce violence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan, I dont get it mate from copy and paste to Bush?

 

Also how they get upset at their groups gettoing touched yet never think about the actions these groups cause.

 

Its always after the fact for them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

Abwan, I dont get ti mate from copy and paste to Bush?

Saadambaad garan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

It is sad to see a "wasiir soomaliyeed" who can't even spell af-soomaali very well. The spelling is sad. The grammar is horrible. Too many mistakes in that "official" letter.

 

Ilaahayoow adigaa ummaddaan u maqan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...even if he grew up in Jamaica where I think not many Somalis live, this is not an excuse, plus what about the people around him? like Cabdi-qaybdiidka hiinraagayey sidii inuu wax qiimo badan akhrinayo hadalka u qurqurxinayey? Afhayeen-ku-sheegyada TFG, dadka sidee wax ka yihiin? Malaha qiirada beenbeenta ah iyo qaadkaa wax walba uga qiimo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooool........haddaanba dib ka arkay ee what happened to the contact telephone? Tolow ma Hormuud iyo Telecom baa ka xirtay? Haddaa iyagana la xiri doonaa waxbaa haysata.

 

I have seen and heard kuwa TFG u shaqeeya oo ka cabanaya in hanjabaado loo soo mariyo taleefonnadooda, kuwo xitaa leh taleefon private ah oo aan lambarku soo bixin maba qabanno. Nimanka dhibbaa haysta oo canaantii Gabre iyo Itoobiyaanna taas waa u dheer tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the qoraalkan soomaaliga is just kinda fine, except small typo here and there. His secretary failed to prove-read it many times before it sends out to the public. anyway kulligood wax ma qoraan mana aqriyaan..

 

Anyway, what is the point of displaying his email ministerofinformation@somali-gov.info. anyone want to send an email to him saying war heedhe qumayo ku qaadaye af-somaligaada soo hagaaji. loool!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub culus oo laga soo saaray dhismihii idaacada Hornafrik iyo goobo kale oo ka mida magaalada Muqdishu

Posted to the MOL June 6, 2007, 6:46 pm

 

Ka dib markii maanta dawlada KMG ah ahi xirtay idaacadaha Horfafrika, Shabele iyo Iqra ayaa ka dib xiritaankii idaacadaadahaas waxaa la baaray dhismayaashoodii, baaritaankaas oo ay sameeyeen ciidamada Itoobiya iyo booliiska Muqdishu oo iskaashanaya ayaa waxaa laga helay dhismihii idaacada Hornafrika hub culus oo aad u tiro badan.

 

 

Hubkaas oo lahaa noocyo kala duwan ayaa waxaa ka mida qoryaha lidka diyaaradaha, baasuukayaal, rasaas fara badan iyo qoryaha culus ee gacanta. Hubkii laga soosaaray dhismaha idaacada Hornafrik ayaa wuxuu buuxiyay gaari xamuul ah taas oo ka yaabisay dadkii deganaa xaafada oo isugu soo baxay barxada idaacada markii hubkaas la rarayay.

 

Masuuliyiintii idaacada Hornafrik ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan hubkaan laga helay gudaha idaacadooda. Qoraal maanta ka soo baxay Wasiirka warfaafinta ee dawlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa albaabada loogu laabay 3-da idaacadood ee aan soo sheegnay ka dib markii dawlada KMG ah ku eedaysay taageerida argagixiso iyo hurin colaadeed oo horey degniin looga siiyay.

 

 

Dhinaca kale waxaa manta sidoo kale Magaalada Muqdishu hawl galo ay sameeyeen ciidamada Booliiska Somaliyeed ku soo qabteen hub iyo rasaas aad u fara badan. Warsaxaafadeed ay wadajir u wada qabteen duqa magaalada Muqdishu Maxamed DHeere iyo taliyaha Booliiska Somaliyeed Cabdi Qaybdiid ayaa lagu soo bandhigay hubkaas.

 

 

Waxaa magaalada Muqdishu ka socda howlgalo culus oo lagu baarayo guryaha xaafaha ay ka dhamaan waayeen shaqaaqada iyo isqarxinta. Waxaana hadda muuqata in dawlada kmg ah iyo maamulka magaalada Muqdishu oo kaashanaya ciidamada Itoobiyana inay si tartiib ah ugu guulaysanayaan inay soo celiyaan nabadgalyadii caasumada oo waayadaan faraha ka sii baxaysay.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobalka Banaadir, oo sheegay inay hub ka soo heleen Garaash uu lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys, soona qabteen Tobaneeyo qof oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 09/06/07

 

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", ayaa sheegay inay hawlgalkii maanta ku soo qabteen 12-dagaalyahan oo xubno ka ah Kooxda Tababaran ee Al-shabaab ee Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia.

Md. Maxamed Dheere oo Suxufiyiinta kula hadlay Xaruunta Gobalka Banaadir, waxa kaloo uu xusay in Hawlgalka ay Ciiddamadda Boliska iyo kuwa Ethiopianka ka fuliyeen Xaafadaha Suuqa Xoolaha, Gubta, Zoonaha Isbitaalka Carafaad iyo agagaarka Wershaddii hpre ee Sigaarka iyo Taraqa ku soo qabteen labo gaari oo Tekniko ah, hub iyo qalab kale oo Isgaarsiin ah oo la sheegay in loo adeegsan jiry Hoggaaminta Madaafiicda.

