Sign in to follow this  
Gabbal

Successful Baardheere gubernatorial elections.

Recommended Posts

Gabbal   

Doorashadii Maamulka Degmada Baardheere Oo Maanta Dhacday Iyo Gudoomiye Cusub Oo La Doortay (Daawo Sawirada)

Feb 13,2008

by Baardheere-GEDO-NN

 

Maamulkan cusub ee maanta loo sameeyey degmada Baaardheere ayaa ka kooban 23 Xubnood,kaasi oo ka dambeeyey kulamo iyo wadaxajoodyo mudo ka badan 6 bilood u soconayey Odoyasha dhaqanka Baaardheere,iyadoo mantana si rasmi ah Maamul cusub loogu sameeyey degmada Baaardheere.

 

Xafladii loo sameynayey Maaamulka cusub iyo tartanka doorashada Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa maanta waxaa ay ka dhacdey Xarunta Ururka Bisha Cas ee Degmada Baaaardheere,halkaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen dadweyne kor u dhaafey Boqolal oo ay ku jireen Ugaaska Beesha ****,Xubno ka socdey Wasaarada Arrimaha Gudaha, xubno ka socdey UNDP iyo marti sharaf kale oo manta ka qeyb galey dhamantoodba tartankii doorashada Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

 

Barre Cabdi Ismaaciil oo ahaa Gudoomiyahii Degmada Baaardheere oo labo maalin ka hor Saxaafada u sheegay inuu qaadacay tartanka Doorashada Gudoomiyenimada ayaa maanta soo xaadirey Goobta, isagoona u taagnaa jagada Gudoomiye ku xigeenka labaad oo uu mid kale uu kula tartamayey ayaa loogaga guuleystey waxana jagadaasi ku guuleystey Cali sheekh Axmed Shuuriye.

 

Gudoomiyaha Degmada Baaaardheere ayaa waxaa u sharaxnaa hal musharax oo keliya ,kaasi oo lagu magacabo Maxamed Shariif Xirsi Dhudi oo ugu dambeentii ku guuleystey Jagada Gudoomiyaha Baardheere ka dib markii 23 Xubnood ee Golaha Degmada Baardheere uu ka helay 21 Xubnood. Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Degmada Baardheere ayaa waxa ku guuleeystey doorashadii dhacdey Siid bakar shariif Cabdulaahi.

 

Si kastaba ha ahatee tartanka loo galey doorshada Gudoomiyaha Bardheere iyo labadiisa ku xigeen ayaa ahayd mid ku dhacdey si dimoqradiyad leh iyo jawi wanagsan mana jirin wax rabsho iyo buuq ah,xaaladani aya ku soo beegmaysa xilli degmooyinka Gobolka intooda badan loo sameeyey maamulo marka laga reebo degmada Luuq oo keliya.

 

doorasho.jpg

 

Xafladii.jpg

untitled-2_jpg.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gediid-

 

That is actually a good question. :D

 

Truthfully, I think I would have an answer if I had you in mind when I posted. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Good answer but dont you think the dinner table conversations among family members maan lagu sheegin dibadda lama soo dhigo....

 

PS

For the life in me I wouldnt know where the fcuk Baardheere is located on the great Somali map and I think you would be educating us if you actually took the time first to tell us where this new Cali Farax who has been elected Guddomiye meesha uu maamuuli doono.

 

PPS

Is it wrong to assume odeyasha baardheere as seen in the pics have a thing with xine?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Xiin, adeer, where is your usual sense of humour gone maanta! smile.gif Muraad ma lihiye adeer, wayga kaftan aan qoto dheerayn.

 

loool Che' mise intey Balanballe ku baabi'iyeen bey Caabudwaaq ku cadaadiyeen...

Share this post


Link to post
Share on other sites

LX

Dakada Laasqorey disideeda horey uma wadid. Ohio dhowr boqol oo kun bay ka aruuriyeen qolada Horn. Barre cida lagama ag maro. ee is jir :D:D:D

 

Maakhir wiil ka soo baxa Maxamuud cali shire baa ugu danbeeyey.... soo saas ma ahan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiin-

 

Gobonimadu waa loo kala dashaa adeer. For every Habar caaye that sprung from the Loins of Maakhir, there are thousands of Paragons and Hunguris. Markaan Habar Caaye daraadiis reerkaas ama cid kale u danaynayno maan Paragon iyo Hunguri daraadood u danayno!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this