Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing

Recommended Posts

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo maalintii shanaad howlgallo ka wada Maga

Written by Osman Dhayib

 

Waxaa magaalada Muqdisho maalintii shanaad ka socda howlgallo ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku baarayaan guryo ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Howlgalka ay ciidamadan sameynayaan oo lagu sheegay mid lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, isla markaana lagu uruurinayo hubka iyo waxyaabaha qarxa ee Muqdisho yaala, waxayna saakay ciidamadan ka howlgaleen Xaafado hoos-taga Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana hubka lagu uruurinayo, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in hubka ay Muqdisho ka uruuriyaan ay ku wareejinayaan Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, inkastoo aan ilaa iyo haatan ciidamadaas lagu wareejin hub ay Ciidamada Booliska iyo kuwa Itoobiyaanka ay ka soo qabteen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Xaafadaha saakay baaritaanada laga sameeyay oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa dadka ku dhaqan loo diiday in ay guryahooda ka soo baxaan, isla markaana ay isu socdaalaan, inkastoo bandowgaas maalmeed uu saarnaa intii ay socotay howsha baarista ah, kadibna laga qaaday.

 

Last Updated ( Saturday, 09 June 2007 )

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo hub fara badan oo hor leh gacanta ku soo dhigay howlgal ay saaka ka sameeyeen deegaaanka Suuqa xoolaha

 

Waxaa weli halkiisii ka sii socda howlgalo isdaba joog ah oo maalmahanba ay ka wadeen deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ay ku baarayeen goobo kala duwan oo ay ku tuhunsan yihiin in hub lagu qariyey, iyadoo howlgalkii ugu dambeeyey oo saaka ay ka fuliyeen deegaano ku yaala Suuqa xoolaha la sheegay in hub fara badan ay gacanta ku soo dhigeen.

 

Sida warku sheegayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka galay labo garaash oo ku yaala dhabarka dambe ee Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS, halkaasoo la sheegay iney ka soo fageen hub fara badan oo dhulka lagu aasay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen labo qori oo ah nooca loo yaqaano Zuu-ga ah, tiro qori gacmeedyo ah iyo rasaas noocyo kala duwan leh oo aad u fara badan.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho Mudane Maxamed Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) iyo taliyaha ciidanka booliska G/Banaadir Mudane Col. Cali Saciid ayaa la sheegay iney goob joog ka ahaayeen markii Hubkaasi la soo bixinayey, waxayna saxaafada u sheegeen in hubkan lagu wareejin doono gacanta ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo xusay iney sii wadi doonaan howlgalada noocan oo kale ah ee ay ku bartilmaameed-sanayaan goobaha ay ku tuhmayaan in hub lagu qariyey.

 

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay howlgal ka sameeyeen deegaanada ku teedsan Towfiiq ilaa Ex-Koontrool Balcad oo ka tirsan wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka soo qabteen hub aad u fara badan oo ay ka soo heleen xarumo iyo garaashyo halkaasi ku yaala oo ay ka mid tahay xarunta shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia ay ku leedahay deegaanka Heliwaa sida uu sheegay ggudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere oo saxaafada kula hadlayey xarunta gobolka ee degmada X/weyne.

 

Howlgalada ciidamada dowladda ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku gacan siinaya ciidamada Itoobiya iyadoo mudo todobaad ka badan magaalada laga wado baaritaano guryaha iyo goobaha kale ee laga shaki qabo.

 

 

Mtaan Gaaboow Muqdisho

 

Abaaqaroow.com wiil waal

Share this post


Link to post
Share on other sites

HUBKA%20LA%20QABTAY.jpg

 

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay howlgal ka sameeyeen deegaanada ku teedsan Towfiiq ilaa Ex-Koontrool Balcad oo ka tirsan wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka soo qabteen hub aad u fara badan oo ay ka soo heleen xarumo iyo garaashyo halkaasi ku yaala oo ay ka mid tahay xarunta shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia ay ku leedahay deegaanka Heliwaa sida uu sheegay ggudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere oo saxaafada kula hadlayey xarunta gobolka ee degmada X/weyne.

 

Sida warku sheegayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka galay labo garaash oo ku yaala dhabarka dambe ee Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS, halkaasoo la sheegay iney ka soo fageen hub fara badan oo dhulka lagu aasay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen labo qori oo ah nooca loo yaqaano Zuu-ga ah, tiro qori gacmeedyo ah iyo rasaas noocyo kala duwan leh oo aad u fara badan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this