 

Sidoo kale, Ciiddamadda Boliska iyo kuwa Ethiopianka, waxay hawlgal ka fuliyeen Geerash uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Shuuradda ee GMIS, Sheekh Xasan Daahir Aweys, halkaasi oo ay ka soo heleen Hal gaaari oo Tekniko ah oo uu saarnaa qoriga Lidka Diyaaradaha ee 37, 19-qoryaha K37 iyo Hal qori oo nooca BKM oo ay Sooamalidu u taqaano Daba-jeex

 

Dhinaca kale, Ciiddamadda Boliska Somalia, waxay maanta hawlgal burburin ah ka fuliyeen Suuq-bacaad oo ah Suuqa Labaad ee ugu weyn Magaalladda Muqdishu, iyadoo la burburiyey dhamaan goobihii ganacsiga ee sharci-darradda ahaa.

 

Hawlgalkan, ayaa ah kii ugu horreeyey ee laga fuliyo Suuqaasi, iyadoo isbuucyaddii la soo dhaafay hawlgal xooggan laga fuliyey Suuqa Bakaaraha, iyadoo la burburiyey goobihii ganacsiga ee Isku-raranka ahaa ee sida sharci-darradda ah loogu ganacsanayey 16-kii sannadood ee la soo dhaafay.

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub aruurin baaxadleh oo ka socota Muqdisho )

Last Updated::2007-06-09 21:47:25

 

Muqdisho:- Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa maalintii 4aad ka wada baaritaano qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa xaafadaha qaarkood guri guri u galaya ayagoo ku raad joogo wax alaale oo hub sida ay HorseedNet u xaqiijiyeen qaar kamid ah Shacabka degen Suuqa xoolaha oo maanta kamid ahaa goobihii baaritaanka laga sameeyey.

 

Ciidamada Dowlada oo ay wehliyaan cutubyo ah ciidamo Itoobiyaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku guuleystay in ay soo qabtaan hub aad u badan oo qaarkood si qarsoodi ah loogu hayey xarumo ku yaal magaalada Muqdisho iyo guryo si gaar ah loo leeyahay.

 

Baaritaankan ayaa bilowday kadib weerarkii bambaano ee lalal beegsaday Gurigii Ra'iisul Wasaaraha ayadoo goobaha sida aadka ah loo baaray ay kamid tahay suuqa weyn ee Bakaaraha, Hawlwadaag iyo Xaafada Towfiiq.

 

Tan iyo intii ay hawlgaladan bilowdeen ayaa waxaa hoos u dhacay weeraradii ka dhici jiray magaalada Muqdisho oo had iyo gooraale lala beegsan jiray ciidamada DFKMG iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiyaanka ah.

 

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", ayaa sheegay inay hawlgalkii maanta ku soo qabteen 12-dagaalyahan oo xubno ka ah Kooxda Tababaran ee Al-shabaab ee Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia.

 

Md. Maxamed Dheere oo Suxufiyiinta kula hadlay Xaruunta Gobalka Banaadir, waxa kaloo uu xusay in Hawlgalka ay Ciiddamadda Boliska iyo kuwa Ethiopianka ka fuliyeen Xaafadaha Suuqa Xoolaha, Gubta, Zoonaha Isbitaalka Carafaad iyo agagaarka Wershaddii hpre ee Sigaarka iyo Taraqa ku soo qabteen labo gaari oo Tekniko ah, hub iyo qalab kale oo Isgaarsiin ah oo la sheegay in loo adeegsan jiry Hoggaaminta Madaafiicda.

 

Sidoo kale, Ciiddamadda Boliska iyo kuwa Ethiopianka, waxay hawlgal ka fuliyeen Geerash uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Shuuradda ee GMIS, Sheekh Xasan Daahir Aweys, halkaasi oo ay ka soo heleen Hal gaaari oo Tekniko ah oo uu saarnaa qoriga Lidka Diyaaradaha ee 37, 19-qoryaha K37 iyo Hal qori oo nooca BKM oo ay Sooamalidu u taqaano Daba-jeex

 

Dhinaca kale, Ciiddamadda Boliska Somalia, waxay maanta hawlgal burburin ah ka fuliyeen Suuq-bacaad oo ah Suuqa Labaad ee ugu weyn Magaalladda Muqdishu, iyadoo la burburiyey dhamaan goobihii ganacsiga ee sharci-darradda ahaa.

 

Hawlgalkan, ayaa ah kii ugu horreeyey ee laga fuliyo Suuqaasi, iyadoo isbuucyaddii la soo dhaafay hawlgal xooggan laga fuliyey Suuqa Bakaaraha, iyadoo la burburiyey goobihii ganacsiga ee Isku-raranka ahaa ee sida sharci-darradda ah loogu ganacsanayey 16-kii sannadood ee la soo dhaafay.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this